Thursday, December 13, 2007

Annaga wey noo muuqatey inaan Doorasho laba bilood oo........!!!.















Aniga oo tixraacaya wareysigii uu siiyey, Wargeyska
Haatuf Cadadkiisii Vol 6-Tirsi lamb. 1597, Arbacadii
shalay ee 12ka December,2007da, Hoggaamiyaha Garabka
Siyaasadda ee Xisbiga Talada Haya ee UDUM, Mr Cumar
Jaamac Faarax, Waxa qof kasta oo aqoon yahan ahi uu la
yaabaa, sababta ay Madaxda UDUB, uga siman yihiin
aqoon darrada, saboolkana uga yihiin aragtiyaha
aqooneed ee Mabaad'ida hoggaanka Mas'uuliyadeed, oo
aanay u ixtiraamin Garashada Dadweynaha ay doonayaan
in ay wax u sheegaan!! Isku si wax looguma sheego qof
yar iyo qof wey, qof aqoonsare leh iyo qof caamo ah,
Udubse waxaad mooddaa , in ay kinter-karten, duruus ka
bixineyso oo ubad aan weli barbaarin ay wax u
sheegeyso!!.

Sida ka muuqata Cinwaanka Maqaalkan, waxa ereyadaa kor
ku xusan ka dhawaajiyey, Guddoomiyaha garabka
Siyaasadda ee Xisbiga UDUB, weedhan oo Bulshada si aan
leexleexad lahayn ugu sheegeysa inay UDUB xeelad
Miciinsi oo keliya ku dooneysa inay u marto ku
dhegganaanta Hoggaanka dalka, waayo qorshaha ku
talogalka ah ee Xisbigan oo ahaa in Xilligii hore ee
Doorashooyinku u qorsheysnaayeen ee Decembar(Golaha
deegaannada) iyo April (Madaxtooyada) ay farsamo
xeeladeed ku dileen, iyaga oo xalaado Dalka fowdo
geliyey ku abuurey labadii Xubnood ee Golaha
Sharci-Dejinta uu Rayaale ku qasbayey, shuruudda oo ay
buuxin waayeenna ay Xildhibaannadu ku Diideen,
arrintaas oo keligeed Siddeed Bilood Dalka Jaah wareer
Distoori ah Gelisay, keentayna in Guddigii
dhexdhexaadintu kala Dhex galo!!

Waxa iyana raacdey, Mushkiladdii Miisaaniyadda 2007da
ee uu Golaha Xildhibaannadu wax ka beddelka ku
sameeyey, Guddoomiyaha UDUBna, shaxda waqti lumiska ah
ka dhigtey isaga dib ugu soo celiyey Baarlamaanka,
muddona laysku haystey, kana mid noqotey, arrimihii
Guddiga Dhexdhexaadinta. Markii laga heshiiyeyna uu
Guddoomiyaha UDUB derbiga ka tuurey, si aan shuruucda
waafaqsaneynna, Dikreeto Madaxweyne ku dhinac maray
Golihii Ummaddu soo dooratey go'aankiisii!! Waxa ku
xigtey Afduubkii Siyaasadeed ee qaran oo u xidhan urur
Siyaasi ah ayey Sameysteen!!! Muxuu dhigayaa Xeerka
dhaqan galka ah ee lamb.14? XEERKA DIIWAANGELINTA
XISBIYADA IYO URURRADA SIYAASADEED EE DALKA!! udub HA
SHEEGTO, SABABTA LOO XIDHEY XEERKAN OO JIRA aan ahayn
xaalad abuur, shaqaaqo wax lagu kordhisto loo
maleegayo!! Mujaahidiintu xaasha'e, ma geydo Xadhig
aanay muteysan!!

Waxa sidaan u sheegayba, Madaxda Udub ku habsatey
abaar xagga Maskaxda ah, waxaana u daliil ah in uu
Hoggaamiyaha dhan ee garabka Siyaasadda Udub oo ah
halkii laga hagayey Siyaasadda Xisbiga talada hayaba
uu illaawey in Xisbigiisu shan sannadood iyo bilo
talinayey, intaasbana ay qorsheysneyd Doorashooyinka
Saacaddu ka dhacdey imika ee dib loo riixay,weliba tan
Golayaasha Deeganka ee Decembar inay dhacdo ay ahayd,
Miisaaniyadda 2007da ay ku jirtey!!. Cumar haddii uu
run ka sheegayo inay UDUB u sii muuqatey laba bilood
oo isku xiga inaan laba Doorasho la wada gelayn ,
maxay shan sannadood iyo bilo u sii arki waayeen in
Doorashadii Golayaasha Deegaanku tahay Decembar
2007da, tii Madaxtooyaduna tahay April 2008?!!

Madaxda Maamulkan UDUB ummadda ma isla soo hor
taagayaan shay qudha oo ay qabteen oo horumarinta
Dalka aan ahayn hagar daamooyin laysku hortaagayo
aqoonsi aynu ka hello Beesha Caalamka, iyada oo
Maamulku Afduub Siyaasadeed kula kacay Madaxda Ururka
qaran, Inqilaabay Hay'addii Rayidka ahayd ee shuuro
net oo Xaakimkii Jeelka Madheera iyo Wasiir ku
Xigeenkii Afduubka Qaran ka Mas'uulka ahaa iyo Guuto
Askar ah kula wareegay qori Caaradii!! Xeerka
Cabdudhinta Saxaafadda, Adhiga Maamulkani bakhsay ee
lagu qasbay Ummadda in ay Raashin ku beddelato,
Dekadda Albaabada loo laabey, Maraakiibta shisheeye ee
Heshiisyada Gaarka ah Khayraadkii Badda ee Dalka ku
Xaalufisay , laguna jideystey ku wareejintii
Ciidammada Badda ee Xoogga Dalka Booliska!! si ay
iliiladdii musuqa u qaaddo arrintu!!

Udub waqtigaa shanta sannadood iyo bilaha ahi , wuxuu
kaga tegey saami iyo komishan raadis ee Ummadda inay u
shaqeysaba barnaamijkeedu maahayn, waayo qorshe
qarameed Horumarin oo ay wasaaraduhu ku shaqeeyaan
ayey yeelan lahayd? Mr. cumar haddii aynu weyddiinno,
mar haddii ay UDUB u sii Muuqatey inaan laba bilood oo
is xiga laba Doorasho aanay wada qabsoomayn, maxay ugu
sii muuqan weydey in Madaxweynaha oo Guddoomiyahooda
ahi Bulshada Dalka ugu ballan qaadey in Burco, lacagta
Giimbaarta ah laga beddelayo january 2007ka,
Dabayshana raacday!! in Idaacaddii qaranka ee Dalka oo
dhan laga dhegeysan lahaa, labadii Miisaaniyadood ee u
dambeeyeyna ku jirtey ilaa imika la la'yahay. In aan
Ciidanka Qaran la dagaal gelin waqtiga Doorashadu soo
gasho ee ay afar sannadood oo horeba iska
dhegotirayeen!! Haddiise ay Udub Doorashadii hore ee
Madaxtooyada Xaaladdan ku abuurtey si aan KUlMIYE iyo
UCID oo ku keli ahaa Gobolkaas , Cod uga helin loogana
dhigey goob dagaal, Xeeladdan Dagaalka Laas-Caanood
maxay ugu sii muuqan weydey iyana in aanay UDUB labada
siyoodba wada helayn!!?

Xeerkan Cawrada ah ee Cabudhinta Saxaafadda iyo
mashruucan "Maaweelada Carruurta" ee tira koobka cod
bixiyeyaasha, oo qof kasta oo wax kala garanayaa
arkayo in ay yihiin Xeelado Doorasho oo UDUBeysan, waa
ta hore'e, Ujeeddada Xeerku waa caga-jugleyn
saxaafadda loola jeedo si aanay u baahin boobka qaawan
iyo wax isweydaarinta uu Maamulka ku indho adag
yahay!! waa tan Diiwaan gelinta'e, waxa hadhey waa
dhawr bilood, Bulshada Dalkuna wax waraaqo aqoonsi ah
ma laha, tiro koob bulsho oo hore loo sameeyeyna ma
jirin, Muwaadiniintana maanta waxa le'eg haddii aanay
ka badneyn soo galootiga!! taasi oo ay dheertahay, 70%
Bulshadu waa reer guuraa, galeyna imika waqti jiilaal.
Xeeladaha lala hoos cararayo Tirakoobka ee muranka loo
rabaana waa tirooyin lagu darsan doono, labada
doorasho dhexdooda oo lagu sheegi doono Dhimasho iyo
qaan-gaadhnimo!!, iyada oo aynu wada ognahay in aanay
Dalka ka jirin "Morbidity and Mortality formal
statistics" Tiro koob sugan oo muujinaya, dhalashada
iyo dhimashada xubnaha Bulshadu ka kooban tahay ,
Dawladaha hoose, Booliska iyo Cisbitaallada aanay
jirin, hab xidhiidhiya oo lagu meel mariyo sidii loo
sajali lahaa xaaladaha Dhalasho iyo Dhimasho, Bangi
macluumaad u khaas ahna loogu samayn lahaa!!

Udubtan soo lug go'aday haddaba, haddii ay yeelan
lahayd Mas'uul qudha oo awood Hoggaan ama Maamul leh,
sidan uu Dalku yahay marna muu noqdeen ee wuxuu ugu
horreeyna soo bandhigi lahaa aragtida Hoggaamiye ee uu
Dalka ku Maamulayo Yoolasha uu higsanayo iyo farsamada
loo marayo. Wasaarad bararka ayuu in kooban oo tayo
leh ka reebi lahaa, xuduudda ayuu sugi lahaa, Lacagta
ajnebiga ah ayuu Dalka ka Saari lahaa, Idaacad qaran
oo Bulshada iyo Maamulka isku xidha ayuu ka Hawl geli
lahaa, Dekadda ayuu mushkiladdeeda xallili lahaa,
Tootal ayuu Daaqadda ka saari lahaa, Ganacsatada Dalka
ama Somaliland Petroleum Agency Dawladdu leedahay ayuu
Samayn lahaa, si Faa'iidado Dalku u baahan yahay aanay
Xuduudda uga tallabin. Adhigan Carabka loo xidhayna ma
dhacdeen, Ciidammada Qaranku ma Darajo la'aadeen waayo
Haybaddii qaranka ayay sidaan!! Musuqna lama arkeen oo
Dawlad qaanuun ayeynu noqon lahayn!! mase ahayn
himiladeedu mid Xuduudkeenna ku eeg ee bal eega
sooyaalkeedan murugada leh!!

Ugu dambeyn, Udub maskaxda inay ka abaarowdey, Dal aan
weli la aqoonsan, kaabayaashjiisa dhaqaale adkeyn,
Dadkliisu 96% shaqo la'yihiin in ay sassex Doorasho oo
kala gooniya qabato maaha Tansiil Alle ka soo degey ee
haddii ay inuun Dawo lahaan lahayd, wey ka damqan
lahayd kharashka aan loo baahneyn ee saddex doorasho
oo kala gooniyahi leeyihiin ugana tudhi lahayd
Bulshada hadimooyinkooda haddii uu diir qaran ku
yaalloo, waxaanay ka codsan lahayd Hay'adaha sharci
Dejinta shan Sannadood oo ay soo raamsaneysay in ay
mideeyaan saddexda Doorasho oo ay mid qudha iskaga
dhigaan, iyaga oo beddelaya , qodobbada Distoorka ee
munaasibka ku ah arrinkan, si hal doorasho,isla hal
cod saddexdaba loogu wada qabto, isla maalin keliya!!
UDUB maaha mid dhegeysi xataa istaahisha, oo hay'ad
Dawladda ka mid ah ayey tidhi isu jadiidi xilka
jaahilnimo halka ay ka gaadhey!! Waa in loo Duceeyo
inta aanay dhulkaba iibin oo komishan ama saami ka
dhigan!!

Dr. Cali Cabdi Muxumed,
Hargeysa.

No comments: