Sunday, December 16, 2007

Af-lagaado madaxweyne ma wax la buunbuuniyaa mise waa xeelad loo adeegsado qofkii loo danleeyahay in la xidho!!!












Af-lagaado madaxweyne ma wax la buunbuuniyaa mise waa xeelad loo adeegsado qofkii loo danleeyahay in la xidho!!!()

hadhwanaag 2007-12-16 (Hadhwanaagnews) Waxaa xusid mudan in qof kastoo bani’aadamihi uu mudan yahay in la qadariyo oo aan meel looga dhicin sharaftiisa iyo karaamada Raxmaanku siiyey taasoo ah xuquuqda lama taabtaanka ah ee ruuxwaliba leeyahay, dunida korkeedana ruuxna ruuxa kale kama fadli badna markii laga reebo cabsida Ilaahay oo qudha mooyee oo lagu kala karaamo badnaan karo sida Ilaaha weyni Qur’aanka kariimkaa ku sheegay (Inna akramakum cindallaahi atqaakum). Taasi waa midda islaamku aaminsanyahay oo aynu uga gadisanahay ummadaha kalee aan islaamka ahayn oo Alle horti waa la wada simanyahay rag iyo dumarba laakiin in bulshadu karaamayso dadka u haya Mas’uuliyadda Qaranaka, Culumaa’udiinka, Cuqaasha iyo wixii kaloo la karaameeyo dhaqan ahaan waa midaan dhibaato lahayn oo keenta istixgalin, isqadarin, isjeclaan iyo wax wada qabsi wanaagsan. Qaddarin lagu qaddariyo waxaa ugu yar adoo magacaaga laguugu yeero oo laga hormariyo walaal ama ina adeer taasoo aadan wax kale ku jawaabi karin inaad tidhaahdo hee walaal ama ina adeer mooyee halkaasina waa bilowga isqadarinta iyo ixtiraamka bulshada u dhaxeeya.

Waxaa jirta dunidan cusub in laga badbadiyey sidii dhaqanka suubani ahaan jiray oo dadka qaarki aad loo buunbuuniyo qadarintooda iyo ammaantooda oo hadallo ama erayo muujinaya sida loo weynaynayo loogu yeedho deetana ay noqotaa wax ku waajiba in bulshadoo dhammi ugu yeerto erayadaas oo qofkaan ugu yeedhin uu noqonayo mid meel uga dhacay sharaftii ruuxaasi lahaa deetana wuxuu ku mutaysan karaa inuu ku waayo xilka shaqo ee uu hayo ama lagu sifeeyo midaan waqtiga la socon oon ilbax ahayn. Ammaanta qaarkeed waxay hoddaa ninkeeda oo ismooda wuxuusan ahayn deetana wuxuu u doobi dillaacsadaa diktatoor aan waxba ka maqlin cidoo dhan halkaana waxaa ka bilowda iska horimaad u dhaxeeya isaga iyo kuwii waxaasoo ammaana u hibeeyey iyagoo ka dhigaya Libaaxii Afrika.

Ammaantaa faraha badani waa wixii hoday Maxamed Siyaad Barre oo sidii loolahaa ‘Aabbe Siyaad, Guulwade Siyaad, Jaalle Madaxweyne, noolow Noolow Noolow Siyaad Noolow, Nuurkoodiiyow, Wadadii caddayd cagta saartayee ku caraabiyoo caynaanka hay waligaa hay, Horta qabo Siyaadoo bal qof kale ku soo dara iyo Aabihii Garashada oo dhaxalsiiyey inuu wax kale ismooday dalkiina ku hoggaamiyey booraan mugdiya iyo waxa maanta taagan oo akhiiran Amxaaro dhaxashay xaruntii uu ku dhagaysan jiray Radio Muqdisho iyo Radio Hargeysa oo ammaanaya isagoo cir iyo dhulba iskala weyn. Mar siyaad Barre la waydiiyey heesta uu ugu jecelyahay heesaha loo qaado wuxuu ku jawaabay oo yidhi “ Ma ku darteen dad kaaga dhinac ka raac hooy hooy dhinac ka raac yaadan luminee dhinac ka raac” oo uu ula jeeday inaan cidina ku mucarad noqon oo sida UL iyo diirkeed la isku duubnaado. Waxaan filayaa in badanoo idinka midihi inaad xasuusataan erayada ammaantaa oo idaacadihii Soomaaliya laga qaadi jiray, waxaase nasiib darraa inuu Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Riyaale ismooday Max’ed Siyaad Barre oo ay mareyso in loogu yeedho ‘MUJAAHID’ isagoo taariikhdiisa cid waliba hayso, waana ninka damiirkiisu siiyey inuu u hamablyeeyo Meles Zinaawi inuu qabsaday Soomaaliya.

Qof walba wuxuu soo qabtay waa midaan la inkiri karin oo taariikhda been in laga sheego looma baahna lamana dafiri karo soo yaalkii taariikheed ee ina soo maray. Max’ed Siyaad Barre wax badan oo lagu xasuusan karo oo wanaagsan wuu soo qabtay dhibaatoyin badanna wuu sameeyey wuxuuna ahaa GIDAAR ADAG oon loo soo mari karin Soomaaliya (The great wall of Somalia). Yaase dumiyey gidaarkii adkaa!!! Waxaa dumiyey kuwa maanta u adeega Etoobiya oo xasuuqa foosha xun ku haya shacabkoodii kana dhigay Soomaalidii ummad aan dal lahayn oo caalamkoo dhan qaxooti ka ah iyadoo dhulkeedu yahay dhulka dunida ugu wanaagsan. Rasuulkeenii suubanaa (SCW) wuxuu ku dacaysan jiray inuu Ilaahay xasuusiyo nimcadu markay gacmihiisa ku jirto ee uusan xasuusin markay dhaafto sababtoo ah wixii ku dhaafa saad usoo qabataa way adagtahay ee ku fara adayga markaad nimcada haysataan, idiin kuna filan dhibaatada ka taagan koofurta Soomaaliya iyo kooxda Mbigaati oo noqotay musiibadii qarniga 21aad.

Haddaan ku soo noqdo dulucdii maqaalka oo ahaa ‘ Aflagaado Madaxweyne ma wax la buunbuuniyaa mise waa wax lagu wanjalo qofkii loo danleeyahay in la xiro’ waxaa beryahaan ku soo badanaysa saxaafadda Soomaaliland kalmada af-lagaado madaxweyne oon horay looga aqoon dalka laguna soo qori jirin jaraa’idka ka soo baxa Somaliland intii ka horeysay Daahir Riyaale xukumkiisa. Maxaa u sabab ah kalmadan inay xukuumadu u isticmaasho nooc siyaasadeed oo muwaadiniinta loo adeegsado iyagoon wax dambiya galin in la iska soo qabto laguna soo eedeeyo aflagaado madaxweyne iyo sheeko riqiisa. Sababtu waxaa weeye in dalka laga sifeeyo inta saaxibul caqligaa ama aragtida dheerleh oo la soo reebo nacamlayaasha aan waxba ku soo kordhinayn dalka aan ka ahayn inay buuxiyaan kuraasidii ummada loogu adeegi lahaa oo sida Faysal Cali Waraabe sheegay mabda’oodu uusan dhaafsiisnayn mijin qaada. Waxaana la inoogu dawgalay markii ina Riyaale ogaaday in dadkaba lagu iibsan karo mijin qaada taana waxaa daboolka ka qaaday mid ka mida wasiiradiisa oo yidhi marka la gaaro doorashooyinka dawlada waxaa ka xiga inay hesho codadaka ay u baahantahay dhowr kunoo minjoodoo qaada ee dadweynow ha isdaalina habaar nalagu kari waaye.

Waxaa kaloo jirta dawladdu waxay doonaysaa inay cabudhiso saxaafadda madaxa bannaan oon waxba laga sheegin wax kastoy qasanayso ama hantida qaranka oo ay say doontu u isticmaasho iyo ku taxaddiga xuquuqul insaanka oo sannadkanoo qudha in ka badan 10 jeer ay ku xadgudubtay Waxaana ka mida kuwan:-

 Xadhigii suxufiyiinta Haatuf markay shaaca ka qaadeen in madaxweynuhu lunsaday xoolihii qaranka soona bandhigeen dokumenti caddeynaya.
 Inay xidheen siyaasiyiintii Ururka Qaran iyagoo dambi looga dhigay maxaad dadweynaha noogu ilbixiseen.
 Inay jeelka Mandheera dhexdiisa ku xukumeen Siyaasiyiintii QARAN oo dalka magac iyo xusho weyn kuleh.
 Inay dastuurkii dalka u yaalay jabiyeen kana isticmaalaan inta xukuumadu u aragto inay ku danaysan karto.
 Inay faragalisay ururadii xuquuqul insaanka (shuuro-net) kuna badashay qaar u nacamleeya.
 Inaysan marnaba dhag jalaq u siin Golaha Wakiiladu wax kastoy soo jeediyaan oo macnaheedu yahay shacabka Somaaliland cidi ma matasho aan ahayn Daahir Riyaale iyo UDUB.
 Inay Wasiiradu u kala dheereeyaan hebel halla soo qabto Madaxweynuhuu af-lagaadee.
 Inay guddida nabadgelyada een waafaqsanayn shuruucda dalka ay dadka iska xidhxdhiaan kuna hayaan jeelasha iyagoon soo marin nidaamkii garsoorka ama aan lagu soo eedayn wax dambiya.

Waxaasoo dhammi waa hullaab xumo iyo kalsooni darro ka muuqata siday wax u wadaan iyo hoggaamintii dalka ooy la kufeen meel xun mareysa Somaliduna waxay tidhaahdaa nin hagoog xumi inuu wax qarsanayaa la moodaa.

Gabagabadii: Garanay haddii muwaadiniintu ra’yigooda markay cabbiraan dawladdu u qaadanayso hujuum siyaasadeed iyadoon u fiirsan waxyaabaha sharcigu oggolyahay ee uun la soo taagan arrintani waxay wax u dhimaysa nabadgelyada ka jirta Somaliland oon meeshaba ku darsan wax hubso hal dhan baa la siistay. Waa fulay iyo kalsooni darradiisee shacabkii wadanka u dhashay waxay ku soo celiyeen wixii laga soo dagaalamay ee ahaa kaligi-talisnimo iyo caddaalad darro waxayna diideen wax kastoo dastuurku ballan qaaday sida xataa mudaharaadkii salmiga ahaa ee muwaadiniintu doonayeen inay ku muujiyaan shucuurtooda ay ku diidan yihiin xadhigga xaq darradaa ee madaxda Ururka Qaran, haddaba markii madaxweynuhu af-lagaadeeyo dadkii masuuliyadda u igmaday nooc kastaba ha ahaatee yaa xakamayn doona ama u sheegi doona qaladkiisa mise wuxuu noqday wiil reer abtigi la nool oon cidi taaban karin waxaani wax ka badane. Waxaan ku soo xidhayaa maqaalkan erayo ka mida gabay uu Hadraawi dhawaan tidhiyey isagoo ku cabbiraya aqoon darrida taala QASRIGA LOOGA TALIYO SOMALILND wuxuuna yidhi:

Garashadu hadday ruux latahay <++> Suu u garanaayo
Garaadkiisu suu yahay <++>Haddii loola garan waayo
Gardarruu u qaataa <++> Ninkii yidhi garaadkiis
Marka hore salaantii <++> Socota u meel tiil
Marka xiga sideedii <++> Duni iyo su’aasheed
Labadeeda sooyaal <++> Sidig nirig wadaagtiyo
Isa saaran ma ahee <++> Samo xumo horjoogiyo
Laba kala sokeeyoo <++> Kala seeran weeyaan
Haddan Suuban loo dayn <++> Summadeeda dhalashada
Kala sooca labadaas <++> Duni lagula saayirin
Sinji doorinteedaan <++> Runta laga sal gaadhayn

Cidda uu ku socdo gabaygani way is ogtahay waxaana lagu yaqaan inay dhegihii fureysteen wajigiina dateen waana sifihii qoomkii Nabiyullaahi Nuux lagu yiqiin ee Allaw sidii khayrleh!!!

Wa billaahi tawfiiq iyo Allaah Mahadle

QALINKII: Shueib Abdi Gabose
Canada, Toronto
Gabose55@hotmail.com

No comments: