Saturday, December 22, 2007

Hoggaamiyayaasha QARAN Ee Xabsiga Laga Soo Daayayay iyo Aragtiyaha Shacabku ku Qaabileen













Published Dec 22, 2007

Hargeysa(Geeska)- Salaasadii toddobaadkii hore ayaa si lama filaan ah loogu war helay, soo daynta hoggaamiyayaasha urur siyaasadeedka QARAN, ka dib markii Madaxweyne Rayaale ogolaaday ugu dambayntii ergo salaadiin ah oo muddaba ku hawlanaa in xabsiga laga sii daayo saddexdaas siyaasi oo kala ah Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid Ibrahim...

Siyaasiyiintan oo muddo shan bilood ku siman ku xidhnaa xabsiga Mandheera, waxa uu xadhigoodu noqday mawduuc xaasaasi ah oo laf dhuun gashay ku noqday xukuumadda Madaxweyne Rayaale. Hoggaamiyayaashan oo waaberigii Salaasadii mid walba la keenay gurigiisa, ka dib markii guura gal lagaga soo qaaday xabsiga Mandheera, ayaa markii la ogaaday waxa inta badan shacbigu ku qaabileen dareen soo dhawayn ah, islamarkaana waxa meesha ka baxay walwal weyn oo laga qabay xabsi ku haynta nimankaas oo sii daba dheeraatay. “Anigu muddadaas ay raggaasi xidhnaayeen waxay ii ahayd war war iyo walaac, waayo waxaynu nahay dal curdin ah oo aan gudo iyo dibadba iska xejin Karin miisaanka uu leeyahay siyaasi fikirkiisa u xidhani.” Sidaas waxa yidhi Axmed Cabdillaahi oo ah nin aqoonyahan ah oo degen magaalada Hargeysa, waxaanu intaas raaciyay, “Sidaas daraadeed, waxaan leeyahay waa tallaabo horeba loogu baahnaa, waayo xadhig xal maaha.”
Inta badan goobaha kala duwan ee magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, waxa maalintaas lagu hadal hayay soo daynta siyaasiyiintan, oo ay dadku u arkayeen caqabad siyaasadeed oo gudo iyo dibadba saamaynteeda leh, “In badan ayaan maqlayay madaxweynaha oo laga soo xigtay waan sii daynayaa, balse aanay waxba ka hirgelin, waana lagu cambaarayn jiray, laakiin maanta mar haddii uu tallaabadaas qaatay waa in lagu bogaadiyaa, isagana waxa la gudboon inuu ka waantoobo siyaasi dambe oo xabsi la iska dhigo, waayo kolay ogaalkayga wuu dareemay culayska fuulay.” Sidaasna waxa yidhi Muuse Jaamac Xuseen, oo ah oday waayeel ah oo degen magaalada Burco, una waramay weriye ka tirsan Geeska Afrika oo ku hawlanaa ururinta dareenka shacbiga ee ku waajahan sii daynta siyaasiyiintaas.
Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo noqday siyaasiga keliya ee ka hadlay arrintan ayaa casuumad uu maalinimadii khamiistii u sameeyay siyaasiyiintan, waxa uu ku muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay soo dayntooda. Inkasta oo aanay jirin siyaasiyiin kale oo mucaarad ah oo ka hadlay mawduucan, haddana marka dib loo eego in badan oo siyaasiyiin ah ayaa marar badan u gu baaqay xukuumadda Madaxweyne Rayaale in raggaas loo soo celiyo xorriyadooda, sidaas daraadeed waxa la odhan karo siyaasiyiinta mucaaradkuna waxa ay ku qaabileen qalbi furan.
Shirguddoonka Golaha Wakiilada Somaliland ayaa iyaguna isla maalintii la soo daayay waxa ay mid mid guryahooda ugu booqdeen hoggaamiyayaasha QARAN, taas oo muujinaysa inay ku faraxsanyihiin soo dayntooda.
Si kastaba ha ahaate, soo daynta siyaasiyiintan qaran waxay dan u ahayd guud ahaan Somaliland oo ah wadan aan dunida ka haysan ictiraaf caalami ah, gaar ahaan Madaxweyne Rayaale oo ay siyaasadiisa dibadda caqabad ku noqotay, waxaanay bulshada caalamka u muujinaysa bisaylka Somaliland ee ah in muranka iyo ismaandhaafka siyaasadeed lagu xallin karo wada hadal iyo is faham.
Ugu dambayn, Madaxweyne Rayaale iyo siyaasiyiinta la soo daayayba waxa la gudboon in la iska iloobo waxyaabihii hore u dhacay, bog cusubna loo furo xidhiidhka wada shaqayneed, islamarkaana mawduuca siyaasiga ah ee muranku ka taaganyahay lagu xalliyo hab sharci oo Distoorka waafaqsan.

Source: Wargeyska Geeska Afrika, o­nline

No comments: