Thursday, December 27, 2007

Safiirka Maraykanka u Fadhiya Nayroobi oo Shaaca ka Qaaday inuu u Hawlgalayo Ictiraafka Somaliland








Safiirka dawladda Maraykanka u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Ambassador Michal Ranneberger, ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday in dawladdiisu ka hawlgeli doonto sidii Somaliland aqoonsi caalami ah uga heli lahayd aduunka.



Ambassador Michal Ranneberger oo la hadlayey wefti ka socda Somaliland oo Kenya u tegay inay goob-joognimo uga qaybgalaan doorashooyinka Khamiista maanta ka dhacaya dalkaas, waxa uu xubnaha weftiga ku wargeliyey in dawladda Maraykanku si buuxda uga hawlgeli doonto sidii Somaliland aqoonsi diblomaasiyadeed uga heli lahayd beesha caalamka.

Mr. Cumar Jaamac Faarax, Xoghayaha Siyaasadda ee xisbiga UDUB oo xubin ka ah weftiga Somaliland ee goob-jooginimada uga qaybgalaya doorashooyinka dalka Kenya, ayaa warsaxaafadeed uu shalay khadka internetka saxaafadda u soo mariyey waxa uu faafhaahin kaga bixiyey kulankii weftigooda dhexmaray Safiirka Maraykanka u jooga Nairobi Ambassador Michal Ranneberger.
“Dawladda Maraykanku waxay si fiican u gacansiin doontaa Somaliland sidii loo aqoonsan lahaa, waxana loo baahan yahay in waddamada AU-da culays badan lagu saaro arrintaas, annaguna waxaannu diyaar u nahay in aannu raacno dawladda u horreysa ee ku dhawaaqda arrintaas oo aanu gacan ka geysan doono,” ayuu yidhi Safiirku.
Wefiga ka socda Somaliland oo isugu jira xubno ka kala socda Komishanka Doorashooyinka, saddexda xisbi qaran iyo saxaafadda madaxaabannaan, ayaa Isniintii dorraad gaadhay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay kulamo kula yeesheen masuuliyiin iyo madax ka kala tirsan beesha caalamka.
Weftigan oo ujeeddada booqashadiisa Nairobi ku qotonto sidii ay goob-joognimo ugaga qaybgeli lahaa doorashooyinka la filay inay maanta ka dhacaan dalka Kenya, ayaa waxay habeen hore kulan casho-sharaf ah la yeesheen Safiirka Maraykanka u fadhiya Nairobi, Ambassador Michal Ranneberger.
Xubnaha weftiga ka socday Somaliland oo ka degay madaarka caalamiga ah Jomo Kentatta Airport ee magaalada Nairobi, waxa halkaa ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan Mac-hadka International Republican Institute oo suurtogeliyey safarkooda Kenya, kuwaas oo u gelbiyey guriga uu deggan Ambassador Michal Ranneberger, kaas oo isaguna si diirran u soo dhoweeyey .
Waxa kale oo Safiirku kulankaa ku soo hadalqaaday wufuud kala duwan ka kala socda waddamo dhawr ah oo goob-joog ka noqon doono doorashooyinka Kenya, isaga oo dalalkaas si gaar ah carrabka u dhejiyey inay ka mid yihiin Somaliland iyo Bosnia Helsagovena.
Casho-sharaft Safiirku u sameeyey weftiga Somaliland waxa kale oo uu ugaga warramay aragtida dawladdiisu qabto aqoonsi Somaliland ka hesho beesha caalamka, isaga oo tilmaamay Somaliland in wax badani iska beddelay aragtida dawladda Maraykanka ee dalkii Soomaaliya, isla markaana Somaliland si fiican uga gacansiin doonaan sidii ay u heli lahayd aqoonsi. “
Waxa weftiga iyo sifiirku ka wada hadleen waxyaabaha Somaliland kaga duwan tahay Soomaaliya iyo siday ku hanatay nabadda ay haysato, iyaga oo weftigu u sheegay in dadka reer Somaliland dhaqan u leeyihiin nabadda, lagana soo bilaabay geed hoostii, go’aanna ay ku gaadheen inay dhistaan qaran la yidhaa Somaliland.
Sida oo kale waxa ay weftigu shalay booqasho ku tageen goob lagu dhaqo xayawaanka oo lagu magacaabo (Safari Parka), waxaanay subaxnimada hore ee saaka u ambabixi doonaan degaannada Northeast Garisa oo ay goob-joogayaal ahaan uga qaybgeli doonaan doorashooyinka madaxtinimada, iyaga oo weftigu u kala qaybsami doonaa saddex aag oo kala ah Nairobi, Massay dhulka Massaydu degto iyo Garisa oo ah degaanka Soomaalida Kenya, halkaas oo ay joogi doonaan muddo laba maalmood ah.

TogdheerNews
Hargaysa.

No comments: