Monday, December 10, 2007

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Khudbad Ka Jeediyay Xaflad Lagu Xusayay Maalinta Xuquuqal Insaanka










Written by M. Jama

Hargeysa(Qaran)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasiin, Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo wasiiro ka tirsan xukuumada ayaa maanta ka qeyb galay xaflad lagu xusayay maalinta xuquuqda aadamaha oo lagu qabtay xarunta haa'yada shaqaalaha ee magaalada Hargeysa

Xaflada loo sameeyay maalinta caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha iyo xuska joojinta gabood falada Haweenka lagu sameeyo, waxa soo qaban qaabiyay dalada ururada xuquuqul insaanka ee Shurno-Net iyo Komishinka Xuquuqul insaanka ee Qaranka. Waxa kale oo munaasibadaas goob joog ka ahaa Haa'yadaha samo falka ee dalka ku sugan qaarkood.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa khudbad uu xuska ka jeediyay uu caalamka ku dhaliilay sida ay Somaliland uga duudsiyeen xuquuqdii aqoonsiga, waxaanu yidhi "Haddii caalamku xuquuqul insaan ka hadlayo 17 sano ayaynu dawlad nahay, ee maxaa Somaliland loo ictiraafi waayay arrintaas oo ah xuquuq weyynba waa la ilaaway".

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, oo ka hadlayay ahmiyada ay ku fadhido ilaalinta xuquuqda aadamahu, waxa uu yidhi "Ilaahay waxa uu bani'aadmiga soo raaciyay kitaab sida ay u dhaqmayaan uu eebe ku xardhay, xuquuqda aadamhuna waxay ka bilaabantaa qofka laftiisa. Oo ilaahay kumuu odhan inta aad gaadhi kaxaysato is-qarxi oo eebe ayaa xaaraantinimeeyay, haddii aad sidaas samaysana adiga ayaa ku xad gudbay naftaadii".

"Carrurtu in la tarbiyadeeyo xaq ayay waalidiinta ugu leeyihiin, si uu u soo baxo mujtamac dhisan oo is haysta, waayo carruurtu waa aayihii mustaqbalka , haddii qoysku burburana dawladi jiri mayso. Dadka u badan ee xuquuqda ku xadgudbaa waa raga waayo waxa laga yaabaa in aanu aabihiu qoyskiisaba ka war haynin oo uu saqda dhexe soohoydo, oo aanu la socon carruurtiisu halka ay qabato" Ayuu yidhi Mdaxweyne Ku xigeenku.

Md Axmed Yuusuf yaasiin, waxa uu bulshada u soo jeediyay in qofba qofka kale xuquuqdiisa ilaaliyo, isla markaana la idhawro xuquuqda faraha badan ee dadka jaarka ahi isku leeyihiin.

"Xuquuda dadku waa mid weyn, laakiin waxaynu ka sheekaynaa xuquuq buug ku taala oo dibadaha laga qoray, waxa aan leeyahay bal teena {diinta Islaamka} aan u soo noqono oo aan ka dhigano gun-dhiga"Ayuu intaas raaciyay Md Axmed Yuusuf Yaasiin.

Waxa kale oo uu xusay in diinta islaamku ay sugtay xuquuqda Haweenka isla markaana aan la ogolayn in lagu tacadiyo..

Xoghayaha Guud ee Dalada Shuro-net Saleebaan Ismaaciil Bulaale, oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay in ay kormeer ku sameeyeen jeelasha ku yaala gobolada dalka "Shuro-Net iyo Komishinka Xuquuqul insaanku iyagoo is kaashanaya waxay kormeer ku soo mareen jeelasha dalka ku yaala, waxana ay tiro koob ku sameeyeen maxaabiista ku jira. Waxana aanu ku aragnay tiro badnaan ka muuqata maxaabiista ku jira jeelasha. Sidoo kale waxa aanu tiro koob ku samaynay maxaabiista ay xukumeen Gudiyada nabadgelyada goboladu, waxa aanu warbixintayadii u gudbinay wasaarada cadaalada Somaliland oo aanu ka sugayno jawaabtii"Ayuu yidhi Xoghayaha guud ee shuro-net.

Saleebaan Ismaaciil Bulaale, waxa uu xukuumada ka dlabaday inay cafis u fidiso siyaasiyiinta Urur-siyaasadeedka Qaran, ee ku xidhan xabsiga mandheera, waxaanu yidhi"Ururada xuquuqul insaanka Somaliland, waxay xukuumada Somaliland ka codsnayaa inay siyaasiyiina Qaran ay sii dayso, dalkeenu waxa uu ku fiicnaa hore uma ay jirin dad siyaasad u xidhanaan jiray".

Sidoo kale waxa xafladaas ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe , Wasiirada Cadaalada iyo Houmarinta bulshada, Md Axmed Xasan Cali {Casoowe} iyo Marwo Faadumo Suudi Xasan, waxana ay ka warameen xuquuqda aadamaha iyo ahmiyada ay shacbiga u leedahay.



Cumar Maxamed Faarax

Qarannews/Hargeysa

No comments: