Wednesday, December 26, 2007

Madaxweyne Riyaale oo Kormeer ku soo maray Radio Hargeysa iyo goobo kale oo la dhisayo
















December 26th, 2007 [News] |

Riyaale oo Kormeer ku soo maray Radio HargeysaHargeysa (Somaliland.org) - Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa maanta soo kormeeray Xarunta Radio Hargeysa oo lagu rakibayo , Miiska Saraakiisha oo Taliska ciidanka Qaranku dib u dhis ku samaynayo, biriijka labaad ee magaalada Hargeysa oo dhismihiisu socdo iyo waddada isku xidha Idaacadda iyo Hotel Maansoor oo ay dhismaheeda ay iska kaashanayaan dadweynaha xaafadaha 26ka June iyo Koodbuur iyo dowladda Hoose.

Madaxweyne Riyaale isagoo ka hadlayey Radio Hargeysa oo suxufi ka tirsan qurba-joogga Somaliland ku guddoonsiiyey billad Sharaf waxa uu u mahadnaqay laba Injineer oo reer Somaliland u dhashay, balse, dibadda ka yimi, kuwaas oo rakibaya Idaacad cusub oo la keenay dalka, taas oo loogu talagalay sida la sheegay inay dalka oo dhan wada gaadho. Waxana uu sheegay inay u dhoofeen ilaa Cost Rica inay u soo tababartaan inay ka shaqaysiiyaan idaacadda cusubi marka ay timaaddo.

Madaxweyne Riyaale waxa uu sheegay in idaacadda cusubi ay wax weyn ka tari doonto in mujtamaca ay gaadho farriinta dhabta ah, isaga oo sheegay in dadka intiisa badan aanay gaadhin farriinta dowladda iyo ta wacyi gelintuba. Waxa kale oo uu sheegay inay samayn doonaan Telefishan Satellite-ka gala oo uu isagana sheegay inay uga faa’iideysan doonaan in dadweynaha Somaliland lagu gaadhsiiyo farriinta dowladda, dhinaca kalena, dunida loogu gudbiyo fariinta Somaliland.

Waxa kale oo uu Qurba-joogga Somaliland ka codsaday inay qaadhaan u soo ururiyaan hawlgalka gobolka Sool, isaga oo sheegay in haddii ay qaadhaan yar isa saaraan ay wax ka tarayso goboladaas oo loo baahan yahay ayuu yidhi in la tuso waxqabad iyo horumarin.

Riyaale oo Kormeer ku soo maray Radio HargeysaXukuumadda Somaliland ayaa sannado badan ku guuldarraystay inay keento idaacad dalka wadagaadha, taas oo marar badanna uu Madaxweynuhu ballanqaaday balse, aan fulin.

Idaacadda cusub oo qaybo ka mid ah warlaliskeedu uu hadda dalka soo gaadhay ayaa la rumaysan yahay in xukuumaddu ay uga faa’iideysanayso, kuna beegayso hawlgelinteeda ololaha doorashada Madaxtooyada ee la filayo in la qabto dabayaaqada August 2008.

Waa markii labaad ee Madaxweyne Riyaale booqdo Radio Hargeysa muddo laba bilood gudahood ah, isaga oo bishii horena kormeer kedis ah oo uu ku soo maray dhawr wasaaradood ku tegey xarunta Radio Hargeysa.

Cabdirisaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

E-mail: dubad@somaliland.com

No comments: