Friday, December 21, 2007

Maxaa Hortaagan inaysan Soomaalidu kala Gar Qaadan?










DEC.21.2007

Maxaa hortaagan inaysan Soomaalidu kala gar qaadan oo aysan ku dhaqmin xeerarka iyo distoorkay dhigtaan goormaase la heli doonaa mas’uuliyiin qadarisa rabitaanka shacabkooda mise waligeed afduubay ku jiraysaa!!!


Marka hore salaan guud marka xiga ciid mubaarik, wa casaaakum min cawaada iyo ciiddan ciideeda kale Ilaah nabad iyo caafimaad ha inagu gaarsiiyo (aamiin aamiin). Waxaan jeclahay inaan aragtidayda ka dhiibto sababaha faraha badan ee keenay in dalkii Soomaaliya la oran jiray burburo oo la soo qaban waayo dabadiisii oo in yari ka soo jeedo haadaanta dadkiisi ku riday iyagoo waliba qaar badani ku hawlanyihiin inaan dib dambe loo arag wax Soomaaliya la yidhaahdo ta Allena waa meesheeda. Marka Raxmaanku abuuray dunida ummad walba meel buu ka siiyey dhulkii ay ku noolaan la haayeen wuxuuna u ballan qaaday oo isago mas’uuliyadeeda qaaday inay helaan arzaaqdii ay cuni lahaayeen, dhulkuna wuu ku filan yahay dunidoo dhan markii sidii Ilaahay ugu tala galay loo isticmaalo laakiin nasiib darro bani’aadamkii baa noqday damaaci iskuna quuri waayay nolosha sidii iyadoon cidiba dunida ku noolayn dhawr caruuroo Nabi Aadam dhalay mooyee uu Haabiil Qaabiil qoonsaday oo damiciisii addunyo ku kallifay inuu dilo walaalki uuna garan waayo sidiii xataa uu u aasi lahaa ilaa Rabbiga weyni u soo diray laba tuke oo hortiisa isku dilay oo midkii wax dilay aasay kii uu dilay halkaana waxaa ka bilowday sida bani’aadamu u aasaan mowtidooda waxaanad arkaysaa inuu mararka qaarkood bani’aadamku ka caqli hooseeyo xayawaanka walow ku dhahoo quraanjada oo tidhi waar godadkiina gala yuusan Nabi Suleebaan iyo junuudiisu cagta idin marine iyagoon dareemayn.

Waxay ku wanaagsanaan lahayd inuu bani’aadamku marka hore ogaado wixii loo abuuray si uusan damiciisa adduunyo mahlakad ugu ridin runtuna waxay tahay inuu yahay addoon Ilaahay u abuurtay inuu isaga oo kaliya caabido( wa maa khalaqtul jinna wa insa illaa liyacbuduuni), halkaana waxaa kaaga soo baxaya in Jinkuba dhaamo bani’aadamka oo isagoon si toosa loogu soo dirin Rasuul ama Nabi ayuu ALLE rumeeyey markii uu maqlay qaar ka mida aayadaha Qur’aanka kariimkaa meesha dadkii caqliga sheeganayay ay diideen waxyigii Ilaahay oo qaarkood dileen rusushoodii, qaarna ku tilmaameen wax waalan qaarna yidhaahdeen waa saaxirooralyaal. Isku soo duuduuboo marka dadku guud ahaan ka tagaan wixii loo abuuray oo qaarkood sheegtaan inay iyaguba yihiin Ilaahii dadka iska lahaa sidii Firconoo kale waxaa imaanaya dhibaatooyin aan xuxuud lahayn ayna adkaan doonto sidii loo xakamayn lahaa galaafanna doonta dad badanoo masaakiina sida Raxmaaanku yidhi “Wattaquu fitnatan laa tusiibanna ladiina dalamuu anfusahum” oo aalaaba hadba dunida waxaa roga ibliis aan loo soo waxyoon oo isagu isboqray, aan lahaynna wax naxariisa oo hadday malyuun dhimanayo iyo haddii kale toona aan u jiir naxayn ee waxa qudhee u muuqdaa uu yahay damaciisa siyaasadeed oo barriba laga dhiman doono.

Haddaan u soo noqdo dulucda maqaalkan oo ahaa maxaa hortaagan inaysan Soomaalidu kala gar qaadaan oo aysan ku dhaqmin xeerarka iyo distoorkay dhigtaan goormaase la heli doonaa mas’uuliyiin qaddarisa rabitaanka shacabkooda mise waligeen afduub baynu ku jiraynaa: AAN idhaahdo waxaa keenay qabqab dhaafay oo noqday qayb weyn oo ka mida hab dhaqanka Soomaalida intii ka danbaysay calan qaadashadii iyo israacii labadii gobol ee ugu horreysay ee calanka qaatay sannadkii lixdankii oo rajo laga qabay in la raadsho intii kale ee ka hadhsanayd dhulkii Soomaalidu sheegan jirtay oo runtii haddii la heli lahaa dad wanaagsan oo qabta hoggaankii dalka ee xilligaa jiray, may adkaateen in la helo intii ka dhimanayd qaybihii kale ee wali ku hoos noolaa Gumaysiga. Somaliland markay xoriyadeedii qaadatay hadafkeedu wuxuu ahaa in ay noqoto bilowgii wadadii loo marayay midnimadii Soomaali weyn bilaa shurrudna waxay ula midoobeen qoomkan maanta kala dhammaan waayey oo wada garmaqaatayaashaa kuna keenay Soomaaliland dib u dhac weyn oo dhinac kastaa oon laga soo kaban karayn kuna qasbay inay marlabaad dib uga fakarto sidii ay u sixi lahayd qaladkii 1960 ay gashay ka dib markii dadkii walaalaha la mooday ay kuba fikareen sidii loo xasuuqi lahaa oo dhulkooda dad kale loogu beeri lahaa oo taliska mudiiciin u ah taaso ah waxaan loo dulqaadan karin keentayna iska horimaad hubaysan in lala galo faqashtii Siyaad Barre oo dhalisay burbur ballaaran iyo dhimasho dad iyo duunyaba leh waase Ilaahay galladi marhadii marlabaad hasheenii MAANDEEQ raggeedii gacanta ku soo dhigeen oo aysan dhici doonin nin Xamar laga soo diray uusan xukumi doonin Soomaaliland guushaana waxaa iska leh mujaahidiintii SNM oo naftooda u huray inay soo ceeliyaan karaamadii shacabkooda oo lagu xadgudbay waana ta maanta keentay si karaamaleh in qofkastoo Somalilander ihi ugu noolaado dhulkiisa iyadoon loo kala sarreyn xuquuqda dalka lagu wada leeyahay.

Sababaha ugu waaweyn ee keentay dhibaatooyinka ka jira Geeska Afrika (Waa Soomaaliyee) waxaan odhan karnaa waa ummuro fara badan oo salka ku haya dhaqan xumida ay leeyihiin qaar ka mida Soomaalida siiba kuwa reer koofureedka (raalina ha iga ahaadeen) oo aysan ka dhaxayn wax isqaddirina ama is maqala oo aan is dhagaysan gartana kala qaadan, markay isqabtaana waxay u dagaalamaan sida cadowga ama casrul jaahiligii iyo annagaa bari idinka adkaan jirnay iyo saw annagii afka ciida idiin galinay maxaad ka faanin waan isnaqaanaaye lagamana yaabo inay xal ka gaadhaan arrin qudha oy isku qabteen. Deetana kuwaasi markay qabteen taladii dalka kamay tanaasulin hab dhaqankoodii ku dhisnaa qabyaaladda iyo reer reerka waana ta keentay inay sidii curre iyo bisad isa soo horfadhiyaan waligood iyagoon marnaba ka ilbaxayn isjiidjiidka ay ku jireen ilaa iyo Nabi Aadan mana bartaan sida wax loo hoggamiyo iyo mas’uuliydda weyn ee ay leedahay sidii QARAN DHAN loo loogu adeegi lahaa. Raggii noocaa ahaa bal ka warran miskiinka mooday dad walaalaa oo hashiisii ku soo dhextuuray meel waraabayaali boobayaan GEEL irmaan oon xeerinayn ubadkii loo lisi jiray oo hor tuban taasina waa waxay Reer Koofureedku ugu yeedhaan Soomaalilanderiska Soomaali-qaldaan oo macnaheedu yahay nimankii haysan kari waayay hashoodii oo ku tuuray meel qaldan oon Afrikoo dhan ka dhicin ee tolow reer Somalilander maka waantoobi doonaan wixii soo maray mise hadba mid la kufaa kaca bay aayahooda u igmadaan iyo ragaan lahayn karti ummad lagu hoggaamiyo ee been ka sheega wax kastoo dalka ka jira.

Waxaa la yidhi alifkii kaa xumaada bilowga albaqruu ku dhibaa, ma maantoo 50 sano ka hor aynu calanka qaadanay baynu baryootan ugu jirnaa sidii caalamku inoo aqoonsan lahaa oo sida fiid meerta aynu kolba dhinac isku qaadaynaa aan waxba ka soo socon maaweelada caruurta mooyee. Ma ogtihiin Somaliland iyo dalka Maleesiya inay isku habeen calanka wada qaateen oo aynu isku jirno inta cirka iyo dhulku isku jiraan sababteedana waxaa iska leh nimankii hoggaanka inoo hayay oo habeen mugdiya ula guureeyey meel aysan dadkeeda aqoon u lahayn oo ay noqdeen sidii waraabihii intuu goor fiida caways tagay soo hungoobay. Rasuulkeenii suubanaa(SCW) wuxuu yidhi kullukum khaaduuna wa khayrul khaddaa-iina attawaabuun, xadiiskan oon u soo qaatay in hoggaamadii soo maray Soomaaliland ay wada galeen qaladaad siyaasadeed oo aad moodo inay isku wada dayanayeen oo aysan kuwii dambe isku dayin inay saxaan ama ka leexdaan owrkii hore meeshii u ku jabay haamihiina kaga burbureen waxaana kuu muuqda in aynaan u dhalan sida wax loo hoggaamiyo ee ay naga noqotay iska hayso kursiga iyo ficiltan aan dani ugu jirin dalka iyo muwaadiniinta. Ummad kasta haddaysan dhexdeeda iska maamulin kuna barbaarin ubadkeeda kala danbeynta iyo ilaalinta sharciga waxay dhaxalsiisaa inay waligeed ku jirto fawdo iyo jaahwareer mana gaadhaan wax horumara ee waxay noloshoodu ku dhammaataa isqabqabsi, ku jiqsii, qabyaalad, hanti boob, dil iyo dhac iyo waxaan kaloo la soo koobi karin oo haysta ummaddii la isku odhan jiray Soomaaliya oo meelay ku danbeysa aan cidi war u hayn in la maqlo mooyee laba milyan baa ka qaxay Muqdisha iyo suuqii bukaaraha ciidamada Mbigaati waxay ku dileen dad rayida oo gaadhaya 100 ruux waxayna ku dhaawaceen in ka badan 300.

Haddaba Soomaaliland ma waxay noqon doontaa mid ku waayo-aragnimo qaadata qaladaadki hore oo miisaanka saarta siday u midayn lahayd bulshadeeda loona xaqiijin lahaa in la dhowro midnimada iyo qaranimada dalka oo uusan xaalku noqon anaa middida daabkeeda haysta ee yaan juuq la ii odhan, waxaana lagu gaari karaa in la helo caqli caafimaad qaba iyo quluub nadiifa lagana hormariyo danta guud ta gaarkaa. Mise waxay noqon doontaa midaan ka faa’idaysan sooyaalkii taariikheed ee soo maray oo sida Afrikaanku u badan yahay bay ku danbayn qalad qalad ku sax iyo inay la dagaalanto aqoon-yahankeeda, waxgaradkeeda, siyaasigeeda hal abuurka leh iyo saxaafadda, kuna maamulin dalka musuqmaasuq, qabyaalad, boob qaawan, u adeegid quwado shisheeye, dalkoo la xaalufiyo bad iyo birriba iyo si aan si ahayn oo ay dalka ku maamusho iyo diidmo qayaxan oo aysan tixgalin qawaaniintii iyo nidaamkii beeluhu ku heshiiyeen oo waxay noqon doontaa duul Ibliis durbaanka u garaacay sidii nidaamkii Siyaad Barre. Markaad eegto maanta madaxda dalka hoggaamisa waa kuwo aan lahayn waayo aragnimo waliba ay u dheertahay waddaniyad xumo oo kama agab sokeeyaan kooxda ku xanniban Baydhaba oo ku magacaaban baarlamaankii Soomaaliya oo uun fulisa awaamiir looga soo yeeriyo Addis Ababa oo uusan marnaba damiirkoodu siinayn inay meesha isaga baxsadaan illayn haddaad dhimato marbay geeridu nolosha dhaantaaye.

Gabagabadii: Kol haddii Soomaaliland ay la soo noqotay xorriyadeedii ayna ka soo daashay dagaal iyo burbur waa inay kor u eegtaa mustaqbalka dalkeeda oo ku imaan kara maamul toosan oo daacada waana inaysan dib ugu noqon wixii laga soo gudbay oo ahaa caddaalad darro, maamul xumo, horumar la’aan, caafimaad li’i, tacliin la’aan, kaligi-talisnimo iyo qaar kaloo badan. Waa inuu maamulka immika talada hayaa ka waantoobaa sharci jabinta iyo macangagnimada oo ah wixii laga soo dagaalamay oo boqolaal GEESI ugu shahiideen, dalkana ragbaa u soo halgamay oo iyaga la’aantood maanta waxaa ka socon lahaa waxa Xamar ka socda oo ah wax Ilaah laga magangalo. Mujaahidiintii SNM waxay mudan yihiin in loo xidho billad sharafta koowaad loona aqoonsado geesiyaalkii iyo aabayaashii xorriyada laakiin waxaa la yidhi ninkii abkaa yaqaan baa lafahaaga astura ee xaggay ka yimaadeen qoomkan aan aqoonba nidaamkii dawladnimo oo wada Yuusuf Tallaabo oo kalaa oo ay isaga qasantahay waxa xurmada mas’uuliyaddu leedahay, una dhaqmaya sidii wiil yaroo maqaaxi ka shaqeeya nasiib darrose waxaan Tallaabo dhaamin ka Golaha Wasiiradiisa ku soo darsaday lana wadaaga aflagaadada wuxuuna ku yidhaahdaa iiga horree anaa jab la maagane. Si kastoo loo waaniyo iima muuqato madaxweynaha Somaliland inuu yahay mid qaata talooyinka wanaagsan ee waxay kaga dhegtay waxbaan cafiyaa iyo sharciga hallo soo maro isagoo ah qofka sharciga hortaagan oo sidii Afweyne si ka sii xun u dhaqmaya aan danna ka lahayn duruufta adag ee waddanku ku jiro xaalkiisu wuxuu ka dhigan yahay sidii ninkii yidhi ‘nin daar ku jiraa daruur ma arkee illayn xalay roobkii baa da’ay’. Muwaadiniinta Somaliland-neey ha qaadanina wax la mida wixii aad ka diideen Siyaad Barre ogaadana inaad tihiin dad aragti dheer leh iyo geesiyaal badan oo idinla barbartaagan hiil iyo hooba waxaana idiin rajaynayaa inuu Ilaahay idinka saaro dhibaatooyinka idin haysta.

Wa billaahi tawfiiq iyo Allaa mahadle

Qalinkii: Shueib Abdi Gabose

Canada, Toronto

Gabose55@hotmail.com

No comments: