Thursday, December 27, 2007

Heshiisyada Qarsoon iyo jawaabta Wasiirka Macdanta






“Kuma odhanayo heshiis marka la galayo kuma jiro kharash. (Xaqul qalin) Laakiin waa wax qoran”

“Waxaan u malaynayaa in mashaarciida aanu annagu u xilsaaranahay….Golaha Wakiilladana” wasiirka macdanta waraysi

J:Berbera aniga iyo Wasiirka Kalluumaysiga, waxaana ay ujeedadayadu ahayd in aanu xeebaha iyo dadka ku dhaqan soo aragno, xaaladoodana soo ogaano, khayraadka badda ku jira sidii loo ilaalin lahaana dadka ku war gaadhsiino.


S: Sahanka yaad heshiis kula gasheen, rajo intee le’eg baadse ka qabtaan inaad ku guulaysataan sahanka?

J: Horta annagu Afartaa sano ayuun baanu ka shaqaynaynay, rajo wanaagsan ayaanu ka qabnaa inuu sahankaasi hir-galo, shirkada aan heshiiska la galay ee hawshaas fulinaysaa waa shirkada Norway ah, waana shirkadaha lagu yaqaan inay sahanka qaadaan shirkadaha ugu waawayn bay ka mid tahay, rajo wayna waanu qabnaa inaanu sahankaa ku guulaysanayno.

S: Wasiir habeen dhawayd waxa la sheegay inay diyaaradi fadhiisatay garoonka Hargeysa oo sahan ka samaynaysay dhinaca hawada khayraadka shidaalka, arrintaasi ma jirtaa?


J: Hawshaa aanu Afarta sano wadnay ayuun bay ka mid tahay sahanka in aanu cirka, dhulka iyo badaba inta aanu gaadhi karayno, waxaana ugu muhiimsan ee khayraad lagu raadin karo waa macluumaad iyo sahan in la qaado, markaa hawshaasi waxay ka mid tahay hawshii aanu Afarta sano wadnay. Iyana iminka barnaamijkeedii wuu soo dhamaaday, waana run way jirtaa diyaaradu, hawsheedana sahankana way bilaabaysaa.

S: Markaa goobaha ay ka bilaabaysaa ma goobo la cayimaybaa mise waa dalka oo dhan?

J: Dalka oo dhan bay sahan ka qaadaysaa.

S: Wasiir intii aad noqotay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha waxa jira heshiisyo aad la gashay shirkado ajnabi ah oo xagga khayraadka ku saabsan, ilaa haddana wax la taaban karo oo lagu guulaystay ma jiro, markaa heshiisyadani miyaanay kuwii hore la mid ahayn?

J: Horta adeer sheekadu sida aad mooday maaha, waxa kun-fa-yakun ahi ma jiro, adduunka ma jirto hawl caawa la bilaabayo oo berito dhamaataa, heshiisyada iyo wada-hadalka iyo arrimuhu sanado ayay qaataan, tii aanu sanadada ka shaqaynaynay ee heshiisyada ayuun bay tana ka mid tahay, waana midhihii ugu horeeyay ee hawlihii aanu galay, kuwii horeyay tan iminka socota haddii aad hore u maqashay heshiis baa la galay, kii aanu daba soconay kan uun buu ahaa, waana hawl wakhti qaadanaysa, midhaheediina waanu rajaynaynaa inuu dhakhso u soo baxo.


S: Imisa heshiis bay ahaayeen kuwii aad la gashay shirkadaha Ajnabiga ah?

J: Iminka korka kama hayo sow maalin walba cidi nooma timaado, ilayn heshiisyada dood, wada-hadal iyo wax baa la bilaabaa, markaa maalin walba cid baa noo timaada, maalin walba cid baanu arrimaha kala shaqaynaa, meel walba waanu marnay, waxaanu safaro ugu baxnay raadinta arrimahaas, kuwaasoo aan u malaynayo in aanay ka yarayn ilaa Lix Safar oo Maraykanka ah oo Yurub leh, oo meel walba leh, dee waxay ka mid tahay hawlaha aanu u xil-saaranahay in aanu u raadino dalka wax lagu shaqaysto, ama loo raadiyo macluumaad.

S: Wasiir waxa sharciga Somaliland dhigayaa, in heshiisyada shirkadaha shisheeye lala galo, in la mariyo Golaha Wakiillada, si Goluhu u ansixiyo, dhowr goorna Golaha Wakiilladu wuu kuu yeedhaye, manaad hor-tagine, markaa sidee ayuu ku xallaaloobayaa heshiiskan aad la gashay shirkadaha shisheeye?

J: Waa ku-tidhi ku-teen, wali aniga iyo Goluhu wax aanu isku diidnay ma jirto, hal walibana waxay leedahay marxaladeeda iyo wakhtigeeda, hawsha ilayn annaga ayaa soo bislaynayaa, ee markay u baahato in aanu Golaha Wakiillada horgeeyo, waa wakhtigeeda markay gaadho. Taasi annaga hawshayada weeye. Laakiin, waxa meelahaa lagu sheeg-sheegayaa waa ku-tidhi ku-teen, hawshu dariiqeedii bay ku jirtaa, goorta ay bislaato ee sharciyan ciddii loo gudbin karo diyaar baanu u nahay, waanaan u gaynaynaa.

S: Haddii aad heshiiskii samayseen oo diyaaradii bilowday, miyaanay ka horayn, in heshiiska Golaha Wakiillada lagu xalaaleeyo.

J: Wallaahay, arrintaasi waxaan u malaynayaa inay ka mid tahay mashaariicda aanu annagu u xilsaaranahay, ee maaha ee mid ka duwan taa aanu biyaha la galo, ama aanu Hay’adaha kale la galo, kama duwana uun baan u malaynayaa. Laakiin, markay sharciyan dariiqeedu soo dhamaado ee loo baahdo cid waliba way helaysaa baan u malaynayaa.

S: Wasiir sahanka la samaynayo kharashka ku baxay yaa qaba?

J: Waxa weeye farsamo ahaan iyo heshiis ahaan sida dadku u shaqaysanayo ayuun baynu u shaqaysanaynaa, innagu lacag aynu bixinayno oo hawshaasi ku fulinayno ma jirto, heshiiska ayaa dhigaya caynkaas, iyagaana bixinaya, iyaga ayaa hawsha galaya.

S: Wasiir sida saxaafada lagu shaaciyay heshiisyo aad hore u gasheen shirkado ajnabiya, dhaqaalo badan ayaa idinka soo galay, oo waxa lagu sheegayaa lacag Milyano ah in aad xaqul qalin uga qaadeen shirkadahaas, maxaa ka jira arrimahaas?

J: Marka heshiis la galo waxa lagu heshiiyo ayaa la fuliyaa. Heshiiska waxa loo galayaana wax u dan ah umadda weeyaan. Heshiisku waxa uu noqdo uun baa la fulinayaa, haddii aad taa fulin waydo dee bini’aadamka lama shaqaysan karaysid, heshiisku wuxuu yahay wax gaar ah, wax madmadow ah oo suuqa gacan midig laysku siiyaana ma jirto ama laysku reebaana ma jirto.

S:Ma jirtaa lacag Milyanaad dollar ah, oo xaqal qalin aad ka qaateen shirkadahaasi?

J: Waxa heshiisku dhigayo waxaan ahayn oo la galaa ma jirto. Heshiis uun baa wax lagu gaadhaa, heshiiskuna wax qoran weeye.

S: Heshiiska ma ku jirtaa taasi xaqal-qalinka ahi?

J: qodobada ku jira heshiiska marka aad dib ugu noqoto , iminka korka kama hayee, mid waliba sida kharashka loo gelinayo. Iminka wasaarada waxa laga caawiyay in tababaro loo diro kharash weeye, iminka kuma odhanayo heshiis marka la galayo kuma jiro kharash, waxba lagama odhanayo ee waa sida heshiisku dhigayo waana wax qoran.

S: Wasiir lacagtaa xaqal qalinka ah ee aad qabateen xagay ku dhacdaa ma qasnada dawlada?

J: Marka heshiiska la saxeexo, ee heshiiska sida uu yahay dawladu ayaanu annagu ka wakiil nahay, annaga sad gaara oo aanu haynaa ma jirto, mid waliba halkeedii iyo jaranjarteedii ayay martaa.

S: Miyaanay haboonayn in lacagtaa xaqal-qalinka ah ee aad shirkadaha ka qaadeen in Golaha Wakiillada aad ogaysiisaan si ay idinku xalaaleeyaan?

J: Malaha sharci baad ka hadlaysaayoo, sharciga markaynu ka hadlayno wax waliba sharcigu sida uu yahay in aanu u hogaansanaano xaq baa naloogu leeyahay, waana waajib weeye, Golaha Wakiilladuna xaq bay u leeyihiin inay wax na waydiiyaan.

No comments: