Monday, December 31, 2007

Kibaki oo loo Dhaariyey Madaxweynaha Kenya....... iyo Odinga oo Maanta isu Caleemo-saaraya Madaxweynenimo



















Mudaharaad iyo qalalaaso boob iyo dhacba leh oo wali ka socda magaalooyinka Kenya.

“Waa inaad sugtaan dawladda aan berri [maanta] idiin soo dhisi doono, waayo aniga ayaa ah madaxweynihii rasmiga ahaa ee dadweynuhu soo doorteen” Raila Odinga

Nairobi (Jam/W.Wararka)-
Musharaxa xisbiga mucaaradka Kenya ee ODM, Mr. Raila Odinga oo Guddiga Doorashooyinka dalkaasi sheegeen lagaga guulaystay doorashooyinkii dhacay Khamiistii toddobaadkan, ayaa shaaca ka qaaday inuu yahay Madaxweynaha xaqa ah ee ay dadweynaha reer Kenya soo doorteen, isla markaana aannu aqoonsanayn natiijadii ay ku dhawaaqeen Komishanka Doorashooyinku, sidaa darteedna waxa uu taageerayaashiisa u ballanqaaday inuu maanta soo dhisayo xukuumad cusub oo ku tilmaamay mid xor ka ah musuqmaasuq iyo maamul-xumo.

Mr. Odinga ayaa shir-jaraa’id oo uu xalay cawayskii ku qabtay magaalada Nairobi saacado yar kadib ku dhawaaqistii natiijada codbixintii doorashada, ayaa ugu baaqay shacbiga reer Kenya inay is-dejiyaan, iskana iloobaan natiijadii doorashada oo uu ku tilmaamay mid xaaraan ah, isla markaana u diyaargaroobaan dhismaha xukuumadda uu isagu soo dhisi doono ah oo uu sheegay inay tahay tii dadku doorteen.

“Waxaan ku baaqayaa dhammaanteenba in aynu meel iska dhigno wixii ina soo maray, una diyaargarowno inaynu si midaysan u wada shaqayno, isla markaana aad sugtaan dawladda aan berri [maanta] idiin soo dhisi doono, waayo aniga ayaa ah madaxweynihii rasmiga ahaa ee dadweynuhu soo doorteen,” ayuu yidhi Raila Odinga.

“Tareenka dimoqraadiyadda ee Kenya ma aha mid la joojin karo wuxuuna u soo rogmayanaa sida webiga NILE-ka, ciddii horistaagtana wuu qaadi doonaa,” ayuu ku daray Odinga oo si gaar ah ula hadlayey dadweynaha isbeddel-doonka ah ee codkooda siiyey.

Siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada reer Kenya ayaa si weyn uga dayriyey xaaladda siyaasadeed ee soo food-saartay dalkooda, iyaga oo natiijadii doorashada ku tilmaamay afgembi xeeladaysan oo lagula kacay xisbiga ODM, “Maanta waa maalintii ugu xumayd ee soo marta taariikhda dimoqraadiyadda dalka Kenya, waana inqilaab xeeladaysan oo si badheedh ah loogula kacay xisbiga ODM iyo malaayiinkii qof oo codkooda siiyeyba.” Sidaa waxa yidhi Koki Muli oo ah aqoonyahan falanqeeya siyaasadda Kenya.

“Waxa ina soo food-saaray waqti rabshado iyo mashaakilo wata, xaqiiqdu siday tahayna caddayn dhab ah looma hayo inuu Kibaki ku guulaystay doorashada.” Waxa sidaa yidhi Robert Shaw oo ah dhaqaalayahan deggan Kenya.

Xaaladahan cakiran ee ku soo kordhay Kenya ayaa laga yaabaa in dalka lagu soo rogo xukun degdeg ah, kaas oo markii ugu dambaysay ee dalkaa lagu soo rogay uu ahaa sannadkii 1982-kii, waqtigaas oo uu dhacay inqilaab fashilmay oo la doonayey in xukunka lagaga tuuro xukuumaddii Madaxweyne Jomma Kenyatha.



Mr. Raila Odinga waxa uu dadweynaha ugu baaqay in aanay wax rabshado ah oo marmarsiiyo looga dhigan karo xukun degdeg ah inay ka fogaadaan oo ay ku ekaadaan guryahooda.

Musharaxa xisbiga mucaaradka ODM ee dalka Kenya, Mr. Raila Odinga ayaa natiijooyinkii hordhaca ahaa ee codbixinta doorashooyinkii dalkaas ka dhacay Khamiistii la soo dhaafay ay si weyn u iftiimiyeen inuu isagu ku guulaystay, isla markaana aqlabiyad badan ka horreeyo musharraxa hadda ka guulaystay ee Mwai Kibaki.

Guddiga Doorashooyinka ee dalka Kenya, ayaa cidda ku guulaysatay doorashooyinkii 2007 ku dhawaaqay in mar labaad uu ku guulaystay hoggaaminta dalkaas Madaxweynihii hore Mwai Kibaki.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka ayaa natiijada si toos ah ugaga dhawaaqay Idaacadda Qaranka Kenya (KBC), kadib markay awoodi waayeen in ay natiijada doorashada kaga dhawaaqaan shir-jaraa’id, waxana la sheegay in la bakhtiiyey idaacadda kadib dhawaaqii natiijada.

Labada musharrax ee kala ah Mwai Kibaki iyo Raila Odinga ayaa ku kala badiyey codad ka badan 230,000 cod oo Kibaki dheeraaday musharraxa Odinga, iyada oo Mwai Kibaki helay codad dhan 4,584,721, halka uu Raila Odinga-na ka helay tiro ah 4,352,992. Tirada ay heleen marka la kala jaro waxa uu Mwai Kibaki ku badiyey codad dhan 231,728.

Mwai Kibaki ayaa wax yar kadibba loo dhaariyey jagada cusub ee uu mar labaad ku guulaystay, iyada oo dhinaca kalena ay rabshado cusub oo ka dhashay ku dhawaaqista natiijada ee guusha Kibaki lagu dilay 10 qof in ka yar saacad kadib ku dhawaaqistii natiijadii codbixinta iyo dhaarintii Madaxweyne Mwai Kibaki.

Raila Odinga oo shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Komishanka, ayaa sheegay in dadku codkooda ku dhiibteen ciddii ay doonayeen, sidaa darteedna uu Kibaki ixtiraamo doonista shacbiga oo uu tilmaamay in wax kasta ay ka weyn tahay. Waxa kale oo Odinga ku soo bandhigay shirkaa jaraa’id dukumenti uu sheegay inay markhaati u yihiin sida wax laysu daba-mariyey, isaga oo tusaale ahaan u soo qaatay in goob uu Kibaki ka helay codad dhan 55,755 loogu beddelay 75,261 cod.

Sida oo kale waxa uu sheegay Raila in codad ilaa saddex boqol oo kun gaadhaya loogu guray Mwai Kibaki, taas oo uu ku eedeeyey Komishanku inuu dhinac raacay, sameeyeyna eexashooyin in fara badan. Meelaha kale ee ay soo bandhigeen madaxda xisbiga mucaaradka ah ee ODM ee wax isdhaaf-dhaafinta laga sameeyey inay ka mid ahaayeen magaalooyinka Nakura, Moyale, Laisamis, Saku iyo Matuga, kuwaas oo uu sheegay in waxyaabihii foojariga [been-abuurka] ahaa ay soo bandhigeen wakiilladoodii sharciga ahaa, balse waxba laga dhegaysan waayey.

Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub ayaa hore ugu baaqay intii aan lagu dhawaaqin natiijada in labada musharraxba aqbalaan wixii ka soo baxa dhawaaqista natiijada codbixinta doorashada.

Doorashooyinka ka dhacay Kenya ayaa la sheegay in dib-u-dhacii ku dhawaaqista natiijooyinka darteed ay fawdo ku baahdo dalka badankiisa, taas oo dad ka badan dhawr qof ku dhinteen, laguna gubay guryo badan, isla markaana si weyn loo boobay meheradaha ganacsiga.



Jamhuuriya Online

No comments: