Saturday, December 8, 2007

Maxaad ka Ogtahay Waxbarashada iyo Jaamacadaha Suudaan







(Hadhwanaagnews) 8.12.2007
Waa Maqaal xiiso badan oo taabanaya dhinacyo kala duwan:-

* Jaamacadaha ugu muhiimsan iyo Nidaamka Waxbarashada.
* Sida ugu fudud ee Dalka Sudan lagu tagi karo.
* Tirada Ardayda Reer Somaliland ee Dalka Sudan wax ka dhigta.
* Bulshada Reer Sudan iyo Dhaqankooda.
* Cuntada, Cimilada iyo Siyaasada Dalka Sudan.


Luqadaha waddankan wax looga barto waa Luqadda Carabiga iyo Luqadda English ka.
Jaamacadaha ugu heerka sareeya ee kuyaalla caasimadda Khartoum waxa ka mid ah :-

1. Khartoum University
2. Sudan University
3. International University of Africa
4. Al Nilein University
5. Juba University
6. Al Jazeera University
7. Aza Eim Al Azhari University
8. Um Durman Islamic University.
9.al qur,an al karim uniuversity

Jaamacadaha ugu muhiimsan ee goboladda ku yaalla waxa ka mid ah:-

1. Shendi University
2. Al Wadi Nile University
3. Upper Nile University
4. SH. Abdalle Beder University
5. Al Mahdi Universiy
6. Kassala Universiy
7. Jasira university
N.B. Waxaa xusid mudan in gobolkasta uu leeyahay jaamacad u gaar ah halka gobolada
qaarkood ayku yaaliin dhawr jaamacadood.


NIDAAMKA WAXBARASHADA.

Qaabka waxbarashada Sudan waa laba nooc oo kala ah :-

1. Courses: Nidaam Koorsaad, waxbarashada qaabkan ah waxa ay dutuustu ku baxdaa
wakhti cayiman sida asbuuc ama bil, markasta oo course dhamaatona waxaa loo
fariistaa Exam.

2. Semesters: Nidaam Simistaraad, waa nooca caadiga ah ee inta badan jaamacadaha
waxlooga barto, sanadki waa labo semester oo midkasta final kiisa imtixaan loo
fariisto.

NOOCYADA KULIYADAHA ( Available Faculties)

1. Kuliyadaha Caafimaadka oo kala ah:
Medicine
Laboratory
Nurse
Public Health
Nutrition.
X_rays
Vertinery & etc

2. Kuliyadaha Engineering-ka

Civil Eng.
Electerical Eng.
Production Eng.
Chemical Eng.
Computer Eng.
Technical Eng. & etc
Petrolium Eng.
Electrical Eng.

Kuliyadaha kale oo iyana la heli karo waxaa ka mid ah:-

Business Management
Economic Studies
Administration
Law and Sharia
Pure Science
Geology
Political Science
Computer Science
Languages ( France, English and Arabic)
Islamic Studies
Journalism

Socail Science ( History, Geography, Psychology, Informaion)
jaamacadahas oo badanka ku baxa luqadas carabiga iyada oo ay jiraanluqadokalena .
SIDA UGU FUDUD EE SUDAN LAGU IMAAN KARO

Waxaa jira qaabab badan oo lagu soo geli karo dalka suudaan, waxaana xusid
mudan in Passporka Somalia si sharci ah looga ictiraafsanyahay Sudan ixtiraam
gaar ahna la siiyo.waxaa jira laba qaab oo lagu iman karo

1. In ardayga File ( Coppyga Passport ka iyo Shahaadada) uu soo dhiibto kadibna
looga xereeyo xafiiska ha'ada u qaabilsan ardayda ajaanibta ah oo la yiraahdo (
Non-Sudanese welfare Org.)

2. In ardaygu uu Visa ku soogalo kadibna uu si toos ah jaamacaddii qancisa u tago
sidaasna loo qaabilo.

TIRADA ARDEYDA SOMALILAND EE WAX KA BARATA.

Waxa wax ka barta ardey aad u badan oo reer somaliland ah tiro ahaana dhan ilaa 500 ardey oo isgu jiray wiilal iyo gabdho bartana in ka badan 15 jaamcadood oo ku kala
yaala gobalada sudan badnakooda iyo caasiamadaba .

Ardeyda reer somaliland waxa kulmiya urur weyn oo si habsami ah u shaqeeya lana
yiraahdo SOMALILAND STUDENTS ESSEMBLY IN SUDAN iyada oo uu hada gudoomiye ka yahay MUDANE : IBRAAHIM AADAN IBRAAHIM.

BULSHADA SUDAN IYO DHAQANKOODA

Dadka Sudan waa dad aqoonyahanno u badan taas ayaana sababtay in qof kasta oo
ajnebi ahi dhexdooda ku noolaankaro, ragga waxa ay inta badal lebistaan waxa loo
yaqaan Jalaabiya ama Khamiis weyn .

Dhaqanka Sudanta waxa aan ceeb ka ahayn in ragga iyo dumarka ay is gacanqaadaan (
musaafaxo)dumarkooduan dhaqan ahan habeen kii ma socdaan badanaa . qofkasta waxa uu kuu muujinayaa qalbi furnaan iyo maxabbo
dhaqamadooda waxa ka mid ah wakhtiga caruuska oo rag iyo dumarba loo mariyo xine
iyo aqalka inanta oo aroosku ka dhaco ! Guud ahaan waa dad runtii qabow oo soo
dhoweyn leh ah oo had iyo jeer faraxsan, arki maysid wax isdagaalaya mana jecla
qofka inuu deg dego sidoo kale hadalka badan i way necebyihiin.

SUDANTA IYO SOMALIDA

Somalida iyo Sudanta waxa ay isaga egyihiin, Midabka, Qaabdhismeedka jirka, Xoolo
dhaqashada, Dhaqamada baadiyaha, waxa ayna ka midaysanyihiin, islaam-nimada,
Afrikaanimada iyo carabnimada taas ayaana keentay inay si gaar ah Somalida u
ixtiraamaan.

CUNTADA IYO CIMILADA SUDAN

Cimilada Sudan waa mid aad u kulul inta badan sanadka gaar ahaan bilaha 4 ilaa 8, sidoo kale waa qabow bilaha 11 ilaa 1 aad

Cuntada Asaasiga ah waxa ka mida, FUUL waa cuntada ugu badan, fuulka ee sudan
laga cuno ahana waa ka ugu aslisaniyo kaarkadey oo sharaab ka ugu wacan .

XAGA SIYAASADA.

Sudan waxa ay xoriyadeeda qaadatay sanadkii 1/1/1956 waxaan gumaysan jiray
dawladii boqortooyada england.

madaxweynhii u horeeyey ee dalka sudan ka noqda madaxweyne waa ISMAACIIL AL AZHARI.
sidoo kale waxa soo maraya madxweynayaal badan oo badankoodu ku yimaadeen qaab
iniqilaab sida NUMYERI , SUWAARA DAHAB, sidoo kale waxa laba jeer hogaanka dalka
qabtay SAADIQ AL MAHDI oo hada ah gudoomiyaha xisbiga AL UMAH,

Sanadkii 1989 bishii july 30 keedii waxa talada dalka la wareegay koox leh aragti
islaamiya oo uu hogaaminayeey DR XASAN AL TURAABI iyada oo uu madaxweyne ka noqday
sudan CUMAR XASAN AXMED AL BASHIIR oo hada talada dalka haya 18 sanadood.
laakin sanadkii 1997 waxa khilaaf dhex maray MADAXWEYNE AL BASHIIR IYO XASAN LA
TURAABI
taas oo keentay in la kala diro baarlmaankii oo markaa XASAN LA TURAABI ka ahaa
gudoomiye isagana xabsiga loo taxaabo.
Sanadkii 1999 sudan waxay ku guuleysatay in ay soo saarto shidaal kana mid noqoto
wadamada shidaalka dhoofiya iyada oo hada maalintii soo saarta 500,000 foosto oo
shidaala.

Kadib dagaal dheeraa oo ka socday koonfurta sudan waxa uu soo gabgaboobay 9/1/2005
iyada oo ay heshiis galeen xukuumada AL BASHIIR iyo ururkii SPLM ee uu hogaamin
jiray DR JONH GRONG oo ku geeriyooday shil diyaaradeed 30/8/2005 ka dib markii loo
dhaariyey jagada madxweyne ku xigeenka ee dalka sudan.waxaase hada kacdoono ku sameeya xulufooyin mucaarada oo dawlada ku kacsan.

Sudan waa dal aad u balaadhan waxaana lagu qiyaasaa masaaxadiisa laba milyan oo
meyl oo isku weera waxaan ku nool 35.000 000 oo isugu jira carab iyo afrikaan kana
kooban in ka badan 500 oo qabiil oo luqado kal gaar ah ku kala hadla laakiin ay wada wadaagaan luqada carabiga oo dalka oodhan lagaga hadlo.

Muslimiintu waa 70% kuwaas oo ah carab iyo afrikaan daga galbeedka sudan ama
gobolada daarfoor ee hada dhibaatadu ka taagan tahayiyo qolyaha madmadow ee koonfurta dalak dega oo ah dad diimo kale aaminsan .............
XAGA GUURKA SUDANTA

guurka suudaantu waa mid ku xidhan dhaqan soo jireen ah oo ay leeyihiin qabiilwaliba badanaa waxa uu aad u guursadaa qabiilkiisa waqtiga gurrka oo ah mid aaad uadag ayaa waxay keliftay in uu qofku ku guursado weynan iyada oo ay sababtay dhaqamo ay leeyihiin o ah in qofku marka hore wax barto ilaa heer jaamacadaa sare kadiban uu waxqabsado oo uu awoodo qarash aad u badan oo kaga baxa iyaga oo aan sida soamlida iska caawin xaga guurka oo uu qofku ku keliyeysto hadaanu lacagbadan haysan ama waxbarana aanu awoodi karin taasna waa dhaqanka oo ah mid ay aad ugu adagyihiin .

BY: shu`ayb mohamoud elmi

EMAIL: shucayb_143@hotmail.com

2 comments:

Unknown said...

Asc wll hadii aan ubaahdo jaamacad ku taalo suudan sideen ku helaa

Unknown said...

Su.ashan halkaan igu soo jawaab Zaapir12@gmail.com or axmedcade090@hotmail.com