Thursday, December 20, 2007

Madaxweyne aan barano khilaafka xallintiisa, aan barano waxaynu isla ogolnahay iyo waxaynu isku diidanahay in laga wadahadli karo.















Published Dec 20, 2007

Waxaan maanta kuu sheegaynaa xabsiga Madheera cuqdad kamaannu soo qaadin, waxaannuse ku baranay is-cafiska, dulqaadka iyo danta qaranku inay ka weyn tahay dhawrkii casho ee aannu afarta gidaar ku xidhnayn Dr Gaboose


Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka QARAN, Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Rayaale in ay u afduuban yihiin hay’adaha garsoorka ee dalku, isla markaana si cad ugu sheegeen markii ay sharciyadda ururkooda ula tageen inay ka baqayaan Madaxweynaha. Sidaana waxa uu ku sheegay waraysi uu shalay la yeeshay telefishanka madaxabannaan ee HCTV.
Waraysigaas oo ahaa mid dhinacyo badan taabanaya, isla markaana uu Dr. Gabboose daboolka kaga qaaday mowqifkooda ku wajahan urur-siyaasadeedkooda, xaaladda dhaqaale dalka iyo talooyin door ah oo uu u jeediyey Madaxweyne Rayaale, ayaa ugu horreyn Guddoomiyaha oo ka hadlayey hab-dhaqanka Madaxweynaha Somaliland iyo xaaladaha cakiran ee waqtigan dalka ka jira, waxa uu yidhi;

“Caalamku waxa uu ka fekerayaa ummaddaasi siday u fekeraysaa, ma dad ismaqla oo is-qadariyaa, ma dad wada tashadaa oo khilaafaadka dhexdooda wadahadal ku dhammaysan karaa oo aan xabbad iyo xadhig toona isu adeegsan, ma dad shuruucda u dhigan xurmeeyaa, ma dad xuquuqda aadamaha ee dadkooda wax karaamaysan ka dhigaa, mise waa dal sidii madaxdii hore ee soo martay dunida ee maalmihii horne fiicnaa, markii dambena dib-u-gurasho bilaabay? Ilaahay waxaan ka baryayaa hareeraheenna waxa ka buuxa ee laga naxayo ee dagaallada, madfaca iyo dhibaatada ah in aynu waxaas ka badbaadno, iyagana Ilaahay ka dejiyo dhibaatada.


Waxaan hambalyo u dirayaa caalamka aan hebel iyo hebel noo garanayn ee haddana ogaa waxa aannu ku xidhannayn xaq-darro ahaa ee Madaxweynaha kala hadlay in arrintani weecinayso magacii iyo sumcaddii wanaagsanayd ee Somaliland ku lahayd dunida iyo shacbiga reer Somaliland ee min Ceerigaabo ilaa Boorama qaddiyaddayada si aan kala go’ lahayn marwalba afka ugu hayey, mana aha Madaxweynaha oo lala hadlayaa in ka xabbadda wata uu ka qiimo badan yahay ka hadalka wataa, waayo dalkeenna ayuu dhaqan u yahay wadahadalku iyo isu-tanaasul in lagu xalliyo wixii jira.
Waxa kale oo aan mahadnaq qiimo leh u jeedinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xaaskiisa, waayo doqonku wuxuu u qaataa meel lagu ficiltamay in lagu kala tegay, waxaanan marka hore u rajaynayaa caafimaad, marka xigana inuu Ilaahay garansiiyo masuuliyadda uu hayo culayska ay leedahay, muwaadiniinta uu xilka u hayo culayska ay leedahay godobtooda, xaq-darradooda, caddaalad-darradooda, xoolahooda, waxaanan la jeclaan lahaa Madaxweynaha waa nin dhallinyaro ahe xukunka maalinta uu ka dego inuu isaga oo shaadhkiisu cad yahay uu waddooyinka magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo gebi ahaanba dalka oo dhan iyada oo la leeyahay waa Madaxweynihii hore ee Somaliland.


Haseyeeshee, dhaqamada beryahan dambe muuqdaa werwer fara badan bay I geliyeen oo caalamkana ku beereen, waxaan isagana odhan lahaa, Madaxweyne aan barano khilaafka xallintiisa, aan barano waxaan isla oggolnahay maahee waxaynu isku diidanahay in laga wadahadli karo. Haddaad adigu leedahay saddex xisbi baa dalka ka jira, annana aan leenahay Madaxweyne ururro ayaa la furan karaa, iyada oo aan cadaawadi jirin oo dalkeenna uu ku furan yahay ictiraaf-la’aan, waxa ku furan dhaqaale xumo, shaqo la’aan, waxa ku furan xudduudeennii oo cadowgu soo dhisanayo iyo mushkilado fara badan, maanta waxay ahayd maalintii xilkaaguba aannu wax kale noqdeen ee uu noqon sidee ummadda loo mideeyaa, sidee hebelka cadhaysan loo daweeyaa, sidee hadduu kaa gardarran yahay aad u qaadataa adigaa Madaxweyne ahe, ragganimaduna ma aha aniga uun baa adkaada, balse ragganimadu waxa weeye in aad oggolaado in lagaa adkaado oo tartanka lagaaga adkaan karo, waxaas oo dhammi waxaad ku dhismi lahayd.


Waxaan maanta kuu sheegaynaa xabsiga Madheera cuqdad kamaannu soo qaadin, waxaannuse ku baranay is-cafiska, dulqaadka iyo danta qaranku inay ka weyn tahay dhawrkii casho ee aannu afarta gidaar ku xidhnayn, in aannu gacan-ka-hadal samaynana waxa nooga muhiimsanaa danta dalka, waxaanan Madaxweyne kuu sheegayaa waxaannu ku taaganahay wax aannu ka hadhayno ma aha, waa wax aannu xafiiskaaga ula imanayno, Maxkamadda Sare ula imanayno, waxaannu weliba kuu sheegaynaa in aannu maxkamadihii soo marnay oo Xeer-ilaalinta soo marnay oo meel walba leeyihiin Madaxweynihii baannu ka baqanaynaa, markaa Madaxweyne ha noqon Madaxweyne garsoorkii ka baqdo.”

Mar la weydiiyey Dr. Gabboose su’aal ku saabsanayd, in intii ay xabsiga ka soo baxeen ciddi Madaxtooyada uga yeedhay iyo in kale, waxa uu ku jawaabay; “Maya, annaguna maannu arag, manaanu doonan, laakiin Madaxweynaha kursiga ku fadhiya marwalba waxa naga dhaadhacsan inta uu kursigaa ku fadhiyo inuu yahay madaxweynahayagii sharciga ahaa, balse wax waa laysku qaban karaa, taasina ma aha in wixii aannu isku qabanay xaqayaga uga tanaasulno, laakiin waa inuu dhab ahaantii ogaadaa in QARAN jiro, xalayna [habeen hore] wuxuu yidhi, wixii aad doonaysaan sifo sharci-darro ah ha u marina; Madaxweyne sharcigiiba adiga ayuu ku soo ururay ee xaggee ayaannu u marnaa? Guddigii diiwaangelintu gacantaada ayey ku jirtaa, Madaxweyne; xeerka aannu maanta wax ku doonaynaana waa kuwii aad xisbiyada ku furateen, markaa annaga oo aan mar qudha ka horimanayn distoorka iyo xeerarka dalka u yaal, Madaxweynimadaadana oggol intaad kursiga ku fadhido in aan xurmayno, haddana Madaxweyne xaq baannu u leenahay in aannu urur furano oo tartankana ka qaybgalno.”

Isaga oo ka jawaabayey in wax shuruudo ah loo kala qoray iyaga iyo Madaxweynaha ka hor intii aan la sii dayn, waxa uu Dr. Gabboose yidhi; “Wax shuruud ah maannu weydiisan Madaxweynaha, qoraalna maannu qoran aannu ku leenaya na cafi oo na sii daa, waayo markaad na cafi leedahay dembi baad gashay weeye macnaheedu, haddii annagu aannu aaminsanahay in dembi nalaga galay na saamax ma odhan karno, kolkaa Madaxweynaha in aannu ku gefaynay annaga lama aha ee mowqifkayaga saliimka ah baa wuxuu ahaa Madaxweyne wax dembi ah oo aannu galnay oo aan cafis kugu weydiisanaa ma jiro, welina tii baannu leenahay, waxaanan qabaa haddii maalin kale timaaddo inuu garan karo isagu inuu yahay ka cafiska na weydiisan kara, waayo gef ayuu aniga iyo muwaadiniintii aan ka tirsanaynba naga galay.

Ciidammadan, maxkamadahan iyo xadhiggan loo isticmaalayo awoodaha, inkasta oo aanan maalmaha ciidda jeclayn inaan boogahaas taataabto oo aan ku beddesho xusuusihii hore iyo maxaa inoo dan ah maanta, haddana waxaan leeyahay QARAN way jirtaa, ururna distoorku wuu oggol yahay, xuquuqdaasina ma aha mid mar qudha la isticmaali karo, balse waa mid ay u aayi doonaan ubadka Madaxweynaha dhabarkiisa ku jira.

Madaxweyne, ma aha in aniga layla tartamo ee dimoqraadiyadda oo dhan baa ah in sanduuqaa lagu kala baxo, haddii codbixintu kuu badatana adigaa ah, haddaad cod ku waydana meesha dhaaf, laakiin maaha sanduuqa mooyee sanduuq kale lama oggolaanayo, wax caalamku qaadan karana ma aha. Madaxweyne, waxaan ku caan-baxnay in qorigii aannu ku soo dhignay halgankii hore in aan isqabsigii kaga soo gudubnay, markaa Madaxweyne noo fur jidkii distoorka ay maxkamaduhu noogu qaadi lahaayeen gar sax ah oo dhexdhexaad ah oo aan la odhanayn Madaxweynihii baan oggolayn, maxaa adi kaa khuseeya waa arrin distooriya?

Ugu dambayn, Guddoomiyaha ururka QARAN oo la weydiiyey in ay qaddiyaddooda dacwad ka furanayaan oo maxkamad geynayaan, waxa uu ku jawaabay; “Horta annagu waxaannu isticmaalnay xeer No.14 la yidhaahdo oo ah kii isaga [Madaxweynaha] loogu furay UDUB, xeer ka dambeeyeyna ma jiro, Guurtiduna waxay maalin dhowayd soo saareen in xeer 14 yahay xeer jira oo nool, dhaqan-gal ah oo ay waajib tahay in la xurmeeyo, waxa keliya ee aannu Madaxweynaha ka sugaynaana waxa weeye inuu furo guddigii diiwaangelinta axsaabta. Sidaa darteed, annaga oo haysana xeer 14 oo ay Guurtida iyo Wakiilladuba caddeeyeen inuu dhaqangal yahay maxkamad waxba uga baahnaan mayno.”

Togdheernews

Hargeysa Somaliland

No comments: