Thursday, December 13, 2007

“kursi jacaylku ayaa keena in Madaxda Afrikaanku Af-gambi ku dhintaan”















“kursi jacaylku ayaa keena in Madaxda Afrikaanku Af-gambi ku dhintaan”
“Xukuumada arrinta Sool waan ku ammaanayaa, Waxaanse ku dhaliilayaa
sida ay u qabatey arrinta Ururka Qaran”


Hargeysa (Ogaal) – Wasiirkii hore ee Wasaarada Duulis Hawada iyo Gaadiid Cirka Somaliland Maxamed Cabdi Dheere ayaa xukuumadu ku dhaliilay xadhiga Masuuliyiinta Urur-siyaasadeed Qaran, Faro-gelinta ay kula kacday Dallada Xuquuqul Insaanka Shuuro-net, Muddo Kordhintii Golaha Guurtida, Dib-u-dhaca Doorashooyinka iyo arrimo kale.

Maxamed Cabdi Dheere waxa uu arrimahaas kaga hadlay waraysi gaar ah oo uu siiyay Idaacadda Horyaal. Waraysigaas oo dhinacyo badan wax lagaga weydiiyay waxa uu u dhacay sidan:

S: Maxamed bal nooga waran siyaasada iyo xaaladaha xilligan dalku marayo sidaad u aragto?

J: Waxa la yidhaahdaa, madaxda Afrikaanka ee maanta waxa weeye maxaabiista beri, sidaa inay u dhacdo maxaa kelifa? Sharciga si xor ah oo muwaadinimo ah, oo ay iyagoo sharaf mudan suuqa ay lugeeyaan sharcigii ilaalin lahaa beri iyaga, ayuun bay maanta ku tuntaan. Xukuumada maanta oo aan anigu ka mid ahaan jiray mid waan ku ammaanayaa, arrinta Sool waan ku ammaanayaa. Waxaanse ku dhaliilayaa, sida ay u qabteen arrinta Qaran ee aan siyaasigu haddii uu dar-jiidho adduunyada kale waa la ganaaxaa ee ciqaab lagama dhigo, wax ay sameeyeen oo aan ahayn waxaanu doonaynaa in aanu ka qayb-galno tartanka madaxtinimada dalka m jirto. Waxa aynu soo dhisaynay oo ay Somaliland ku soo gaadhay halkaa waxay ahayd isu-tanaasul, dulqaad, wada-tashi. Laakiin, cabudhid, cago-juglayn iyo xidhid may ahayn. Waxaan xukuumada ka codsanayaa inay ku faanaan oo meel mariyaan dariiqii dimuqraadiyadeed ee uu dalkani ilaa iyo markii ay SNM ahayd jabhada ee nin walba maalinta loo garan waayo kursiga uu ka dagaayay, taas baa wax lagu faano ah. Xukuumada Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, waxay sharaf ku mudan yihiin inay qabteen doorashooyinkii ugu horeeyay, ee shacbigu doorto madaxda dalka, waxase mudan ah in aynu maanta leenahay siyaasiyiin leh siyaasad madaxweyne. Taasoo ah mid Somaliland lagu bartay iyo dimuqraadiyadeeda curdinka ah, taasoo ah in aan saxaafada la cabudhin oo aan la xidhin, haddii ay khalad galaan oo ay ganaax ku joogsan waayaan markaas ayay iman kartaa in si cusub loo sameeyo oo aan saxaafadu lahayn.

Haddaynu eegno tan muddo kordhinta, xukuumadayadii wakhtigaasi , ama madaxda maanta joogtaa ay sharaf ku mudan yihiin in barigaaba loola yimi in la kordhiyo, oo dad odayaali ay ula yimaadeen. Laakiin ay ku adkaysteen Madaxweynaha iyo ku-xigeenku in ay dhacdo doorashadu wakhtigii loo cayimay. Haddii maanta muddo kordhin dambe la sameeyo dib-u-noqosho ayay inagu noqonaysa. Doorashooyinka soo socda waa in ay wakhtigoodii dhacaan ayaa laysku af-gartay. Waayo sidaa ayuu dalkani ku dhaqmayaa, sharciga aynu dhiganayna waa in aynu ixtiraamnaa. Waayo sida xukuumadihii hore tii Cabdiraxmaan Axmed Cali Iyo Xasan Ciise Jaamac, tii Maxamed X. Ibraahim Cigaal iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax. Ilaahay ha u naxariistee labadii Madaxweyne way dhinteen. Laakiin, labadii Madaxweyne Ku-xigeen waa kuwa sharafta, maamuuska iyo milgaha maqaaxi walba ku fadhiya. Kuwa maanta joogaana sidaa si le’eg ayaa laga filayaa.

Waxa fool-xumo inagu ah siyaasiyiin dalkan u dhashay oo reer Somaliland ah, oo muwaadiniin ah, oo dalkan wax badan gashaday inay xidhnaadaan, waxay ila tahay mid fool-xumo ah. Waxaanaan ka codsanayaa xukuumada inay xoriyadooda u soo celiso.

S: Xukuumadan maanta talada haysa, waxa lagu dhaliilaa, inay sharcigii dalkani lahaa ay ku tumatay sidaad u aragtaa wada-shaqayn la’aanta xukuumada iyo Golaha Wakiilada ka dhaxaysa?

J: Xukuumada ta u horaysa ee aan ku arkay inay jabisay waxa weeye xeerka ugu horeeya, iyaday ahayd in la doorto, Golaha Guurtida, adduunyada lama arag qof isagu is doorta, wax ku taala distoorkeena, qof waliba wax wuu dooran karaa waana la dooran karaa. Dee Golaha Guurtidu iyagaa is-doortay, inay xukuumadu ilaaliso oo anay dhicin bay ahayd, in labada gole ee kale Baarlamaanka iyo fulintu ay doortaan iyaga ayay ahayd haddii loo kordhinaayo. Laakiin, inay iyagu isu kordhiyaan may ahayn ta ugu horaysa ee aniga ii muuqatay waa taas.

Fulintaasi waxay ku godan tahay Golaha Fulinta (Xukuumada). Waayo Golaha Wakiilladu in badan bay ka hadleen. Wada-shaqayntana saddexda Gole waa saddex isku dheeli-tiran, gole waliba golaha kale ayuu ilaalinayaa oo uu khaladka ka ilaalinayaa.

Dadku wuxuu hore ugu socon karayaa uun, gacmo wada jirka ayay wax ku wada qabtaan, markaa waa in ay saddexda Gole wada shaqeeyaan. Waxa la yidhi caano qubtay dabadood la qabaye, Golaha Guurtidii haddii ay iyagu isu jadiidiyeen, waxay ahayd inay shuruucda dalka dhowraan, oo aynu halkan aynu joogno hore uga sii socono, oo aynaan dib u noqonin.

Waayo berrina waxa dhacaysa in Golaha Wakiilladuna isu jadiidiyaan, dee Golaha fulintuna way is dooran karaan. Markaa dimuqraadiyadii aynu ku faanaynay waxay noqonaysaa mid aynu innagu laalay. Waxa ila haboon kursiga qofka ay dadku u gartaan in uu ku fadhiisto, maalinta kalena si nadiifa oo sharciga ku jirta uu uga dego, oo aanu jeclaanin kursiga. Waayo kursi jacaylku ayaa keena in Madaxda Afrikaanku Af-gambi ku dhintaan, qaarna la bedelo.

S: Maxamed waxaad ahaan jirtay Wasiir, Xisbiga UDUB-na ka mid baad tahay, siyaasadana mudaad ka aamusnayd, maxaa xilligan la odhan karaa way kaa hadliyeen?

J: Weli Xisbigii UDUB baan ahay, wali ma odhan Xisbigii waan ka tagay, anigu xisbigaygii baan ahay, waxa maanta iga hadliyayna wax kale maahee, waxa weeye sixid bay tahay, inaan saxo wixii khaladaada ee aan ku arko xukuumadii aan ka tirsanaa iyo xisbiga talada haya oo aan wali ka tirsanahay.

S: Siyaasiyiintan Qaran ee aad ka hadashay waxay xidhan yihiin muddo Afar bilood ah, Madaxweynuhuna ergooyin badan oo u tagay wuxuu u balanqaaday inuu sii daynayo hadday arji soo qortaan codsiya. Maadaama aad Xisbiga ka tirsan tahay Madaxweynaha ma ula tagtay, maxayse ku xidhan yihiin ma sharci mise sharci darro aragtidaada?

J: Xukuumada waan ka tirsanaan jiray. Xisbigana waan ahay, inkasta oo aanan gaadhin Madaxweynaha. Laakiin, asxaabtayda Golaha Wasiirada ka tirsan in badan baan u faray sida ay caadadeenu ahayd, sida aynu halkan ku gaadhnay iyo tusaalayaal badan. Waxa aynu dhisaynaa oo aynu ku jirnaa dhisid umadeed, umaduna waxay ku dhismaysaa, marka ka dibedda ka jooga iyo ka gudaha kula jira, labaduba markay si u wada dhisayaan. Markaa taa xaga sharciga waa taan hore u soo sheegay ee aan idhi siyaasigu hadduu dar-jiidho waa la ganaaxaa, ee lama xidho. Waayo xadhigu dimuqraadiyad ma noqonayo

Ta aan diidanahay ee aan maanta ka hadlayaana waxa weeyaan, in aanay caado inoo noqon, in aynaan berito ka maalin aar-goosi inoo noqon. Waayo ninka siyaasiga ah ee maanta joogaa, waxa laga yaabaa inuu noqdo ka berito madaxda ah. Markaa maaha in ka maanta joogaa inuu ku tacadiyo.

S: Maxamed xukuumadu waxay dhawaan faro-gelin ku samaysay Dalladii Xuquuqul Insaanka Shuuro-net, maadaama aad Xisbiga UDUB ka mid tahay, falkaa xukuumadu dallada albaabada ugu xidhay sidaad u aragtaa?

J: Urur kasta, ama mid xuquuqul Insaan ha noqdo, ama mid dhakhaatiireed ha noqdo, ama mid looyaro ah ha noqdo, ama kuu doono ha noqdee, waxaan xukuumada kula talin lahaa inay u dayso siduu distoorku fasaxayo, in cid waliba ay urur samaysan karto, in iyaga Ururada loo daayo siday ku midho-dhalinayaan, waxna dalka ugu tarayaan. Sidaasay dimuqraadiyadu ku toosaysaa.

No comments: