Saturday, January 26, 2008

Guddida dib u dhiska Biriijka labaad ee Hargeysa oo ku dhawaaqy in la dar dar galiyo

Written by Qarannews.
Jan 26, 2008 at 05:50 PM


Hargeysa (Qaran)- Guddida dib u dhiska Biriijka labaad iyo horumarinta Caasimadda Hargeysa ayaa kulan ay xalay ku yeesheen Xafiiskooda Magaalada Hargeysa, waxa ay kaga hadleen sidii loo dar-dar-galin lahaa hawsha dhimaha Biriijka labaad ee Hargeysa.

Kulankan oo uu Guddoominayay Gudoomiyaha Guddidaasi Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan-Baradho), ayaa ay Guddidu waxay ku falanqeeyeen, sidii loo heli lahaa lacagaha maqan, iyaga oo ugu baaqay dadkii balan-qaaday lacagta qaadhaanka ah ee biriijka dib loogu dhisayo, oo aanay in badan oo ka mid ahi bixin, in ay la cagtaasi Guddiga u soo gudbiyaan, si ay hawshu u fududaato ayay yidhaahdeen Guddigu.

Guddiga Biriijka labaad ee Hargeysa, waxa kale oo ay sheegeen inay ku tala jiraan sidii hawsha dhismaha inteeda badan loo socod siin lahaa, inta ka horeysa xili Roobaadka sannadkan.

Madaxweyne ku-xigeenka oo Booqday Xarunta HCTV

Hargeysa (Qaran)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa khamiistii doraad booqasho aan la sii ogayn ku tagay Xarunta baahinta Telifeeshinka madaxa-banaan ee Hargeysa Cabble TV, ee Magaalada Hargeysa.

Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, oo si lama filaan adayd u booqday subaxnimadii Khamiista Xarunta Talifeeshinka HCTV, iyada oo xiligaa ay hawl-wadeenada TV-gu ku guda jireen shaqooyinkoodii, ayaa Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu ku soo wareegay qaybaha kala duwan ee Xarunta baahinta TV-gaas. Isla markaana Waxa uu ku ammaanay TV-ga HCTV, adeegyada kala duwan ee ay dadweynahooda u hayaan, iyo sida ay diyaarka ugu yihiin u adeegida bulshadadooda.

Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka, waxa uu sheegay in wararka loo eegoyo hab-shaqeedka, sidoo kalana HCTV, qalabka ay u isticmaalaan, baahinta iyo goobta loo doortay in ay u noqoto Xarun, uu u muuqdo mid uu ku noqonaya TV-ga mustaq-balka. “Maadaama aad muddo sanad ah shaqaynayseen oo aad heerkan maraysaan, aad ayaan idiinku hanbalyaynayaa. Waxaan sidoo kale idinku hanbalyaynayaa qaabka isu dheeliga tiran ee aad barnaamijyada u baahisaan,” Sidaas ayuu ku yidhi hawlwadeenada Madaxweyne ku xigeenku.

Madaxweyne weyne ku xigeenka socdaalkiisa waxa ku weheliyay, xoghayaha siyaasada Xisbiga Udub oo gaadhiga u waday sida uu sheegay madaxa barnaamijyada HCTV, Axmed Xuseen Warsame, Islamarkaana lamay soconin ciidan gaadh ah oo tiro badani, marka laga reebo laba Askari oo dhar cad ah oo watay gaadhi yar oo gaar ah.

No comments: