Thursday, December 13, 2007

Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Wakiilada Oo Mawqif Adag Iska Taagay In Ay Xukumadu U Soo Gudbiso Golaha Miisaaniyada 2008 Inta Xal Laga Gaadhayo

Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Wakiilada Oo Mawqif Adag Iska Taagay In Ay Xukumadu U Soo Gudbiso Golaha Miisaaniyada 2008 Ilaa Inta Xal Laga Gaadhayo
“Sixir Bararka Waxa Ka Masuul Ah Tijaarta”
Baashe Maxamed Faarax - Waraysi

Hargeysa, December 10, 2007 (Haatuf) – Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa mowqif adag iska-taagay Inay Xukuummadu u soo Gudbiso Golaha Miisaaniyada Cusub 2008, ilaa inta xal laga gaadhayo Miisaaniyadii hore 2007 ee laalnayd oo ay labada dhinac wax isku af-garanayaan, isla markaana waxa uu Cadeeyey Khilaafka Mudanayaasha dhexdooda ka dhex aloosan ahayn mid wakhti uun laga heshiin karo, balse uu weligii ka dhex-jiri doono.

Sida waxa uu Guddoomiyuhu ku sheegay Qeybtii Kowaad ee Wareysi aad u Xiisa badan Oo uu Shabakada Hadhwanaagnews.com uga soo Warama Magaalada Hargeysa kula yeeshay shalay Xafiiskiisa aqalka Golaha Wakiillada.. Sidoo kale, waxa uu Guddoomiyuhu difaacay inaanay 2% [boqolkiiba laba] lagu kordhiyey Cashuurta si wax loogaga qabto Horumarinta Gobolka Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle sabab u ahayn Sicir bararka Raashinka iyo hoos u dhaca ku yimi qiimaha lacagta Dolarka [$], taas oo uu tilmaamay inay Sixir bararka ka masuul yihiin Tijaarta waaweyn ee wax soo dejiya. Waxa kale oo Wareysigiisa kaga hadlay Xeerka Cusub ee lagu Dabrayo Saxaafada Madaxabanaan, iyo Weliba Mooshinkii ay Dhawaan dhowr iyo labaatanka Xildhibaan u soo Gudbiyeen Shir-gudoonka Wakiillada iyo Arrimo kale oo badan.
Waxaanu u dhacay Wareysiga Qeybtiisa Kowaad sidan:-

S: 2% [boqolkiiba laba] lagu kordhiyey Cashuurta si wax loogaga qabto baahiyaha Gobolka Sool ayaa la sheegay inay sabab u tahay Sixir bararka Maceeshada Cirka geeysay arrintaas Maxaad ka odhan lahayd?
J: Arrinta Golaha Waa lagaga hadlay oo guddida dhaqaaluhu waxay yidhaahdeen sixir barar ayey keenaysaa, waxaan qabaa %2 [boqolkiiba labada] inaanay abuurin Sixir bararka, ee ay tijaarta Somaliland ay abuurtay, %2 waa wax yar muga intaa leeg qaadi kara, markaa waxay faa’iidada u heli lahaayeen waa inay ka jaraan oo aanay dadka saarin.

S: Markii Goluhu an-sixinayeen %2 lagu kordhiyey Cashuurta, Xildhibaanadu way ku kula qaybsameen, isla markaana fadhigii aad ku an-sixiseen waxa uu ahaa mid aanay Saxaafadu ka soo qeyb-gelin oo hoosta ayaad isaga xidhateen, markaa maxaa keenay inaad Saxaafada dibada u saartaan?
J: Goluhu Waxa %2 [boqolkiiba labada] ku an-sixiyey Shir xidhan, oo laba arrimood oo kale ayaa ku jiray, sidaas ayaana Golaha loo xidhay, laguma kala duwanayn %2, ee waxa lagu kula duwanaa Maceeshada miyaa la saara mise waa laga daayaa, markii danbe-na waxay aqlabiyadii isku wada raacday inay Maceeshadii %2-ga ay Cashuurta qaadi karto.
Markaa Xildhibaanada Qaar-kood ayaa rabay in Qaadka iyo Sigaarka %4 [boqolkiiba afar] lagu kordhiyo.

S: Waxaad sheegtay inaad Shirkii albaabada isku xidhateen ee aad ku an-sixiseen %2-ga aad kaga doodeen laba arrimood oo kale, Markaa Maxay yihiin labada arrimood,?
J: Waxay ahaayeen laba qodob, oo qodob waxa ahaa xildhibaanka ay geeriyi ku timaado inuu Goluhu wax u qoondeeyo, iyo qodobka kale oo ahaa lacagtii Maamul fidinta Gobolka Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle

S: Waxaynu ognahay inay Miisaaniyad sanadeedkii 2007-ku ay laalanayd, Haddii ta Cusub ee kalena [2008] laydiin soo gudbiyo Maxay aragtidiinu tahay?
J: Weli Miisaaniyadu meesheedi ayey taagan tahay, oo wax na soo gaadhay ma jiro, waxaanu u haysanaa inay weli sidii uun u taagan tahay Miisaaniyadii, markaa Miisaaniyad Sanadeedkii 2007 weli sidii ayey u laalan tahay.
Markaa aragtida aanu ka qabaa waxa weeyaan inaanay Miisaaniyada 2007 meesha ka bixi Karin, oo ilaa inta la xalilayo tii hore inaan la keenin Miisaaniyada Cusub 2008,

S: Maadaama aanay jirin cid arrinta Miisaaniyada idin kala hadashay oo aad wax isla waaqafdeen, oo waxaana la sheegayaa inay Xukuummadu [Rayaale] ay soo qorsheysay Miisaaniyad Sanadeedkii cusbaa 2008 oo dhawaan Golaha Horkeeni doonto, iyada oo tii hore [Miisaaniyada 2007] ay laalnayd Markaa muxuu yahay mowqifkiinu?
J: Waxa uu mowqifkayagu yahay weliba nalooma keenin Miisaaniyadii 2008, tii 2007-na sidii ayey u maqan tahay, markaa wakhtiga ku haboon ee lanoo keeno ayaanu ka hadli doonaa.

S: Sida Muuqata, Inaanay wax sidaas ahi iska bedelin Xidhiidhka wada shaqeyneed ee Xukuummada iyo Golihiina Sharci-dejinta Maxaad is-leedahay way hortaagan tahay?
J: Xidhiidhkayaga wada Shaqeyneed ee Xukuummada iyo anaga [Wakiillada] uu fiican yahay,way jiraan wax-yaabo la isku qab-qabanayo,waana laba Gole oo kala Madax-banaan oo Xisaabtana ka dhaxeeyo ayaanu nahay, khilaafaad uu iska imanayaa aragtidayadu way kala duwanaan kartaa oo waxna waanu isku raaci karnaa, waxna waanu isaga soo horjeedsanaynaa,laakiin mid shakhsiya oo Qaranka wax u dhimaysa Xidhiidhkayagu maaha. Dhaqankaaba ah in Sharci-dejinta iyo fulintu uu khilaafaad hadh iyo habeen uu jiro, waayo! kala aragti ayaanu nahay oo waxaanu nahay Golihii la rabay inay Saxaan Fulinta.

S: Xukuummadu waxay dib idinku soo celisay dhowr Xeer oo aad an-sixiseen, markaa miyaan la odhan Karin Xidhiidhkiina wada shaqeyneed maaha mid wanaagsan, maadama aanay Xukuummadu sidiisi u fulinayn?
J: Qaar la fuliyey [Xeerarka] iyo qaar aan la fulinin labaduba way jiraan, habka loo soo celiyeyna waxa weeyaan in Golahayagu haddii uu u arko wax jida uu Ogolaado, haddii kalena aanu 55, Sadex meeloodow laba meelood aanu ku celino, marka Saddex Xeer ayaa na lagu soo celiyey, haddii cod gaadhaya Saddex meeloodoow laba Meelood loo waayo sidoodi ayey ku soconayaan haddii saddex meelood laba meelood loo helana waau jabinaynaa.

S: Waxa la idinku eedeeyey Shir-gudoonkiina Wakiilladu inaad Xildhibaanada Mucaaridka iyo Muxaafidka ah aad isku-wadi kari weydeen, isla markaana ay idin hagayaan Guddoomiyayaasha Axsaabta Mucaaridka ah ee aad ka soo baxdeen arrintaasi ma jirtaa?
J: Waa iska tuhun anagu [Shirgudoonka] ma diideyno inaanu Xisbiyo Mucaarid ah ka soo baxnay,waana wax hore loo ogaa dibna loo-ogyahay, haddii wax Xisbiyadu [Mucaaridka] rabaan Golaha lagaga Shaqeynayo waxyaabo badan ayaa soo bixi lahaa, Waxaanu isku haysanaa inaanu nahay Shirgudoon Dhex-dhexaada u nahay Golaha, oo aanu ku hogaamino si siman oo figrado Xisbina meesha lagu waxayn, aanu Qaranka u adeegayno.

S: Waxa la sheegayaa inay Xukuumadu idiin soo gudbisay Xeerkii ay ku Xakameynaysay Saxaafadda Madaxabanaan oo Goluhu uu cod u qaadi doono, markaa Xeerkaasi ma yahay Mid Munaasiba oo lagu dhaqi karo Saxaafada?
J: Xeerkaasi hab ayuu marayaa, anigu waxa Xeerka imika Saska looga qabo ma garanayo Xeerka waxa loo soo gudbiyey Golaha, Goluhuna waajibaadkiisii ayuu gudanayaa oo Xeerka Sharciyadiisa ayaa la eegayaa oo waxa loo gudbinayaa guddida ku shaqada leh oo waa laga wadatashanayaa oo dadka ay Khuseyso oo dhan ayaa loo yeedhayaa wixii macquula ee dabraya Saxaafada ee aan xaq ahayn Goluhu uu ka saarayaa, wixii wanaagsana uu raacayaa oo shuruucda ayaa loo eegayaa.
Markaa imika doodiisu ajendaha kuma jirto oo haddii Ajendaha kale oo galo habkii ay mari jireen Xeerarka kale iyo Shuruudu ayuu marayaa, Maaha wixii Golaha Fulintu soo gudbisaa inuu golaha isaga gudbayo oo Xildhibaano ayaa jooga oo waa laga doodayaa qodobada ay Saxaafadu ka Cabanaysana waa la isla eegayaa waxyeeladooda iyo wax-tarkooda. Markaa waxa weeyaan weli wakhti badan ayaa inoo hadhay ilaa goluhu guddo-galana waxani xeer noqon maayo.

S: Waxa jirtay Mooshin ay Dhawaan dhowr iyo toban Xildhibaan idiin soo gudbiyeen Maxay ahayd Nuxurka Mooshinkaasi?
J: Mooshinka ay Xildhibaanadu soo gudbiyeen waxa uu ka hadlayey, Xeer NO. 14aad, Markaa waxa loo gudbinayaa la taliyaha Sharciga ee Golaha Wakiillada, markaa dadku waxay hadh iyo habeen ka hadlayaan Xeer 14aad Ma jiraa mise Ma Jiro, iyo Maxay Xildhibaanadu uga hadli-waayeen inuu Xeer NO.14, jiro iyo inaanu jirin. Markaa Xeer NO.14aad waa Xeer la ogyahay inuu jiro, waxaana jirtay kaabis lagu Sameeyey Xeerkan oo ahayd in Xisbiyada la furo, waxa loo gudbiyey Golaha Guurtida, waxaanay soo jabiyeen Kaabistii lagu sameeyey Xeerka. markaa Xeerkii Hore ayaa taagan oo dhaqan galay.
Markaa Xildhibaabanadu waxay soo jeediyeen Mooshinkaas oo markaa gacanta ayaanu ku haynaa oo weli golaha looma soo gudbinin.

S: Waxay Xukuummadu Xabsiga u taxaabtay Hogaamiyayaashi Urur Siyaasadeedka Qaran oo Urur Furtay, iyaga oo ka duulaya Xeer NO. 14aad oo dhigaya in Ururo la furan karo, sida Urur Siyaasadeed, kuwo Shaqaale, I.W.M arrintaas sideed u aragtaan iyo weliba Maxay tahay aragtidiina ka Shir-gudoon ahaan ku aadan in Axsaabta la furo?
J: Ururada Siyaasadeed in la furo Goluhu Hore ayuu u soo jeediyey, laakin-se way socon-weyday oo dib ayaa loo soo celiyey, haddii la furayana waa inay Golayaashu [Guurtida iyo Wakiilladu] ka heshiiyaan, Xiita waxa weeyaan haddii ay Golaha Wakiiladu furaan oo ay Golaha Guurtidu soo celiso Meesheedii ayey taagnaanaysaa. Markaa waa Xeer u baahan in dib loo eego inay Weligood Saddexda Xisbi miyey [UCID, KULMIYE iyo UDUB] ma taagnaanayaan iyo in la furro, markaa waxa weeyaan inay Golayaashu ka heshiiyaan.
Aragtida aanu Xadhigoodaa [Hogaanka Qaran] ka qabnaana waxa weeyaan Madaxweynaha waanu kala hadalnay mana qarsoona inaanu nidhi ha la soo daayo, inay Urur Siyaasadeed Furan karaaan iyo inaanay furan karina in banaanka lagu Xalilo oo Golayaashu ha isaga yimaadaan inay Sharciyadeedu Sax tahay iyo inaanay Sax ahayn.

S: Madaxdii Hogaanka Urur Siyaasadeedka Qaran waxay Jeelka Mandheera ku xidhan yihiin 4 Bilood iyo dheeraad, Madaxweynuhuna waxa uu dhowr jeer ku cel-celiy inuu xoriyadoodi u soo celinayo wax ka socdayna ma jiraan, dadka qaarna Xadhiga Qaran Wel-wel ayey ka muujiyeen inay mashaakilaad abuuri karaan, idinkuna waxaad tihiin Golihii Sharci-dejinta Markaa Maxaad Xukuumada Iyo Urur Siyaasadeedka Qaran iyo Xadhiga Hogaankoodi u dhexdhexaadin weydeen?
J: Tafsiir ayey u baahan tahay, waxaana tafsiirka leh Maxkamada Dastuuriga ah anagu sharcigayaga waanu soo saarnaa haddii nala weydiiyo ma jiraa? Ama ma haysaan waanu ka jawaabaynaa, laakin marka ay fasiraad tagto waxay ku haboon tahay inay Maxkamada Sare Fasirto oo loo gudbiyo. Xadhiga Madaxda Qarana waxa uu Madaxweynuhu naga balanqaaday inuu siideynayo,inkasta oo aanu noocayimin wakhtiga uu sii deynayo.

S: Tan iyo maalintii la doortay Golaha Wakiilada shacbiga Reer Somaliland rajo-weyn ayuu ka qabay inay wax badan oo laga filayey inay fuliyaan waanay ku guul-dareysteen, taas oo la idinku dhaliilo inuu Goluhu u kala qeybsan yahay Mucaarid iyo Muxaafid oo aad ku caan baxdeen is-qab-qabsi halkaad dadka wixii ay idiin soo doorteen ka fulin lahaydeen, taasi waxay keentay inay ummadii codka idinku soo dooratay ay idinka niyad jabaan, oo ka Shir-gudoon ahaan la idinku eedeeyo inaad Xildhibaanadii Mucaaridka iyo Muxaafidka isku wadi kari-weydeen oo aad qeybta Mucaaridka ah aad garabsiisaan arrimahaas maxaad ka odhan lahayd?.
J: Wax-yaabihii ay dadku naga filayeen waa run oo markii nala soo doortay ee aanu cusbayn inaanu wax badan qabano oo dadku naga filayeen, laakiin waxay dadku ilowsanaayeen inaanu Saddex Meelood xubin ka nahay, inay Guurti jirto ayaa la ilowsanaa, Inay Fulini jirto ayaa la ilowsanaa, dadku waxay Golaha Xeer-dejinta u haysteen inay wax-yaabo badan qaban karaan, wixii ay qaban karayeen way qabteen, wax-yaabo badan oo ay is-lahaayeen qabtana way suurta geli kari waayeen oo waad ogtahay oo Golaha [Wakiillada] Axsaab ayaa loo kala qeybsan yahay, Guurti ayaa jirta oo dabar kale ah iyana waxa jirta Fulintii oo awoodii ugu badnayd haysata.
Markaa sidaa ayey ku dhacday inuu Goluhu kala qeybsanaado, oo aragti-kasta oo la keeno inaan si loo wada arag, markaa waxa keenaysaa inay Golayaashii Qaranku isla jaan-qaadi kari waayeen Markaa Khilaafkaasi weligii Wuu jirayaa.
Shir-gudoonka waxa loo arkayaa inuu Xisbiyada Mucaaridka ah ka soo jeedo markaa Golihii la iskuma wadi karo oo Xisbi ahaan ayaa loo kala duwanaanayaa, waxa na daba socota Fulinta [Xukuummada] oo Golihii badh ku leh, Markaa Wax-kasta oo la sixi lahaa waa laga hor-imanayaa khilaafkaasina waa jirayaa, Golahana waxa la keenay way ka baxeen, dadkana dhow jeer oo hore waanu la hadalnay Mushkiladu maaha Shir-gudoonka oo waanu hogaaminayaa Golaha, isla markaana waxaanu isku deynaa inaanu isku soo dhaweyno [Xildhibaanada Mucaaridka iyo Muxaafidka ah] laakiin figradahaasi weligood waa lagu kala qeybsanaanayaa, Baarlamaan kasta oo jirana figradaas waa lagu kala qeybsamaa oo waad ogeydeeno Gole Xidhan ayaanu sameynay. Wixii socon waayana cod ayaa lagu kala baxaa.
La Soco Qeyta labaad ee Wareysigan oo aad u Xiisa badan………………………

No comments: