Thursday, December 27, 2007

QORSHAHA HORUMARINTA BULSHADA















Marwo Saynab oo gudoonsiinaysa
maayarka Oodwayne buugaagtii.

Published Dec 27, 2007
Kulan balaadhan oo lagu soo bandhigay Qorshaha horumarineed ee oodweyne,kana soo qaybgaleen in ka badan boqol xubnood oo ka kala socda Hayadaha caalamiga,kuwa wadaniga,Hayadaha dawlada,masuuliyiinta g/togdheer,madaxda degmada iyo ururada bulshada ayaa manta lagu qabtay xarunta degmada Odweyne.




Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen Hayada DRC,ayaa salka ku haya warbixino laga soo ururiyay bulshada oo ku saabsan baahiyaha odweyne oo laga dhigay buug kaasoo u fudeynaya hayadaha iyo cidkastoo danaynaysa waxka qabashada baahiyaha degaanka.



Gudoomiye xigeenka gobolka togdheer Guuleed Daahir Samatar,oo kulankaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyay habkan qorshaha horumarineed ee baahiyihii bulshada lagu soo ururiyay buuga,ay hawlayaraynayso waxka qabashadoodu,islamarkaana cidkasta oo danaynaysa wax uqabashada bulshada loo dhiibayo buugan “Aad baan ugu faraxsan ahay inaan arko reer odweyne oo diyaar u ah inay wax qabsadaan.”.

Waxa uu ugu baaqay Gudoomiyuhu hayadaha samafalka,kuwa wadaniga iyo hayadaha dawladaba inay wixii ka khuseeya buugan ee ay wax ka qabankaraan baahiyahaa ay wax ka qabtaan,
maadaana degamada odweyne tahay degmo balaadhan,waxaanu u mahadceliyay Hayada Drc,ee hawshan soo diyaarisay isagoo xusay in loo baahan yahay in magaalo kasta oo Somaliland ah laga sameeyo qorshahan oo kale.

Marwo,Saynab caydiid oo ah xidhiidhiyaha guud ee mashaariicda DRC,ayaa iydoo faahfaahin ka bixisay Buugan lagu soo koobay baahiyihii bulshada waxay tidhi “Buugantani waa laba, waxaana lagu soo ururiyay baahiyihii bulshada ee magaalooyinka Odweyne iyo Ceelsame,waxayna ahayd fikrad ka timi dhinaca daweynaha oo ay ka qaybqaateen,waxaanu ku salaysan yahay qorshaha tobonka sano ee soosocda”.

Waxay intaa ku dartay Marwo Saynab in ujeedada laga leeyahay ay tahay in la helo qoraal lagu ururiyo baahiyahii,ka dibna loo dhiibo cidkasta oo danaynaysa waxkaqabshadeeda,talaabadan oo kalena waxaanu hore uga soo samaynay Magaalooyinka Xariirad,Dararweyne,Balse waxay tilmaantay in loo baahan yahay inaad samaysantaan cidii dabagali lahayd wixii laga qabtay iyo waxa dhiman baahiyihiina.

Waxa kaloo Marwo,Saynab sheegtay in buugan ka kooban yahay kow iyo tobon baahiyood oo ay ka mid yihiin,Baahiyaha guud,baahiyaha Haweenka iyo dhalinyarada,baahiyaha danyarta,waxayna ugu dambayntii gudoonsiisay buugaata oo loogu magacdara Qorshaha horumarinta mustaqbalka Maayirka degmada odweyne.

Mr.Sulub Ismaaciil Axmed oo ka mid ah masuuliyinta Hayada VETAID,ee gobolka togdheer oo ka hadlay munaasibadaa ayaa sheegay in buugani yahay mid waxtarbadan leh,islamarkaana si hawlyar looga ogaan karo baahiyihii degaanka.waxa uu intaa ku daray in hayadoodu dhowr mashruuc ka wado degmada odweyne kuwaasoo kala ah ,Tababarka Xoolaha,Mashruuca Caanha oo aanu rajaynayno inaanu afar goobood oo caanaha ah laga sameeyo si looga guuro caagadahan sunta ah ee lagu soo shubo caanaha,oo lagu bedelo joogag .

Mr.Sulub waxa uu sheegay in dadkeena ay ku socdaan xasuuq toosa iyo mid daban,kuwaasoo ah mid nafteena ah iyo mid degaanka ah ,isagoo tusaale u soo qaatay inay weel ka dhiganay caagado laga sameeyo qashinka baatroolka,diidnayna dhaqan ahaan weelkiinii haseyeeshee weel sun ah aynu wax ku shubano “Tayo inta laga tagay ayaa tiro uun laga fekerayaa”.ta kalena waa degaankeenii oo aynu xaalufinayno oo dhuxul u bedelayno,Isagoo sii faahfaahinaya waxa uu yidhi “Boosaaso ayaa shaqo u tagnaa dhuxusha loo iibgeeyo waxa laga shidaa Odweyne,ta jabuuti la geeyo waxay ka tagtaa odweyne,ragbaa gaadiid iyo qalabcasriya u samaystay dabargoynta dhirta “Geelii la dhicin jiray geedkaa ka qaalisan ee ogaada”.ugu dambayntii Mr.Sulub waxa uu bulshada oodweyne kula dardaarmay inay la ka hortagaan dabargoynta degaankooda oo ilaashadaan iskana celiyaan ka u soo dhiiladhaansaday dabargoynta dhirtooda,hadii kale ay Degaanka Odweyne isku bedeli boodhweyne.

Munaasibada balaadhan ee lagu qabtay oodweyne ayaa waxa kaloo ka hadlay Maayirka degmadaasi isagoo sheegay in buugani uu meesha ka saari doono su,aalihii ay hayadu na waydiinjireen ee ahayd maxay tahay baahidiinu hadese aanu u dhiibi doono buugan,waxaanu u mahadceliyay Hayada Drc,oo ku tilmaamay inay tahay ta kaliya ee wax badan ka qabatay dhinacyada Caafimaadka.biyaha,waxbarshada,dibudhiska dhismayaasha adeega bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha danyarta,islamrkaana xaafiis ku leh degmada.waxa kaloo ka hadlay goobtaa Qaar ka mida Masuuliyiinta hayada Dawliga ee gobolka togdheer,caaqilo iyo xubno kale oo badan.

Kulankan oo ahaa mid siweyn loo soo agaasimay ayaa hayadaha ka soo qaybgalay waxa ka mid ahaa Vet-Aid,Scf/uk,Fsu,Who,Havayoco,Gaa.Candlight,wasaradaha dawliga ee gobolka togdheer,waana markii u horaysay ee halkaas lagu soo bandhigo buug lagu soo ururiyay baahiyaha degaanka,taasoo bulshada odweyne ay aad u soo dhoweeyeen talaabadan kuna tilmaameen mid waxbadan ka taraysa horumarka degmada.


Kayse Axmed Digale
Burco...s/land.

No comments: