Friday, December 14, 2007

Maxaa Xukuumada u Diidaya inay Oofiso Shuruudaha Lagu Xidhay Aqoonsiga Somaliland?!.






Bishii aynu soo dhaafnay ee 27 November 2007 ayaa Guddoomiyaha xisbiga Liberal Democrat and Reform Party, Mr. Annemeia Neyts-Uyttebroeck warsaxaafadeed ayuu ka soo saaray magaalada Brussels ee dalka Belgium, kaas oo uu ku caddeeyey inay gaadheen qaraar ku baaqaya in dhammaan dalka xubnaha ka ah Ururka Midowga Yurub ay u fidiyaan Jamhuuriyadda Somaliland aqoonsi diblomaasiyadeed. Sidoo kale waxay qaraarkoodaas ku muujiyeen inay door firfircoon ka ciyaari doonaan sidii Ururka Midowga Afrika u aqbali lahaa in Somaliland aanay ahayn goonni-u-goosato, balse ay yihiin dal jira oo dimoqraadi ah oo lagu dhex qasayo la midowga qaran guul-darraystay.

Qaraarkan oo ay toos ugu direen Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin waxay ku bayaamiyeen in tallaabadaas qaadisteedu ku xidhan tahay hal shuruud, taas oo ah jiritaanka xukuumad ku dhaqmaysa ilaalinta xuquuqda bani’aadamka, suuq xor ah iyo nidaam dimoqraadi ah oo leh saxaafad madaxbannaan.

Maxaa diidaya inay oofiso Xukuumadu shuruudahan lagu xidhay aqoonsigii, tacabkii dhiiggii raggu ma Hal bacaad lagu lisaybaa waa (RUQO NINKII LAHAA DABADA HAYAA MA' KACDO AYAA HORE LOO YIDHI).

Waagii lagu dhawaaqay Somaliland mudo dabadeed ayaa waxa laga dhex qotomiyey guriga Baarlamanka carrigan ingiriiska gudihiisa (House of comment) aqal Somali ( Somali hut) mudo dhawr usbuuc ah ayuu ku negaa dalxiiska & xildhibaanadubana isu daba marayeen waxana fekredaas ka danbeeyey xildhibaano uu hogaaminayey Allan Michael, waxana ay dhamaayeen 40 xildhibaan, Somaliland bay gar-daadinayeen, una raadinayeen taageero iyo aqoonsi dhigooda iyo dhinacoodaba leh, xaga Somaliland waxa hawl wadaag la laha Muj. Axmed-Siilaanyo oy si fiican isu garanayeen badi wejiyada xil-dhibaanadaas.

Waxa kaloo jirtey oo bar-bar socdey nin la odhan jirey Yuusuf Khuzam, una dhashay dalka Labnaan (Lebnan) oo ka mid ahaa wagaas muxararriinta waa-weyn waa tifaftiraha Jariidada Al-xayaat ee af Carabiga ku soo baxda, uguna af-dheer saxaafada bariga dhexe ayaa wuxuu shaaciyey inuu Caallamal-Carabi baro waxa ay tahay Somaliland, wuxuna safar ugu baxay oo ku soo eegay carrigeena ilaa Ceerigaabo-na wuu cageeyey, dabeedna wuxuu bilaabay inuu Taariikhadii Somaliland iyo marxaladahay soo martayba qoro si musal-sal ah isagoo bidhaansanaya Taariikh iyo sooyaal kuna baraarujiyo cid kastoo akhrida wargeyskaas isagoo ku qeexay inta la' xasuusan-yahay Cahdigii Faraaciinta ilaa waqtigaa uu qoraalka wadey, Khamiis walba waxa soo bixi jirtey wargeyskaas oo xambaarsan war iyo taariikh ku cusbayd indhihiii akhriyayey wax-san iyo weji-fur bay u ahayd wadankeena Somaliland waxa looga qoondeeyey safxad dhan oon cidi la wadaagin gudaha jariidada page 4, halkaa iyadoo arrintu marayso ayuu waraysi uu ku kobcinaya dedaaladiisaa la yeeshay Ismaaciil Buubaa oo waqtigaa ahaa wasiirka maaliyada ee Somaliland, kuna sugnaa magaalada London, waxana halkaa ka dhacay fadeexad, naxdin, iyo weliba niyad jab kadib markii uu diidey Ismaaciil Buubaa inuu yahay Wasiirka Maaliyada ee Somaliland isagoo ku andacoodey inuu yahay Khasnajiga ee SNM (SNM Cashier) wagcad iyo wareen bay ahayd niyad jab bay ahayd, af-kala qaad iyo eed la' galay bay ahayd, waxayna ku noqotay qolyihii u ololaynayey haday ahaayeen xildhibaano iyo saxaafad caalami ahaydba arga-gax anfarriir iyo natiijadii oo noqotay inay candhuuftoodana dibay uga liqaan.

Waxay ka mid ahayd dhir-baaxooyinka maray e' bal tana dhugo, wargeys ka soo bixi jirey London berigaas aynu qaadanay xornimadii dhicisowdey lana odhan jirey ( Herald Tribune) ayaa sadex casho dabadeed maalintii Calanka (29/6/1960), waxay Qortay maqaal ay cinwaan uga dhigtay (The colony that rejected independence) mustacmaradii diidey gobanimada.

Su'aashu miyaanay ahayn dheygasho iyo raad raac ragii horee diidey ee diley Somaliland?.

Miyaanay jilayaashoodaa iyo jama-shadoodaa ku jideysnayn?.

Miyayno joognaa meel aynu aqoonsigeenii shuruud fudud ku dadafeyno?.

Marka fad-inoo baxabo maxa fooroorka keena?


Hadii la rabo in dalka laga badbaadiyo belaayada maamulku raadinayo waa in Mucaaradku siiba Kulmiye wax ka bedelaa siyaasadiisa ku wajahan maamulka Daahir Riyaale iyo kooxdiisa.

Waa inuu Kulmiye joogteeyaa wacyi-gelinta Ummadda isagoo run ka duulaya.

Waa in uu Kulmiye laban-laabo fir-fircoonidiisa joogteeyaana xog iyo xannaan u raadinta badbaadinta Dalkan iyo Dadkiisa Dulmigu daboolay.

Waa inuu Kulmiye ka il-baxaa beenta, ballan darrada, iyo badhi-furka maamulka soona afjara la' kulanka iyo waxaan jiri-doonin la soo qaadashada Xukuumada MD Daahir Riyaale mar hadaanay waxba ka suura gelinayn wixii laysla qaatay ee horeba.


Waa inuu Kulmiye ka hawl galo sidii uu gacanta ugu hayn lahaa xildhibaanada ka soo jeeda xisbiga si loo hubiyo tala-wadaag iyo tusaalayn tayaysan hanashadeeda.

Waa inuu Kulmiye ka wacyi gelyo shacbi weynaha reer Somaliland nabarada iyo naafaynta loo gesanayo Qaranimada Somaliland ee ay ka masuulka tahay xukumadii lagu aaminey sida xadhiga xaquu-qal insaanka iyo xeer dadafeynta.

Waa in Kulmiye gudiihiisa is qaderiyaa is fahmaa is dhawrtaa is aamina isu tanaasulaa is baahaystaa isuna dul qaataa dadkan iyo dalkan cid kale dan kama laha e' ku Alle baryaan.

Waa in Kulmiye ku baaqa in doorashada waqtigeedii la qabtaa kuna adkaystaa in aan maalin lagu darin.

Waa in Kulmiye ku baaqa in doorashada hore loo soo dhigo halka UDUB ka naawilayo in dib loogu dhigo waayo ma muuqato sabab dib loogu mudeeyaa, lama arag caalamka doorasho dib loo dhigo mid hore loo dhigo mooyaane.

Waan qaderinayaa mudada ay sheegeen Kumishanka Qaranku inay qaban karaan doorashada taa micneheedu maaha UDUB haloo kordhiyo ee waxay tilmaameen qiimayntooda iyo qiyaastooda, ogow may odhan mana odhan karaan mudada ha loo kordho cid.

Hadal iyo murti haday ka gaabiso xukuumadan jirtaa inay doorasho qabato waa inay ka dareeraan xafiisyada Dawlada maalintay ka dhamaato mudadu, siday uga dareeriyeen Kumishankii hore, 3da gudoomiyena ku tartamaan iyagoon xambaarsanayn xil ka baxsan gudoomiye xisbi.

Waa in la' magacaabo dawlad doorasho dalka gaadhsiisa (caretaker Government) oo mudo 3-6 bilood gudehood ku qabata doorasho Xallaaal ah kana kooban 3da Xisbi Qaran, G/ Wakiilada, Guurtida, Garyaqaanada, Salaadiinta, Maxkamada sare, Taliyaha Ciidanka Qaranka, iyo Taliyaha ciidanka amniga (police)



Somaliland ha noolaato, Ammaano Alla.

Ahmed Haji Yussuf Dualeh, London UK

huluulyare@yahoo.co.uk

No comments: