Sunday, December 23, 2007

Anigu Xabsigaan ka Saamaxay Laakiin Waxa kale Maxkamadda ku Shaqo Leh
















Madaxweyne Rayaale

Hargeysa (Ogaal)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilad Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa Waraysi dhinacyo badan leh oo ay la yeelatay Idaacadda VOA, laanteeda Afka Soomaaligu waxa uu kaga hadlay Xaaladda Somaliland waqtigan iyo guud ahaan Qalalaasaha Geeska Afrika, gaar ahaan dhibaatada ka taagan Somalia.

M/weyne Rayaale, sidoo kale wuxuu Waraysigaa ku sheegay inuu Hoggaamiyayaasha Ururka Qaran uu kaliya ka cafiyey Xabsigii ay ku jireen, balse aanu xukumadii kale ee ay Maxkaddu ku ridday waxba ka bedelin.

Waraysigaasi oo aad u dheeraa qayb ka mid ahi waxay u dhacday sidan;

S: M/weyne, ugu horayn waxaad sawir guud naga siisaa halka Somaliland hadda marayso?

J: Waa su’aal ballaadhan, laakiin markaan kuu sheego waxaan u malaynayaa marka laga soo bilaabo ilaa 1991-kii, hadba heer ay soo martaba, maanta waxay maraysaa iyada oo beesha Caalamka mucaawimo toos ah marnaba aan ka helin, haddana waxa jirta Dawlad shaqaynaysa oo ay Hay’adaheedii wada shaqaynayaan, oo iyadu isku tashatay weeye. Tacliinta oo kale 200,000 bay marayaan ardayda dugsiyada hoose ilaa dugsiyada Sare, Jaamacadihiina way jiraan. Wax badani way naga dhiman yihiin, oo waxa naga dhiman kaalintii beesha Caalamku ay gacan ka geysan lahayd ama xidhiidhkii aanu Beesha Caalamka la yeelan lahayn, maadaama aananu aqoonsi helin. Laakiin, waxaan qabaa inaanu dedaalnay, waxaanu samaynay Dimuqraadiyad aan Geeska Afrika ka jirin, oo Doorashooyin baanu waddanka ka qabanay, Doorashadii Madaxtooyada iyo Baarlamankaba hore waanu u samaynay, markii labaadna imikaanu galaynaa, haddii Ilaahay yidhaahdo marka ugu horaysa ee ay suurto gal noo noqoto.

S: Somaliland horumar way ku tallaabsatay, laakiin waxa jira doodo Somaliland ku tilmaamaya dal aan siyaasiyiintoodu codkooda dhiiban karin, Saxaaafaddu aanay xor ahayn, Xuquuqda aadamaha lagu xad gudbo, adigu sidaa ma u aragtaa?

J: Been baan u arkaa taa, Been baanay qortaa Saxaafaddayadu oo aan lagu qabsan. Joornaallada dunida cidda beenta qorta waa lagala wareegaa Wargeyska, cid aanu kala wareegnay anagu ma jirto. Waxaan odhan karaa Saxaafaddayada qaar baa meel-ka-dhacyo ku sameeya xuquuqda Masuuliyiintooda ama dawladdooda. Cid alla cid cabudhisa ama cid ku xad gudubta ma jirto. Laakiin, waxaanu taaganahay Geeska Afrika meesha kaliya ee sharci ka shaqeeyo, waddankii Somalia laysku odhan jiray, Somaliland buu sharci ka shaqeeya. Qaar baa jira kuwa had iyo jeer ku dooda wax baa la cabudhiyey waa kuwa sharciga had iyo jeer baal mara, ee sharciga marka lagu fuliyo odhanaya, maxaa sharciga naloogu fuliyey. Sababtoo ah, wuxuu rabaa inuu sharci la’aan ku noolaado.

S: M/weyne, miyaanay jirin Suxufiyiin qoraallada afkaarta ay soo gudbiyaan lagu xidhaa?

J: Laguma xidho, waxa lagu xidhaa gefka ay ka galaan sharciga, maalin kasta gef iyo been bay qoraan, waliba axsaan baa loo sameeyaa oo waxyaabo aanay sharci u lahayn bay qoraan. Laakiin, ninka gef sameeya waa la dacwaynayaa, Maxkamadduna way shaqaynayaan, isaguna wuu is-difaaci karaa.

S: Maxaa ka mid ah waxyaabaha sharciga meel-ka-dhaca ku ah ee ay qoraan, maxaa ka mid ah?

J: Horta iyagu sharciga ma ogol yihiin inay sharciga ku dhaqmaan, taa aynu isweydiino.

S: Waxay leeyihiin waxaanu raacnaa Shuruucda iyo Xeerka Saxaafadda u dejisan, taasi miyaanay jirin?

J: Horta wax sharci ah oo samaysani ma jiro,…horta sharcigu haddii aanu ciqaab lahayn sharci maaha. Sharcigu waxa weeye, inuu xad yeesho oo haddii qofku xadkaa dhaafo ciqaab lagu heli karo. Shuruuc dhab ah imikaanu u samaynay oo Baarlamaanku ku jiraa, kaas ayaana noqonaya sharciga dhabta ah ee la raaci doono. Laakiin, hore uma jirin sharci hore oo noocaa u samaysnaa. Mid ay soo qoreen oo qoddobo badani ay khilaafsan yihiin sharciyadda iyo Dastuurka, ayaa jira. Beesha Caalamka ee hore u martay shuruucdeedii ayaanu nuqul ka soo qaadanay, adduunka imika in la fikiraba looma baahna, waxa lagaga daydaa uun Waddamada hore u maray.

S: M/weyne, arrinta Siyaasiyiinta Qaran haddii aynu u soo baydhno, muxuu yahay sharciga markii hore lagu xidhay ama aad ku soo daysay?

J: Horta anigu M/weyne ayaan ahayoo Cafis baan fidin karaa, qodobkaas baanan u cuskaday markii dad badani iga codsadeen. Laakiin, gef sharci bay galeen. Marka aan kuu sheego saddex Xisbi oo qaran oo kaliya ayuu Dastuurkayagu ogol yahay. Ragga Qaran ee aad ka hadlayso ee Gabboose ka mid yahayna, raggii Dastuurka sameeyay ee saddexdaa Xisbi wax ka badan lama samayn karo lahaa ayuu ka mid yahay. Qofkuna xaq buu u leeyahayinuu yidhaahdo Siyaasadda damac baan ka leeyahay ee Xisbiyada ha lay furo, oo uu olole u galo, oo loo furo. Haddii markaa sharciyan lagu badiyo Xisbiyada, oo loo maro, anigu ma diiddani. Laakiin haddii uu yidhaahdo waxaan sharci ahayn baan anigu iska samaysanayaa, gefaf sharci bay noqonaysaa, waana la eedaynayaa oo Maxkamad baa la geynayaa, oo dembigaa uu galaybaa lagu qaadayaa.

S: Laakiin Madaxweyne, Hoggaamiyayaasha Qaran waxay ku doodayaan inaan Sharci la marin, isla markaana waxay leeyihiin Madaxweynaha ayuun baa sharcigii lanagu xidhay ahaa ee haddana nalagu soo daayay.

J: Adeer anigu Maxkamadda kama shaqeeyo ee Garsoorayaal baa jira, Maxkamad baa la geeyay, waa la eedeeyay oo is-difaacaa la yidhi, way ka doodeen meesha, qareenadoodiina waxay ku yidhaahdeen hana difaacina ee iskaga taga. Markaa haddii ninku is-difaaci waayo oo qareenadiisa adeegsan waayo, waa nin aan diyaar u ahayn, isla markaana dembiga ku jira oo aan rabin inuu is-difaaco. Markaa M/weynuhu Maxkamadda ma fadhiisto, xukunna ma rido, waanad garanaysaa inay been qaawan tahay waxoodu.

S: M/weyne waxay hadda ku doodayaan inay sii wadanayaan Urur-Siyaasaddoodkoodii, maxaad taa ka leedahay?

J: Dalka saddex Xisbi Qaran baa ka jira, dalkanina Qawaaniin buu leeyahay loo maro siyaasadda, qofkii baal marana waa la dacwaynayaa, Xabsi baanu ku dambaynayaa aakhirka. Laakiin, haddii uu sharciyad u maro oo loo furo, oo sharciga wax laga bedelo oo la yidhaahdo Ururada waa loo furay, oo iyada oo markaa Xukuumad iyo Baarlamaan ba la sharciyeeyay sidaa ku furto, xaq buu u leeyahay inuu furto. Haddii kale Xisbiyada ayay ku kala biiri karaan.

S: M/weyne, cafiskaagan ma ku jirtaa in Hoggaamiyayaasha Qaran ay hawlihii siyaasadeed sii wadan karaan?

J: Dee maya ee markii horeba sharci-darro ayay ahayd inay waxaa ku dhawaaqaan. Qodob sharci ah oo Dastuurkayagu u ogolaanayo inay urur furtaan oo ay haystaan ma jiro. Wixii sharci-darro ah ninkii ku dhawaaqana, Hay’addahayagu waxay hor geynayaan Maxkamaddaha ku shaqada leh, waa la eedaynayaa, waana la xidhayaa.

S: Markaa Xukunnada ku dhacay ee kale kamaad saamixin miyaa?

J: Anigu Xabsigaan ka saamaxay, waxa kale Maxkamaddu ku xukuntay kamaan saamixin. Ilaa Golaha Baarlamaanku furo Dastuurka oo la yidhaahdo Xisbiyada ha la badiyo, ninna ma furan karo Xisbi kale.

S: Doorashooyinka oo Somaliland lagu ammaano, labadiiba dib baa loo dhigay, waa maxay sababtu?

J: Waxa sababay, qolyahan naga caawiya Doorashooyinka, anagu doorashooyinkii hore waxaanu ku galnay bilaa diiwaangelin, sharci baanu markaa soo saarnay aanu leenahay ilaa dalka laga sameeyo diiwaangelin inaan doorasho la gelin. Taasi waxay keentay inay Doorashadu dib u dhacdo, waana hawl Komishanku leeyahay waqtiga ay diyaarsadaan shaqadaa, ayay Doorashadii qabsoomaysaa, ee wax xagga Xukuumadda ka yimid maaha

S: Dad baa qaba in laga gaadhsiin karayay waxyaabahaas oo dhan, laakiin Xukuumad ahaan aad doonayseen inaad waqtiga ku dheeraysataan. Taasi miyaanay jirin?

J: Anagu waxba waqtiga maanu durkisan, manaanu qoran, taladii ay soo jeediyeen Komishanka iyo Saddexda Xisbi, ayaanu ugu gudbinay golaha ku shaqada leh. Laakiin, xukuumaddu wax amar ah oo ay tidhi dib ha loogu dhigo Doorashada ma jirto. Haddaan dib doorasho u dhigayo, anigaa bilaabay Doorashooyinka, oo waxa lay soo jeediyey inaan saddex sanno dib u dhigno berigii hore, oo aan xilka hayo. Imikana waxa dib u dhigay taa diiwaangelinta oo ay ku qanacsan yihiin Komishanka iyo Axsaabtu. Komishankaana leh soo jeedinta iyo waqtiga Doorashooyinka la qabanayo. Go’aan ay Xukuumaddu amarto maaha waqtiga Doorashada la qabanayaa. Soo jeedinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayay Xukuumaddu u gudbisaa Golaha Guurtida, haddii ay Doorashadu ku qabsoomi waydo muddadeeda.

S: M/weyne, Magaalada Laascaanood ma xoog baad ku haysaan, mise waa rabitaan dadweynaha ka yimid?

J: Dadka rabitaankooda ayaanu ku haynaa, dadka badh xaggaa raacsani wuu jiraa. Laakiin, waxaan qabaa muddo badan baanu dul taagnayn Laascaanood ilaa rabitaankii dadku yimidna Laascaanood maanu gelin.

S: Odayaal dhaqameed baa sheegay inaad xoog ku qabsateen, isla markaana tilmaamay haddii aydaan ka bixin inay idinkula dagaallamayaan. Taas maxaad ka leedahay?

J: Odayaashaasi waxay doonaan ha iska yidhaahdaan, horta anagu waxaanu ka hadlaynaa Xuduudka Caalamiga ah ee Somaliland inaanu gaadhno. Somaliland iyo Somalia laba dal oo siman bay ahaayeen, dalka saddexaad ee ka dhex abuurmay waa dal aan jirin oo been ah, waa ka Puntland lagu sheego. Somaliland-na beelaha wada degani 1991-kii ayay heshiis ku gaadheen arrintaa.

S: Madaxweyne, arrinta Somalia haddii aynu ka hadalno, maxay tahay aragtidaada ku wajahan Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Muqdisho?

J: Horta taa dawladdaa Koonfurta Somalia ay samaysteen baa u yeedhatay Ciidamada Itoobiya, oo yidhi kaalaya naga caawiya oo Maamulka nala dhisa, waxaanan qabaa rabitaankooda ayay ku xidhan tahay. Maalinta ay go’aansadaan ee ay yidhaahdaan dawladda Itoobiyaay naga noqda waanu isku filanahaye, anigu waxaan aaminsanahay sidii Ra’iisal-Wasaaraha (Meles Zenawi) oo aan arkayna uu ii sheegay inaanay Itoobiya dan gaar ah ka lahayn ee ay ka baxayso.

No comments: