Sunday, December 16, 2007

13 Mudane oo Golaha Wakiilada oo soo Hordhigay Mooshin ka Dhan ah Xukuumadda Rayaale















TOGDHEERNEWS 15-12-2007

Koox mudanayaal ah oo ka tirsan Aqalka Wakiillada, ayaa shalay golaha soo hordhigay mooshin ka dhan ah xukuumadda Madaxweyne Rayaale oo ku saabsan arrimo ay ka mid yihiin miisaaniyadda dawladda, xisaab-xidhyada iyo heshiisyada ay la gasho shisheeyaha.

Mooshinkan oo ay saxeexeen 13 xildhibaan waxa nuxurkiisu xambaarsan yahay in xukuumaddu keento xisaab-xidhyadii sannadihii 2003, 2004, 2005 iyo 2006 in meelmarin la’aantii miisaaniyaddii 2007 ay tahay gef dastuuri ah iyo in ay xukuumaddu keento heshiisyadii ay gashay iyo barnaamij siyaasadeedka guud ee dalka oo faahfaahsan.
Waxayna mooshinkan ay mudanayaashu u soo gudbiyeen Golaha gacanta laga geliyey Shirguddoonka Wakiillada, kaas oo iyaguna ay u sii gudbin doonaan la taliyahooda arrimaha sharciga si uu u eego in uu waafaqsan yahay sharciyadii mooshinku lahaa. Qoraalka mooshinka oo faahfaahsana waxa uu u dhignaa sidan:

“1. Sida ku cad qodobka 55aad ee dastuurka qaranka farqadiisa 1aad oo dhigaysa Golaha Wakiilladu waxa uu ka dooddi karaa waxana ka beddeli karaa miisaaniyadda, kadib go’aan Gole ayuu ku ansixinayaa.
2. Sidoo kalee sida ku cad qodobka 55aad farqadiisa 2aad oo dhigaysa ‘Haddii miisaaniyadda cusub dhammaan waydo ka hor bilowga sannad maaliyaddeed cusub, waxa lagu dhaqmayaa miisaaniyaddii hore inta ay ka soo baxayso miisaaniyaddii cusub, isla farqada 3aad ee qodobkan waxa ku cad in aan cadina geli karin kharash aan oggolaansho looga helin Golaha Wakiillada.’
3. Isla qodobkaas farqadiisa 6aad, ‘Waxa waajib ah u soo bandhigadda Golaha Wakiillada xisaab-xidh sannad-maaliyaddeedkii dhammaanday muddo ka bilaabanta taariikhda dhammaanka sannad-maaliyaddeedka.
4. Sidoo kale, sida ku cad qoddobka 53aad ee dastuurka qaranka oo dhigaaya farqadiisa 3aad, ‘Golaha Wakiilladu wuxuu ansixinayaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwo siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyada ama keenaysa culays maaliyadeed oo aan ku soo arroorin miisaaniyadda ama keenayaan soo saarida ama wax-ka-beddelka qanuun.’
5. Sida ku cad qodobka 53aad farqadiisa 2aad oo dhigaysa ‘Golaha Wakiilladu waxay awood u leeyihiin ka dooddista, wax-ka-sheegista, celinta oo sababaysan iyo ansixinta Baarlamaanka xukuumadda.’
Gebogebo
Annaga oo cuskanayna qodobadda dastuuriga ah ee ka ku xusan waxaan soo jeedinaysaa mooshin nuxurkiisu yahay.

1. In xukuumaddu keento xisaab-xidhkii 2003, 2004, 2005 iyo 2006.
2. In meel marin la’aantii xukuumadda ee miisaaniyaddii 2007-kii oo ah gef.
3. In xukuumaddu hor keento Golaha Wakiillada dhammaan heshiisyadii ay gashay.
5. In xukuumaddu hor keento Golaha Wakiillada barnaamijka siyaasadda guud ee dalka oo faahfaahsan, kaas oo la’aantii aan ummad qaran sheegaynaysa aanay iska socon karin sidii innagu dhacday sannadihii aan ka soo gudubnay.
Soo jeedin
Mudaneyaasha Golaha iyo Shirguddoonkaba waxaannu u soo jeedinaynaa in ay lagama maarmaan tahay in goluhu guto xilkiisa iyo waajibaadkiisa ay ummaddu u soo igmatay, meel mariyaana mooshinkan, go’aana cad oo sharciiga waafaqsana ka gaadhaan meel kasta iyo marxalad kasta oo ay la tegayso oo sharcigu jiddeeyey.”


Togdheer News

Hargeysa

No comments: