Friday, December 28, 2007

Kulan Lagaga Hadlayo Dhibaatada Gudniinka Fircooniga oo Burco ka Furmay iyo War kale










Burco (Jam)- Kulan lagaga doodayey dhibaatada gudniinka fircooniga ah oo ay ka qaybgaleen soddon xubnood oo ka socda macallimiinta dugsiyada GobolkaTogdheer, ayaa shalay ka furmay magaalada Burco.

Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adda Candlight qaybteeda caafimaadka, gaar ahaan FGM-ka, ayna maalgalisay hay’adda ISF, ayaa ujeeddadiisu la xidhiidhay sidii bulshada looga wacyigelin lahaa dhibaatada iyo khatarta uu leeyahay gudniinka fircooniga ahi, isla markaana macallimiintu qayb uga qaadan lahaayeen sidii ardayda dugsiyada iyo waalidiinta loogu baraarujin lahaa dhibaatada caafimaad ee uu sababo gudniinka fircooniga ah.

Sahra Axmed Gaas oo ah madaxa FGM-ka ee magaalada Burco oo kulankaa ka hadashay, ayaa ku tilmaantay gudniinka fircoonig ah aafo weyn oo u baahan in bulshada laga wacyigaliyo, lana fahmo saameynta uu ku yeesho dhinaca caafimaad ahaan qofka haweenka ah, “Sidaa darteed, haddaad tihiin macalimiintii waxa laydinka baahan yahay inaad doorkiina ka qaadataan sidii caadada xun looga tirtiri lahaa bulshada."

Sidoo kale waxa kulankaa hadal kooban ka ka jeediya Prof.Xasan Daacad oo ah maamulaha dugsiga VTC-Burco, waxaannu si faahfaahsan uga warramay halista uu leeyahay gudniinka fircooniga ahi, isla markaana yahay caado iyo dhaqan xun oo aan ku jirin diinta islaamka.

Kulankan oo socon doono laba casho ah, ayaa muddada uu socdo waxa si weyn loogu lafoguri doonaa mushkiladda iyo dhibaatada gudniinka fircooniga, loogana tirtiri lahaa bulshada.

Waa markii u horreeyay ee mashruuc noocan oo kale oo bulshada lagaga wacyigalinayo sidii looga hortagi lahaa halista uu leeyahay gudniinka fircooniga ahi laga hirgaliyo Gobolka Togdheer.

Hay’adda Shaqaalaha oo ka Jawaabtay Eedaymihii Maareeye-xigeenka Biyaha Burco

Hargeysa (Jam)- Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, ayaa jawaab cad ka bixisay eedaymo uu Maareeye-ku-xigeenka wakaaladda biyaha ee Burco Mr. Muuse Cabdi Ismaaciil ku durey in aannu si caddaalad ah u dhicin imtixaan ay maamulaysay hay’adda shaqaalaha dawladdu oo bishii November ee la soo dhaafay laga qaaday shaqaalaha wakaaladda biyaha ee Burco.

War-murtiyeed uu shalay ka soo saaray Hargeysa Guddoomiye-ku-xigeenka hay’adda shaqaalaha dawladda, ahna ku-simaha Guddoomiyaha, Md. Cabdikariin Cismaan Xasan oo isagu ahaa masuulkii hoggaaminayey guddida qaaday imtixaanka shaqaalaha wakaaladda biyaha Burco, ayaa beeniyey dhaleecaynta Maareeye-ku-xigeenka wakaaladda biyaha ee Burco u jeediyey hannaankii uu u dhacay imtixaankaas, isagoo sheegay masuulka hay’adda shaqaaluhu in imtixaankaasi u dhacay si xor iyo xalaal ah.

Maareeye-ku-xigeenka wakaaladda biyaha ee Burco, ayaa shir-jaraa’id oo 24/12/2007 ku qabtay xarunta Gobolka Togdheer, waxa uu ku sheegay in guddida hay’adda shaqaaluhu ay ahaayeen qaar daacadda oo doonayey in imtixaanku u dhaco si caddaaladd, haseyeeshee ay saamayn ku yeesheen xubno ka tirsan golaha deegaanka ee Burco oo guddida ku wahelinayey qaadista imtixaanka.

Maareeye-ku-xigeenka oo faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha uu ku dirayo imtixaankaas wuxuu yidhi; “Waxaan ka soo bilaabayaa imtixaankii iyo siyaabihi loo qaaday waxa ka xigta qaabkii loo maamulay imtixaankii agaasimayaasha nimankii u yimi qaadidda imtixaanka 90% waxay u yimaaddeen in ay imtixaan sharci ah qaadaan, laakiin waxa wehelinayay xubno ka tirsan golaha degaanka dabcan saameyntooda ayay lahayaeen labaad xubnood ee degaanku/

jiro ay shaqo badan qabteen imtixaankaasi marki uu dhacay shaqaale-hoosaadkiima laga qaaday waxa ku xigay kii agaasimayaasha agaasimayasha lix nin ayaa isa soo taagay in ay imtixaan galaan anigu, markaa waxan taagnaa in imtixaan sharciya laga qaado agaasimyaasha waaxyaha, laakiin waxa dhacday in laba ka mid ah agaasimyaashii hore ee wakaaladda cudurdaar keeneen waliba ninka la yidhaahdo Cismaan Yuusuf uu ku dooday in imtixaan hore looga qaaday uu ku baasay loo qiimeeyay agaasime kuna soo shaqeeyay agaasime dawladda hoose ah, sidaa daraadedna loo soo beddelay agaasime wakaaladda, markii uu imtixaankaasi sidaa noqday (waxa la yidhi, la kala dheeree orodse maaha) arintu waxay ku danbaysay rag siidhi loogu dhuftay oo midba dhinac u cararay, markaa imitxaankaas lama odhan karo boqolkiba boqol (100%) waxa uu ahaa Fair iyo sax.”

Haseyeeshee, war-murtiyeedka uu Guddoomiye-ku-xigeenka hay’adda shaqaalaha dawladdu, Md. Cabdikariim Cismaan Xasan kaga jawaabayey eedeymahaa ka soo yeedhay Maareeye-ku-xigeenka wakaaladda biyaha ee Burco, ayaa isna isagoo faahfaahsan waxa uu u dhignaa sidan:

“Waxa lagama maarmaan noqotay war cad ka soo saarno sidii uu u qabsoomay imtixaankii ay wadajirka u fuliyeen hay’adda shaqaalaha dawladda iyo wasaaradda arrimaha guduhu toddobaadkii ugu dambeeyey ee bishii November 2007, kaas oo ahaa imtixaankii iyo qiimayntii loogu talagalay shaqaalaha wakaaladda biyaha Burco.

Imtixaanka qiimaynta ahaa oo ay hay’adda shaqaaluhu hormood ka ahayd, ayaa muddo ku dhaw bil si qaloocan saxaafadda qaarkeed loogu soo bandhigayey, taas oo ay ugu dambaysay qoraallo ku soo baxay qaar ka mid ahy wargeysyada madaxabannaan ee caasimadda Hargeysa 25-kii December 2007, oo uu ku nashiray Maareeye-ku-xigeenka wakaaladda biyaha Burco Md. Muuse Cabdi Ismaaciil oo ka mid ahaa dadkii aadka noola shaqeeyey muddadii lixda casho ahayd ee aan hawsha imtixaanka aan wadnay isaga oo uu weheliyo Maareeyaha wakaaladu, kuwaas oo uu muuqday dad wada-shaqayn fiicani ka dhexayso.

Imtixaanka wakaaladda biyaha Burco lagu eedeeyey maaha kii guu horreeyey ee shaqaalaha biyaha laga qaaday, waxase ka horreeyey kuwii ka qabsoomay magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, halka dawladda hoosena la ixtixaamay Burco iyo Gabiley, gobollada kalena qorshaha hay’adda shaqaalaha iyo wasaaradda arrimaha guduhuba ugu jiraan in la mariyo imtixaanka qiimeynta shaqaalaha mustaqbalka dhaw.

Hay’adda shaqaalaha markay soo gaadhay qoraallo ka yimi wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka degmada Burco oo wakaaladda biyuhu hoos timaad, isla markaana qorshaha hay’adda shaqalaaha uu imtixaankaas wakaaladda biyaha ee Burco ugu jiray in la fuliyo inta aannu dhammaan sannadka 2007, ayaa Guddoomiyaha hay’adda shaqaaluhu uu arrintaa uu magacaabay guddi uu madax ka yahay Guddoomiye-ku-xigeenka hay’adda shaqaalaha oo ka koobnaa lix xubnood oo isugu jira Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo hay’adda shaqaalaha dawladda iyo imtixaan qaadayaal (examiner) madaxbannaan oo aqoonyahannada dalka laga soo xulay.

Guddiga imtixaankaa qiimaynta ah loo igmaday waxa laga taxadiray in aan lagu darin xubno ka soo jeeda deegaanka Burco ee la soo qiimeynayey, iyadoo la eegayey caddaaladda iyo habsami u qabsoomida imtixaankaas.

Guddiga imtixaanka markay gaadheen Burco maxay dhacay?

Subaxnimadii bishu ahayd 25 November waxaannu ku waabariisanay xafiisyada Guddoomiyaha Gobolka, kan degmada iyo maamulka biyaha si loo diyaariyo shaqaalah la qiimaynayo ee biyaha Burco, waxase la yaab ahayd markii ay guddiga soo gaadheen warqado la qaybiyey oo laguna shaqeeyey in shaqaaluhu qaadacayaan imtixaanka.

Qoraalada oo annagoo fadhina xafiiska Guddoomiyaha Gobolka la noo keenay, ayaa waxaannu maamulka isla garanay in shaqaalaha wadajir loola hadlo, annagoo gacanta ku hayna qoraalkaas oo ay ku qoran yihiin 88 qof oo saxeexa ka muuqdaa yahay in dhawr qof kaliya saxeexeen qoraalkaas.

Waxa shaqaalaha si fiican ula hadlay aniga iyo Guddoomiyeyaasha Gobolka Togdheer iyo kan degmada Burco, run ahaantiina waxa caddaatay in kacdoonkaa imtixaan-diidka ah ay masuul ka ahaayeen dad faro ku tiris ah, waxayna shaqaalahii sii diiran u soo dhaweeyeen in ay imtixaankaa diyaar u yihiin, waxa arrintaa garab socotay qoraalo ku soo baxayey wargeysyada Hargeysa ka soo baxa, qoraaladaas o buunbuuniyey waxa ay ku tilmaameen kacdoon imtixaan-diid ah, kaas oo ay muuqatay in ay falkiyeen dadkii fara ku tiriska ahaa ee qoraaladii hore keligood saxeexay.

Qabsoomiddii imtixaanka

Imtixaankii wakaaladda biyaha Burco loogu talogalay wuxuu ku qabsoomay xarunta jaamacadda Burco, waxana toos u maamulayey guddiga imtixaanka ee caasimadda ka tagay oo ay weheliyeen laba xubnood oo ka tirsan golaha deegaanka, ahaanna guddiga arrimaha bulshada kana soo kala jeeday beelaha bariga iyo galbeedka Burco.

Sida xeerka imtixaannada hay’adda shaqaaluhu dhigayo waxa goobtii imtixaanka si wadareed ha loogu dhaariyey guddiga oo ay ku jiraan labada xubnood ee degaanka Burco, waxaanna magaca Ilaahay ku dhaariyey Guddoomiyaha Jaamacadda Burco.

Imtixaanku wuxuu ahaa qof kasta shaqada uu wakaaladda u hayey, sidaa darteed shaqaalaha imtixaanka u fadhiistay culays kuma ahayn taas oo imtixaankaa 17 qof oo keliya, waaan ku tilmaami karnaa in uu ahaa imtixaannadii hay’adda shaqaaluhu qaaday kii loogu guulaysi badnaa, runt ahaantii waanan ugu hambalyeynayaa shaqaalihii Burco eek u guulaystay iyo maamulkooda gobol iyo degmaba sida ay noola hawlgaleen.

Maxaa khaldamay?

Sida aan soo sheegay Maareeye-ku-xigeenka wakaaladda biyaha Burco Muuse Cabdi Ismaaciil wuxuu ka mid ahaa masuuliyiinta sida sharafta leh noola shaqeeyey, waxayna markasta wadajir u shaqaynayeen Mareeyaha wakaaladda, inkastoo aanay oggolaansho u haysan goobta imtixaanka, haddana wuxuu u muuqday nin ku qanacsan siduu imtixaanku u dhacay, waxana ka mid ahaa hadalo uu ku tiraabay, isagoo ahaa ama dad ahaan ugu dhawaa in ay dhaceen cid uu ku eedeynayaana aanay jirin, haddaba Maareeye-ku-xigeenka bil ka dib maxaa beddelay?

Imtixaankii Agaasimaha Wakaaladda Biyaha Burco:

Markay dhammatay imtixaankii shaqaalaha wakaaladda (maamul iyo farsamo) ayaa waxaan u gudubnay kii agaasimayaasha wakaaladda oo hore u ahaa afar agaasime, balse waxa qaab-dhismeedka (establishment) cusub ee wakaaladda biyaha Burco loogu talogalay in lagu kobo saddex waaxood, iyadoo loogu talogalay in loo tartamo saddexdaa jago ee qaab-dhismeedka ku cad, waxa kale oo fursad loo siiyey ciddii agaasimayaashii hore la tartamaysa.

Guntii iyo gebogebadii, waxa imtixaankii agaasimeyaasha iskood ugu baaqday laba agaasime hore, halka laba qof oo shaqaale caadi ahi isku soo taageen in ay la tartamaan agaasimeyaasha hore, hadday dhacaana ay luminayaan shaqaalenimadoodii hore.

Arrinta Cismaan Ismaaciil:

Agaasimihii hore iibka (sailes) Cismaan Ismaaciil Yuusuf oo uu Maareeye-ku-xigeenku si gaar ah u soo qaatay waa runtii wuxuu hore ugu guuleystay imtixaan hore looga qaaday shaqaalihii dawladda hoose ee Burco isagoo galay imtixaan darajadiisu ahayd grade “B”, ninkaas wuxuu ku doday in uu imtixaan hore u galay, waxaanse u sheegnay in uu galay imtixaan darajada “B” ah, iminkana laga doonayo in uu u tartamo imtixaanka agaasime oo sida ku cad qaab-dhismeedka noqonaya darajada “A.” Waxaan agaasimahaa hore u sheegnay in uu imtixaanka agaasimenimo galo, shaqadda agaasinkiisana lagu imtixaamayo haddii uu ka shakhiyana uu ku ekaanayo grade “B-dii” uu hore ugu guuleystay, liiskana galayo imtixaanka la’aan.

Wuxuu Cismaan iskii u goostay in aannu galaynin imtixaanka “A” ee agaasimeyaasha kuna ekaanayo darajadda uu hore ugu guulaystay ee “B” isagoo hortayada qoraal caddayn ah ku qoray, si fiicana u raalligeliyey guddigii imtixaanka iyo odayadii golaha deegaanka sidaana arrintu ku dhammaatay, waxanna imtixaankii agaasimeyaasha galay afar xubnood, iyadoo ay ku guuleysteen laba ka mid ah kuwii hore agaasimeyaasha u ahaa iyo nin shaqaale caadiya ahaa oo run ahaantii ugu sarreeyey, annagoo u hambalyeynayna.

Haddaba, arrinta Cismaan Ismaaciil ee Mareeye-ku-xigeenku joornaalka ku sheegay arrintiisu isagana bil ka hor bay dhammaataye maxaa dib u soo nooleeyey?

Talo soo jeedin, ammaan iyo bogaadin:

Haddaba, Muusow muddadii aan shaqadda imtixaanka wada haynay ammaan baan u haynaa Guddoomiyaha Gobolka, Maayarka, xubnaha golaha deegaanka, Maareeyaha iyo Maareeye-ku-xigeenka oo adiga ah, mamaulka Jaamacadda, ciidanka amniga iyo shaqaalaha wakaaladda biyaha Burco, waxanse ku xasuusinayaa in qoraalka aad ku qortay joornaallada oo dhinacyo badan aad ku dhaliishay goobta shaqo ee aad masuulka ka tahay waxa ku habboonaa wixii dhaliilo ee kuu muuqda in aad ku saxdo si sharciga shaqaalaha waafaqsan ee saxaafadda ceebaha aad masuuliyadeeda wax ku leedahay aanad ku soo bandhigin.”

Jamhuuriya Online

No comments: