Monday, December 10, 2007

Malaayiin qof oo Muslim ah oo ku sii Jeeda inay Gutaan Mawsimka Xajka sannadkan.



























Malaayin qof oo ka kala yimi daafaha dunida ayaa waxay si xawli ah ugu sii qulqulayaan Magaaladda Barakaysan ee Maka halkaas oo ay ku gudan doonan Waajibaadka Xajka ee sanadkan dadkan oo kakala yimi in ka badan 180 wadan oo 64 dal yihiin kuwa Muslimka ah

Dawlada Sucuudiga ayaa adeega Xajka sanadkan ku bixinaysa lacag aad ubadan oo gaadhaysa dhawr Billion oo Dollar lacagtan ayaa loogu talo galay Safarada Xujaajta iyo dhamaan arimaha adeegyada kale ee loo sameynaayo xujaajta

Arrimaha Ammaanka

Amaanka Xaajka ayaa waxa si weyn u sagaay 45 kun oo kamid ah ciidamada Booliska iyo kuwa Milatariga ee Dawlada Sucuudiga kuwaaso si feejigan ula socda amaanka malaayinka Xujaajta ah ee sanadkan isugu yimi gudashada xajka sidoo kale 20 kun oo shaqaale ah ayaa iyaguna ka qayb qaadanay adeega xujaajta

Dhanka kale Kumaan Soomaali ah oo ka kala yimi Daafaha dunida ayaa iyaguna sanadkan ka qayb qaadanaaya gudashada xajka inkastp ay jirto dhibaatoyin ka hor yimi qaar kamid ah xujaajta Soomaaliya gaar ahaan kuwii ka tagi lahaa koonfurta Soomaaliya dhacday ayaa waxa kamid ah Dagaalada ka socda Magaaladda Muqdisho iyo dadkii ka xaji lahaa Magaaladda Muqdisho ayaa waxa dhibaato xoogan kala kulmeen Dawlada Embaghti oo si gooni ah xanibaad usaartay kadib markay u diideen inay ku safraan Pasaporkii hore ee Soomaaliya inkasto goor danbe oo diyaar garowga xajku uu gabogabo ah loo oglaaday hadan may suuro galin sanadkan inay Magaaladda Muqdisho ka soo xajaan tiradi hore uga iman jirtay
dhanka Somaliland kumaan qof ayaa ka xajay sanadkan kuwaaso hada intooda badan gaadhen dalka Sucuudiga inkasto tiro aad u yar hadhsantahay

Dhibaatoyinka ka dhaca Gudashada Dhagaxtuurka..

Dhibaatada ugu weyn ee ka dhacda Xajka ayaa waxay ahayd goobta dhagax lagu tuuro halkaas oo sanadkii 2006 ay ku dhinteen dad ka badan 300 oo qof waxan sanadkan Dawalada Sucuudigu sheegtay in la balaadhinaayo goobtas oo la sameeyay biriish kale isla markaan la balaadhiyay godka dhagaxa lagu tuuro

Sida ay sheegtay Dawlada Suxuudigu waxa malaayinkan qof ay isugu imaan doonan 18 Dec buurta Caraf sidoo kale 19 Dec aayaa iyaduna noqon doontay Maalinta Ciidul Adaxaa maalintaaso Xajkuna soo gabogaboobi doono

Ugu Danbeyntii Malayinka Musliimnta ah waxaan ilaahay uga baryayana inu ilaahy ka aqbalo gudashada xajka si nabad ahna ay ugu soo laabtan guryahoodi dadka kale Muslimiinta ahna ay ka faa;idaystaan maalmahan khayrka badan

Togdheer News

No comments: