Monday, December 31, 2007

Kibaki oo loo Dhaariyey Madaxweynaha Kenya....... iyo Odinga oo Maanta isu Caleemo-saaraya Madaxweynenimo



















Mudaharaad iyo qalalaaso boob iyo dhacba leh oo wali ka socda magaalooyinka Kenya.

“Waa inaad sugtaan dawladda aan berri [maanta] idiin soo dhisi doono, waayo aniga ayaa ah madaxweynihii rasmiga ahaa ee dadweynuhu soo doorteen” Raila Odinga

Nairobi (Jam/W.Wararka)-
Musharaxa xisbiga mucaaradka Kenya ee ODM, Mr. Raila Odinga oo Guddiga Doorashooyinka dalkaasi sheegeen lagaga guulaystay doorashooyinkii dhacay Khamiistii toddobaadkan, ayaa shaaca ka qaaday inuu yahay Madaxweynaha xaqa ah ee ay dadweynaha reer Kenya soo doorteen, isla markaana aannu aqoonsanayn natiijadii ay ku dhawaaqeen Komishanka Doorashooyinku, sidaa darteedna waxa uu taageerayaashiisa u ballanqaaday inuu maanta soo dhisayo xukuumad cusub oo ku tilmaamay mid xor ka ah musuqmaasuq iyo maamul-xumo.

Mr. Odinga ayaa shir-jaraa’id oo uu xalay cawayskii ku qabtay magaalada Nairobi saacado yar kadib ku dhawaaqistii natiijada codbixintii doorashada, ayaa ugu baaqay shacbiga reer Kenya inay is-dejiyaan, iskana iloobaan natiijadii doorashada oo uu ku tilmaamay mid xaaraan ah, isla markaana u diyaargaroobaan dhismaha xukuumadda uu isagu soo dhisi doono ah oo uu sheegay inay tahay tii dadku doorteen.

“Waxaan ku baaqayaa dhammaanteenba in aynu meel iska dhigno wixii ina soo maray, una diyaargarowno inaynu si midaysan u wada shaqayno, isla markaana aad sugtaan dawladda aan berri [maanta] idiin soo dhisi doono, waayo aniga ayaa ah madaxweynihii rasmiga ahaa ee dadweynuhu soo doorteen,” ayuu yidhi Raila Odinga.

“Tareenka dimoqraadiyadda ee Kenya ma aha mid la joojin karo wuxuuna u soo rogmayanaa sida webiga NILE-ka, ciddii horistaagtana wuu qaadi doonaa,” ayuu ku daray Odinga oo si gaar ah ula hadlayey dadweynaha isbeddel-doonka ah ee codkooda siiyey.

Siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada reer Kenya ayaa si weyn uga dayriyey xaaladda siyaasadeed ee soo food-saartay dalkooda, iyaga oo natiijadii doorashada ku tilmaamay afgembi xeeladaysan oo lagula kacay xisbiga ODM, “Maanta waa maalintii ugu xumayd ee soo marta taariikhda dimoqraadiyadda dalka Kenya, waana inqilaab xeeladaysan oo si badheedh ah loogula kacay xisbiga ODM iyo malaayiinkii qof oo codkooda siiyeyba.” Sidaa waxa yidhi Koki Muli oo ah aqoonyahan falanqeeya siyaasadda Kenya.

“Waxa ina soo food-saaray waqti rabshado iyo mashaakilo wata, xaqiiqdu siday tahayna caddayn dhab ah looma hayo inuu Kibaki ku guulaystay doorashada.” Waxa sidaa yidhi Robert Shaw oo ah dhaqaalayahan deggan Kenya.

Xaaladahan cakiran ee ku soo kordhay Kenya ayaa laga yaabaa in dalka lagu soo rogo xukun degdeg ah, kaas oo markii ugu dambaysay ee dalkaa lagu soo rogay uu ahaa sannadkii 1982-kii, waqtigaas oo uu dhacay inqilaab fashilmay oo la doonayey in xukunka lagaga tuuro xukuumaddii Madaxweyne Jomma Kenyatha.



Mr. Raila Odinga waxa uu dadweynaha ugu baaqay in aanay wax rabshado ah oo marmarsiiyo looga dhigan karo xukun degdeg ah inay ka fogaadaan oo ay ku ekaadaan guryahooda.

Musharaxa xisbiga mucaaradka ODM ee dalka Kenya, Mr. Raila Odinga ayaa natiijooyinkii hordhaca ahaa ee codbixinta doorashooyinkii dalkaas ka dhacay Khamiistii la soo dhaafay ay si weyn u iftiimiyeen inuu isagu ku guulaystay, isla markaana aqlabiyad badan ka horreeyo musharraxa hadda ka guulaystay ee Mwai Kibaki.

Guddiga Doorashooyinka ee dalka Kenya, ayaa cidda ku guulaysatay doorashooyinkii 2007 ku dhawaaqay in mar labaad uu ku guulaystay hoggaaminta dalkaas Madaxweynihii hore Mwai Kibaki.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka ayaa natiijada si toos ah ugaga dhawaaqay Idaacadda Qaranka Kenya (KBC), kadib markay awoodi waayeen in ay natiijada doorashada kaga dhawaaqaan shir-jaraa’id, waxana la sheegay in la bakhtiiyey idaacadda kadib dhawaaqii natiijada.

Labada musharrax ee kala ah Mwai Kibaki iyo Raila Odinga ayaa ku kala badiyey codad ka badan 230,000 cod oo Kibaki dheeraaday musharraxa Odinga, iyada oo Mwai Kibaki helay codad dhan 4,584,721, halka uu Raila Odinga-na ka helay tiro ah 4,352,992. Tirada ay heleen marka la kala jaro waxa uu Mwai Kibaki ku badiyey codad dhan 231,728.

Mwai Kibaki ayaa wax yar kadibba loo dhaariyey jagada cusub ee uu mar labaad ku guulaystay, iyada oo dhinaca kalena ay rabshado cusub oo ka dhashay ku dhawaaqista natiijada ee guusha Kibaki lagu dilay 10 qof in ka yar saacad kadib ku dhawaaqistii natiijadii codbixinta iyo dhaarintii Madaxweyne Mwai Kibaki.

Raila Odinga oo shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Komishanka, ayaa sheegay in dadku codkooda ku dhiibteen ciddii ay doonayeen, sidaa darteedna uu Kibaki ixtiraamo doonista shacbiga oo uu tilmaamay in wax kasta ay ka weyn tahay. Waxa kale oo Odinga ku soo bandhigay shirkaa jaraa’id dukumenti uu sheegay inay markhaati u yihiin sida wax laysu daba-mariyey, isaga oo tusaale ahaan u soo qaatay in goob uu Kibaki ka helay codad dhan 55,755 loogu beddelay 75,261 cod.

Sida oo kale waxa uu sheegay Raila in codad ilaa saddex boqol oo kun gaadhaya loogu guray Mwai Kibaki, taas oo uu ku eedeeyey Komishanku inuu dhinac raacay, sameeyeyna eexashooyin in fara badan. Meelaha kale ee ay soo bandhigeen madaxda xisbiga mucaaradka ah ee ODM ee wax isdhaaf-dhaafinta laga sameeyey inay ka mid ahaayeen magaalooyinka Nakura, Moyale, Laisamis, Saku iyo Matuga, kuwaas oo uu sheegay in waxyaabihii foojariga [been-abuurka] ahaa ay soo bandhigeen wakiilladoodii sharciga ahaa, balse waxba laga dhegaysan waayey.

Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub ayaa hore ugu baaqay intii aan lagu dhawaaqin natiijada in labada musharraxba aqbalaan wixii ka soo baxa dhawaaqista natiijada codbixinta doorashada.

Doorashooyinka ka dhacay Kenya ayaa la sheegay in dib-u-dhacii ku dhawaaqista natiijooyinka darteed ay fawdo ku baahdo dalka badankiisa, taas oo dad ka badan dhawr qof ku dhinteen, laguna gubay guryo badan, isla markaana si weyn loo boobay meheradaha ganacsiga.



Jamhuuriya Online

Sunday, December 30, 2007

Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha ayaa maanta kormeer ku sameeyay Dekadaha Laas-Qoray,Xiis iyo Maydh iyo deegaanada la xidhiidha

















By: Admin on 12/30/07

Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Gobolka Sanaag Maxamed Yuusuf Maxamuud ayaa maanta kormeer ku sameeyay dekadaha Laasqoray Xiis iyo Maydh iyo deegaanada la xidhiidha.

Maxamed Yuusuf Maxamud oo dhawaan xilka Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha ee gobolka Sanaag loo magacaabay ayaa warbixino ka dhageystay ciidamada degan jiida xeebtaasi iyo kaluumaysatada deegaanka oo ay weheliyaan madax dhaqameed iyo aqoon yahano.
Waxaanay kaluumaysatadu taliyaha u sheegeen dhibaatada ay ku hayaan maraakiib badaasi ka kaluumaysta oo hubaysan waxaanay taliyaha ka codsadeen inuu wax ka qabto khasaaraha ay maraakiibtaasi soo gaadhsiiyaan qalabka ay kaluumaysatadaa yari isticmaalayaan iyo in la keeno xeebaha hub culus oo lagu difaaci karo badda.

Taliyaha oo ka hadlay ciidanka xeebaha ee degan goobahaas uu booqday ayaa ku wargeliyey inay xoojiyaan ilaalinta iyo la socoshada dhaqdhaqaaqa jiidaasi si looga hortago wax kasta oo dhib u keeni kara amaanka xeebaha Somaliland waxaanu balanqaaday inuu keenayo hubka loo baahan yahay.
Waxa tan iyo intii laascaanood Ciidamada S/land ay qabsadeen heegan la galiyey dhamaan ciidamada qaranka ee kala duwan si looga hortago weerar badda iyo barigaba kaga imankara S/land.

Source:goljano

850Km oo Badda Somaliland 200,000 tan oo Kalluun ah ayaa Sannadkii Lagala soo Bixi Karaa’...Wasiirka Kaluumaysiga














Published Dec 31, 2007

Wasiirka Kalluumaysiga Md. Cali Qorseef, ayaa sheegay 12 markab oo xukuumaddu ruqsad inay badda ka kalluumaystaan

kuwaas oo uu xusay in dakhliga ka soo xaroodaa ku jiro miisaaniyadda qaranka.

Md. Cali Qoorseef oo shalay si gaar ah xafiiskiisa ugu waramayey wargeyska Jamhuuriya, ayaa caddeeyey in aannu socdaalkii ay dhawaan ku soo mareen isaga iyo Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu aannu la xidhiidhin eedaymo loo soo jeediyey oo sheegayey in ujeedada socdaalkaasi aanu la xidhiidhin si ay heshiis ula soo galaan maraakiib kalluumaysi.

Sidoo kale, waxa Wasiirku shaaca ka qaaday in xukuumadda Somaliland dalka Itoobiya heshiis kula gashay in khayraadka badda iyo milixda laga soo saaro xeebaha Somaliland ay ganacsatada kaga qaataan bilaa cashuur.

Wareysiga Wasiirka Kalluumaysiga Md. Qoorseef oo dhinacyo badan taabanayey, isla markaana ahaa mid aad u dheer waxa uu u dhacay sidan:

Su’aal: Wasiir, dhawaan waxa jiray doonyo si sharci-darro ah uga kalluumaysanayey xeebaha galbeed ee Somaliland oo la qabtay. Waxaad nooga warantaa halkay ku dambeeyeen doonyahaas iyo dadkii watay?

Jawaab: Horta mar walba waa la qabtaa doonayaha oo waa joogto, waxaanay ku xidhan tahay kolba sida ciidanka ilaalada xeebuhu uga hawlgalaan, dhawrkan bilood ee u dambeeyey waxay soo qabteen ilaa shan doonyood, tii ugu dambaysay waxa 12 qof oo saarnaa iyo doonidiiba dhammaantood way xidhan yihiin.

S: Laakiin, marka doonyaha la qabto, haddana markiiba la sii daayo, arrintaas maxaa u sabab ah?

J: Waxay ku xidhan tahay, ciidanku wuu soo qabtaa wixii badda ku jira, kadibna way keenayaan, marka ay keenaan haddii uu sharci Wasaaraddan ka haysto waa la sii daynayaa, haddii aannu ruqsad haysan oo la caddeeyo waa la eegayaa waxa loo gudbinayaa Maxkamadda oo xukumaysa.

S: Dadka reer Somaliland ee kalluumaysatada ah iyo dadka wax ka yaqaan baduhuba waxay sheegaan in si weyn loo xaalufiyey baddii. Markaa ruqsadda Wasaaraddu bixiso, miyaanay ku jirin shuruudo u diidaya maraakiibta ama doonaha inay ka kalluumaystaan meelaha dhaw dhaw ee badda iyo nooca kalluunka ah ee ay qaadanayaanba?

J: Horta meesha waxa taala aqoon-darro, waxa suuqa laga sheegaana waa wax aan jirin, jaraa’idka waxaan ku arki jiray intii aanan iman 120 markab ayaa jooga badda Somaliland, waa la xaalufiyey, dhagaxii ayaa la guray, markii aan imi maxaa jooga ayaan idhi oo 12 markab ayey noqdeen. Marka ruqsadda la siinayo qaabaa loo siiyaa oo shuruudo ayey leedahay, maraakiibta iyo shabaagtu waa laba nooc oo kala ah mid (mid-water) oo biyaha dhexdooda ah iyo midna waa ka dhulka gaadha.

Markaa annagu ruqsadda aannu bixinaa gebigeeduba waxa la yidhaahdaa (Mid-water traveller) oo aan badda gunteeda gaadhin oo shabagoodu biyaha dhexe ayuu ku jiraa, waana la baadhaa oo waxa la eegaa shabaga uu sito, waayo shabaggu wuu kala dalool waaweyn yahay, shabaga daldaloolkiisu waa inuu le’egkaado 70mm, sababta sidaa loo leeyahay waa in kalluunka wayn mooyee ka yari ka dhex baxo oo aannu qaadin, makaa ka dal daloolka shabagiisu yar yar yahay ma oggolin. Markaa shabagga uu sito ayaa heshiiska iyo ruqsadda la siinayo ku taal.

S: Dhawaan waxa jiray in adiga iyo Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu aad socdaal ku soo marteen meelo ka mid ah xeebta Somaliland, socdaalkiinu muxuu daaranaa?

J: Socdaalkayaga waanu sheegnay oo ujeeddadiisa isaga oo qoraal warsaxaafadeed ah ayaanu bixinay, markaa wixii waanu caddaynee maxaa muranba keenaya.

S: Ma jirtaa in aad badda heshiis kula soo gasheen maraakiib ruqsad loo siinayey si ay uga kalluumaystaan badda?

J: Waxba kama jiraan, waa iska ceebayn iyo aflagaado, waxa caynkaas oo kale ahina sumcadda waddankeena ayey wax yeelayaan, idinka laftiina (saxaafadda) masuuliyad baa idinka saaran marka waxaas oo kale la qorayo, inta hebel ku xumee la wado dhibaatada ay geysanayso ayaa ka badan. Wixii aannu u tagnayna warsaxaafadeed baanu si cad ugu sheegnay, wax heshiis ah oo aannu badda ku soo galnay ma jirtee heshiiska waxa lagu galaa xarunta waddanka oo Hargeysa ah, bad gudaheed Ingiriiskii baa la yidhi baddaa heshiis lagula galee ma niman Ingiriis ah oo soo degayey baanu la galaynay?

S: Doonida aan sharci haysan ee la soo qabto maxaa lagu sameeyaa?

J: Kiiskeeda ayaa la qorayaa, kadibna maxkamadda ayaa la geynayaa, maxkamaduna waxay raacaysaa sharciga kalluumaysiga u yaal, marka ugu horreysa waa la ganaaxayaa, waxaannu ku salaysan yahay ganaaxu kolba inta uu misheenkeedu le’eg yahay, haddii mar labaad la qabto ganaaxu saddex jibaar ayuu noqdaa, mar saddexaad haddii la qabto waa la xidho saddex sanno doonidana lagala wareego.

S: Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiillada iyo dad kaleba waxay sheegaan in aan lacagta ka soo baxda maraakiibta badda ka kalluumaysata ee xukuumadda Somaliland ruqsadda siisay aan lagu darin miisaaniyad sannadeedka dawladda oo aan la aqoon meel ay ku dhacdo, arrintaas maxaa ka jira?

J: Way ku jirtaa, buuga miisaaniyadda 2007 ayaan iminka hayaa oo ay ku jirto bogga 4115, waxaanay leedahay dakhliga iyo fiiga kalluumaysiga badda, lacagta ku jirtaana waxay le’eg tahay hal bilyan saddex boqol iyo afar iyo afartan milyan. Markaa waxa suuqa laga sheegayaana waa been.

S: Baddeena khayraad fara badan ayaa ku jira, dadkeenuna ugama faa’iidaystaan siday tahay, wasaarad ahaan maxay siyaasaddiinu tahay si khayraadkaa badda ku jira loo baro dadka ama aad dalka wax ugu qabtaan?

J: Wax waliba aqoon ayuu u baahan yahay, aqoontana waxa dheer waa in uu jiraa dhaqan, sidaa daraadeed dadkeenu malaha dhaqan badda, waxaannu soo marnay Bulaxaar, Ceel-sheekh iyo Lughaya, dhammaantood laashashkii, shabaaktii, matooradii iyo talaajadihii la siiyey sannadkii 2004 oo halkoodii ku daboolan ayaanu ugu tagnay, markii aannu waydiinay cid badda gashaba ma hayno ayey yidhaahdeen oo xabbada kalluun ah ee badda ka soo caarida uf baannu nidhaanaa. Waxaannu ku nidhi saddex sanno ayey alaabtani taalay oo way khasaaroobaysaaye waannu idinka qaadaynaa oo Berbera, Saylac iyo meelahaa kale ee ka faa’iidaysanaya ayaanu u gaynaynaa. Meelahaas oo odhan waxa loo tababaray shaqaale markii ay dhammaysteena qof waliba meel ayuu qabtay.

Badda khayraad badan ayaa ku jira oo cilmi-baadhistii ugu dambaysay ee la qaado 1986-kii oo markii Soomaaliya aynu isku jirnay loo sameeyey badda Somaliland oo 850KM ah 100,000 Tan oo kalluun ah ayaa sannadkii iyadoon waxba la yeelin noolaha badda ku jira ayaa lagala soo bixi karaa, boqolkaa kun ee tan markaanu eegnay lix kun ayaa lagala soo baxaa sannadkii. Waxaannu ku talo jirnaa in meelaha Berbera, Saylac, Maydh, Xiis, Karin iyo Laasqoray in aannu u kordhino awoodooda, si hadhaw meelaha kale ugu daydaan, in kastoo ay jiraan duruufo oo marka uu ninku badda ka soo saaro waa in uu helaa suuq lagaga iibsado oo kalluunka laga soo saaro Buloxaar ama Lughaya suuqa uu haystaa waa Hargeysa ama Jabuuti, markaa ma hayso gaadhi ama qaboojiye uu intaa ku soo qaado, waddadii oo xunna way dheer tahay. Aqoon iyo maalgashigiiba in aannu u raadino oo siyaasad u samayno, taasi ayaanu isleenahay wax ugu qaban karaysaan.

S: Dalka Itoobiya ee aynu jaarka nahay malaha bad, kalluun badana way isticmaalaan, innagana waxa inooga yimaadda jaad ay dakhli badan ka helaan. Idinku xukuumad ahaan ma isku daydeen siyaasad kalluunkeena aynu ku baddelano jaadka Itoobiya inooga imanaya?

J: Haddadan baannu ka hadlaynay, waxaanna jira dad badan oo doonaya, laakiin markay ku yidhaahdaan 30 tan ayaan kaa doonaya wiig walba innaga awooddeenu maba samayn karno, iyagu waa diyaar’e innagaan bixin karayn wixii la inooga baahnaa. Ilaa saddex shirkadood baa geeya, oo kuwii toddobaadkan geeyey saaka [shalay] halkan ayey ila joogeen, oo waxay ka cabanayeen xadka ayaa waxoogaa nalagu daayey, taana waannu kula hadlaynay in la fududeeyo oo markiiba waraaqaha la siiyo illeyn waa hiliboo ma sugi karo waqti dheer.

Siyaasadda kalluunka sidii looga faa’idaysan lahaa waannu samaynay, laakiin ciddii fulin lahayd baa loo baahan yahay, maaha dawladdu inay wakaalad samayso oo iyadu iibiso sidii nidaamkii Hantiwadaaga, taasi dastuurkeena ayaan oggolayn, laakiin siyaasadda markay dawladdu samayso in dadku fuliyaan wixii dawladdu la qaban karayso la qabato. Iminka suuqa waannu u soo diyaarinay oo waxaannuu uga soo dhammaynay Itoobiya wixii badda ka soo baxa ee ah kalluun, aargoosato, milix iyo waxyaabo kaleba inay bilaa cashuur ku galaan waanay haystaan fursadii, laakiin intii loo baahnaa bayna wada gaadhsiin karayn.

S: Somaliland wali ictiraaf may helin, dhoofka xoolaha oo laf-dhabar u ahaana cunaqabatayn baa saaran, dhaqaaluhuna wuu liitaa, sidee looga bixi karaa xaaladdaa adag ee lagu jiro?

J: Waddan walba waxa uu qabsado dadkiisu ayaa lagu qiimeeyaa, 17-kaa sannadoodba waxaynu qabsanay ayuun bay ku jirnay oo halkii aynu ka bilownay 1991-kii iyo maanta farqiga u dhaxeeya waynu arkaynaa, markaa dadaalkuna wuu jiraa awoodeenu hadba sidaynu u shaqaysano ayey ku xidhan tahay oo horumarkeenuna ku xidhan yahay, rajada muuqataana waa mid aad u fiican.

S: Xukuumadda aad ka tirsan tahay waxa loo soo jeediyaa dhaliilo farabadan oo dhinaca dhaqaalaha ah, kuwaas oo la xidhiiha musuqmaasuq hay’adaha dawladdu ku kacaan, waxa la yidhaahdaa waxa soo maray dalka shantii sannadood ee dhaqaalihiisu ugu liitay, dhoofkii xooluhu wuxuu xidhan yahay, shaqo la’aan badan ayaa jirta, sixir-bararkii cirka ayuu isku shareeray, arrimahaas maxaad ka leedahay?

J: Wax walba in iska sheego maaha, ee marka wax la sheegayo wax cad oo qoraal ah oo la is barbar dhigo la keenaa, waa in la yidhaahdaa waxbaynu dhoofin jirnay oo intaas lacag ah ayaa innaga soo geli jirtay, iminka hoos buu u dhacay oo la sameeyaa is barbar dhig qoraal ah oo cilmi ku dhisan, laakiin haddii hadal aan caddayn lahayn la sheego waa wax aan macno lahayn. Runta markaynu sheegayno wuu korayaa dhaqaaleheeno.

Meel shaqo ka socotana waa la is dhaliilayaa, la ismaagayaa oo waxbaa la iska sheegayaa, waa iska caadi oo meel aan waxbaba ka socon waxba la iska sheegi maayo.

S: Waxa jiray in hoggaamiyayaasha ururka QARAN oo ah rag miisaan weyn ku leh dalka la xidh xidhay, kadib markii ay urur ku dhawaaqeen. Xadhiggoodii, siidayntoodii iyo sharciyadda in urur la samaysto adigu sideed u aragtaa?

J: Horta maaha in qofku yidhaahdo aniga sidaasay iigu muuqataa iyo sidaasaan jecelahay, waxa weeye xeerar, sharci iyo dastuur baa yaal, kaa ha lagu kala baxo, innagu waxan horteed ayeynu samaysanay xeerar aynu raacno, markaa kuwii hala raaco oo aynu ixtiraamno.

S: Marka sharci la isku qabto maxkamadda dastuuriga ah ayey ahayd inay kala saarto, waxa la leeyahay maxkamaddii sare hay’adaha dalka dhex uma aha oo inta badan xukuumadda ay la safato, markaa halkee lagu kala baxayaa?

J: Markay wax dhacaan kiis ha la geeyo, ha baadho, hala eego, ciddii gar lihi haddii ay ku qanciweydo waa in ay tidhaahdaa gartaasaan lahaa markhaatigeediina waa kaas waa la ii xukumi waayey, markaa caddaalad-darro ayaa ka dhacday, laakiin iyada oo aan waxba la geynba haddii la yidhaahdo meeshaasi dhex maaha oo sharci maaha, taasi waa khalad, markayse wax qaado ee ay ka soo baxaan ayaa wax la odhan karaa. Markaa ayeynaan ka hordhicin oo wixii aynu samaysanay innaga ayaa caayeynee aynu ka dayno

source....jamhuuriya.

Siyaasiyiin Miisaan leh oo isu soo Taagi doona Musharaxnimada Madaxwayne ee UDUB







December 30, 2007
(Hadhwanaagnews) Toddobaadyadii u dambeeyay waxa soo if baxayay warar ishaaraya siyaasiyiin magac iyo miisaan leh oo ka tirsan xisbiga xukuumiga ah ee UDUB, oo doonaya inay noqdaan murashaxa xisbiga UDUB ugu tartamaya doorashada Madaxtooyada oo la filayo inay qabsoonto bisha August ee sannadka 2008....



Sida ay tibaaxeen wararkaas oo uu Wargeyska Geeska Afrika ka helay ilo xogogaala, siyaasiyiintaas ayaa la sheegay inay wadaan dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan kasbashada xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga UDUB si ay u taageeraan murashaxnimadooda marka la qabto shirweynaha labaad ee xisbiga UDUB oo muddo dhaafay xilligii loo qoondeeyay oo ku beegnayd bishii Julay ee sannadkan. Xubnahan siyaasiyiinta ah oo aan tiradooda si rasmi ah loo ogayn, ayaa la sheegay in mid waliba si gaar ah u wato damaciisa siyaasadeed ee uu ku doonayo inuu ka qayb galo tartanka madaxtinimada Somaliland.

Xubnahan oo ay qaarkood isu dhawaayeen Madaxweyne Rayaale, waxa la sheegay inay go’aanadan qaateen ka dib markii ay saluugeen siyaasadda hoggaamineed ee Madaxweyne Rayaale ee ku waajahan dalka iyo xisbiga UDUB.

Wararkan oo aan ilaa hadda si rasmi ah u soo shaac bixin, waxa la filayaa haddii ay xaqiiqoobaan inay saamayn ku yeelan karto Madaxweyne Rayaale oo la aaminsanyahay inuu yahay murashaxa keliya ee xisbiga UDUB u taagan si uu ugu loolamo jagada Madaxweyenimada Somaliland, iyadoo la sheegay in raggan ay ku jireen ashkhaas saamayn weyn ku leh guud ahaan siyaasadda Somaliland iyo xisbiga UDUB dhexdiisa.

Wararkani waxa ay intaas ku darayaan in Madaxweyne Rayaale laftiisu dareemay dhaqdhaqaaqa siyaasiyiintaas, islamarkaana uu bilaabay qorshe uu ku doonayo inuu kaga hortago oo uu ku wiiqo cududooda siyaasadeed, iyadoo maalmahan u dambeeyay lagu ag arkay Madaxweyne Rayaale rag uu hore xil uga qaaday oo tiir weyn u ahaa doorashadiisii hore ee madaxtinimada dalka.

Si kastaba ha ahaate, waxa xaqiiqada warkani soo if bixi doonaa wakhtiyada soo socda ee la dareemo qaban qaabada shirweynaha xisbiga UDUB.

Wargeyska Geeska Afrika...

Friday, December 28, 2007

Somaliland: Dal U Baahan Maamul Wanaagsan





Mid ka mid ah tifatirayaasha Djbioutination ayaa warbixintan ka diyaariyay safar muddo qaatay oo uu ku tegay Somaliland sannadka 2007.

Muddo lix toddobaad ah ku dhaw ayaan joogay Somaliland. Waxan safar ku soo maray inta badan magaalooyinka waaweyn sida Hargeysa, Burco, Boorame, Berbera, Laas Caanood iyo Ceerigaabo. Iyadoo habka loogu nool yahay kala horreeyo ayaa waxan xoogga saaray inaan wax ka ogaado sida maamulku u shaqeeyo gaar ahaan caasimadda. Waxad arkaysaa dal burburay oo xididdadii maamul u siibteen. Dedaal badan oo ay muujisay dawladdu ayaa waxa hortaagan saddex arrimood:

- Aqoon xumo oo aanay shaqaalaha dawladdu badankoodu lahayn xirfaddii lagu dejin lahaa qaab maamul oo habaysan.

- Dhaqaale xumo aan si hufan loo qoondayn miisaaniyadda ku bixi lahayd saldhigga maamulka ama waxa afka qalaad lagu yidhaahdo bureaucracy.
- Iyo madaxda oo dhayalsata muhiimadda ay maamul hagaagsani u leeyahay horukaca dalka
Haddaad is tidhaahdo qaado liisanka baabuurta lagu wado ma jiro hab miisaaman oo dadku ka siman yihiin. Waxana ay inta badan ku xidhan tahay kolba qofka aad la kulanto iyadoo aan la eegin in aad baabuur wadi karto iyo in kale. Waxana jira in dad liisanka guryaha loogu keeno iyagoon marin imtixaan. Sidoo kale cashuurta waddo marista baabuurta ayaa ah mid aanay haba yaraatee aan dakhli badani dawladda soo gelin. Waxa jidadka maraya baabuur uu waraaqihii ay ka dhaceen oo marka bilyasku joojiyo waxa uu ka qaadayaa shaxadkii ama qadadii oo wuu sii daynayaa. Tani maaha mid ku kooban baabuurta oo keliya, hase yeeshee guud ahaan dalka waxa aad u liita habka cashuur qaadista iyo soo xeraynta hantida guud oo keenta in malaayiin shilin oo waxtar u yeelan lahaa horumarka dalku ay ku lumaan.

Cashuur qaadista ayaa ah ta keliya ee waraaqo (juwan) la isu jaro oo tixraac lambar leh, hase yeeshee kala badh ayaa dhexda ku luma waayo khasnadda dhexe iyo hanti dhawrka dalku ma laha awood ballaadhan oo ay ku gutaan waajibaadooda.

Xafiis kasta oo dawladeed oo leh hab waraaq kayd ah (Archives) ma jiro inta aan arkay Waxana inta badan la dhigaa xafiiska ninka kolba meesha haysta. Waxa mararka qaarkood dhacda in la waayo tixraac warqad hore loo qoray. Waxana faylalka mararka qaarkood guriga u qaata shakhsiga meesha madaxda ka ah. Taasoo keenta in marka uu soo shaqo tegi waayo laga doono guriga. Waxanay ku tusysaa in aanay jirin awood kala reebta shaqada iyo macluumaadka dawladda. Mar aan weydiiyaya nin dhallin yaro ah oo xafiis ka shaqeeya sababta ay madaxdu u qaadato faylasha qaarkood wuxuu iigu jawaabay, “Waxay qaataan marka ay ogyihiin inuu faylku mihiim yahay oo dhaqaale qof haystaa dani kaga xidhan tahay.”

Waa xaqiiq in dalka dhaqaale xumo hayso oo hanti badan aanu lahayn, waxase jirta in la kordhin karo dakhliga dawladda haddii la hagaajiyo nidaamka maamulka hay’adaha dawladda. Waa hubaal inay dadkii mameen oo uu qof waliba doonayao inuu mushaharka kabo oo jaadkii iyo qadadii ka sameeyo xafiiska uu joogo. Waxase jira inyar oo la aamini karo oo aqoontooda kor loo qaadi karo aragti dheer oo maanta waxa taagan ka fogna leh. Iyagoo kaashanaya wanaagga shacabka reer Somaliland oo u soo jeeda inay dhisaan dal iyo dawlad qiimo leh oo ay u aayaan.

Makxamadaha dalka oo ah laf dhabarta caddaaladda ayaad ku arkaysaa waraaqo badan oo la is dhaafsanayo. Waxa ka maqan saldhig kayd oo dhexe oo si fiican loo nidaamiyay lana ilaaliyay. Waxana dhammaan dawladdu leedahay tixraac wasaarad waliba isticmaasho si loo kaydiyo wixii macluumaad ah ama war isdhaafsi ah ee dhex mara hayadaha dawladda, kuwa shicibka iyo muwaadiniinta. Tixraacaasi ma aha mid qumman oo la fahmi karo. Waxana aad mooddaa mid hore looga dhaxlay tasliskii burburay oo aan ahayn mid si fiican loo maarayn karo.

Markaad la sheekaysato shaqaalaha dawladda qaarkood uma bilaabna muhiimadda warqadaha la isdhaafsado. Waxana arrintan keenay aqoon darro iyo tababar la’aan. Iyo iyadoo qofka shaqada lagu qoro cidduu yahay ama yaqaan ee xirfaddiisa aanay cidina eegin.

Sidoo kale inkastoo aanu waddanku lahayn boosta waraaqaha dibadda loogu diro, haddana waxay kari kartaa inay dawladdu dalka gudihiisa u samayso shirkad warqadaha la isku dhaafsado oo la aamini karo tayona leh.
Waxa kaloo aan haba yaraatee si hufan u muuqan isgaadhsiinta hayadaha dawladda oo haddii ay wasaaradi dirayso warqad ay tahay in qof loo dhiibo. Waxana dhacda in haddii ay dani kaa gasho laba xafiis lagu odhanayo adigu warqaddan qaad oo xafiiska kale u gee.

Somaliland waxay ka socon wayday maamul xumo. Maaha in siyaasadda keliya lagu boodo marka laga hadlayao maamul xumo ee waa agaasimayaasha guud, shaqaalaha mareeya mashaariicda dalka iyo kuwa xafiisyada jooga oo u baahan in hoos loo eego iyadoo maal gelin qalab iyo tababar la isku darayo.

Dalkani waa mid dhibaato ka muuqato waxana uu sameeyey dedaal aan yarayn marka la barbar dhigo dalalka kale. Xaqna maaha in lagu miisaamo dal sida Djibouti oo kale ah oo hab maamulka iyo kaydku yahay mid ka mid ah kuwa Afrika ugu haboon oo sidii loo dejiyay tobonnaan sannadood ka hor weli u habaysan. Waxase uu noqon karaa mid ay reer Somaliland ku daydaan (khaladna ha u fahmina in Djibouti ammaan aanay lahayn loo jeedinayo) oo ay dawladuhu ka wada shaqeeyaan sidii la isaga kaashan lahaa dhismaha habka Buruacracy ama qaabka dhismaha shaqada hayadaha dawladda iyo isdhaafsiga culuunta.

Shaki kuma jiro in ay dad aqoon leh oo hawlahan wax ka beddeli kara ay dalka joogaan amaba ay iman karaan. Waxase meesha ka maqan fikirka toosan ee arrintan lagu socodsiin lahaa. Waxaanad mooddaa inay dhammaan madaxda dalku mucaarid iyo muxaafidba ay ka hadlaan siyaasad iyo sidii kursi loo dooni lahaa. Oo danta kale ee dalku ay noqotay mid aan miisaanba ku fadhiyin.

Fiicnaan lahaydaa in madaxda Somaliland ay arrimahan xoogga saarto si dalku u higsado kuwa la jaarka ah.

Toddobaadka dambe waxanu soo daabici qormo kale oo ku saabsan sida ay wasaaradaha dawladda iyo hay’adaha dibadaha ka yimaadda u wada shaqeeyaan. Iyo weliba habka dhul bixinta caasimadda oo ah mid aad u liita.
Djiboutination

Kulan Lagaga Hadlayo Dhibaatada Gudniinka Fircooniga oo Burco ka Furmay iyo War kale










Burco (Jam)- Kulan lagaga doodayey dhibaatada gudniinka fircooniga ah oo ay ka qaybgaleen soddon xubnood oo ka socda macallimiinta dugsiyada GobolkaTogdheer, ayaa shalay ka furmay magaalada Burco.

Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adda Candlight qaybteeda caafimaadka, gaar ahaan FGM-ka, ayna maalgalisay hay’adda ISF, ayaa ujeeddadiisu la xidhiidhay sidii bulshada looga wacyigelin lahaa dhibaatada iyo khatarta uu leeyahay gudniinka fircooniga ahi, isla markaana macallimiintu qayb uga qaadan lahaayeen sidii ardayda dugsiyada iyo waalidiinta loogu baraarujin lahaa dhibaatada caafimaad ee uu sababo gudniinka fircooniga ah.

Sahra Axmed Gaas oo ah madaxa FGM-ka ee magaalada Burco oo kulankaa ka hadashay, ayaa ku tilmaantay gudniinka fircoonig ah aafo weyn oo u baahan in bulshada laga wacyigaliyo, lana fahmo saameynta uu ku yeesho dhinaca caafimaad ahaan qofka haweenka ah, “Sidaa darteed, haddaad tihiin macalimiintii waxa laydinka baahan yahay inaad doorkiina ka qaadataan sidii caadada xun looga tirtiri lahaa bulshada."

Sidoo kale waxa kulankaa hadal kooban ka ka jeediya Prof.Xasan Daacad oo ah maamulaha dugsiga VTC-Burco, waxaannu si faahfaahsan uga warramay halista uu leeyahay gudniinka fircooniga ahi, isla markaana yahay caado iyo dhaqan xun oo aan ku jirin diinta islaamka.

Kulankan oo socon doono laba casho ah, ayaa muddada uu socdo waxa si weyn loogu lafoguri doonaa mushkiladda iyo dhibaatada gudniinka fircooniga, loogana tirtiri lahaa bulshada.

Waa markii u horreeyay ee mashruuc noocan oo kale oo bulshada lagaga wacyigalinayo sidii looga hortagi lahaa halista uu leeyahay gudniinka fircooniga ahi laga hirgaliyo Gobolka Togdheer.

Hay’adda Shaqaalaha oo ka Jawaabtay Eedaymihii Maareeye-xigeenka Biyaha Burco

Hargeysa (Jam)- Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, ayaa jawaab cad ka bixisay eedaymo uu Maareeye-ku-xigeenka wakaaladda biyaha ee Burco Mr. Muuse Cabdi Ismaaciil ku durey in aannu si caddaalad ah u dhicin imtixaan ay maamulaysay hay’adda shaqaalaha dawladdu oo bishii November ee la soo dhaafay laga qaaday shaqaalaha wakaaladda biyaha ee Burco.

War-murtiyeed uu shalay ka soo saaray Hargeysa Guddoomiye-ku-xigeenka hay’adda shaqaalaha dawladda, ahna ku-simaha Guddoomiyaha, Md. Cabdikariin Cismaan Xasan oo isagu ahaa masuulkii hoggaaminayey guddida qaaday imtixaanka shaqaalaha wakaaladda biyaha Burco, ayaa beeniyey dhaleecaynta Maareeye-ku-xigeenka wakaaladda biyaha ee Burco u jeediyey hannaankii uu u dhacay imtixaankaas, isagoo sheegay masuulka hay’adda shaqaaluhu in imtixaankaasi u dhacay si xor iyo xalaal ah.

Maareeye-ku-xigeenka wakaaladda biyaha ee Burco, ayaa shir-jaraa’id oo 24/12/2007 ku qabtay xarunta Gobolka Togdheer, waxa uu ku sheegay in guddida hay’adda shaqaaluhu ay ahaayeen qaar daacadda oo doonayey in imtixaanku u dhaco si caddaaladd, haseyeeshee ay saamayn ku yeesheen xubno ka tirsan golaha deegaanka ee Burco oo guddida ku wahelinayey qaadista imtixaanka.

Maareeye-ku-xigeenka oo faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha uu ku dirayo imtixaankaas wuxuu yidhi; “Waxaan ka soo bilaabayaa imtixaankii iyo siyaabihi loo qaaday waxa ka xigta qaabkii loo maamulay imtixaankii agaasimayaasha nimankii u yimi qaadidda imtixaanka 90% waxay u yimaaddeen in ay imtixaan sharci ah qaadaan, laakiin waxa wehelinayay xubno ka tirsan golaha degaanka dabcan saameyntooda ayay lahayaeen labaad xubnood ee degaanku/

jiro ay shaqo badan qabteen imtixaankaasi marki uu dhacay shaqaale-hoosaadkiima laga qaaday waxa ku xigay kii agaasimayaasha agaasimayasha lix nin ayaa isa soo taagay in ay imtixaan galaan anigu, markaa waxan taagnaa in imtixaan sharciya laga qaado agaasimyaasha waaxyaha, laakiin waxa dhacday in laba ka mid ah agaasimyaashii hore ee wakaaladda cudurdaar keeneen waliba ninka la yidhaahdo Cismaan Yuusuf uu ku dooday in imtixaan hore looga qaaday uu ku baasay loo qiimeeyay agaasime kuna soo shaqeeyay agaasime dawladda hoose ah, sidaa daraadedna loo soo beddelay agaasime wakaaladda, markii uu imtixaankaasi sidaa noqday (waxa la yidhi, la kala dheeree orodse maaha) arintu waxay ku danbaysay rag siidhi loogu dhuftay oo midba dhinac u cararay, markaa imitxaankaas lama odhan karo boqolkiba boqol (100%) waxa uu ahaa Fair iyo sax.”

Haseyeeshee, war-murtiyeedka uu Guddoomiye-ku-xigeenka hay’adda shaqaalaha dawladdu, Md. Cabdikariim Cismaan Xasan kaga jawaabayey eedeymahaa ka soo yeedhay Maareeye-ku-xigeenka wakaaladda biyaha ee Burco, ayaa isna isagoo faahfaahsan waxa uu u dhignaa sidan:

“Waxa lagama maarmaan noqotay war cad ka soo saarno sidii uu u qabsoomay imtixaankii ay wadajirka u fuliyeen hay’adda shaqaalaha dawladda iyo wasaaradda arrimaha guduhu toddobaadkii ugu dambeeyey ee bishii November 2007, kaas oo ahaa imtixaankii iyo qiimayntii loogu talagalay shaqaalaha wakaaladda biyaha Burco.

Imtixaanka qiimaynta ahaa oo ay hay’adda shaqaaluhu hormood ka ahayd, ayaa muddo ku dhaw bil si qaloocan saxaafadda qaarkeed loogu soo bandhigayey, taas oo ay ugu dambaysay qoraallo ku soo baxay qaar ka mid ahy wargeysyada madaxabannaan ee caasimadda Hargeysa 25-kii December 2007, oo uu ku nashiray Maareeye-ku-xigeenka wakaaladda biyaha Burco Md. Muuse Cabdi Ismaaciil oo ka mid ahaa dadkii aadka noola shaqeeyey muddadii lixda casho ahayd ee aan hawsha imtixaanka aan wadnay isaga oo uu weheliyo Maareeyaha wakaaladu, kuwaas oo uu muuqday dad wada-shaqayn fiicani ka dhexayso.

Imtixaanka wakaaladda biyaha Burco lagu eedeeyey maaha kii guu horreeyey ee shaqaalaha biyaha laga qaaday, waxase ka horreeyey kuwii ka qabsoomay magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, halka dawladda hoosena la ixtixaamay Burco iyo Gabiley, gobollada kalena qorshaha hay’adda shaqaalaha iyo wasaaradda arrimaha guduhuba ugu jiraan in la mariyo imtixaanka qiimeynta shaqaalaha mustaqbalka dhaw.

Hay’adda shaqaalaha markay soo gaadhay qoraallo ka yimi wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka degmada Burco oo wakaaladda biyuhu hoos timaad, isla markaana qorshaha hay’adda shaqalaaha uu imtixaankaas wakaaladda biyaha ee Burco ugu jiray in la fuliyo inta aannu dhammaan sannadka 2007, ayaa Guddoomiyaha hay’adda shaqaaluhu uu arrintaa uu magacaabay guddi uu madax ka yahay Guddoomiye-ku-xigeenka hay’adda shaqaalaha oo ka koobnaa lix xubnood oo isugu jira Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo hay’adda shaqaalaha dawladda iyo imtixaan qaadayaal (examiner) madaxbannaan oo aqoonyahannada dalka laga soo xulay.

Guddiga imtixaankaa qiimaynta ah loo igmaday waxa laga taxadiray in aan lagu darin xubno ka soo jeeda deegaanka Burco ee la soo qiimeynayey, iyadoo la eegayey caddaaladda iyo habsami u qabsoomida imtixaankaas.

Guddiga imtixaanka markay gaadheen Burco maxay dhacay?

Subaxnimadii bishu ahayd 25 November waxaannu ku waabariisanay xafiisyada Guddoomiyaha Gobolka, kan degmada iyo maamulka biyaha si loo diyaariyo shaqaalah la qiimaynayo ee biyaha Burco, waxase la yaab ahayd markii ay guddiga soo gaadheen warqado la qaybiyey oo laguna shaqeeyey in shaqaaluhu qaadacayaan imtixaanka.

Qoraalada oo annagoo fadhina xafiiska Guddoomiyaha Gobolka la noo keenay, ayaa waxaannu maamulka isla garanay in shaqaalaha wadajir loola hadlo, annagoo gacanta ku hayna qoraalkaas oo ay ku qoran yihiin 88 qof oo saxeexa ka muuqdaa yahay in dhawr qof kaliya saxeexeen qoraalkaas.

Waxa shaqaalaha si fiican ula hadlay aniga iyo Guddoomiyeyaasha Gobolka Togdheer iyo kan degmada Burco, run ahaantiina waxa caddaatay in kacdoonkaa imtixaan-diidka ah ay masuul ka ahaayeen dad faro ku tiris ah, waxayna shaqaalahii sii diiran u soo dhaweeyeen in ay imtixaankaa diyaar u yihiin, waxa arrintaa garab socotay qoraalo ku soo baxayey wargeysyada Hargeysa ka soo baxa, qoraaladaas o buunbuuniyey waxa ay ku tilmaameen kacdoon imtixaan-diid ah, kaas oo ay muuqatay in ay falkiyeen dadkii fara ku tiriska ahaa ee qoraaladii hore keligood saxeexay.

Qabsoomiddii imtixaanka

Imtixaankii wakaaladda biyaha Burco loogu talogalay wuxuu ku qabsoomay xarunta jaamacadda Burco, waxana toos u maamulayey guddiga imtixaanka ee caasimadda ka tagay oo ay weheliyeen laba xubnood oo ka tirsan golaha deegaanka, ahaanna guddiga arrimaha bulshada kana soo kala jeeday beelaha bariga iyo galbeedka Burco.

Sida xeerka imtixaannada hay’adda shaqaaluhu dhigayo waxa goobtii imtixaanka si wadareed ha loogu dhaariyey guddiga oo ay ku jiraan labada xubnood ee degaanka Burco, waxaanna magaca Ilaahay ku dhaariyey Guddoomiyaha Jaamacadda Burco.

Imtixaanku wuxuu ahaa qof kasta shaqada uu wakaaladda u hayey, sidaa darteed shaqaalaha imtixaanka u fadhiistay culays kuma ahayn taas oo imtixaankaa 17 qof oo keliya, waaan ku tilmaami karnaa in uu ahaa imtixaannadii hay’adda shaqaaluhu qaaday kii loogu guulaysi badnaa, runt ahaantii waanan ugu hambalyeynayaa shaqaalihii Burco eek u guulaystay iyo maamulkooda gobol iyo degmaba sida ay noola hawlgaleen.

Maxaa khaldamay?

Sida aan soo sheegay Maareeye-ku-xigeenka wakaaladda biyaha Burco Muuse Cabdi Ismaaciil wuxuu ka mid ahaa masuuliyiinta sida sharafta leh noola shaqeeyey, waxayna markasta wadajir u shaqaynayeen Mareeyaha wakaaladda, inkastoo aanay oggolaansho u haysan goobta imtixaanka, haddana wuxuu u muuqday nin ku qanacsan siduu imtixaanku u dhacay, waxana ka mid ahaa hadalo uu ku tiraabay, isagoo ahaa ama dad ahaan ugu dhawaa in ay dhaceen cid uu ku eedeynayaana aanay jirin, haddaba Maareeye-ku-xigeenka bil ka dib maxaa beddelay?

Imtixaankii Agaasimaha Wakaaladda Biyaha Burco:

Markay dhammatay imtixaankii shaqaalaha wakaaladda (maamul iyo farsamo) ayaa waxaan u gudubnay kii agaasimayaasha wakaaladda oo hore u ahaa afar agaasime, balse waxa qaab-dhismeedka (establishment) cusub ee wakaaladda biyaha Burco loogu talogalay in lagu kobo saddex waaxood, iyadoo loogu talogalay in loo tartamo saddexdaa jago ee qaab-dhismeedka ku cad, waxa kale oo fursad loo siiyey ciddii agaasimayaashii hore la tartamaysa.

Guntii iyo gebogebadii, waxa imtixaankii agaasimeyaasha iskood ugu baaqday laba agaasime hore, halka laba qof oo shaqaale caadi ahi isku soo taageen in ay la tartamaan agaasimeyaasha hore, hadday dhacaana ay luminayaan shaqaalenimadoodii hore.

Arrinta Cismaan Ismaaciil:

Agaasimihii hore iibka (sailes) Cismaan Ismaaciil Yuusuf oo uu Maareeye-ku-xigeenku si gaar ah u soo qaatay waa runtii wuxuu hore ugu guuleystay imtixaan hore looga qaaday shaqaalihii dawladda hoose ee Burco isagoo galay imtixaan darajadiisu ahayd grade “B”, ninkaas wuxuu ku doday in uu imtixaan hore u galay, waxaanse u sheegnay in uu galay imtixaan darajada “B” ah, iminkana laga doonayo in uu u tartamo imtixaanka agaasime oo sida ku cad qaab-dhismeedka noqonaya darajada “A.” Waxaan agaasimahaa hore u sheegnay in uu imtixaanka agaasimenimo galo, shaqadda agaasinkiisana lagu imtixaamayo haddii uu ka shakhiyana uu ku ekaanayo grade “B-dii” uu hore ugu guuleystay, liiskana galayo imtixaanka la’aan.

Wuxuu Cismaan iskii u goostay in aannu galaynin imtixaanka “A” ee agaasimeyaasha kuna ekaanayo darajadda uu hore ugu guulaystay ee “B” isagoo hortayada qoraal caddayn ah ku qoray, si fiicana u raalligeliyey guddigii imtixaanka iyo odayadii golaha deegaanka sidaana arrintu ku dhammaatay, waxanna imtixaankii agaasimeyaasha galay afar xubnood, iyadoo ay ku guuleysteen laba ka mid ah kuwii hore agaasimeyaasha u ahaa iyo nin shaqaale caadiya ahaa oo run ahaantii ugu sarreeyey, annagoo u hambalyeynayna.

Haddaba, arrinta Cismaan Ismaaciil ee Mareeye-ku-xigeenku joornaalka ku sheegay arrintiisu isagana bil ka hor bay dhammaataye maxaa dib u soo nooleeyey?

Talo soo jeedin, ammaan iyo bogaadin:

Haddaba, Muusow muddadii aan shaqadda imtixaanka wada haynay ammaan baan u haynaa Guddoomiyaha Gobolka, Maayarka, xubnaha golaha deegaanka, Maareeyaha iyo Maareeye-ku-xigeenka oo adiga ah, mamaulka Jaamacadda, ciidanka amniga iyo shaqaalaha wakaaladda biyaha Burco, waxanse ku xasuusinayaa in qoraalka aad ku qortay joornaallada oo dhinacyo badan aad ku dhaliishay goobta shaqo ee aad masuulka ka tahay waxa ku habboonaa wixii dhaliilo ee kuu muuqda in aad ku saxdo si sharciga shaqaalaha waafaqsan ee saxaafadda ceebaha aad masuuliyadeeda wax ku leedahay aanad ku soo bandhigin.”

Jamhuuriya Online

Waraysiga VOA ee Madaxweyne Rayaale wuxuu Daah furey Aqoondarada sharciga ee Xukuumadda









December 28,2007
Faallo - Khadar Xasan Cali Jamhuuriya Times London Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin, ayaa waxa dhawaan waraysi dhinacyo badan ah la yeelatay Idaacadda VOA, laanteeda Afka-soomaaliga. Werysigaasi oo Madaxweynaha wax lagaga weydiiyay xeer cusub oo xukuumaddiisu ugu talogashay saxaafadda. Md. Rayaale oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Horta wax sharci ah oo samaysani ma jiro, [Proceture] (qanaawiin) sharcigu haddii aannu [Penalty] (ciqaab) lahayn sharci maaha, waa marka u horreysa, sharci iska furan oo [Penalty] (ciqaab) lahayna sharci noqon maayo, Law-ga (sharciga) waxa la yidhaahda ka ciqaabta leh.” Waxaanu intaa raaciyay hadal kaas ku liddi ah, waxaannu yidhi; “Waxa jira mid (Sharci) ay soo qoreen oo qaar badani khilaafsan yihiin sharciyada iyo dastoorka oo meesha yaalay baa jira. Beesha caalamka horumartay ayaanu COPY ka soo qaadanay, adduunka iminkana in la fikiroba looma baahna ee waxa lagaga daydaa waddamada hore u maray wixii shaqeeyey.”

Hadalladan is-khilaafsan ee ka soo yeedhay Madaxweyne Rayaale, ayaa noqday kuwo bulshadu ka dhex abuuray buuq iyo ismaandhaaf lagu diidan yahay weedhaha afka Madaxweynaha ka soo baxay, waxana ka mid ah kelmadaha sida weyn u xagtay bulshada sharciga oo uu ku tilmaamay haddii aannu ciqaab wadan in aannu sharci ahayn, sababta oo ah sharciyada oo dhami ma wada laha ciqaab. Bal si aynu iskula fahamno macnaha dhabta ah ee ereyga sharci waxa habboon in aynu qeexno sharciga laftiisa.

Sharciga waxa lagu macneeya qaynuun, xeer iyo nidaamyo isku duuban oo dad gaar ahi ku dhaqmo, amase dadyow badan ka dhexeeya, nidaamyadaasi iyo xeerarkaasi oo ah kuwo lagu heshiiyay. Waxa dejiya waaxda xeer-dejinta, dhowrista iyo meelmarinta sharciyadana waxa iska leh waaxda fullinta; sharraxaadda iyo fasiridiisana waxa leh waaxda garsoorka. Sharciyadana qaybaha ugu waaweyn waxa ka mid ah sharciyada maddaniga ah (civil law) oo aan iyagu intooda badani wax ciqaab ah lahayn, waana sharciyo dunida oo dhami isla aqoonsan tahay oo sharci ah.

Sidaa daraadeed, waxaad moodaa in aan madaxweyne Rayaale isaga oo aan u hubsan oo cadho badan iyo ciqaab uu la rabo saxaafaddu ay ka muuqato in uu ka jawaabay su’aashan dhinaca sharciga ah macnihiisa la xidhiidha. Waayo shuruucda oo dhammi ma wada laha ciqaab, gaar ahaan kuwa maddaniga ah, waxana hadalka Madaxweynaha loo fahmi karaa in ay muujinayso sida weli shuruucdii askarinimadu ay maskaxdiisa uga sii guuxayaan. Mana aha khasab in sharciyada iyo xeerarka oo dhammi wada yeeshaan ciqaab, sidaa awgeedna lama wada mid noqon karaan Xeerka Ciqaabta Soomaaliya (Somali Panel Court) ee dalkeena sida aadka uga shaqeeya, inkastoo intiisa badani ka horimanayaan distoorka qaran.

Sidoo kale waxa uu madaxweyne Rayaale yidhi, in xeerka saxaafadda ee xukuumaddu wakiillada u soo gudbisay uu yahay mid ay caalamka hore u maray ay ka soo qaatee, taas oo ah waxba kama jiraan. Waxaanay dadka xeel-dheerayaasha dhinaca sharciga ku takhasusay daraasaad ay sameeyeen ku caddeeyeen in xeerkani yahay mid laga soo qaatay dalka Yaman oo aynu runtii ka wada dheregsanahay halka uu dunida kaga jira, isla markaana Somaliland dhinaca dimuqraadiyada 100% ay kaga horeyso, kaasi oo hoos dhac ku keeni kara geeddi-socodka hannaanka dimuqraadiyadda dalkeenna ka jirta, haddii aynu xeerarka ka soo dheegano dal ka mid ah kuwa ugu hooseeya dunida Carabta marka loo eego dhinaca xorriyatul-qawlka iyo xuquuqda Insaanka. Waxa iyana xusid mudan in markii Yemen dhaqangalisay sharciga ay caalamku si aad ah ugu dhaleeceeyaan xukuumaddaasi meel-marinta xeerkan, maadaama uu ku salaysan yahay ciqaab iyo cabudhin aan saxaafadda oo kaliya ku koobnayn, balse saamayn weyn ku leh xorriyatul-qawlka (Freedom of speech).

Waxa iyana la yaab leh in madaxweynuhu ku tilmaamo xeerkan mid aan sharci u ekeyn, inkastoo Golaha Baarlamaanku ay ansixiyeen sannadkii 2004 (Xeerka Saxaafadda (Xeer No. 27/2004)), isla markaana xukuumadduna ay saxeexday sidaana uu ku dhaqan galay.

Xeerkana waxa la odhan karaa waxa uu hordhac u yahay qorshaha xukuumada ay rabto in ay ku xakamayso saxaafadda kuna dhinto xorriyatul-qawlka shacbiga reer Somaliland ku soo caano-maalayeen dhawr iyo tobankii sanno ee ugu danbeeyay, taas oo ah ta caalamku maanta ugu soo joogsado dalkeena, haddiise xukuumaddu sidaa u wado waxay caqabad weyn ku noqon doontaa horumarinta dimuqraadiyadda iyo xorriyadda oo aasaas u ah Somalilandta cusub (Moderate Somaliland). Waxana u daliil ah sida madaxweyne Rayaale carrabka ugu dhuftay in ciqaabta dunida ay sharciyada ka soo qaataan ku ridaan saxaafadda dalalkooda ay ka mid tahay in lala wareego wargeyska ku xadgudba xeerka saxaafadda, inkastoo waa sida uu hadalka u dhigaye aanay xukuumaddiisu weli ku dhaqaaqin in ay la wareegto wargeys.

Dhinaca kale haddii aynu ka eegnana waxa tan iyo intii ay xukuumaddu faragalinta ku samaysay dalladdii isku xidhka ururrada xuquuqda aadamaha u doodda ee SHURO-NET ay wax yar kadib ba u soo gudbisay Golaha Wakiillada xeerka Komishanka Xuquuqda Aadamaha oo runtii la odhan karo waxa dhaama meelmarinta ama ansixinta xeerkaas la’aantiisa, maadaama madaxweynuhu soo magacaabayo cidda soo xuleysa, isla markaana ka dhex dooranayo 20-ka ruux ee la soo xulo guddida komishanka.

Marka la isku soo wada duubana xaqiiqdu waxay tahay in aan Somaliland maanta u baahnayn xeer cusub oo saxaafadda lagu cabudhiyo, kaas oo laga soo min guureyay waddan nidaam kali talis ahi ka jiro. Waxaana la gudboon xukuumadda iyo mudanayaasha wakiiladu in ay isla eegaan sidii dib u habayn loogu samayn lahaa xeerka saxaafadda ee aynu iminka haysano oo runtii la odhan karo waa mid aad uga fiican kan ay xukuumaddu ka soo qaadatay Yemen.

Wareysiga Madaxweyne Rayaale waxaad ka garan kartaa sida ummaddeennu ay wali aqoondaridu uga haysato dhinaca sharciyada. Waxaana lama huraan in lagu baraarujiyo masuuliyiinta qaranka, shacbiga iyo shaqaalaha dowladaba sidii ay u baran lahaayeen sharciga dalka, taasi oo saxaafaduna qayb lixaad leh ka qaadan karto.

Mudanayaasha Golayaasha Baarlamaanka Somaliland-na waa in ayna marnaba meelmarin xeer kasta oo lagu xakamayno saxaafadda xorta ah, isla markaana hoos-u-dhac ku keeni kara xorriyadda aasaasiga ah muwaadiniinta reer Somaliland. Waana in ay ogsoonaadaan in ummadaha ku nool caalamka maanta lagu qiimeeyaa horumarkooda heerka ay ka joogaa xorraytul-qawlka iyo ilaalinta xuquuqda aadamaha. Soomaaliduna waxay ku maahmaadaa, ‘Geella duqdiisu durdurisay aarankiisana maxaad ka fileysaa


Jamhuuriya Online

Caddaalad Darray Ka Dhiidhidee Ma Haddaa Dhurwaa Geedka Loogu Xidhay!















Waxaa xaqiiqa in dhibaatooyin badan oo is biirsaday oo ku habsatay shacabka Somaliland ay sabab u ahayd dagaalkii dhexmaray ciidamadii Max’ed Siyaad Barre iyo xoogaagii mujaahidiinta SNM oo ku guulaystay inay soo celiyaan xorriyaddii dalkani u oommanaa ee dhayacantay ‘60 kii markii Muqdisha lagu tuuray madaxbannaanidii Somaliland lahayd oon wali hanaqaadin ooy noqtay gaajada ka bax baan guntiga u furtee ma haddaan galay geerashkeedii. Israacii labadii gobol ee Somaliya waxaan dhibaato ahayn, colaad sokeeye iyo sii kala fogaansho mooyee faa’iido kale muusan keenin waxayna sii horseeday in dib loo xakamayn waayo qaranimadii Somaliya ee burburtay 1991 kii markii xoogagii hubaysnaa ee SNM, USC iyo SPM ay cagta mariyeen ciidamadii maamulkii dhexe ee Somaliya isku hayn jiray ilaa waqtigan xaadirkaana lama oga meesha ay ku danbayn doonto mustaqbalkii Ummada Somaliyeed siiba kuwa Kofureed oo la gumaysto maanta.

Haddaba markii dalka lagu soo noqday ee taliskii Siyaad Barre meesha ka baxay muxuu ahaa dareenka iyo himilada shacabka Somaliland oo ka qatanaa caddaaldda, horomarkii dalka, awood qaybsigii iyo rajadii ay ka qabeen in laga baxay wixii hore oo soo dilooday iyo waaga cusub oo lagalay. Maalintaasi waxay ahayd maalin qaaliya oo dadka intiisa badan siiba kuwa da’daa uga qiimo badnayd maalintii calan saarka ee Ilaah ha u naxariistee Cabdullaahi Suldaan Timacadde uu lahaa: In sidayda tihiin iyo in kalaanan saxaynine.. Soomaaloo calan taagta.. Saakay noogu horreysa ..oo saddex wiig iyo maalmo.. Haddaan soor cuni waayo.. Safrad laygama yaabo.. Sarina mayso naftayda e.. Saxirkii kala guurraye.. Sarreeyow ma nuqsaamow.. aan siduu yahay eegno e.. Kaana siib kanna saar! - Allaahu Akbar.

Maxaa gaagixiyey himiladii Somaliland u hanqataagaysay oo ilaa iyo waqtigii lagu dhawaaqay la soo noqodkii gooni isukutaaga, maxaa keenay inaan loo gudbin marxaladii qaran dhiska iyo maamul buuxa oo isku dheeli tirin oo wali aysan u jirin itijaah loo raaco dawladda raad keedna lama hayo wax aqoonsiya, waxayna ku shiiqday meel ka liidata meeshii laga bilaabay. Himiladii dadweynaha ee ahayd in helay dawlad lagana raysan doono maamulkii Muqdisha waxay noqotay leefoo halliqin iyo candhuuftaada dib u liq. Xukuumaddu waxay ka badin wayday waar nabadda ilaasha tiiyoo ay carro nabad tahay wax laga baqaana uusan jirin aan ahayn Rabbiga wayn, mar qudhana waxaa guray rajadii laga qabay in laga raysan doono nidaamkii kaligitaliska ahaa ee dhibtan Geeska Afrika ka taagan sababteeda lahaa.

17 sano Hadduu maamul ka jiray: Somaliland maxaa ku soo kordhay ama laga qabtay adeegyadii dawladda laga sugayay oo ahaa laf dhabarka horumarinta dalka iyo soo jiidashada beesha caalamka oo aynu ka sugaynay inay naga caawiyaan xagga dhaqaalaha, tababarka shaqaalaha, tacliinta, adeega caafimaadka, qalabaynta xaafiisyada dawladda etc. Runtii waxuun dawladdani iyo kuwii ka horreeyayba qabte oo marka hore suge nabadgelyadii loo baahnaa in mujtamacu ku noolaado laakin noloshu ma ahan oo kaliya nabad baanu haysanaa ee waxaa loo baahnyahay in wixii dawladi qaban jirtay laga arko ee aysan ku soo meermeerin nabadda halla ilaaliyo tiyoo aysan wax nabadda wax u dhimayaa uusan dalka gudihiisa ka jirin inta aynu ognahay laakin noqotay wax dadweynaha lagu khaakhiyo ama lagu cabsi galiyo sidii caruurtii lagu seexin jiray dhag dheer baa soo socota ama dad-qalataa timid.

Wasaaradaha dalka ka hawlgala: Waxaad eegtaan adeegga ay bulshadu ka sugayso oo aadan ku tilmaami karin meel dawladi leedahay iyo meeshani waa Wasaarad oo mar walba albaabadaa isugu dhufsan ama dad aan ahayn kuwii wax kuu qaban lahaa baa ku dhex qayilaya miisaska korkooda, dhulkoo dhanna waxaa daadsan sigaar iyo garaabo qaad oo markiiba sanboor baad ka qaadaysaa haddaad in yar sii joogto waaba inaad wax ka qabsatee. Ma jiro wax kormeera oo mas’uuliyiinta dawladdu ku sameeyaan shaqaalahooda maadaa iyaguba yihiin kuwa ugu horreeya sharci jabinta waxaana dhaba sida shicirkani sheegayo “ idaa kaana rabbul bayti liddafi daaribun fashiimatu ahlul bayti kullum raqisu” Somaliduna waxay tidhaahdaa meel hashii duqda ahayd ka durdurisay maxaad moodaa aarankiisii. Ta kale bal u kuuragala inta saacadood oo loo shaqeeyo dawladda! Waa wax ka yar dhawr saacadood deetana qof waliba wuu isaga rawaxaa iyadoon aysan jirin cid kormeerta shaqaalaha iyo waqtiga xafiisyada laga rawaxayo ( waa hebel meeyey iyo suuquu yara gaaray).

Soo qaado dawladaha hoose: Waxaa dhab ah inaysan shaqaaluhu ku fillayn mas’uuliyadda ballaadhan ee ah adeegga nadaafadda guud, dhul bixinta, canshuuraha dawladda ee daily basiska, bilicda magaalooyinka iyo arrimo kaloo badan, waxayna ka mas’uulyihiin inay dadka waddooyinka dagay ka raraan suuqna u sameeyaan ay ku ganacsadaan oo ciriiriga wayn ka dhigay isku socodkii gaadiidka waxaana is dhex mara dadwynaha iyo gawaarida mana jirto wax waddooyina oo intii calanka la qaatay laga dhisay magaalooyinka Somaliland, intii koobnayd ee Ingiriisku sameeyeyna way wada burbureen oo adaaba naftaaga uga baqaya inaad ku hantaaturrooto waaba maride.

Waxaad kaloo eegtaan: Qaybta sharciyaynta/diiwaan galinta dhulka oo dhibaato wayni ka taagan tahay waxaana la kala garan la’yahy kii dhulka xaqa u lahaa iyo kay ka tahay ku qabso ku qadi mayside oo ay noqotay moodeel nololeed ama shaqo lagu soo saaro maalin nololeedka maadaama uusan jirin wax shaqaa oo dadku qabtaan markaa waa naabi allow rasuul allow ninba afkiis kugu ammaan waxayna noqotay nin walbow xeeladdaada ku meel mar. Haddii inkaar qabe lagugu sallido oo uu kugu qabsado meel aad lahaan jirteen ilaa iyo nabi Aadan wax kaa furfuri karaa ma jiro ilaa aad isku furato dhulka qiimihiisa wax ku dhaw waana nooc ka mida xirfadaha ay ku wada shaqaystaan dawladaha hoose, booliiska, maxkamadda gobolka, laanta degmada ee dawladda hoose iyo odaydhaqmeedyo qaylada iyo is qabqabsiga ku qaraabta aan jeclaynna in meesha wax ka hagaagaan, qaarbaana ku ducaysta qalalaasuhuu quudku noogu jiraaye Qaadirow ha qaboojin!!!

Garsoorka iyo Maxkamadaha: Dimoqraadiyada iyoCaddaaladda ay Somaliland ku faanto waxaa kaaga filan hab dhaqankii ugu danbeeyey ama dhacdooyinkii sannadkan 2007 oo wada markhaati madoontaa, aad kuna qanci kartid meesha waxa ka socdaa inuu la mid yahay Xeer-ilaalintii Siyaad Barre iyo Cismaan Geelle oo aad uga fogaa caddaaladda iyo xukum dawlad xishootaa ku fuliso muwaadiniinteeda, dhibaatooyinkii Soomaaliya ka dhacayna waxaa abuuri jiray wixii la odhan jiray nabad sugidda ama NSS tii immikana aad ugu badan maamulka Somaliland. Waxaad eegtaan xadhigii suxufiyiinta Haatuf, kii Urur Siyaasadeedka Qaran, faragalintii shuuro.net iyo qawaaniinta ay ku xakamaynayaan Saxaafadda xortaa oo intuba yihiin wax ka hor imanaya Xeerarka dalka u degsan, abuurina kara isku dhac ay dawladdu ku doonayso ku cimri dheeraysi iyo xaalad abuur dadkaase noqday geed dhulka ka baxaye Allow maxay doontay dawladdu isku dhac siyaasadaysan.

Gabagabadii: Iima muuqato ceel lagu soo arooro iyo meel reerka loo raro toona, hadday sidan ku sii socotana waxaa la waayi doonaa dalkoo dhan. Waxaad moodaa inay kooxdan dalka hoggaamisaa heshiis la galeen kooxda Mbigaati kuna ballansanyihiin qorshooyin qarsoon oon dan u ahayn shacabka Somaliland. Xukuumadda waxaa ka go’an in loo tuso dadweynaha inaysan Somaliland isku fillayn kana maari karahayn Muqdisha waa hadday tahay xaggaa maamulka, dhaqaalaha, shaqa abuurka, ganacsiga iyo cududda millatari. Halkaa waxaa kaaga soo baxaya sida ay wax u socdaan iyo dawladdo ka caga jiidaysa oon raalli ka ahayn in la helo ICTIRAAF ama dhaqaalii wax lagu socodsiin lahaa, wixii la soo helene masoo dhaafto madaxtooyada iyo laaluush siyaasadeed oo lagu kala furfuro oday-dhaqmeedyo iyo ciddii cidhiidhi galisa siyaasaddeeda qaawan. Ciddii diidana waxaa loo taxaabaa Jeelka Mandheera waxaana loo adeegsanayaa qodobka ciqaabta ee 101 ee MUUSALIINI waqtgii faashiistaha ku xukumi jiray siyaasiyiintii ka soo horjeeday nidaamkii faashiga ahaa ee goormuu Talyaanigu gumaystay Somaliland!!! Mise waa adduunyo gaddoon!!!

Wa billaahi tawfiiq iyo Allaa mahadle

Qalinkii: Shueib A. Gabose

Canada, Toronto

Gabose55@hotmail.com

Thursday, December 27, 2007

Dhisme cusub oo lagu Darayo Jaamacadda Hargaysa.






By: Admin on 12/27/07
Madaxweyne ku xigeenka S/land Ahmed Yuusuf Yaasiin ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu darayo jaamacada Hargaysa oo ay maalgaliyeen Baanka Islaamku.

Dhismayaashan lagu kordhinayo jaamacada Hargaysa waxa ku baxaya $450,000(Afar boqol iyo konton kun oo doolar).waxaanu dhismahaasi qaadanayaa muddo toban bilood ah lacagtaasina waxa loo qaybiyay laba boqol iyo shan iyo konton kun oo Dollar oo dhismaha lagu hirgalin doono iyo boqol iyo shan iyo sagaashan kun oo lagu qalabayn doon.

Munaasibadii seeska dhismahaasi loo sameeyay ayuu Madaxweyne ku xigeenku ka sheegay inuu dhismahani yahay kii ugu horeeyay ee jaamacada laga hirgal iyo tan iyo intii dhismaha hore ee jaamacada loo dhisay,waxaanu uga mahadnaqay Baanka Aduunka mashruucan oo ardayda S/land ugu deeqay

Ax’ed Yuusuf Yaasiin waxa uu xusay inay ardaydan imika ka nasiib badan tahay ardaydii hore jaamacadan loo dhisay oo uu sheegay iyadoo jaamacad loogu talagalay hadana qorshihii laga bedelay oo dugsi sare laga dhigay.

Waxa uu madaxweyne ku xigeenka S/land ka codsaday Maamulka iyo ardayda jaamacaduba inay ka faa’iideystaan dhismaha iyo qalabka loo dhigi doonaba.

Dhismaha cusub ee jaamacada lagu kordhinayo waxa hirgalinaysa shirkad wadani ah oo lagu magacaabo Axad Construction Company.

Source:Goljano

SHALAY: IS BAR-BAR JOOGGII ISMAACIIL YARE EE MADAXWEYNE RAYAALE LABA MID KEE BUU AHAA?..














Staff Writer
Published Dec 27, 2007
Markii uu Madaxweyne Daahir Rayaale muddo yar oo kooban ahaa Madaxweynaha Somaliland, waxa uu Wasiirka Arrimaha gudaha u magacaabay Eng. Ismaaciil Aadan Cismaan, oo aan xilligaas hayn wax xil dawladeed ah. Markii ay muddo yar wada shaqaynayeen waxa soo baxday xan xoog badan oo sheegi jirtay in xidhiidhka Rayaale iyo Ismaaciil aad u wanaagsanyahay oo ay jaal fiican ku noqdeen dhinaca siyaasadda. ...



Waxa uu Ismaaciil ku caan baxay inuu si adag uga jawaabo eedaymaha mucaaradka uga yimaada xukuumadda uu ka tirsanyahay, waxaanu qayb libaax ka qaatay doorashooyinkii Madaxtooyada iyo Goleyaasha deegaanka oo uu garab taagnaa xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweyne Rayaale ee UDUB, taas oo uu ku mutaystay inuu ka mid noqdo ragga Madaxweyne Rayaale kalsoonida weyn ku qabay, islamarkaana uu noqday nin magac iyo awood badan.
Dhawr goor ayay qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha mucaaradku ugu baaqeen Madaxweyne Rayaale inuu casilo wasiirka Arrimaha gudaha iyagoo eedaymo u xambaarin jiray. Balse Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin dheg jalaq uma siin jirin, waxaanay isaga iyo saaxiibo kaleba Ismaaciil u arkayeen geesi xukuumaddu leedahay oo aan la gaban weerarka mucaaradka. Marar badan oo ay xilligaas soo baxeen warar sheegaya in mugdi ka dhex jiro Madaxweyne Rayaale iyo Ismaaciil yare, haddana ma noqon kuwo xaqiiqo ah.
Waxase mar keliya lagu war helay mugdi galay kalsoonidii Madaxweyne Rayaale ka qabay Md. Ismaaciil Aadan Cismaan. Markaas oo Madaxweyne Rayaale soo saaray warsaxaafadeed uu kaga jawaabayo hadal ka soo yeedhay Ismaaciil Aadan Cismaan oo uu ku weeraray qaar ka mid ah culimada Burco oo uu ku sifeeyay inay yihiin wadaado Diin cusub la soo baxay.“Maaha go’aan xukuumadeed odhaahda wasiirka arrimaha gudaha Md. Ismaaciil Aadan Cismaan ee uu ku leeyahay waxaanu la dagaalamaynaa wadaado gaara sida ku qornayd wargeyska jamhuuriya”. Xukuumadu culimo iyo koox gaara oo ay talaabo ka qaadaysaa ma jirto sida caadiga ahna shakhsigii fal-danbiyeed ku kacan ayuunba la qaban karaa iyadoo sifo sharciya loo maraayo.”
Ismaaciil Aadan Cismaan, kama jawaabin warsaxaafadeedkaas Madaxtooyada, waxase aan meesha laga saarayn inuu warsaxaafadeedkaasi ahaa farriin miisaan leh oo dareen gelisay Ismaaciil Aadan Cismaan, taas oo uu Madaxweynuhu ugu muujinayay isbedel ku yimid xidhiidhkoodii wacnaa, maadaama Madaxweyne Rayaale ka door biday inuu Ismaaciil gaar ula hadlo, inuu ugu jawaabo warsaxaafadeed dunida lagu baahiyay.
Muddo kooban ka dib markii dareenkaasi soo if baxay, ayaa goor arooryo ah oo ku beegnayd 30 May, 2006 Idaacadda Radio Hargeysa laga maqlay warsaxaafadeed Madaxtooyada ka soo baxay oo xilkii lagaga qaaday Ismaaciil Aadan Cismaan. “'Madaxweynaha JSL Md Daahir Rayaale Kaahin ayaa saaka laba xeer Madaxweyne oo uu soo saaray xilkii qaranka ay u hayeen kaga qaaday Wasiirkii Arrimaha Gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan iyo Taliyihii guud ee ciidanka Booliska Somaliland guddi baadhiseedna u saaray falkii ay ku kaceen kooxda Birmadka oo aan ahayn dhaqan ciidan, si sharciga loo mariyo cidii masuulka ka ahayd dhacdadaasi.
Madaxweynuhu xil ka qaadista wasiirka Arrimaha Gudaha sababteeda waxa uu ka yidhi ''Khilaafkii adiga iyo taliyaha ciidanka Booliska idinka dhexeeyay oo aan in badan isku dayay inaan xaliyo ayaa wuxuu maanta ina gaadhsiiyay in koox ka mida ciidanka Birmadka Boolisku ay ku kacaan gadood ka dhashay khilaafka adiga iyo taliyaha idiin dhexeeya, sidaasi daraadeed waxa lagama maarmaan noqotay inaan kaa qaadi xilkii wasiirnimo ee aad qaranka u haysay laga bilaabo Maanta.”
Tallaabadaas Madaxweyne Rayaale shaqadii kaga fadhiisiyay Wasiirkiisii, waxa ay dad badan ku noqotay yaab iyo amakagaad, waayo marna lagama fakarin in Mudane Rayaale si fudud xilka uga qaadi karo Ismaaciil oo la saadaalin jiray inay mar xilka ka wada degi doonaan, marka loo eego xidhiidhkoodii xooganaa iyo kalsoonidii ka dhaxaysay.
Ismaaciil yare, oo loo arkayay inuu xog badan hayo, waxay dadka badankiisu filayeen inuu arrimo badan daboolka ka qaadi doono marka uu xilka wareejinayo, sida in badan lagu arkay wasiiro xilka laga qaaday. , Balse sidii la filayay Ismaaciil ma noqon, waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay hadli maayo, ,sirta ugu badana anigaa haya. laakiin sheegi maayo, oo waan la dhimanayaa.”
Madaxweyne Rayaale muddo ka dib waxa uu xilkaas u magacaabay Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo xilligaas ahaa Badhasaabka Gobolka Hargeysa. Indheer garad badan oo muddooyinkii u dambeeyay la socday siyaasadda Madaxweyne Rayaale ayaa in badan saadaalin jiray in Md. Cirro noqon doono bedelka Ismaaciil Aadan Cismaan, taas oo aakhirkii rumowday, taas oo Ismaaciilna dareensanaa, aakhirkiina rumowday.
Haddaba, Md. Ismaaciil Aadan Cismaan oo aan muddo lagu arag agagaarka Madaxweyne Rayaale tan iyo mudadaas xilka laga qaaday oo sanad iyo dheeraad ah, ayaa markii u horaysay shalay lagu arkay Madaxweyne Rayaale agtiisa, sidii uu berri ahaa. Waxa uu ka mid ahaa raxan isugu jiray wasiiro iyo asxaab kale oo Madaxweynaha ku weheliyay kormeer uu ku soo maray taliska guud ee ciidanka qaranka iyo Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, isaga oo weliba Ismaaciil ku lebisnaa suudh bilic leh iyo muraayad, taas oo muujinaysay inuu shalay diyaar ahaa. Arrinta markiiba la dareemay ayaa waxay ahayd in Wasiirka Arrimaha gudaha ee xilligani Md. Cabdillaahi Cirro aanu goob joog ka ahayn kormeerkaas Madaxweynaha, halka uu goobtaas joogay wasiikii hore ee uu xilka kala wareegay.
Isku soo wada duuboo, ka muuqashadii Ismaaciil ee Madaxweynaha agtiisa ee shalay oo dareen dhalisay, waxa loo fasiri karaa inay laba mid uun ahayd: Bidhaan muujinaysa in Ismaaciil jidka ku soo jiro, maadaama doorashooyin soo dhow yihiin, iyo xusuus berisaamad.

Wargeyska Geeska Afrika...

Heshiisyada Qarsoon iyo jawaabta Wasiirka Macdanta






“Kuma odhanayo heshiis marka la galayo kuma jiro kharash. (Xaqul qalin) Laakiin waa wax qoran”

“Waxaan u malaynayaa in mashaarciida aanu annagu u xilsaaranahay….Golaha Wakiilladana” wasiirka macdanta waraysi

J:Berbera aniga iyo Wasiirka Kalluumaysiga, waxaana ay ujeedadayadu ahayd in aanu xeebaha iyo dadka ku dhaqan soo aragno, xaaladoodana soo ogaano, khayraadka badda ku jira sidii loo ilaalin lahaana dadka ku war gaadhsiino.


S: Sahanka yaad heshiis kula gasheen, rajo intee le’eg baadse ka qabtaan inaad ku guulaysataan sahanka?

J: Horta annagu Afartaa sano ayuun baanu ka shaqaynaynay, rajo wanaagsan ayaanu ka qabnaa inuu sahankaasi hir-galo, shirkada aan heshiiska la galay ee hawshaas fulinaysaa waa shirkada Norway ah, waana shirkadaha lagu yaqaan inay sahanka qaadaan shirkadaha ugu waawayn bay ka mid tahay, rajo wayna waanu qabnaa inaanu sahankaa ku guulaysanayno.

S: Wasiir habeen dhawayd waxa la sheegay inay diyaaradi fadhiisatay garoonka Hargeysa oo sahan ka samaynaysay dhinaca hawada khayraadka shidaalka, arrintaasi ma jirtaa?


J: Hawshaa aanu Afarta sano wadnay ayuun bay ka mid tahay sahanka in aanu cirka, dhulka iyo badaba inta aanu gaadhi karayno, waxaana ugu muhiimsan ee khayraad lagu raadin karo waa macluumaad iyo sahan in la qaado, markaa hawshaasi waxay ka mid tahay hawshii aanu Afarta sano wadnay. Iyana iminka barnaamijkeedii wuu soo dhamaaday, waana run way jirtaa diyaaradu, hawsheedana sahankana way bilaabaysaa.

S: Markaa goobaha ay ka bilaabaysaa ma goobo la cayimaybaa mise waa dalka oo dhan?

J: Dalka oo dhan bay sahan ka qaadaysaa.

S: Wasiir intii aad noqotay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha waxa jira heshiisyo aad la gashay shirkado ajnabi ah oo xagga khayraadka ku saabsan, ilaa haddana wax la taaban karo oo lagu guulaystay ma jiro, markaa heshiisyadani miyaanay kuwii hore la mid ahayn?

J: Horta adeer sheekadu sida aad mooday maaha, waxa kun-fa-yakun ahi ma jiro, adduunka ma jirto hawl caawa la bilaabayo oo berito dhamaataa, heshiisyada iyo wada-hadalka iyo arrimuhu sanado ayay qaataan, tii aanu sanadada ka shaqaynaynay ee heshiisyada ayuun bay tana ka mid tahay, waana midhihii ugu horeeyay ee hawlihii aanu galay, kuwii horeyay tan iminka socota haddii aad hore u maqashay heshiis baa la galay, kii aanu daba soconay kan uun buu ahaa, waana hawl wakhti qaadanaysa, midhaheediina waanu rajaynaynaa inuu dhakhso u soo baxo.


S: Imisa heshiis bay ahaayeen kuwii aad la gashay shirkadaha Ajnabiga ah?

J: Iminka korka kama hayo sow maalin walba cidi nooma timaado, ilayn heshiisyada dood, wada-hadal iyo wax baa la bilaabaa, markaa maalin walba cid baa noo timaada, maalin walba cid baanu arrimaha kala shaqaynaa, meel walba waanu marnay, waxaanu safaro ugu baxnay raadinta arrimahaas, kuwaasoo aan u malaynayo in aanay ka yarayn ilaa Lix Safar oo Maraykanka ah oo Yurub leh, oo meel walba leh, dee waxay ka mid tahay hawlaha aanu u xil-saaranahay in aanu u raadino dalka wax lagu shaqaysto, ama loo raadiyo macluumaad.

S: Wasiir waxa sharciga Somaliland dhigayaa, in heshiisyada shirkadaha shisheeye lala galo, in la mariyo Golaha Wakiillada, si Goluhu u ansixiyo, dhowr goorna Golaha Wakiilladu wuu kuu yeedhaye, manaad hor-tagine, markaa sidee ayuu ku xallaaloobayaa heshiiskan aad la gashay shirkadaha shisheeye?

J: Waa ku-tidhi ku-teen, wali aniga iyo Goluhu wax aanu isku diidnay ma jirto, hal walibana waxay leedahay marxaladeeda iyo wakhtigeeda, hawsha ilayn annaga ayaa soo bislaynayaa, ee markay u baahato in aanu Golaha Wakiillada horgeeyo, waa wakhtigeeda markay gaadho. Taasi annaga hawshayada weeye. Laakiin, waxa meelahaa lagu sheeg-sheegayaa waa ku-tidhi ku-teen, hawshu dariiqeedii bay ku jirtaa, goorta ay bislaato ee sharciyan ciddii loo gudbin karo diyaar baanu u nahay, waanaan u gaynaynaa.

S: Haddii aad heshiiskii samayseen oo diyaaradii bilowday, miyaanay ka horayn, in heshiiska Golaha Wakiillada lagu xalaaleeyo.

J: Wallaahay, arrintaasi waxaan u malaynayaa inay ka mid tahay mashaariicda aanu annagu u xilsaaranahay, ee maaha ee mid ka duwan taa aanu biyaha la galo, ama aanu Hay’adaha kale la galo, kama duwana uun baan u malaynayaa. Laakiin, markay sharciyan dariiqeedu soo dhamaado ee loo baahdo cid waliba way helaysaa baan u malaynayaa.

S: Wasiir sahanka la samaynayo kharashka ku baxay yaa qaba?

J: Waxa weeye farsamo ahaan iyo heshiis ahaan sida dadku u shaqaysanayo ayuun baynu u shaqaysanaynaa, innagu lacag aynu bixinayno oo hawshaasi ku fulinayno ma jirto, heshiiska ayaa dhigaya caynkaas, iyagaana bixinaya, iyaga ayaa hawsha galaya.

S: Wasiir sida saxaafada lagu shaaciyay heshiisyo aad hore u gasheen shirkado ajnabiya, dhaqaalo badan ayaa idinka soo galay, oo waxa lagu sheegayaa lacag Milyano ah in aad xaqul qalin uga qaadeen shirkadahaas, maxaa ka jira arrimahaas?

J: Marka heshiis la galo waxa lagu heshiiyo ayaa la fuliyaa. Heshiiska waxa loo galayaana wax u dan ah umadda weeyaan. Heshiisku waxa uu noqdo uun baa la fulinayaa, haddii aad taa fulin waydo dee bini’aadamka lama shaqaysan karaysid, heshiisku wuxuu yahay wax gaar ah, wax madmadow ah oo suuqa gacan midig laysku siiyaana ma jirto ama laysku reebaana ma jirto.

S:Ma jirtaa lacag Milyanaad dollar ah, oo xaqal qalin aad ka qaateen shirkadahaasi?

J: Waxa heshiisku dhigayo waxaan ahayn oo la galaa ma jirto. Heshiis uun baa wax lagu gaadhaa, heshiiskuna wax qoran weeye.

S: Heshiiska ma ku jirtaa taasi xaqal-qalinka ahi?

J: qodobada ku jira heshiiska marka aad dib ugu noqoto , iminka korka kama hayee, mid waliba sida kharashka loo gelinayo. Iminka wasaarada waxa laga caawiyay in tababaro loo diro kharash weeye, iminka kuma odhanayo heshiis marka la galayo kuma jiro kharash, waxba lagama odhanayo ee waa sida heshiisku dhigayo waana wax qoran.

S: Wasiir lacagtaa xaqal qalinka ah ee aad qabateen xagay ku dhacdaa ma qasnada dawlada?

J: Marka heshiiska la saxeexo, ee heshiiska sida uu yahay dawladu ayaanu annagu ka wakiil nahay, annaga sad gaara oo aanu haynaa ma jirto, mid waliba halkeedii iyo jaranjarteedii ayay martaa.

S: Miyaanay haboonayn in lacagtaa xaqal-qalinka ah ee aad shirkadaha ka qaadeen in Golaha Wakiillada aad ogaysiisaan si ay idinku xalaaleeyaan?

J: Malaha sharci baad ka hadlaysaayoo, sharciga markaynu ka hadlayno wax waliba sharcigu sida uu yahay in aanu u hogaansanaano xaq baa naloogu leeyahay, waana waajib weeye, Golaha Wakiilladuna xaq bay u leeyihiin inay wax na waydiiyaan.

Safiirka Maraykanka u Fadhiya Nayroobi oo Shaaca ka Qaaday inuu u Hawlgalayo Ictiraafka Somaliland








Safiirka dawladda Maraykanka u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Ambassador Michal Ranneberger, ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday in dawladdiisu ka hawlgeli doonto sidii Somaliland aqoonsi caalami ah uga heli lahayd aduunka.



Ambassador Michal Ranneberger oo la hadlayey wefti ka socda Somaliland oo Kenya u tegay inay goob-joognimo uga qaybgalaan doorashooyinka Khamiista maanta ka dhacaya dalkaas, waxa uu xubnaha weftiga ku wargeliyey in dawladda Maraykanku si buuxda uga hawlgeli doonto sidii Somaliland aqoonsi diblomaasiyadeed uga heli lahayd beesha caalamka.

Mr. Cumar Jaamac Faarax, Xoghayaha Siyaasadda ee xisbiga UDUB oo xubin ka ah weftiga Somaliland ee goob-jooginimada uga qaybgalaya doorashooyinka dalka Kenya, ayaa warsaxaafadeed uu shalay khadka internetka saxaafadda u soo mariyey waxa uu faafhaahin kaga bixiyey kulankii weftigooda dhexmaray Safiirka Maraykanka u jooga Nairobi Ambassador Michal Ranneberger.
“Dawladda Maraykanku waxay si fiican u gacansiin doontaa Somaliland sidii loo aqoonsan lahaa, waxana loo baahan yahay in waddamada AU-da culays badan lagu saaro arrintaas, annaguna waxaannu diyaar u nahay in aannu raacno dawladda u horreysa ee ku dhawaaqda arrintaas oo aanu gacan ka geysan doono,” ayuu yidhi Safiirku.
Wefiga ka socda Somaliland oo isugu jira xubno ka kala socda Komishanka Doorashooyinka, saddexda xisbi qaran iyo saxaafadda madaxaabannaan, ayaa Isniintii dorraad gaadhay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay kulamo kula yeesheen masuuliyiin iyo madax ka kala tirsan beesha caalamka.
Weftigan oo ujeeddada booqashadiisa Nairobi ku qotonto sidii ay goob-joognimo ugaga qaybgeli lahaa doorashooyinka la filay inay maanta ka dhacaan dalka Kenya, ayaa waxay habeen hore kulan casho-sharaf ah la yeesheen Safiirka Maraykanka u fadhiya Nairobi, Ambassador Michal Ranneberger.
Xubnaha weftiga ka socday Somaliland oo ka degay madaarka caalamiga ah Jomo Kentatta Airport ee magaalada Nairobi, waxa halkaa ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan Mac-hadka International Republican Institute oo suurtogeliyey safarkooda Kenya, kuwaas oo u gelbiyey guriga uu deggan Ambassador Michal Ranneberger, kaas oo isaguna si diirran u soo dhoweeyey .
Waxa kale oo Safiirku kulankaa ku soo hadalqaaday wufuud kala duwan ka kala socda waddamo dhawr ah oo goob-joog ka noqon doono doorashooyinka Kenya, isaga oo dalalkaas si gaar ah carrabka u dhejiyey inay ka mid yihiin Somaliland iyo Bosnia Helsagovena.
Casho-sharaft Safiirku u sameeyey weftiga Somaliland waxa kale oo uu ugaga warramay aragtida dawladdiisu qabto aqoonsi Somaliland ka hesho beesha caalamka, isaga oo tilmaamay Somaliland in wax badani iska beddelay aragtida dawladda Maraykanka ee dalkii Soomaaliya, isla markaana Somaliland si fiican uga gacansiin doonaan sidii ay u heli lahayd aqoonsi. “
Waxa weftiga iyo sifiirku ka wada hadleen waxyaabaha Somaliland kaga duwan tahay Soomaaliya iyo siday ku hanatay nabadda ay haysato, iyaga oo weftigu u sheegay in dadka reer Somaliland dhaqan u leeyihiin nabadda, lagana soo bilaabay geed hoostii, go’aanna ay ku gaadheen inay dhistaan qaran la yidhaa Somaliland.
Sida oo kale waxa ay weftigu shalay booqasho ku tageen goob lagu dhaqo xayawaanka oo lagu magacaabo (Safari Parka), waxaanay subaxnimada hore ee saaka u ambabixi doonaan degaannada Northeast Garisa oo ay goob-joogayaal ahaan uga qaybgeli doonaan doorashooyinka madaxtinimada, iyaga oo weftigu u kala qaybsami doonaa saddex aag oo kala ah Nairobi, Massay dhulka Massaydu degto iyo Garisa oo ah degaanka Soomaalida Kenya, halkaas oo ay joogi doonaan muddo laba maalmood ah.

TogdheerNews
Hargaysa.

QORSHAHA HORUMARINTA BULSHADA















Marwo Saynab oo gudoonsiinaysa
maayarka Oodwayne buugaagtii.

Published Dec 27, 2007
Kulan balaadhan oo lagu soo bandhigay Qorshaha horumarineed ee oodweyne,kana soo qaybgaleen in ka badan boqol xubnood oo ka kala socda Hayadaha caalamiga,kuwa wadaniga,Hayadaha dawlada,masuuliyiinta g/togdheer,madaxda degmada iyo ururada bulshada ayaa manta lagu qabtay xarunta degmada Odweyne.




Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen Hayada DRC,ayaa salka ku haya warbixino laga soo ururiyay bulshada oo ku saabsan baahiyaha odweyne oo laga dhigay buug kaasoo u fudeynaya hayadaha iyo cidkastoo danaynaysa waxka qabashada baahiyaha degaanka.



Gudoomiye xigeenka gobolka togdheer Guuleed Daahir Samatar,oo kulankaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyay habkan qorshaha horumarineed ee baahiyihii bulshada lagu soo ururiyay buuga,ay hawlayaraynayso waxka qabashadoodu,islamarkaana cidkasta oo danaynaysa wax uqabashada bulshada loo dhiibayo buugan “Aad baan ugu faraxsan ahay inaan arko reer odweyne oo diyaar u ah inay wax qabsadaan.”.

Waxa uu ugu baaqay Gudoomiyuhu hayadaha samafalka,kuwa wadaniga iyo hayadaha dawladaba inay wixii ka khuseeya buugan ee ay wax ka qabankaraan baahiyahaa ay wax ka qabtaan,
maadaana degamada odweyne tahay degmo balaadhan,waxaanu u mahadceliyay Hayada Drc,ee hawshan soo diyaarisay isagoo xusay in loo baahan yahay in magaalo kasta oo Somaliland ah laga sameeyo qorshahan oo kale.

Marwo,Saynab caydiid oo ah xidhiidhiyaha guud ee mashaariicda DRC,ayaa iydoo faahfaahin ka bixisay Buugan lagu soo koobay baahiyihii bulshada waxay tidhi “Buugantani waa laba, waxaana lagu soo ururiyay baahiyihii bulshada ee magaalooyinka Odweyne iyo Ceelsame,waxayna ahayd fikrad ka timi dhinaca daweynaha oo ay ka qaybqaateen,waxaanu ku salaysan yahay qorshaha tobonka sano ee soosocda”.

Waxay intaa ku dartay Marwo Saynab in ujeedada laga leeyahay ay tahay in la helo qoraal lagu ururiyo baahiyahii,ka dibna loo dhiibo cidkasta oo danaynaysa waxkaqabshadeeda,talaabadan oo kalena waxaanu hore uga soo samaynay Magaalooyinka Xariirad,Dararweyne,Balse waxay tilmaantay in loo baahan yahay inaad samaysantaan cidii dabagali lahayd wixii laga qabtay iyo waxa dhiman baahiyihiina.

Waxa kaloo Marwo,Saynab sheegtay in buugan ka kooban yahay kow iyo tobon baahiyood oo ay ka mid yihiin,Baahiyaha guud,baahiyaha Haweenka iyo dhalinyarada,baahiyaha danyarta,waxayna ugu dambayntii gudoonsiisay buugaata oo loogu magacdara Qorshaha horumarinta mustaqbalka Maayirka degmada odweyne.

Mr.Sulub Ismaaciil Axmed oo ka mid ah masuuliyinta Hayada VETAID,ee gobolka togdheer oo ka hadlay munaasibadaa ayaa sheegay in buugani yahay mid waxtarbadan leh,islamarkaana si hawlyar looga ogaan karo baahiyihii degaanka.waxa uu intaa ku daray in hayadoodu dhowr mashruuc ka wado degmada odweyne kuwaasoo kala ah ,Tababarka Xoolaha,Mashruuca Caanha oo aanu rajaynayno inaanu afar goobood oo caanaha ah laga sameeyo si looga guuro caagadahan sunta ah ee lagu soo shubo caanaha,oo lagu bedelo joogag .

Mr.Sulub waxa uu sheegay in dadkeena ay ku socdaan xasuuq toosa iyo mid daban,kuwaasoo ah mid nafteena ah iyo mid degaanka ah ,isagoo tusaale u soo qaatay inay weel ka dhiganay caagado laga sameeyo qashinka baatroolka,diidnayna dhaqan ahaan weelkiinii haseyeeshee weel sun ah aynu wax ku shubano “Tayo inta laga tagay ayaa tiro uun laga fekerayaa”.ta kalena waa degaankeenii oo aynu xaalufinayno oo dhuxul u bedelayno,Isagoo sii faahfaahinaya waxa uu yidhi “Boosaaso ayaa shaqo u tagnaa dhuxusha loo iibgeeyo waxa laga shidaa Odweyne,ta jabuuti la geeyo waxay ka tagtaa odweyne,ragbaa gaadiid iyo qalabcasriya u samaystay dabargoynta dhirta “Geelii la dhicin jiray geedkaa ka qaalisan ee ogaada”.ugu dambayntii Mr.Sulub waxa uu bulshada oodweyne kula dardaarmay inay la ka hortagaan dabargoynta degaankooda oo ilaashadaan iskana celiyaan ka u soo dhiiladhaansaday dabargoynta dhirtooda,hadii kale ay Degaanka Odweyne isku bedeli boodhweyne.

Munaasibada balaadhan ee lagu qabtay oodweyne ayaa waxa kaloo ka hadlay Maayirka degmadaasi isagoo sheegay in buugani uu meesha ka saari doono su,aalihii ay hayadu na waydiinjireen ee ahayd maxay tahay baahidiinu hadese aanu u dhiibi doono buugan,waxaanu u mahadceliyay Hayada Drc,oo ku tilmaamay inay tahay ta kaliya ee wax badan ka qabatay dhinacyada Caafimaadka.biyaha,waxbarshada,dibudhiska dhismayaasha adeega bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha danyarta,islamrkaana xaafiis ku leh degmada.waxa kaloo ka hadlay goobtaa Qaar ka mida Masuuliyiinta hayada Dawliga ee gobolka togdheer,caaqilo iyo xubno kale oo badan.

Kulankan oo ahaa mid siweyn loo soo agaasimay ayaa hayadaha ka soo qaybgalay waxa ka mid ahaa Vet-Aid,Scf/uk,Fsu,Who,Havayoco,Gaa.Candlight,wasaradaha dawliga ee gobolka togdheer,waana markii u horaysay ee halkaas lagu soo bandhigo buug lagu soo ururiyay baahiyaha degaanka,taasoo bulshada odweyne ay aad u soo dhoweeyeen talaabadan kuna tilmaameen mid waxbadan ka taraysa horumarka degmada.


Kayse Axmed Digale
Burco...s/land.

Wednesday, December 26, 2007

Madaxweyne Riyaale iyo wefti uu hoggaaminayo oo Booqasho ku tagi doona Maraykanka



















December 26th, 2007 [News] |

Riyaale oo la filayo inuu Maraykan u sii jeedoHargeysa (Somaliland.org) - Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa la filayaa toddobaadka soo socda inuu u ambabaxo booqasho uu ku tegayo dalka Maraykanka.

Sida ay sheegeen warar ku dhowdhow Madaxtooyada, Madaxweyne Riyaale oo ay socdaalkiisa ku wehelin doonaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Caafimaadka, Caddaaladda iyo Wasiirkuxigeenka Qorshaynta, waxa ay martiqaad ka heleen Dowladda Maraykanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, mudane Cabdillahi Maxamed Ducaale oo ay weheliyaan Wasiirrada Caafimaadka, Caddaaladda iyo Wasiirkuxigeenka Qorshaynta ayaa iyagu hadda ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaas oo la sheegay inay ka soo qaadanayaa fiisayaasha Madaxweynaha iyo weftigiisu ay ku tegayaan Maraykanka.

Socdaalkan ayaa noqonaya kii u horreeyey ee Madaxweyne Riyaale ku tago dalka Maraykanka. Waxaana la filayaa in ay martiqaadkan ka heleen saraakiisha ammaanka ee dowladda Maraykanka, iyada oo tibaaxaha u horreeya ee booqashadanina ay sheegayaan in Madaxweynaha lagala xaajoon doono Saldhig Milateri oo Maraykanku ka doonayo Berbera.

Cabdirisaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

E-mail: dubad@somaliland.com

Madaxweyne Riyaale oo Kormeer ku soo maray Radio Hargeysa iyo goobo kale oo la dhisayo
















December 26th, 2007 [News] |

Riyaale oo Kormeer ku soo maray Radio HargeysaHargeysa (Somaliland.org) - Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa maanta soo kormeeray Xarunta Radio Hargeysa oo lagu rakibayo , Miiska Saraakiisha oo Taliska ciidanka Qaranku dib u dhis ku samaynayo, biriijka labaad ee magaalada Hargeysa oo dhismihiisu socdo iyo waddada isku xidha Idaacadda iyo Hotel Maansoor oo ay dhismaheeda ay iska kaashanayaan dadweynaha xaafadaha 26ka June iyo Koodbuur iyo dowladda Hoose.

Madaxweyne Riyaale isagoo ka hadlayey Radio Hargeysa oo suxufi ka tirsan qurba-joogga Somaliland ku guddoonsiiyey billad Sharaf waxa uu u mahadnaqay laba Injineer oo reer Somaliland u dhashay, balse, dibadda ka yimi, kuwaas oo rakibaya Idaacad cusub oo la keenay dalka, taas oo loogu talagalay sida la sheegay inay dalka oo dhan wada gaadho. Waxana uu sheegay inay u dhoofeen ilaa Cost Rica inay u soo tababartaan inay ka shaqaysiiyaan idaacadda cusubi marka ay timaaddo.

Madaxweyne Riyaale waxa uu sheegay in idaacadda cusubi ay wax weyn ka tari doonto in mujtamaca ay gaadho farriinta dhabta ah, isaga oo sheegay in dadka intiisa badan aanay gaadhin farriinta dowladda iyo ta wacyi gelintuba. Waxa kale oo uu sheegay inay samayn doonaan Telefishan Satellite-ka gala oo uu isagana sheegay inay uga faa’iideysan doonaan in dadweynaha Somaliland lagu gaadhsiiyo farriinta dowladda, dhinaca kalena, dunida loogu gudbiyo fariinta Somaliland.

Waxa kale oo uu Qurba-joogga Somaliland ka codsaday inay qaadhaan u soo ururiyaan hawlgalka gobolka Sool, isaga oo sheegay in haddii ay qaadhaan yar isa saaraan ay wax ka tarayso goboladaas oo loo baahan yahay ayuu yidhi in la tuso waxqabad iyo horumarin.

Riyaale oo Kormeer ku soo maray Radio HargeysaXukuumadda Somaliland ayaa sannado badan ku guuldarraystay inay keento idaacad dalka wadagaadha, taas oo marar badanna uu Madaxweynuhu ballanqaaday balse, aan fulin.

Idaacadda cusub oo qaybo ka mid ah warlaliskeedu uu hadda dalka soo gaadhay ayaa la rumaysan yahay in xukuumaddu ay uga faa’iideysanayso, kuna beegayso hawlgelinteeda ololaha doorashada Madaxtooyada ee la filayo in la qabto dabayaaqada August 2008.

Waa markii labaad ee Madaxweyne Riyaale booqdo Radio Hargeysa muddo laba bilood gudahood ah, isaga oo bishii horena kormeer kedis ah oo uu ku soo maray dhawr wasaaradood ku tegey xarunta Radio Hargeysa.

Cabdirisaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

E-mail: dubad@somaliland.com

Xorriyaddada Xeer U Lahaw, Hadday Soo Dhaafaan Xoog U Lahaw.














Xoriyaddada Xeer U Lahaw, Hadday Soo Dhaafaan Madaxda Urur siyaasadeedka Qaran ayaa afar maalmood ka hor jeelka mandheera ka soo baxay iyagoo ah geesiyiin xuquuq u dirir, kadib markii lagu xidhay Damiirkooda isla markaana looga Ictiraafay dhamaan hay'adaha Xuquuqal Insaanka caalamka inay yihiin Maxaabiis Siyaasadeed oo u Xidhan Damiirkooda Keliya. Shaki kuma jirto inuu Madaxwaynuhu xamili waayay culayskii sl_victory@yahoo.com, hotmail snoor@sand.com representative slforiegn.com. badnaa ee kaga yimid Beesha Caalamka iyo dhamaan Shacbiwaynaha Somaliland oo marnaba ay u cuntami wayday in wax garsoor dhex ah oo sababeeyay xadhiga muwaadiniintaasi jiray. Tani waxay aakhirkii ka soo riday inuu Madaxwaynuhu aakhirkii uu codsasho la'aan cafiska fuliyo.



Sii daynta Madaxada Qaran: Inkasta oo habeenimadii ka horaysay Iida laga soo gudiyay jeelka oo laga taxadiray inaan Baabuur iyo Damaashaad lagu soo dhawaynin, hadana magaalada Hargeysa waxa lagu war helay aroornimadii Arbacada, iyaga oo faraxsan oo la jira Eheladii, Asxaabtii iyo Taageerayaashii Qaran ee ay ka go'doomeen 5-tii Bilood ee ay xidhnaayeen, ayaa xaflado, farxad iyo raynrayn lagu soo dhaweeyay oo ay weliba u dheer tahay iyagoo ku guulaystay hadafkooda siyaasadeed. Waxaa loo arkay inay yihiin saddexda keliya ee wakhtigan u badheedhay inay u dhabar adaygaan xuquuqda ay u leeyihiin in iyaga la doorto cidna dooran karaan.



Dastuurka Somaliland ayaa dhigaya qodobo aasaas u ah jiritaanka dimuqraadiyada iyo xorriyada dadka Somaliland, goleyaasha baarlamanka iyo xukuumadda ayaa ku murma ama xisbiyadda qaranka iyo xukuumadda laakiin dadka intiisa kale oo aan Saxaafadda madaxa banaani ku jirin isma waydiiyaan waxay xaq u leeyihiin. Laakiin Dr. Gaboose, Maxamed Cilmi iyo Jamaal ayaa dalbay xaqa muwaadinka Somaliland uu u leeyahay furashada urur siyaasadeed dhammaadka muddada shanta sanadood ee saddexda xisbi jirayeen oo imika dhamaatay.



Garsoorka iyo dastuurka Somaliland iyo dastuurku isma waafaqsana, wuxuu dhigayaa in hay'adda garsoorku ka madax bannaan tahay xukuumadda haddana, garsooruhu ma haysto damaanad sharci oo aan ahayn raali gelinta ninkii shaqada qorey. Qalinka garsoorayaasha Somaliland ee ku afbartay Dawladii faqashtu, ma garawsan karo Dimuqraadiyada Dalka. Marxalada dhaqaale ee ka jirta dalkuna uma fasaxayso hay'adda garsoorku inay ka madabanaanaato gacan togaalaynta xukuumada. Diiwaanada sharciga ee maxkamaddaha yaalla waa kii penal code-ka.



Dastuurku wuxuu dhigayaa garsoorista dadka dhexdiisa iyo dadka iyo dawladda, laakiin garsoorka Somaliland kuma jirto labadaa midna, madaxda qaran waxay ayiday waaran qabasho oo ka soo baxay maxkamadda, haddana toos ayaa jeelka mandheera loo geeyay.



Garsooraha ka socda maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa meel ka mida Mandheera ku qabtay dacwada dhagaysiga madaxda qaran halkaasoo qareenadii u doodi lahaa ay qaadaceen, xalaalnimada maxkamadda sida ku-meel gaadhka ah looga furay aaga Mandheera oo ah qeyb ka mida Saaxil. Sidaa awaadeed muhiimad weyn may sii yeelan cadadka sannadada ah ee lagu xukumay maadaama aan dood iyo garnaqsi toona lays weydiin, " Mobile cangroo court can not be justified in the democratic World" Waa wax lagu qoslo in masuuliyiinta ugu saraysa qaranka Somaliland ay ku celceliyaan Maxkamad ayaa xukuntay Hogaanka Ururka Qaran. M adaxda qaran may qaadan wax rafcaana, inyar dabadeed ayaa waxaa soo baxay ergo ka socota hormoodka Somaliland, oo dhexdhexaadinaysay golaha wakiilada iyo madaxweyne Rayaale, halkaas ayuu madaxweyne Rayaale cafis ugu fidiyay madaxda qaran, laakiin laba todobaad dabadeed madaxweyne Rayaale wuxuu sheegay inay codsi soo qortaan, madaxda qaran marna may ogolaan inay soo qortaan cafis, waxayna ku adkaysteen inay baadil ku xidhan yihiin, codsashada cafiskuna ay tahay qirasho dembi aanay gelin, tani waxay ka dhigtay geesiyaal qaran, waxay fuushiisay mansab sare oo u dhigma inay yihiin madax taageero badan u heli karta urur siyaasadeedkooda, iyaga oo sheegay in aanay marna ka hadhi doonin xuquuqda ay u leeyihiin ka qeyb galka doorashooyinka. Madaxda ururka qaran waxay daliishadaan qodobka 14aad ee dastuurka Somaliland, iyo kuwa kale ee aasaasiga ah mudadii ay wadeen xafladaha iyo ololaha siyaasadeed ee ururkooda cusub ayaa ahaa qaar nabdoon oon marnaba la odhan karin nabadgalyo ayay waxyeeleen, halka nuqulka nuxurka dacwada ka dhanka ah ee lagu xidhay ay ahayd xassilooni darro awgeed, nabadgalyadu waa daliilka ugu badan ee maxaabiista jeelashu u xidhan yihiin, maadaama nabadgalyadu ay tahay danta guud ee jiritaanka Somaliland, oo ah mid meel marinteedu ka go'an tahay dadka ayaa ah midka ay la haystaha u yihiin. Waxaa jira guddi nabadgelyo oon dastuurka waafaqsanayn haddana tirada dadka jeelasha ku jira kala badh baa iyaga u xidhan. Golaha baarlamanka, golaha guurtida, xisbiyada mucaaradka iyo maxkamadduhuba sareba intuba waxay sheegaan qayral dastuurnimada guddida nabadgelyada haddana lama baabi'iyo. Saddexda xisbi qaran ayaan caddayn marnaba sababta ay uga soo horjeedaan furashada urur siyaasadeed oo uu ogol yahay dastuurku, looma baahna urur cusub oo saddexdii hore ayaan amba qaadin iyo annagu waanu ogolnahay haddii sharciga laga helo, "Hadaladaasi waxay ahaayeen doodaha ugu waaweyn ee saddexda xisbi qaran daliishanayeen, halka madaxda qaran ay tiraabaysay qodobada dastuurka ee u fasaxaya ka qayb qaadashada loolanka doorashada degaanka Somaliland.



Dastuurka horteed may jirin caddaalad darro badan oo dadku tirsanayeen, laakiin waxay sugi jireen inuu dastuurku siin doono xuquuq ka faro badan tay markaa haysteen, waayo xilligaas may jirin furasho ururo siyaasadeed nasiib darro dastuurka ayaa ogolaaday in la furto ururo siyaasadeed shan sano horteed markii saddexda xisbi qaran ay soo hadheen isla bishaa bisheedii oo ku beegan December 23 ayay ahayd inay xilliyadanba uu bilaabmo ololihii shaacinta ururada cusub iyo dib u habaynta saddexdii xisbi ee hore.



Madaxwweynaha kaliya ayaa furi kara ururada siyaasadda isla markaana isaga ayaa diidi kara….inkastoo aanay dastuurka meelna kaga jirin. Inta badan dadku waxay aaminsan yihiin inuu Madaxwaynuhu furi doono diiwaan gelinta Ururada Siyaasada hadii uu u arko keliya inay dan u tahay Xisbigiisa Udub si labada Xisbi mucaarad ay uga qaybsanto taageerada dadka badan ee ka biyo diiday Xukuumada mudadii 5-ta Sanadood ee ay talada Dalka haysay.



Xisbiyada mucaaradku waxay xukuumadda la waafaqeen muddo kordhin….in kastoo aanay dastuurka meelna kaga jirin, horena waxaa loogu kordhiyay golaha guurtidu afar sano, iyana kuma jirto dastuurka.



Qof yidhi urur siyaasadeed ayaan furanayaana in lagu cabudhiyo ra'yigiisa xabsi……. iyana kuma jirto dastuurka, inkasta oo maanta shacbiga Somaliland ay garowsan yihiin arrimo badan iyo xuquuqdooda maqanba, haddana ma aha tani mid ay u baylihinayaan nabada ay la haystaha u yihiin oo waxay u muuqdaan qaar weli xamil u leh doorsoonka dhaqanka Cadaalada iyo Garsoorka oo lagu daray musuqmaasuqa hantida qaranka ee rakaadisay Dhaqaalahooda.



Halkan laguma soo koobi karo arimaha Dawladnimada Somaliland ka qaldan, kuwa cusub ee hore aan looga baran nidaamka dawladeed ee hadda jira waxa ka mid ah falalkii ugu dambeeyay ee lagu fara geliyay Dalladii Ururada Xuquul Insaanku ku bahoobeen ee Shuro Net, xadhiga Madaxda Qaran, Suxufiyiintii ka horaysay iyo dhego adayg badan oo lagula macaamilooday baaqyada Dawladaha Caalamka, Ururada Xuquuqal Insaanka oo ay ka mid yihiin mudanayaasha Baarlamanka Britain uga Ololeeya aqoonsiga Somaliland iyo weliba Dublamaasiyiin danaynaya Somaliland oo runtii u arka Ishii Dimuqraadiyada Geeska, dhamaantood, xidhiidho hoose iyo qaar toos ah oo ay la yeesheen maamulka dhego jalaq looma siinin. Waxay ku muusanaabayeen hadalo ay ka mid yihiin "U tudha Sumcada Somaliland". Hadaba may haboonayn in Nidaamka Dawladnimo ee Somaliland maanta uu ku kaco dhaqamada kelidood taliyayaasha sidii kii hore ee "Faqashta".



Damqashada ugu xun ee ay xambaarsan yihiin Gabood faladaasi ka dhanka ah Xuquuqul insaanka iyo Garsoorka sacsacan waxa ka sii xanuun badan rajadii 16-ka Sanadood dadka Somaliland ay ka qabeen inay Beesha Caalmka ka helaan abaal marin ah (Aqoonsi) dhismaha Dawlad wanaaga, Dimuqraadiyada, Nabada iyo xasaloonida, Caddaalada iyo qadarinta Xuquuqul Insaanka koboca dhaqaale iyo IWM.



Ugu danbayn, qof walba oo Somaliland dani ka haysow waa kuu lama huraan inaad xoriyadaada xeer u lahaatid ama xoog u lahaatid, Labadaasi ka sokow, waa inaad u xidhnaataa oo aad iska illoowdaa iyada…



Mohamed Ali