Saturday, December 15, 2007

Warbixin Waxbarashada Gobolka Togdheer







Wasiirka Waxbarashada Xasan Gadhwayne oo ka hadlaya macalimiinta Iskuulka Dhagaxdheer ee Degmada Xaaji Xasan Geelle mushaharkooda “ Ma sheegi karo kuwa ay yihiin, laakiin waanu siinaa oo waanu ku darnay miisaaniyadii kal hore”.

Aggaasimaha Wasaarada Waxbarashada Inj: Cali Odowaa ayaanu xidhiidh la samaynay isaga oo jooga xafiiskiisa, wuxuuna yidhi “faylashu ima horyaalaan iminkana arrintaasna kama jawaabikaro”.

“ Ma jiro mushahar la siiyo labada macalim, dhismaha Iskuulkana wasaarad ahaan waxba kumaanan darsan, adeer waxaana keenay duruufaha oo adag in waxba lala qaban waayo. Waxaanse balanqaadayaa wixii aanu u qaban karno in aanu mustaqbalka la qabano ”. Guddoomiyaha waxbarashada Gobolka Togdheer.

Waxaan soo gudbinaynaa annaga oo ah website Somalilandfuture Online, warbixin ku saabsan waxbarashada Gobolka Togdheer, sidoo kale waxaanu daymoonaynaa baahiyaha macalimiinta iyo musuqa baahay ee curyaamiyey Wasaarada Waxbarashada Somaliland. Annaga oo si gaar ah u eegayna Iskuul ka mid ah Iskuulada Degmada Burco ka baxsan oo ay maalgeliyaan qurbo joog, kuwaas oo u hanwaynaa Wasaarada Waxbarashada Somaliland, si ay kobcinta aqoonta iyo dhismaha bulshada qayb weyn uga qaadato xukuumada Somaliland, haddii loo fududeeyo hawlaha u baahan in laga caawiyo daryeelkeeda ama aasaaska arrimaha bulsho ee noloshu ku dhisan tahay.

Gobolka Togdheer waxaa macalimiin ka ah dugsiyada Primaty-ga oo qudha 774 macalim oo ka dhiga dugsiyada primary-ga ah . Ujeedada aan u soo qaatay Primary-ga oo qudha tirada macalimiinta ah ee ka dhigta, waxaa weeye in aan tuso ummada Somaliland kor u kaca baahida waxbarasho ee gobolka Togdheer. Waxaa sidoo kale jirta in tirada macalimiinta ah ee ka diiwaangashan Wasaarada Waxbarashada ee gobolka Togdheer oo ah 774, kuwaas oo anay ku jirin kuwa ka dhiga dugsiyada sare, intooda mushaharka qaadataa ay tahay 340 macalim. Intooda kale waxay ku dhigaan iskaa wax u qabso iyo jacaylka ummada ay u hayaan. Xukuumada Somaliland ma jirto wax macalimiin ah, oo ay u qortay wasaarada waxbarashada oo mushahaaraysan afartii sano ee ugu danbeeyey. Sidaas waxaa noo cadeeyey illo lagu kalsoon yahay oo wasaarada waxbarashada ah.

Si aanu arrimahaa wax uga ogaano ayaanu si gaar ah, waxaan u dabagalay iskuul ay Wasaarada Waxbarashada Somaliland ku darsatay xisaab celintii miisaaniayadii 2005-06 in ay igu dhiseen wasaarad ahaan, halka ay qurbo joog ka mid ah dadweynaha degaankaasi sheegeen in ay iyagu maalgeliyeen dhismaha iskuulka iyo macalimiintiisaba. Waxay qurbo joogaasi dhismaha Iskuulkaas dhameeyeen 2003. Mar aanu wax ka waydiinayna guddi qurbo jooga ahna, waxay yidhaahdeen “ Dhismaha Iskuulka Dhagaxdheer annaga ayaa dhisnay, waxaana uu dhismahaasi ka dhashay baahi ay ummada degaankaasi u qabtay dhisme Iskuul.

Dhagaxdheer waa dhulkii aadka u camirnaan jiray xilligii dawladaha Somaliya ay jireen, waxayna lahayd iskuul dugsi hoose/dhexe oo arday badani ka qalin jebisay. Waxaana markii danbe burburiyey cadawgii ummada ee xukuumadii Siyaad Bare, waana meelihii ugu horeeyey ee xukuumadu ku samaysay, burburinta iyo barakicinta. Ujeedaduna waxay ka mid ahayd qorshihii ummada lagu xasuuqayey ee Siyaad Bare”

Wasiirka Waxbarashada Xasan Gadhweyne.

Waxaan waydiiyey Wasiirka Waxbasrahada Xasan Gadhweyna, Aggaasimaha Guud ee Waxbarashada Somaliland Inj: Cali Odowaa iyo Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Togdher Cabdi, su’aal ah. Maxay Wasaaradu u sheegatay in ay Iskuulka Dhistay, iyadoo ay dhiseen Qurbo Joog degaanka ka soo jeeda?

Su’aasha kale ee aan waydiiyey, dhamaan masuuliyiinta aanu xidhiidhka la samaynay ee kor ku xusani waa: Maxaa Maadaama ay qurbo joogo soo wadeen Iskuulkaas mudo dheer oo ku began illaa 2003 Wasaaradu ay mushaharka u siin wayday Macalimiinta?

Arrintaas wasiirka markii aanu waydiinay wuxuu noogu jawaabay “ Meesha ( Dhagaxdheer) laba jeer ayaan booqday, waxaana siina laba macalim mushaharkood dhismaha ma hubo in aanu dhisnay iyo in kale, waxaanse filayaa in aanan dhisin, kolayse wax ayaanu ku darnay ayaan filayaa, haddiise aanu sheeganay waa khalad la sixi karo, aan faylashii dib ugu noqdo ee igu soo celi telefoonka.”. waxaan idhi waayahay xagga dhismaha waan kugu soo noqonayaa ee ma ii sheegi kartaa in macalimiin loo shaqaaleeyey iyo in kale, weliba adiga ayaa markii aad booqatay ugu soo balanqaaday Wuxuuna yidhi “ Ma sheegi karo kuwa ay yihiin, laakiin waanu siinaa oo waanu ku darnay miisaaniyadii kal hore”.

Aggaasimaha Wasaarada Waxbarashada Inj: Cali Odowaa.

Aggaasimaha Wasaarada Waxbarashada Inj: Cali Odowaa ayaanu xidhiidh la samaynay isaga oo jooga xafiiskiisa, wuxuuna yidhi “faylashu ima horyaalaan iminkana arrintaasna kama jawaabikaro”.

Waxaanu kaloo waydiinay Wasiirka in haddii qaladka la sixi karo miisaaniyada dalka ee wasaarada waxbarashada Somaliand tahay 8% oo miisaaniyada ah, laga lunsaday haddii ay qurbo joogi dhiseen dhismahaa iskuulka miisaaniyada $ 44,650 lacagtaas oo wasaarada ku tilmaantay in ay ku dhistay Iskuulka Dhagaxdheer, waxaad saxaysaa waa maxay lacagtaasi saw weli kama maqna miisaaniyadii xilligaas la ansixiyey ee socotay. Wuxuu wasiirku ku jawaabay “ Adeer waxaanan qaban ma sheegano, meeshana iminka kama hadli karayo ee igu soo celi”. Aggaasimhaaguna isagoo xafiiska jooga wuxuu na yidhi kama jawaabi karo, adna waxaad leedahay ma jawaabi karo, xafiisyadiiniina waad joogtaan maxaad qarinaysaa?

“Adeer aggaasimihu waa nin cusub, waxba kama sheegi karo dhismaha Dhagaxdheer, marka aan faylashaydii ku noqdo ee igu soo celi”. Waxaan wasiirka ku celiyey sadex jeer oo danbe, waxaana iga qabtay dareewalkiisa, waxaan mar ka mid ah uu ii sheegay in uu aaskii maayarka Berbera ku maqanyahay. Maayarku wuxuu ku dhintay shil baabuur illaahay naxariistii jano ha ka waraabiye.

Guddoomiyaha Waxbarashada Togdheer.

Waxaan xidhiidh la samaynay Guddoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Togdheer Mudane Cabdi, Maalintii Doraad, oo bishu ahayd ( 14/12/07) waxaana waydiinay arrinka dhismaha, wuxuuna nagu yidhi, “ Inkastoo ay jiraan in dhismaha ay dhiseen Guryosamo oo ah qolyo degaanka u dhashay, hadana xagga dawlada kama hesho wax taageero ah dhismo ahaan, waxaanse filayaa in ay qaybta Feeding-ka u dhistay hay’adi, wax kale in wasaradu ku dartayna ma ogi ee igu soo celi”. Waxaan markaa waydiiyey labada macalim ee uu sheegay wasiirku in ay bixiyaan wasaarad ahaan waxa uu ka ogyahay. Wuxuuna igu yidhi “ Waanu siinaa ayaan filayaa adeer, laakiin aan hubiyo ee igu soo celi”. Annaga ayaa saxaafad ahaan ku idhi magacyada na sii aad mushaharka siisaan, waayo dadkii degaankaasi waxay leeyihiin ma jiraan cid wax na siisaa, sidoo kale maamulkii Iskuulka iyo Guryosamo oo ah urur caawiya iskuulka oo qurbo jooga labaduba, waxay leeyihiin cid na caawisaa ma jirto. Halkaas markay maraysay ayuu yidhi, “ Adeer waa la siiyaa, waxaadna igu soo celisaan 7;00pm ee caawa, waxaan u tegeyaa xisaabiyaha gobolka, isaga ayaan ka hubinayaa magacyada iyo dadka la siiyo”. Guddoomiyhu xilliga iskuulka la dhisayey iyo xilliga shaqada iskuulka Dhagaxdheer bilaabantay labada midna ma ahayn guddoomiyaha gobolka Togdheer, waxaa xiliigaa ahaa guddoomiyaha gobolka Ibraahim Maxamed Siciid ( Dhegeweyne). Sidaas awgeed waxa uu ka hubin karaa waa, dadkii xiliigaas joogay waxay ka xusuustaan ciddii bixisay dhismaha Iskuulka iyo Faylasha wuxuu ka soo helo. Waxaase ay maamulka Iskuulku aad uga mahad sheegteen guddoomiyaha.

Waxaan ku celiyey caawa guddoomiyaha gobolka Togdheer, ( 16/12?07) wuxuu yidhi “ Ma jiro mushahar la siiyo labada macalim, dhismaha Iskuulkana wasaarad ahaan waxba kumaanan darsan, adeer waxaana keenay duruufaha oo adag in waxba lala qaban waayo. Waxaanse balanqaadayaa wixii aanu u qaban karno in aanu mustaqbalka la qabano ”.

Waxaan waydiiyey su’aal ah haddii ay dhistaan dhismaha Class dibada fadhiya, maxaad ku caawin kartaan wasaarad ahaan. Wuxuu iigu jawaabay in ay bixinayaan furniture-ka haddii ay dhisaan. Arrinkasi waa balan ayuu yidhi, haddeerba Bilidhiig oo laba fasal ku korodhsatay ayaan u raray dhamaan qalabayntii labadaas fasal.

Xildhibaan Axmed Kijandhe Guddoomiyaha Guddida wakiilada ee Arrimaha Bulshada.

Waxaan la xidhiidhnay Axmed Kijandha oo ah xildhibaan Gollaha Wakiilada ah, ahna guddoomiaha Guddi Gollaha Wakiilada ee Arrimaha Bulshada, kuwaas oo u xilsaaran waxbarashada, ciyaaraha iyo arrimaha bulshada. Waxaan ku idhi miisaaniyadii 2005-06 ayaa lagu daray in y dhiseen Iskuulka Dhagaxdheer Wasaarada Waxbarashada Somaliland, waxaana dhisay Qurbo joog, maxaad musuqmaasuqaa kala socotaan. Wuxuu yidhi:

“ Kolay xilligaas waa naga horaysay miisaaniyadaasi , waxaanse filayaa in aanay jirin wax Wasaaradu ku darsatay, waayo waxaa jira Iskuul ku yaal biyo dhacay oo dabayli ka qaaday jiingado, weli waxaa lala baryaa hay’adaha, waxaanu annaguna leenahay waar wax walba yaynaan la baryin hay’adaha ee aynu budget-ka wasaarada waxbarashada dayactirka wixii u baahan ka samayno. Markaan hab dhaqanka (culture) meesha yaalo arko, u malayn maayo in ay dhiseen wasaaradu, waase raacdo gelayaa”.

Guddida Guryosamo ee maalgelisa Iskuulka Dhagaxdheer.

“ Waxaanu filaynay, iminkana filaynaa in xukuumada Somaliland wax ka qabato baahiyaha degaanada aanu ka hawlgalo, sidoo kale ay nagala wareegto shaqaalaha iyo maamulka Iskuulada, MCH’ska aanu dhisnay, mushaharka macalimiinta, dhismayaasha jeelka ee aanu haddeer doonayno in aanu gacanta saarno, si nabadgelyada loo sugo , waxaanu ka qaybqaadanaa mashaariic badan oo aanu maalgelino, waxaanu samaynaynaa hadba halka baahida ummada ugu balaadhan in aanu ka qaybqaadano, waxaanuna jecelnahay in aanu xukuumada Somaliland naga niyad jebin shacbiga oo ah kuwa aanu qaadhaanka ka soo qaadno, ee ay baahiyaha wax ka qabashadooda nala wadaagaan.

Si gaar ah haddii aan uga waramo Iskuulka aad na waydiisay, waxaanu dhisnay 2003, illaa maanta dhisme iyo mushahar macalim midna nalagama caawin dhinaca xukuumada, waxaanu leenahay haddii ay cid sheegatay dhismaha iskuulkaas iyo mushaharka macalimiinta in ay ka qaybqaateen, waa wax aan waxba ka jirin, haddeerba diyaar ayaanu u nahay in nalagala wareego si aanu degaano kale wax ugu dhisno, degmooyin kale hawlahayaga ugu fidino.” Maamulka Maalgeliya Iskuulka Dhagaxdheer ee ururka Guryosamo.

Gunaanad.

Miisaaniyada Somaliland u qorshaysay Wasaarada Waxbarshada waa 8% marka la eego inta ku soo hagaagaysa miisaaniyada guud wasaarad ahaan budget-keeda. Waxaana jira dareen ah in baahiyaha wasaarada aanay dabooli Karin waxa loo qorsheeyey, waxaana kuu markhaati ah in macalimiinta Primary-ga ee gobolka Togdheer oo ah 774 ay 340 ka qaataan mushaharka 434 macalin oo ku qoran diiwaanka macalimiinta Togdheer oo xukuumada Somaliland ku soo bandhigto warbixinteeda miisaaniyada ayaan qaadan wax guno ah.

Sheegashada dayactirka Iskuulada qaarkood, dhismaha iskuulada iyo daryeel la,aanta joogtaysan ayaa ah, mid aan marnaba isha laga qarsan Karin ee haysta macalimiinta ummada ubadkoodii had iyo habeen u dabran.

Iskuulka Dhagaxdheer oo shaqaynayey mudo aad u dheer, sidoo kale waxaasarada waxbarashada ee gobolka Togdheer u qirtay in uu yahay dugisga kaalinta koowaad ee Iskuulada tuulooyinka degmada Burco ka baxsan, arday badanina ka aflaxday, sidoo kale ay mudo gaadhaysa shan sano dad muwaadiniin ah isu xilqaameen daryeelkiisa ayay tahay, mar haddii ay codsadeen in wax laga qabto gunada iskuulka macalimiintiisa iyo maamulka iskuulka wasaarad ahaan, in loo hawlgalo sidii loogala wareegi lahaa.

Arrimahaas waxaa laga sugayaa jawaabtooda masuuliyiinta wasaarada waxbarashada ee Somaliland, maaha in wakhti kale jiitamo, waa muwaadiiniin dalka xaq ku leh, maaha in lagu riixo siyaasada axsaabta iyo degaanka cida laga taageero, waa in si muwaadinnimo ah loo eegaa, waana in ururka intaas maamulayey bilad sharaf la siiyaa..

Xogasho: Somalilandfuture Online

No comments: