Tuesday, December 4, 2007

Golaha Wakiilada oo Cod Aqlabiyad ku Ansixiyey Wasiiro la Horkeenay


PDF Print E-mail
Written by Qarannews
Dec 04, 2007 at 10:24 AM

Wakiiladda





Hargeysa(Qaran)- Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay shan wasiir oo cusub, oo la horgeeyay.

Wasiirada cusub ee golaha wakiiladau ansixiyeen waxa ka mid ahaa Wassirada caafimaadka Md Cabdi Haybe Maxamed, Kalluumaysiga Cali Maxamed xasan {Cali Qoor-seef}, Wasiirul dawlaha Xanaanada xoolaha iyo Wasiir kuxigeenada Wasaaradaha deegaanka iyo dib u dejinta.

Fadhigii golaha Wakiilada ee maanta, oo ay madasha fadhiyeen 47 Mudane, isla markaana uu gudoominayay Gudoomiyaha Aqalkaas Md Cabdiraxmaan maxamed Cabdilaahi {C/raxmaan Cirro}, waxa Xildhibaanada codayntii ka hor loo akhriyay, taariikh nololeedyadii wasiirada, ka dibna waxay mid mid ugu ansixiyeen cod gacan taag ah, oo sidan u dhacay

1- wasiirka Caafimaadka iyo shaqada, Md. Cabdi Haybe Maxamed, Waxa ogolaaday 45 mudane, waxa diiday laba xildhibaan cid ka aamustayna may jirin.

2- Wasiirul dawlaha Xanaanada Xoolaha, Dr: Aadan Daahir Maxamed, waxa ogolaaday 42 Mudane, 3 diiday, 2 Xildhibaan ayaa ka aamusay.

3- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha, Md: Cali Maxamed Xasan { Qoor-seef}, Waxa ogolaaday 46 mudane, 1 mudane ayaa diiday cid kaaamustay may jirin.

4- Wasiirul dawlaha Deegaanka iyo horumarinta miyiga, Md Siciid Maxamed bille, waxa ogolaaday 46 Mudane,cid diiday may jirin waxa ka aamusay 1 xildhibaan.

5- Wasiir ku xigeenka dib u dejinta Somaliland, Md C/Kariim Garaad Maxamuud Cali Shire, waxa ogolaaday 47 Mudane cid diiday iyo cid ka aamustayna may jirin.

Dhinaca kale, wasiirada la ansixiyay oo aan markii fadhigu xidhmay aan kula kulmay barxada dibada ee golaha wakiilada, ayaa ii sheegay inay ku faraxsan yihiin codka kalsoonida ah ee ay ka heleen aqalka Wakiilada.

Cumar Maxamed Faarax

Qarannews/Hargeysa

No comments: