Thursday, December 6, 2007

Khariidad Cusub oo lagu soo daray Somaliland







Soo Jiidashada Indhaha Caalamka ee Somaliland oo Keentay Dejinta Khariidad u Gaara Soomaaliya

Qaahira (Islamic Newspaper/Jam)- Maraykanka ayaa iminka ka fikiraya inuu taageero aqoonsi u fidiyo Somaliland iyo in kale, waxana lagu daabacay saxaafadda dunida qaar ka mid ah khariidad ay ku kala jartay dalkii Soomaaliya, iyada oo gaar loo sawiray Soomaaliyadii Talyaanigu gumaysan jiray oo aanay ku jirin dhulka Somaliland ee ku hoos jiray maxkamadiyaddii Ingiriiska.

Arrinta aqoonsi siinta Somaliland ee Maraykanka ayaa haatan saxaafadda dunidu soo shaac-bixisay, taas oo ay ku sheegeen in doodda aqoonsiga Somaliland ee Maraykanku ka dhex aloosan tahay maamulka Madaxweyne Bush iyo saraakiisha sare ee Gaashaandhigga Ameerikaanka oo kala ah Pentagon-ka iyo CID-da, iyada oo kooxda difaaca oo uu horseed ka yahay Xoghayaha Gaashaandhigga Mr. Robert Gates oo dhowaan ku maray booqasho dalka Jabuuti, ayaa iyana aad u xiisanaya in Somaliland loo fidiyo xidhiidh wax-wada-qabsi ama aqoonsi midkood, hase ahaatee kooxda arrimaha dibadda oo ay u hadashay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Afrika, Jendayi Frazer, ayaa iyaguna aaminsan in in aan looga hormarin arrintan Midowga Afrika. Labada dhinac ayaa la sheegay in haatan ay koox walba dhinaceeda ka wadaan dodo dhexdooda ah.

Qorshe-dejiyeyaasha Pentagon-ka ayaa la xaqiijiyey in iyagu doorbidayaan in la aqoonsado Somaliland oo ah dal deggan oo leh xukuumad shaqaysa oo dimoqraadi ah, ahna dal la midoobay Soomaaliya inteeda kale 1960-kii. Waxa kale oo ay intaa raaciyeen in dalkan oo ka go’ay Soomaaliya 1991-kii uu olole u galay siduu aqoonsi uga heli lahaa dunida, balse Midowga Afrika ayaa riyadoodaa rumayn waayey, ayey yidhaahdeen saraakiisha Pentagon-ku.

Waqtigan hadda la joogo Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka iyo qaybo kaloo badan oo qaabilsan dhinaca amniga Maraykanka, ayaa la sheegay inay diyaar u yihiin in arrintan ay la gorfeeyaan reer Somaliland, maadaama ay dad badani maskaxda ku hayaan in qaybtaasi [Somaliland] tahay halka qudha ee uu ku jiro qaran shaqaynayaa dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya. Su’aasha iminka miiska taallaa waxay tahay, Maraykanku muxuu hadda yeeli doonaa?

Bishii aynu soo dhaafnay 27-keedii ayaa Guddoomiyaha xisbiga Liberal Democrat and Reform Party, Mr. Annemeia Neyts-Uyttebroeck warsaxaafadeed ayuu ka soo saaray magaalada Brussels ee dalka Belgium, kaas oo uu ku caddeeyey inay gaadheen qaraar ku baaqaya in dhammaan dalka xubnaha ka ah Ururka Midowga Yurub ay u fidiyaan Jamhuuriyadda Somaliland aqoonsi diblomaasiyadeed. Sidoo kale waxay qaraarkoodaas ku muujiyeen inay door firfircoon ka ciyaari doonaan sidii Ururka Midowga Afrika u aqbali lahaa in Somaliland aanay ahayn goonni-u-goosato, balse ay yihiin dal jira oo dimoqraadi ah oo lagu dhex qasayo la midowga qaran guuldarraystay.

Qaraarkan oo ay toos ugu direen Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin waxay ku bayaamiyeen in tallaabadaas qaadisteedu ku xidhan tahay hal shuruud, taas oo ah jiritaanka xukuumad ku dhaqmaysa ilaalinta xuquuqda bani’aadamka, suuq xor ah iyo nidaam dimoqraadi ah oo leh saxaafad madaxbannaan.

Geesta kale, dagaallada sii socda ee Soomaaliya iyo hawlihii loo xilsaaray Midowga Afrika ee keenista ciidamo nabad-ilaalineed oola geeyo Soomaaliya ee la baxay UMISOM oo guuldarraystay, ayaa marka laysku geeyo labadaa arrimood la sheegay in Somaliland u qalanto in ay ku hesho tixgelin iyo taageero hor leh.

Ra’iisal-wasaaraha cusub ee xukuumadda Mbeghati, Mr. Nuur-cadde oo shalay Addis Ababa lagu weydiiyey bal sida uu arko argtida cusub ee Maraykanku qabo ee lagu daabacay wargeyska Washington Post ee aqoonsi Maraykanku u fidiyo Somaliland, waxa uu Nuur-cadde ku jawaabay; “Kolley anigu Somaliland wadahadal ayaan la geli doonaa, waxaanan ku dhammayn doonaa wax kasta jidka nabadda iyo wadahadalka.”

Jawaabtan lafteeda ayaa daba socotay hadallada ka soo yeedhaya maamulka Bush ee ah in wax kasta oo ku saabsan Soomaaliya wadahadal lagu dhammeeyo, marka laga reebo kooxaha ay ku sheegaan argagixisooyinka.



Jamhuuriya Online

No comments: