Saturday, December 15, 2007

Madaxweyne Cudurka Kaa Gala Fardaha...Faallo: Geeska Afrika Staff Writer







hadhwanaag 2007-12-15 (Hadhwanaagnews) Waxa jirta sheeko Baraley nuxurkeedu yahay in xilliyadii uu quwada lahaa wixii la odhan jiray Midowgii Soofiyeeti, arrin kasta oo dhacda loo saari jiray guddi ujeedadeedu tahay inay xal ka keenaan. Markii mawduuc kasta loo saaray guddi ee aanay guddidiina soo celin wax natiijo ah oo la taaban karo, waxa soo baxday sheeko dadku aad ugu qosli jireen oo iyana nuxurkeedu ahaa in qof iska soo tuuray dabayaqda dhaadheer ee caasimadda Mosko ee Ruushka, inta aanu dhulka soo gaadhin la magacaabi jiray guddi badbaadisa naftiisa. In guddi la saaraa maaha wax qariib ah oo qofku su’aalo badan iska weydiiyo, laakiin su’aashu waxay qofka dabaqa dheer iska soo tuuray ee dhulka ku soo socda naftiisu ma sugaysaa inta guddigaasi wax ka qabanayaan arrintiisa amaba ay ka fadhiisanayaan? ! Jawaabtu waa Maya oo waxa lagu cabiri karaa murtida tidhaahda Dhicisku inta birta loo soo siddo ayuu bakhtiyaa.

Muddooyinkii u dambeeyay, waxa magaalooyinka waaweyn ee Somaliland saamayn xoog badan ku yeeshay sicir barar. Waxa hoos u dhacay qiimihii dollarka, oo ahaa lacagta lagu qiimo jaro badeecadaha kala duwan, iyadoo aanay halkoodii waxba iska bedelin qiimihii badeecadaha kala gedisan. Sicir bararkaasi waxa uu saamayn taban ku yeeshay guud ahaan bulshada Somaliland, gaar ahaan qoysaska danyarta ah oo aan awoodi Karin inay iska xejiyaan mushkiladda ganacsi ee soo korodhay.

Sicir bararkaasi waxa uu noqday mid lagu qaboojin kari waayay shirar jaraa’id iyo hadalo ka soo baxa Wasaaradda ganacsiga, waxaana markii u dambeysay lagaga wada hadlay shirkii Golaha Wasiirada ee Isniintii 3 December, 07.

“Shirkaasi Golaha Wasiirada oo uu gudoominaya Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa si qoto dheer loogu fallan qeeyay Waxyaabaha sababay Sicir bararka Maciishada Quudatal daruuriga ah iyo Siyaabaha wax looga qaban karo .
Madaxweynuhu isaga oo arrintaa ka hadlaya waxa uu sheegay in ganacsiga Somaliland uu yahay mid xor ah oo ganacsatadu ay u madax banaan yihiin waxyaabaha ay dibada ka keenaan oo cuntada quutadal daruurigu ka mid tahay, hase yeeshee mar walba loo baahan yahay tix gelin iyo Mudnaanta koowaad in la siiyo sidii loo ilaalin lahaa Ascaarta cuntooyinka quutadaruuriga ah iyo wixii la hal maala, si aanay saamayn ugu yeelan Shacbiga intiisa badan.
Sidaa awgeed, Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Magacaabay guddi ka tirsan Wasaaradaha Ganacsiga, Maaliyada , Arrimaha gudaha , Baanka Somaliland , D/Hoose iyo Rugta Ganacsiga , in ay sida ugu dhakhsaha badan uga hawl galaan sidii wax looga qaban lahaa arrimaha keenay sicir bararka Raashinka iyo hoos u dhaca Lacagaha Doollarku ka mid yahay.” Sidaas waxa lagu yidhi Warsaxaafadeed laga soo saaray shirkaas Golaha Wasiirada.
Sida muuqata, Madaxweynaha iyo Golihiisa xukuumadu, waxa ay in badan isla garteen in sicir bararkii yahay aafo umadda ku habsatay oo u baahan wax ka qabasho, waxa ay isla garteen inuu saamayn xoogan ku yeeshay qoysaska bulshada Somaliland. Sidaas daraadeed waxa la isla qaatay inay lagama maarmaan tahay in xal la raadiyaa. Xalkii Madaxweyne Rayaale iyo xukuumadiisu waxa uu noqday in arrintaas loo saaro guddi.
Magacaabista guddigaas oo ay ka soo wareegtay muddo laba toddobaad ku dhow, ilaa hadda lagama hayo wax tallaabo ah oo ay qaadeen amaba xiitaa tallooyin ay soo jeediyeen, iyadoo weliba dhibaatadii sidii u taagantahay.
Dadka ganacsiga khubarada ku ahi markii ay maqleen go’aanka xukuumadda Somaliland ee ku tacaluqa sicir bararka, waxa ay tilmaameen inay tahay sheeko ka fog caqliyadda iyo waaqica jira. Dadkani waxa ay sheegeen inaanay guddi la saaraa marnaba waxba soo kordhinayn, balse loo baahanyahay in mushkiladan loo waajaho si cilmiyaysan iyadoo la kaashanayo khubarada dhaqaalaha aqoonta u leh iyo ganacsatada miisaanka leh, si loo ogaado sababaha keenay hoos u dhaca dollarka ee sababay kor u kaca badeecadaha.
Hase yeeshe magacaabista guddigu, waxa ay u eegtahay mid Madaxweyne Rayaale ku doonayo inuu ku jiheeyo indhaha shacabka ee Madaxtooyada eegaya, waxaana taas daliil u ah magacaabista guddigaasi ma soo dhaafin warsaxaafadeedkii lagu magacaabay, mana jirto ilaa hadda cid maqashay war ku saabsan oo ka dambeeyay warkaas lagu magacaabay.
Isku soo wada duuboo, waxa muuqata in Madaxweyne Rayaale doonayo inuu cudurka sicir bararka ku dabiibo daawo aan tiisii ahayn taas oo lagu macnayn karo heestii caanka ahayd ee Cudurka kaa Galla Fardaha, haddii laga gudbo dameera dawada

Source Wargeyska Geeska Afrika

No comments: