Friday, December 14, 2007

Dhacdooyinkii Ugu Waaweynaa Ee Lagu Xasuusan Doono Sanadkan 2007 Somaliland

Somaliland: Warbixin – Maxamed Cumar, Wariyaha Boorama

Sannadka 2007-ta ee haatan dhammaanaya ayaa waxa dadweynaha reer Somaliland ku xasuusan doonaan dhacdooyin iyo waaye xambaarsan farxad iyo murugo labadaba, iyadoo dadweynaha reer Somalilandna ay weli sugayaan sannado kale oo ay ku sii jiraan barwaaqo iyo dhibaato iyo nolol ka wanaagsan ta ay haatan ku nool yihiin, sida hadba ay u kala dareemayaan duruufahooda kala duwan.

2007 waa sannad kale oo xukunka iyo xukuumadda Madaxweyne Rayaale weli dalkan uu ka shaqeeyo, isla markaana waa sannad ay xukuumaddu sheegan kari la’dahay guulihii ay gaadhay ama horumarkii ay gaadhay sannadkan iyo kuwii ka horreeyey, sida uu dhawaanta sheegay siyaasi reer Boorama ah oo qurbajoogga ah, lana yidhaahdo Maxamed Xasan Mataan.
Maanta oo uu sannadkani gebogebo marayo, weli waxaa jira dhaliilihii xukuumadda looga jeedinayey dhinaca maamulka ee ku saabsanaa nolosha, siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka. Waxa kale oo sannadkan lagu tiriyaa sannadkii xukuumaddu shacbiga tustay awooddeeda, isla markaana xabsiyada loo taxaabay dad dhulkan aad looga yaqaannay, dalkanna u soo halgamay gobanninamdiisii iyo weliba boqollaal kale oo ka mid ahaa dadweynaha reer Somaliland, kuwaas oo xabsiyada dalka, gaar ahaan xabsiga Madheera ku tirsanaya sannad ka dhammaaday oo soo dhaweeyey xorriyaddooda inay helaan.

Haddaba, innagoo aan soo koobi karayn dhacdooyinka xidhiidhka ah ee naxdinta iyo farxaddaba u lahaa reer Somaliland dawlad iyo shiciba maalin walbana wax ka beddelayey nolol maalmeedka Somaliland, nolol maalmeedka siyaasadda iyo horumarka ayaa waxaynu tusaale u soo qaadanaynaa dhacdooyinkii Somaliland ka soo waajahay dhinaca xukuumadda, golayaasha qaranka, shakhsiyaadka siyaasadda iyo xorriyatul-qawlka saddexdii bilood ee ugu horreeyey sannadkan 2007.

Ugu horreyn 1-dii bishii January ee sanadkan 2007 ciidammo dawladdu leedahay ayaa soo weeraray Xarunta Wargeyska Haatuf, halkaas oo lagu xidhxidhay guddoomiyihii wargeyska Yuusuf Gaboobe iyo tifaftiraha haatan Cali Cabdi Diini, iyadoo weerarkaasi habeenkaasi uu ka fakaday gacanta ciidanka dawladda Suxufi kale oo la yidhaa Maxamed-Rahsiid Muxumed Faarax, kaas oo weli dalka uga maqan cabsi-gelin ku saabsan shaqadiisa.

Guud ahaan weriyayaashaasi iyo madaxda warbaahinta Haatuf ayaa waxa lagu qabsaday oo dawladdu ka cadhootay sawirro laga qaaday hanti la sheegay inay leeyihiin qoyska Madaxtooyada iyo qoraallo muujinaya faraqa u dhexeeyey Dawladdii Marxuum Cigaal iyo dawladda Rayaale, arrimo la xidhiidha musuqmaasuq ka dhacay xukuumadda dhexdeeda iyo fadeexado soo hadal-qaadkooda laga yaabo inuu mar kale kaga cadhaysiiyo qoyska madaxtooyada, kuwaas oo dhammaantood lagu baahiyey wargeyska Haatuf.

15-kii isla bishaas January ayaa anigoo shaqo ka imi goor habeennimo ah, aan u soo galay ciidanka amniga Boorama oo isku xeeray Boorama, halkaas oo 18-kii isla bishaasina la igu daray saaxiibadaydii Hargeysa ku xidhnaa oo isla bishaa naloo diray xabsiga Mandheera, sidii uu u dhacay xukunkii lagu qaaday xabsiga madheera ee ku saabsanaa arrintayaduna waxay ahayd arrin shacbiga Somaliland inta nabadda jecel, inta jecel xuquuda muwaadiniinta in la ilaaliyo iyo dalalka saaxiibka inala ahiba ka yaabeen xukunkaasi.

Waxa ka darray sida Guddoomiyaha Maxakamadda sare ee wakhtigani caddaalad darradiisa uu is-tusay shacbiga, isagoo sheegay in sharciga saxaafadda ee madaxweynuhu saxeexay aanu ahayn mid wakhtiga la socda oo aan waxba xidhayn, taas oo meel ka dhac ku ahayd cidda saxeexaday iyo cidda ka soo shaqaysayba, waxaanay arrintaasi keentay inuu guddoomiyihii dhamaa ee umaddan kala saari lahaa haddii ay isqabsato uu arrintaasi meel kaga dhacay.

Ugu dambayntiina xukunka Haatuf oo u dhacay sidii la ogaa oo u ekayd amar la soo faray cidda qaadaysay, laguna qaadayey xero askareed, ayaa aakhirataankii keentay in caalamku ka qayliyo, isla markaana ay soo dhawaysay sii-deyntayadii bishii March.

Inkastoo aanan war u hayn dhacdooyinka ka dhacayey Somaliland wakhtigaasi aan ku xidhnayn Xabsigaasi, balse waxa isoo gaadhayay arrimo kale oo ay ka mid ahaayeen, Madaxweynaha oo tegey dalka Ghana, Wasiirka warfaafinta oo aflagaadeeyey saxaafadda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah, hiliblayaal mudaaharaad sameeyey oo la qabqabtay markii ay diideen inay u guuraan suuq la yidhi waxa dhistay dawladda Hoose ee Hargeysa, balse hiliblayaashu u qaateen suuq nin leeyahay, waxa kale oo aan xusuustaa maalmahaasi hadallo ka soo baxayey siyaasiyiinta Golaha wasiirada Somaliland oo u ka mid ahaa Cawil, wasiirka maaliyaddu isagoo yidhi “kala bixi maynno Haddii Rayaale socdo". Waxa kale oon xusuustaa dhacdooyinkii ugu adkaa ee soo kala qabsaday Golaha wakiilada iyo xukuumadda, murankii miisaaniyadda, xeerarka Golaha iyo arrimo kale oo ay ku kala bixi la’aayeen dawladda iyo Baarlamaanka.

Intaa kaddib, waxaan goob-joog ka ahaa, isla markaana la socday dhacdooyinkan dambe ee dalka ka dhacay 2007, iyada oo wixii wakhtigaa ka dambeeyey aan idiin soo gudbin doono siday ahaayeen
La soco...

No comments: