Saturday, December 22, 2007

Baaq Madaxwayne ku Xigeenku U soo Jeediyeye Qurba Joogta Somaliland







(Hadhwanaagnews) Hargeysa-(HWN)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa Qurba-jooga reer Somaliland ugu baaqay in ay gacan-weyn ka gaystaan hawlgalka loogu jiro taakulaynta gobolada Bariga Somaliland, isla markaana waxa uu ka xogwaramay Guddi ahaan halka ay wax u marayaan.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sidaa ku sheegay shirjaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta Hay’adda ka hortegida masiibooyinka dabiiciga ah ee NERAD, ee magaalada Hargeysa, halkaas oo xarun u ah Guddiga Qaran uu Madaxweynuhu Gudoomiyaha u yahay ee loogu talogalay taakulaynta Gobolada Bariga Somaliland ee Sool iyo Sanaag-bari.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in hawshii dhaqaale uruurintu ay meel wanaagsan u marayso, isla markaana in ay dhamaystireen dhamaan agabkii muhiimka u ahaa ee loogu talogalay uruurtinta qaadhaankaas, waxaa kaloo uu tilaamay in ay sameeyeen Guddi-hoosaadyadii ka hawl-gelayey uruurinta taakulayntaas. “Marka laga bilaabo 20 November ilaa 17 December, waxaanu muddadaas ku hawlanayn Gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa loo yaqaano, sidii loo qaabayn lahaa ee loo habayn lahaa, waana aanu ku guulaysanahay. Waxaa kaloo aanu dhisnay Afarta Gobol ee laga doonaayo, wadanku waa Lix Gobol, laba gobol dabcan qadhaankaa loo uruurinayaa, oo waa Sool iyo Sanaag iyo demada Buuhoodle. Afartaa Gobol ee kale ayaanu u dhisnay Guddiyadii ka hawl-gelayey, Guddiyadaasina way hanaqaadeen.” Sidaa ayuu yidhi Md Axmed Yuusuf Yaasiin, oo isaga oo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo yidhi “Maanta oo bishu tahay 22 dhamaan Guddigii Qaranku way maqan yihiin, marka laga reebo aniga oo Gudoomiyihii ah iyo Gudoomiye ku xigeenka oo ah Casoowe (Wasiirka caddaalada). Hal xubin ah, waxaanu u dirnay qurbiha, oo Waa Xildhibaan Maxamed Cali oo ka mid ah Golaha Wakiilada, waana mar labaadkii aanu ku celino dibada, si uu uga qaybgalo shir dhawaan ka dhacaya Holand, oo ay isugu imanayaan Jaaliyadaha (reer Somalilad) ee Yurub oo dham, si uu uga jeediyo fariintii aanu farnay iyo ujeedooyinka laga leeyahay waxan la uruurinaayo.”

Madaxweye ku xigeenku waxa uu xusay in qaabka ay u dejiyeen qaadhaanku uu yahay mid kala duwan oo derejooyin leh, isaga oo arrintaa faahfaahinaayana waxa uu yidhi “Qaabka aanu u dejinay qaadhaanku waa darejooyin, oo waxaanu u kala bixinay shan ilaa todoba derejo, oo mid walba wax laga doonaayo. Darejooyinka A iyo B iyaga waxaanu u gaynay waraaqo in ay halkan yimaadaan, oo aanu ka wadahadalno qaabkii qaadhaankaas loo uruurin lahaa.” ayuu yidhi Md Axmed Yuusuf Yaasiin.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu ku nuuxnuuxsaday in ay ammaan ka mudan yihiin cidkasta oo qayb laxaadle ka qaadata taakulayntaa Qaran ee lagu caawinayo Gobolada bariga, isla markaana waxa uu u soo jeediyey cidda ka gaabisa bixinta qaadhaakaas in ay labada arrimood mid ahaan doortaan. “Hadii ay cidi na ajiibi waydo, waxani waa hawl Qarane, waxaanu leenahay laba kala dooro; lix bilood oo aad nasiso ninkaa jooga faranta si uu fasax u soo qaato, ninka Jiida hore fadhiya ee dhaxanta fadhiya ee wadanka difaacaaya, Wadanka nina waxa uu ku difaacaa naftiisa nina waxa uu ku difaacaa Maalkiisa, waa marka Qaran la difaacayo. Markaa ninku laba ayuumbuu kala dooranayaa in uu Naftiisa ku difaaco ama in uu Maalkiisa ku difaaco wadanka. Dabcan waxaan filayaa idinku (Saxaafada) in aad Afkiina ku difaaci doontaan.” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenku, oo intaa raaciyey in ay dib uga fiirsaayaan qaadhaankii ay ugu talogaleen in ay ka qaadayaan shaqaalaha dawlada oo ay cabashooyin ka soo ifbaxeen.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu si gaar ah baaq ugu jeediyey Jaaliyadaha dibada ku nool ee reer Somaliland in ay ka qayb qataan barnaamijkaa dhaqaale uruurinta ee Gobolada bariga, waxaana uu yidhi isaga oo arrintaa ka hadlaaya “Jaaliyadaha Dibada oo ah iyagu kuwa laga sugaayo in ay qaadhaan wadanka u soo uruuriyaa, waxaan halkan uga jeedinayaa dee ninba waa ku halkii, nimba waa ku halkii. Somaliland waxa ay maraysaa halkii ugu saraysay. Waxaana aan ku rajo weynahay in Somaliland 2008-2009 in ay ka baxdo buurta ay fananayso oo la ictiraafo.”

Maxaweyne ku xigeeku waxa uu sheeagay in Ciimada ka hawlgelaya aaga barigu ay yihiin Ciidamo aad u baaxad weyn, oo u baahan in baahidooda la baboolo, si ay difaaca xuuduudaha hore ugu socdaan, isla markaana waxa uu xusay in Wadanka Somaliland marka Saddex loo qaybiyo in laba qaybood oo ka mid ahi ay bari yihiin.

Sidoo kale waxa uu Madaxweyne ku xigeenku sheegay in ay u qoondeeyeen soo af-jarida hawshan uruurinta qaadhaanka wakhtigaas in wixii ay uruuriyeen iyo wixii ka soo galay dibada in ay ku fulinayaan hawlaha dib loogu dhisayo Goboladaas bariga, khaasatan Gobolka Sool.

Ugu damabayntii waxa uu Maxaweye ku xigeenku soo jeediyey in la noqdo hal kooxa, oo leh ujeedo isku mid ah, si loo sugo jiritaanka Somaliland, xuduudaheedana loo adkeeyo.

Waxaa isna shirkaa jara’id ka hadlay Gudoomiyaha Hay’ada ka hortegida aafooyinka dabiiciga ah Md Maxamed Muuse Cawaale, oo tilaamay in Hay’adaha caalamiga ahi ka aqbaleen yeedhmadii ay u yeedheen, una yimaadee. “Hay’aduhu way noo yimadeen, oo waxaanu ka wada hadalnay waxa ay u qabanyaan Gobolladaas.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Muuse Cawaale, oo mahadnaq u soo jeediyey Hay’adaha ay ka midka yihiin UNICEF,WFP, OXFAM, CARE, DRC, WHO iyo qaar ka mid ah kuwa hawlgala Somaliland.

Waxaa kaloo uu sheegay in warbixinihii ay u soo gudbiyeen Hay’adaas ka qaar ka mid ahi, in lagu xusay dadka baracay in ay gaadhayaan 80,000 oo u dhigma 200,000 oo qof.

C/shakuur X Muxumed (Heersare)
Hadhwanaagnews?Reporter

No comments: