Monday, December 10, 2007

Ictiraafka Somaliland iyo Waxa Hortaagnaa!.












Somaliland.blogspot.com
Dec.11.2007

Waxaan rabaa inaan in yar u dulmaro akhristaha qoraal kooban oo ku saabsan waxa caqabad inooga dhigay Ictiraaf doonka Somaliland.

Haddaba meel walba oo aad istaagto iyo mar walba oo aad ka hadasho ictiraafka Somaliland maxay ugu ektahay qofka aqoonsigiisa u mara sifo sharci ah inuu kala kaxayn iyo kala qoqob ka dhex samaynayo Somaliya iyo Somaliland ama doonayo in uu wax uu xaq u leeyahay ku doodayo maxay ula ukaataa si uu boqortooyo isagu leeyahay ku maamulan doono dalkan miyaanay Somaliland 60 kii kula midoobin qaranimo Somaliwayn.

Arrinta ictiraafku waxay isugu soo biyo Shuban doontaa in Ururka Midowga Afrikaanka iyo Maraykanka oo wada jir u ictiraafaya somaliland maalin dhow ay timaado inta aynu ognahay talada adduunka maamulada Jiraa dhammtood Maraykan ayey shidaalka iyo talo guudba ka qaataan maanta gabadh madow ayuu Bush iyo xisbigiisu u dhiibeen.

Dalkan aan deganahay ee Kanada markii uu yimi Guddoomiyaha Xisbiga UCID 2005.

Mud: Faysal Cali Waraabe oo aanu ula tagnay booqasho casuumad uu noo soo diyaar gareeyey Jim kirgiannis MP …Parliament Hill ka oo ah xarunta Golaha Wakiilada iyo Ra’iisal Wasaaraha Kanada, waxaa toos uu noogu iftiimiyey Guddoomiyaha ahna afhayaha (Speaker of the House of Commons) MR PETER MILLIKEN bishii May 2005 waxuu yidhi marka hore inta aanan miiska soo dhigin qorshahayaga wax walba oo Mucaawino ah kanadi waxay marisaa hay'adaha qaramada midoobay magaca Somalia ayeyna ku baxaan waanan ogay inaad quruskiina ka qaadataan oo la idiin taageero bilaa shuruudo ee idinkuna soo xodxota Afrikaanka waayo Annaga, Maraykanka, Barwaaqo sooranka iyo Ingiriiskuba waanu aragnaa mawqifkiina Carabtuna aad bay idiinka soo horjeedaa ee Ololaynta halkaa ka sii wata.(Campagn).

‘Arrintan aad baanu uga sheekaysanay ayuu yidhi aniga iyo mas’uuliyiin kale iyo Jim Kirgiannis” oo ah Xidhiidhiyaha geesiga ah ee madaalaha Somaliland hadh iyo habeenba u dooda.lana dhex taagan Parliemanka dhexdiisa hadal iyo Qoraalba Ictiraafka doonka Somaliland Jimna Mar uu kaftan ku waydiiyey Peter waa maxay ushan yar ee uu sitaa ninka wafdiga ahi' waxuu qosolku yidhi hangoolkii (The Stick). labadan farraar biyuhu
meeshay ku jiraan bay kuu sheegayaan madaxan qaloocanna waa jiheeye mar marna waa wax walba qabte ( Multi purpose winch ). waxaan is waydiiyey Faysal isagaa tigidhka iska soo bixiyey dawladduna may soo dirsan ee ma halka hangoolka Faysal gaadhey ayey Dawladda Somaliland gaadhi wayday.


Waxaa kale oo iyaguna aan cidina ogayn ilaahay mooyaane Macalimiintii Peace Corp ka
ee (Somaliland)wax ka dhigi jirey lixdanadii oo mar walba ka dooda inay Somaliland aanay la mid ahayn Somalia, sidaa awgeed maalin kale ayaad garan doontaan waxayna sheegeen in maanta khariidad hordhac ah lagu badalayo maabka Afrika oo la rabo in qiil loo sameeyo in Sudan lookala jarayo Koonfur iyo waqooyi Somalilandna u hesho nasiib inaan Carab loo dhagaysan doonin waayo meesha argagixiso ku jirto inay ku xididaystaan maaha ee waa laga soo lafa gurayaa.

Al Qacida maraykan inay soo xoogaysato Carab isu daba taagi maayo. Sida Madaxwaynaha Somalia ay ugu baxdo soo dhiskiisa 60 ilaa 100 Million U.S. Dollar looguma qarash gareeyo ka Somaliland ee waxaa ku baxa wax ka yar $ U.S. 500.000.

Haddaba in lala dagaalamo Maxaakiimta oo la adeegsado Etoobiya waxaay sii maraysaa U.S. $ 1 Billion Ciraaq iyo Afgaanistaan iyo Somalia Maraykan siyaasadiisa wax buu ka badalay meel walba taasaana keentay isbedelka iyo Ictiraaf degdeg ah.

Waxaan maalin taleefon aan u diray nin Maraykan ah oo leh shirkad samaysa mashiinada walaaqa sibidhka (Cement Mixers)… waxay igu qaadatay inuu taleefonka dhigi waayo saacad in ka badan oo aan ka sheekaysanay arrimaha Somali iyo Somaliland, waxaan runtii aad ula yaabay sida ninkaasi iigaga aqoon badnaa taariikhda iyo dhaqanka iyo qabaa'ilka Somalida guud ahaan oo uu ii sheegay in mar aan fogayn la ictiraafi doono Somaliland laakiin Shicibkiinaa wannagsan oo dad Qaaliya (Quality) ah Madaxdiinu waa cago jiid iyo waxa Afrika god madow dhex- dhigay way kari karaan inay Maraykan toos u soo abbaaraan oo ka samaystaan Qareeno u dooda hadh iyo habeen arrimaha dalkiina iyo dadkiina waxay higsanayaan. wax alle waxii wax dhib ah u gaystayna lagu keeno maxkamado ay keenaan Morgan iyo Cali Samater iyo waxii shaqadaa la qabtay oo International war Crimes Heige la hor keeno sidii Serbia iyo Bosnia maraykan qareen iyo lobbyis ayaa u taliya madaxwayne iyo Xildhibaan kasta meel kasta oo laga soo doorto iyo magic kasta oo uu leeyahay maanta maraykan oo shidaaldoon ah iyo Al Qacida la dagaalan yaanay xoog soo yaalen maxaakiimtu. Daahir Riyaale iyo maamulkiisa caga jiidka ah ma keeni karaan ictiraaf ee Ilaahay Rooxaan tiisa quluubta dadkiisa daalacanaysa ayuu u soo diray meel dab loo shidanayo ayuu dabkoodii ugu qabtay. Sidee Faysal Cali Waraabe uu talo iyo guubaabin ugu toosiyaa habeen iyo maalin dhaliishooda aan waxba ka soo naaso caddayn

Talo waa tii ilaahay Hadal iyo Gabogabadii maraykan af caddaan ah Axmed Xuseen Ciise ayuu wataa Ikhtiyaarka qofkaa leh Tayasiirtana ilaahyabaa leh.

Maanta isagaana ah Madaxwaynaha Somaliland guul iyo gaashaanba isagaa ula hortaagan inuu dhamaystiro gaadhsiiyo dalkan oo dhab ah Siilaanyo haku nasto Sheikh iyo dariiqada maanta talo uma hayo dadka iyo dalka ta uu soo wadaana waa tii intii Lix iyo tobankii la soo maray geeddi socodkeedii dib loogu guuri lahaa dagaal iyo is xagxagasho inta ku soo biirtayna cadho ayey kula soo kufeen ee uu Suldanku Siisowga ku keenay sidii adhi daabula!!!!....

Oday iyo Caaqil iyo mutacalim meel talo ku soo goostay kuma degdegeen inay magac Garxajis iyo 400 ayaanu ku nimi oo reer hebel ah….. waxaan ka jeclaa inaad tidhaahdaan Iskayaga ayaanu ugu soo biirnay anaga oo ay noo cuntami wayday talada qalafsan ee Daahir iyo la taliyayaashiisa talo goorxun gowrac. Adduunkan aynu ku noolnahay taariikhdu iyadaa isa soo celcelisa boqolkii sanndoodba mar.

Aayaha dalkeena iyo dadkeena Foodka aad ku riddaan bisha Siddeedaad ee 2008 da ayaa lagu kala baxayaa ina Riyaalena waad soo haysay horena umaaad wadin ee nabadu waa muhiim oo waad ka talisay inta itaalkaaga ah aamusnaantaaduna waa caafimaad qab.
Waanan kuu mahad naqayaa ilaahay hortii intii aad garaad lahayd uun baad la shir timid ee raggan wasiirada kuu ahi rootidaa meesha ka gashaye habeen kulama ay sii joogeen habkan wax dhaamana way jecel yihiin marka runta lagala hadlo.

Baahida dalka taalaa waa mid adhi baa xidhan aan Marmarsiino looga dhigan karin ee Adiga Aljaabiri iyo golahaaga wasiiradu sannadka ka sii xaabxaabta xilku waa wareegto Ducaysane!!!

Waxii kale lataliyahaa ku talax tagay… Gaboose, Maxamed Xaashi iyo Jamaalna

inaad xidho runtii may ahayn ee Cawilbaa kugula taliyey oo kugu qasbay intuu islahaa yaan lakala kaxaysan Xisbul Muxaafadka UDUB Xardhay ee raggan jeelka ku hubso, imika ayaa kii daal la aamusnaana lagu yidhi qudhaanjoy ku quuso tanna anigaa qiyaamaha u soo taagan Maxaa dulmi layga galay?.

Wax wasiiradaada isku soo wada duuboo wax qabad leh dhab ah No: 1 Wasiirka Qorshaynta Qaranka Ibrihim Cali sanyare ayaa Geediga gaadhsiin kara halka lala Rabo… Axmed Xaaji Daahir oo Passport Kanada ah haystaana oo socsocon karaana waa ugu liitaa oo Wasaaraddiisa kuma filla iska daa Wacyi galine (Puplic Relation) ee malaha mar horaa kuugu danbaysay.

Waxa qoray. A/Nasir Maxamed Cabdilleh Six

Toronto, Canada

E mail: nasirsix@gmail.com

No comments: