Wednesday, December 12, 2007

kaalinta Shidaalka Berbera oo Haamaha u Jirta 1 k/m Batroolkay iibiso waxaa looga keenaa Bosaaso oo u Jirta 930 k/m







waxaa jira oo maanta dalkan somaaliland ka jira wax lala yaabo oo aad u badan oo aan garanwaayay waxaa loola jeedo iyo wax ka hadlayaa arki maysiid wax yar mooyane waxaan arkay dalkaan s/land oo dhaqalihiisi iyo xoolihisii iyo maceshadisii u rarmayaan ama lagaa keenaayo dawlad ama maamul goboleed aan aqoonsanayn jiritaanka s/land waa yaab see waxaa yaabka yaabki ah akhriste shidaalka lagu isticmaalo dalka s/land haadi ay tahay gaas iyo haadi ay tahay badrol iyo haadi ay tahay naafto waxaa laga keena dalal kale sida itobiya ama punland tusaale ahaan naafdataa lagu isticmaalo dalka hal litir oo dalka ama dekedahaa dalku leeyahay kasoo dega ma jiro naaftada lagu isticmaalo burco iyo hargaysa iyo berberaba waxaa laga keena itobiya itobiyanaa waxay kala soo degtaa dekeda jabuuti wuxu soo maraa naasireed wuxuu soo maraa heraar jigjiga wuxu yimadaa wajaale ama harta shiikh halkaas ayu kasoo kalaa hargaysa ama burco ama berbera!!! akhriste halka foosto ee 200 litir ah ee haamahaa berbera ku jira ee naaftadaa ah berbera waxaa lagaa siiya 141$ dolar ka harta shiikh yaala ee jabuuti kasoo degay ee xadka itobiya kalay ee naasireed kasoo beedhay ee herar iyo jijiga soo maray ee wajaale yaal ama harta shiikh yaal waxaa lasiinayaa halki foosto ee 200 litir ku jireen waxaa lasiinayaa 116$!!!! burco ama hargaysanaa wuxu ku yimaadaa 125$ akhriste miyaanay cajaa.iib ahayd ama wax lala yaabo ahayn gaasta dalkan s.land laku isticmaalo waxay ka timaada itobiya dariiqa ay naaftadu soo martay ayay soo marta laba kaalmood oo ku yaal wajaale xadka itobiya ayay s.land oo dhan kasoo iibsataa gaasta lagu isticmaalo waa borame ila hargaysa berbera burco iyo laascaanod iyo ceerigaabo oo iyaagu laba sal u dhexeeye ah!!! akhriste batrolka soo galaa dalka wuxu kasoo deega bosaaso ganacsatadaa s/land marka ay bosaaso kasoo iibsanayaan batroolka jiwanka ay batrolka kusoo iibsanayaan ama marka ay cashuurta bixinayaan jiwanka loo jaro marka la wediiyo meesha ay shidaalka geenayaan waxay jiwanadaa ku goostan ceerigaabo ama laascanood ama galgacaayo halkaas ayay kala soo gudbaan oo dalka soo geeliyaan isaago foostooyin ah oo halki foosto ay ku jirto 220 litir oo laga soo siiyay 114$ ila 118$ nooligaa burco ilaa bosaaso halki foosto ama bosaaso ila berbera waa 13$ ila 15$ oo gaadhiku leeyahay batroolka bosaaso kasoo degay berbera wuxu ku imanayaa 132$ iyo wax ka yar macaal kharash batroolka bosaaso kasoo degay burco wuxu ku imanayaa 128$ iyo wax ka yaar waxaa la socda foostooyinka birta ah oo marka danbe gaar loo ibinaayo!! akhriste mataqaan halka foosto ee berbera haamahaa shidaalka ku jiraa ee 200 litir ah waxaa lasiinaayo 145$!!! markaa miyaanay ahayn kaalinta berbeera ku taal ee haamahaa shidaalka u jirta 1kilo mitir batroolka ay ibinaysoo in ay kasoo iibsato bosaaso oo ugu imanayaa 133$ iyo wax kasii yar isago soo maray masaafo dhan 930 kilo mitir akhriste waa sidee ariintu? maxaa dekedihii dalka iyo xeebihiisi xidhay ganacsatadii dalka maxaa geeyay bosaaso wuxu yidhi ninki waalnaa ee salaada iida ku xidhay ee ka yaabay tagbiirti badnayd ee yidhi xaage salaadu ka xidhmiladahay imika miyaanay ahayn xage dalku ka hahaagi layahay? layaabka kale wuxu yahay bagaashka iyo wiciyadaa dalka lagu isticmaalo waxay kasoo dekaan bosaaso bacadlahaa ku yaal wajaale xadka s/land iyo ka hargaysa ku yaal ka berbera kuyaal maryahaa ay ibinayaa waxay kala soo degaan degeda bosaaso maxaa sababay in wax walba loo doonto dekeda bosaaso? 26.11.2007 anika oo jooga caynaba ayaan arkay 2 babuur oo sida sonkor waxaan idhi xaagay ka yimadeen babuurtan nin anu saxiib nahay oo ismaacil la yidhahdo oo kastamka caynaba jooga ayaa igu yidhi waxay ka yimaaden bosaaso galabti ayay soo mareen labadi baabur iyo qaar kale oo badan iyago caws sidaa oo ku socda bosaaso waxay ahayd in ay sonkortanaa ay u qadaan bosaaso cawskanaa ay u qaadan berbera waa foodsaar daba saar loo roogay akhriste dekedii berbera ee ku jirtay dekedahaa afrika ugu qaalisan way xidhantahay wax kasoo deganaa majiraan inyar oo dhis ah mooyaan imikaabad mooda in ay yara soconaysoo intaasinaa waa inta arafadaa ee adhiga ladhoofinaayo waxaan qoraalkan kusoo koobayaa m/waynahaa J.S.L daahir riyaale kaahin waxaan m/wayne ku leeyahay waxaad tahay m/waynee lasoo doortay oo shicibkiisu sii sharciyaa usoo doorteen oo silaanyo iyo faysal caliba food ku reebay dalka dekedaa u fur oo dalka dhaqalihiisii soo celi oo dalkaa ganacsatadiisii soo celi meel daran ayay joogan m/waynee wanaa kuwi ku doortay m/wayne dawlada aad m/waynahaa u tahay shicibka ayay ku dhisantahay shicibkanaa layskumaa soo jeediyoo ee waa layska jeediyaa dawladi M.S.Barre ee ku jirtay dawladahaa afrika ugu quwaada wayn waxaa dabargooyey shicibkeedi oo ay isku soo jeedisay waxaana sabab u ahaa cadalaad la.aanti iyo eexdi iyo qaraaba kiilki iyo tirtiirki lagu hayay shicibka goboladaa s/land xogogaalna aad u ahayd m/waynee waxaa qoraalgeekan kusoo gebagebenayaa dadka dekeda u fur oo dadku xor haa noqdeen oo shicibku wax kastanaa halasoo dekeen wax kastanaa haa dhoofiyeen aan ahayn mukhaadaraad oo ka daa shidaalkan u xidhan qofka iyo total oo dadka ka qaad cidhiidhiga ka saaran cashuurahaa intaas haadi aad m/wayne sameenwaydo waxaa lagu odhanayaa heesti maxamed mooge ee ahayd soo jiidh wanagaana jeeniga kusoo qaad ama ooda soo jebi dhaxaan balo u joogay

waa bilaahi towfiiq

aadan xuseen maxamed (A:Dirir) burco

No comments: