Thursday, December 13, 2007

KULMIYE oo Daboolka ka Qaaday inuu hakinayo Wadashaqayntii Xisbigoodu la Lahaa Xukuumadda








Togdheernews.com
Published Dec 14, 2007


Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa markii u horreysay daboolka ka qaaday inuu gebi ahaanba joojiyey xidhiidhkii wadashaqayneed ee ay la lahaayeen xukuumadda Somaliland ee uu Madaxweynaha ka yahay Md. Daahir Rayaale Kaahin.



daxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo xubno Golaha Wasiirada ka tirsan, sida gaarka ahna Madaxweynaha ula agaasima talada dalka.
Xaaladda guud ee maanta dalka Somaliland ku sugan yahay, waxa ku gedaaman mugdi ballaadhan oo yididiilo xumo ka muujinaaya dhinacyo badan oo aasaas iyo lafdhabar ah nolosha ijtimaaciga ah ee bulshada, horumarka dhaqaale, ku dhaqanka sharciyadda, dhawrista madax-bannaanida saxaafadda iyo xuquuqaga aasaasiga ah ee aadamaha (Human rights), ilaalinta xuquuqda dadka laga tirada badan yahay, maceeshada iyo sicir-bararka sida ballaadhan u aafeeyey noloshii dadweynaha iyo musuqmaasuqa baahay, ragaadiyeyna horumarkii dalka.
Muddooyinkan denbe waxa si xad-dhaaf ah u soo shaacbaxaayey in xukuumaddu si badheedh ah ugu xadgudbayso shuruucda dalka iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee Distoorka Qaranku waajibiyey, kuwaas oo kala ah:-
1. XADHIGGA SHARCI-DARRADA AH EE SIYAASIYIINTA QARAN:
Xadhigga siyaasiyiinta loo xidhaayo fikirkooda iyo damacooda siyaasadeed waa arrin ku dhaqankeedu ka dhammaaday bulsho-weynta caalamka dimuqraadiyadda ku dhaqanta. Xadhigga siyaasiyiintu waa curfi xambaarsan ku dhaqan nidaam keli-talisnimo, dawlad xumo, burburinta nidaamka dimuqraadiyadeed, burburkii, xasuuqyadii, dawlad xumadii Africa ka dhacay 50-kii (Kontonkii) sannadood ee u dembeeyey, arrinta xadhigga siyaasiyiintu waxay ahayd sababta ugu weyn ee dhibaatooyinkaas keenay.
Shicibka Somaliland waxay si fiican uga warqabaan in Madaxweynaha dalka arrinta xadhigga siyaasiyiinta QARAN ay talooyin uga soo jeediyeen, dhammaan noocyada iyo heerarka kala duwan ee madaxda hay’adaha qaranka Somaliland iyo madaxda bulshada sida: aqoonyahanada, culimaa’diinka, suugaanyahannada, ururrada xuquuqul-insaanka, dhammaan dadkaas oo intii bir-ma-gaydada lahayd ee bulshada Somaliland, waxayna ahayd taladoodu in la sii daayo siyaasiyiinta QARAN ee xidhan, waxa kale oo weheliyey Madaxweynahana kala hadlay, qaarkoodna sifo rasmi ah booqasho ugu yimaadeen Somaliland, kuwaas oo kala ah:-
Ø Weftigii Baarlamanka Ingiriiska.
Ø Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya.
Waxa kale oo arrintan sii daynta siyaasiyiinta xidhan dhammaan hay’adaha xuquuqal-insaanka adduunyada sida, (Amnesty International), waxa kale oo walaac ka muujiyey dad caalamka caan ka ah, Somaliland-na si xoog ah u taageera oo ay ka mid yihiin Ambassador David Checin iyo Prof. I.M. Lewis.
Madaxweyne Daahir Rayaale waxa nasiib darro ah in talooyinka gude iyo dibedba ka yimi uu si xushmad darro dhammaantood u diidey, jawaabaha uu ka bixiyey qaarkoodna ay ahaayeen qaar asluub xumo iyo af-lagaado Xambaarsan. Sida jawaabtii uu siiyey Abwaanada caanka ah ee Gaarriye iyo Hadraawi.
Guud ahaan arrinta xadhigga siyaasiyiinta QARAN qaabkii iyo hanaankii loo maray xadhigooda, hadaladii ay ka soo jeediyeen Wasiirada gaarka ee Madaxweynaha talada dalka sida gaarka ah ula haya, arrintan waa curfi ku dhaqankiisu ina dhaxalsiinayo in nidaamka dimuqraadiyaddu innaga burburto. Talo-qaadasho la’aanta madaxweynuhuna waxay markhaati furaysaa in nidaamkan ummaddu dooratay ka leexday ujeeddooyinkii loo igmaday ee sida cad u qeexaayo Dastuurku, kuwaas oo ah:
Ø Ku dhaqanka Distoorka.
Ø Ilaalinta Xuquuqaha aasaasiga ah, xoriyada hadalka, siyaasadda, isu ururka (Assembly) iyo ganacsiga.
Ø Ku dhaqanka iyo u hogaansanaanta talo wadaaga.
Arrintani waxa ay si buuxda u burburinaysaa dimuqraadiyadda iyo Distoorka Qaranka.
Sidaa darteed, xadhigga siyaasiyiinta QARAN soo dayntooda Madaxweynaha dalka wey cadahay in uu ujeedooyin kale ka leeyahay, markaa waxay u taalaa Baarlamanka la doortay in uu ka soo saaro go’aan wax ku ool ah. Dadweynaha Somaliland ee iyagu leh masuuliyadda kama dembaysta ah, waa in ay qaadaan tallaabada maanta ku habboon in lagu soo daayo siyaasiyiinta QARAN ee xidhan
2. SAXAAFADDA:
Distoorka Qaranku wuxuu waajibinayaa si adagna u qeexayaa in saxaafadda Somaliland tahay mid xor ah. Caalamka dimuqraadiga ah waxa laga hirgelinayaa, maamuusayaa, lana xushmaynaya saxaafadda madaxa-bannaan. Burburka ku dhacay dawladdii Somaliweyn ee aynu ka midka ahayn, waxa cabudhinta xoriyatul-qawlka iyo tir-tiridda saxaafadda madaxa-bannaan. Xornimada iyo madax-bannaanida saxaafadda ee Somaliland waa arrimaha bulshada caalamku sida ballaadhan ugu ammaantay Somaliland, waana wadada ugu haboon ee aynu ugu maraynay ictiraafka Somaliland.
Hadaba, sharciga saxaafadda madax-bannaanideeda iyo xoriyaadkeeda tir-tiraaya ee dhawaantan uu soo saaray Madaxweyne Daahir Rayaale, iyada oo uu jirey sharci hore oo saxaafadeed, Barlamanka qarankuna ansixiyey, waxa keliya oo u caddaynayaa in Madaxweynuhu si badheedh ah uga guurey nidaamkii ilayska dimuqraadiyadda, una sii siqaayo nidaamka mugdiga. Xeerkan cusubi habka, hannaanka iyo luqadda uu u qoran yahay waa mid xataa ay ka xaal-mastuurteen nidaamyadii Africa ka soo jirey ee keli-taliska ahaa iyo nidaamyadii shuuciyadda Midowga Soofiyati iyo Yurubta bari, daraasaad badan oo lagu sameeyey dalalkaas waxa burburkoodii u sabab ahaa xaaraantimaynta saxaafadda xorta ah iyo cabudhinta xorriyatal-qawlka, xeerkani waa mid ilhaanno iyo dhabar-jab ku ah ummadda Somaliland.
3. XUQUUQDA AADAMAHA:
Xoriyaadka xuquuqda aadamaha (Human rights) waa arrin dhawridooda iyo ilaalintooda ay waajib ku tahay, Goleyaasha Qaranka, Distoorkuna lama taabtaan ka dhigaayo. Sidaa darteed, faro-gelinta Hay’adihii xuquuqul-insaanka SHURO-NET dawladdu ku samaysay waxay ahayd qaab ka soo horjeeda xoriyaadka aasaasiga ah xuquuqda aadamaha, waxayna cadaynaysaa Madaxweynaha iyo Golihiisa Wasiiradu in aanay haba yaraatee wax ixtiraam ah u haynin dhawrista xuquuqda aadamaha (Human Rights).
Haddaba, Golaha Wakiilladu iyaga ayaa loo igmaday ilaalinta xorriyaadka aasaasiga ah ee bulshada. Sidaas darteed, golahan oo ah kan ummaddu dooratay, masuulna ka ah ilaalinta xorriyaadka waa in ay si buuxda u ilaaliyaan fara-gelinta xukuumaddu ku hayso hay’adahaas
4. DOORASHOOYINKA:
Doorashooyinku waa furaha dimuqraadiyadda, Somaliland-na iyada oo mabda’aas ka tilmaan qaadanaysa doorashooyinkii ay soo martay waxay gaadhay guul, caalamkana waa lagu bogaadiyey. Sida laga warqabo doorashooyinkii Golaha Deegaanka iyo Madaxweynaha sababta ugu weyn ee dib loogu dhigay waxay tahay Madaxweynaha oo ka gaabiyey waajibaadkii iyo masuuliyaddii ka saarnayd ilaalinta hawlaha doorashooyinka, sida Komishanka Doorashooyinka oo wakhtigiisii la magacaabo, diyaarinta tirakoobka doorashada oo mas’uuliyadeeda xukuumaddu leedahay, iyada oo ay macquul tahay in aynu aqbalno in duruufaheena dhaqaale iyo maamulba sida aynu u rabno aanay taabagal noqon karin, haddana markasta oo mashaakilka khuseeya doorashada inala kulmaan waxaynu kaga bixi karnaa in dhinacyo ay taladeedu khusayso (Stake holders) ay isla bandhigaan xaaladaha iyo duruufaha jira, talo loo dhan yahayna (Consensus) lagaga gudbo xaaladahaas.
Waxa kale oo lagama maarmaan ah in aynu xusuusnano ahmiyadda kale ee ay inoo leeyihiin doorashooyinku ay tahay marinka ugu mihiimsan ee Somaliland ay Bulshada Caalamka (International Community) kaga raadinayso inay ictiraaf siiyaan iyo waliba in ay horumarinta shaqaalaha (Economic Development) ka caawiyaan.
Mudooyinkan dembe waxa si fiican u soo shaac baxaysey in Madaxweynuhu si badheedh ah u hortaagan yahay arrimaha doorashooyinka, mar kastana uu abuurayo carqalad is-hortaagaysa geedi-socodka iyo hannaanka doorashooyinka, waxa si cadaan ah u muuqatey xubnihii Komishanka magacaabidoodii muddadii Madaxweynuhu ku marnaa iyo dib-u-dhaca ay keentay, si kasta arrimahaasi ha soo maraan, ugu dembayntii carqaladda ugu weyn ee hadda taagani tahay qoondihii miisaaniyadda doorashooyinka ay ballan-qaaday dawladda Somaliland uu ilaa hadda hortaagan yahay Madaxweynuhu. Dawladihii Midawga Yurub ee heshiiska aynu ku ahayn sidaasi ay niyad-jab iyo ballan-fur ku noqonayso, mucaawimada Midowga Yurub doorashooyinka Somaliland siinayaan waa 75% Somaliland waxa laga rabaa 25% arrinta la yaabka leh waa nin Madaxweyne ah oo la leeyahay dalkaaga doorashooyinka waxa aanu kaa caawinaynaa 75% ee waxaad bixisaa 25% ee diidan TOLOW muxuu DOONAYAA?
Jawaabtu- wuxuu doonayaa in aanay doorasho qabsoomin.
Xisbiga Kulmiye sidii uu hore u caddeeyey, ayuu maantana u caddaynayaa in uu doorashooyinka diyaar u yahay, waxaannu Madaxweynaha Somaliland u soo jeedinayaa in uu fuliyo waajibka ka saran arrimaha qoorashada, sida ugu dhakhsaha badana Komishanka ugu wareejiyo qoondaha tirada yar ee qarankan Somaliland iyo dawladdiisa kaga soo hagaagtey miisaaniyadda doorashooyinka.
Arrimahan meer-meerinta, is-hortaagga, carqalad-abuurka hawlaha doorashooyinku waxay muujineysaa in aan Madaxweynuhu dooneynin in doorashooyin dhacaan, waxana ka markhaati ah dib-u-celintii Guurtida ee xeerkii kaabista doorashooyinka Goleyaasha Degaanka iyo Madaxweynaha.
5. SICIR-BARARKA:
Waxa aynu la wada soconaa in sicirka maceeshadu uu marayo meel ay dadweynaha ku tahay tagliif iyo dhibaato, waxa adduunyada ka jira qaali garawga saliidda, taasina ay keento qiimo korodh adduunka ka dhacay, hase ahaatee qiimo intee le’ag ayuu dhacay dollarka caalamku hoos u dhacay, ama ashcaarta ku kordhay, marka la eego sicirka ascaarta caalamka kor u kacay iyo sixirka badeecada Somaliland ku kordhay aad iyo aad ayey u kala gedisan tahay. Marka ay dhacdo sixir-bararka maceeshada iyo maaliyadda waxa laga maarmaan ah in dal kastaa uu qiimeeyo sababta kelliftay iyo sifaha keenay sicir-bararka, markaa kadib ayaa dawladdu di baaxadle oo aqoon dhaqaalayahanimo la adeegsanaayo ayey ka baaraan-degtaa qorshaha lagaga samata baxayo sicir-bararka.
Haddaba, sicir-bararkan maanta ummaddeenna aafeeyey waxa u sabab ah laba arrimood oo kala ah:-
1) Xukuumadda Madaxweyne Daahir Rayaale oo haba-yaraatee aan lahayn wax siyaasad dhaqaale oo itijaah cad aan lahayn.
2) Ganacsatada heerarka kala duwan, gaar ahaan ganacsatada wax soo dejisa oo sina ugu naxay ummaddan dhaqaalaheedu aad u hooseeyo. Sidaas darteed, Xisbiga Kulmiye wuxuu kula talinayaa in ay ganacsatadu u naxaan ummaddooda si deg-deg ah hoos ugu dhigaan sicirka maceeshada.
Xukuumadda – Xisbiga Kulmiye wuxuu u soo jeedinayaa in ay ka leexdaan siyaasad xumida dhaqaale ee dalka iyo dadweynahaba dhaxalsiisay sicir-bararka xad-dhaafka ee aafeeyey maceeshadii shicibka, gaar ahaan inta danyarta ah, xukuumadduna ay la timaaddo siyaasad dhaqaale oo sal ballaadhan ayna hagayso fakir iyo cilmi aqoonyahanimo iyo dhaqaaleyahano aqoon u leh dhaqaalaha, dalkana ka saarno mishkiladaha dhaqaale ee haysta.
Xisbiga Kulmiye isaga oo aaminsan sida keliya ee ummaddan Somaliland ku gaadhi karto, horumar dhaqaale, deganaasho, dhawritaanka xuquuqda aadamaha. Dariiqadaas ummaddu u marayso gaadhitaanka horumarka waxay tahay oo keliya marka la dhawraayo, lana xishmaynaayo, laguna dhaqmaayo Distoorka iyo shuruucda dalka u samaysan.
Distoorka Qaranka Somaliland wuxuu cid walba waajib kaga dhigaa ku dhaqanka, u hoggaansanaanta iyo fulinta mabaadii’da aasaasiga ah ee xoriyaadka Muwaadinka iyo xuquuqda Aadamaha. Xuquuqahaas oo ku cad Qodobada 21,22,23,24,25,27,28,29,30,31,32aad.
Qodobada kor ku xusan waxay xaaraantimaynayaan ku xad gudubka xuquuqahaas aasaasiga ah.
Waxa mudadan denbe si badheedh ah u soo shaac baxaysa in Madaxweyne Daahir Rayaale ku xad gudbaayo Distoorka Qaranka.
Xisbiga Kulmiye kadib markii uu talooyin badan iyo codsiba Madaxweynaha ugu gudbiyey in uu ixtiraamo Distoorka Qaranka.
Markuu arkay, in waxgaradka ummaddu talooyinkaas oo kale siisay, uguna dembaysay guddidii dhex-dhexaadintu Madaxweynuhuna diidey, Xisbiga Kulmiye wuxuu go’aansaday in uu wada-shaqayntii Madaxweynaha hakiyo, wada tashi ballaadhana goleyaasha xisbiga u soo bandhigo, si go’aan kama dembays ah loo gaadho.”
Dhinaca kale, xaflad ballaadhan oo loo sameeyey shalay furitaanka xafiiska cusub ee Gobolka Hargeysa ee xisbiga KULMIYE oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin tiro badan oo ka tirsan guddiga fulinta iyo golaha dhexe ee KULMIYE, ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa.
Xafladdaas oo ay khudbado ka jeediyeen masuuliyiin tiro badan waxay u dhacday sidan:
“Xukuumaddu maalinba siday tallaabo u qaadayeen ee aynu u aamusaynay ee aynu ugu sacabo tumaynay ayey meel fog inala gaadhay, laakiin maanta wixii ka dambeeya waa maya wixii aan sharciga waafaqsanay, warqad yar ayeynu dhiganay oo aynu nidhi nagu maamula haddii ay inagu maamuli waayaan waa diidnay taasaana inoo ballan ah. Maalinta ay ogaadaan in ictiraafkii soo dhaw yahay ayey carqabad hor dhigaan oo dadka la xidh xidhaan, saxaafadda cabudhiyaan, xuquuqda aadamaha ay ku tuntaan, adduunkuna inta uu ilaashadaa waa intaa. Waxay ka doonayaan inay noqto meel yar oo aan ciddina aqoonsanayn oo bulshada caalamku aanay soo farogelin oo iyagu iska dhuuqaan, waxay doonaana ka sameeyaan, illeyn dal la aqoonsanyahay maahee oo ciddi farogelin maysee.” Sidaa waxa yidhi Mr. Maxamed Cabdi Aadan (Iskeerse) oo ah ku-simaha Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.
Maxamed Kaahin Axmed
“Halkii Aamini ka lahayd dawladdiina waynu la soo darisnay, idin nabadgelin maayaane waxaad arki doontaan basaasiin, nabadsugid iyo guul-wadayaal fara badan oo Xamarjow xafiiska iyo meelahan meermeeraysanaya, waxba yaanay idin cabsi gelinine iyagana quruskoodii baa intaa galay, Madaxweynaheena iyo xukuumaddeenuna in kale ayaanay garanayne xafiiska uun inoo dhawra oo iyagana jaarnimadooda aad u ilaaliya.”
Afhayeenku waxa si kulul u eedeeyey xisbiga talada haya ee UDUB oo uu sheegay inay caadaysteen cayda KULMIYE ee Telefishanka Qaranka iyo Radio Hargeysa, kuwaas oo uu tilmaamay in aanay noqonayn warbaahin qaranku leeyahay.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble
“UDUB iminka waxay caadaysteen cay ay ka sii daayaan Telefishanka Qaranka. Markaa waxaan reer KULMIYE kula dardaarmayaa TV-gaa in aan la daawan cid gaar ah ayaa iska leh, telefishan qaran maaha ee dadkaa lagu caayaa. Faysal-na waxaan leeyahay waxaad meel kaga dhacay oo aad xurmadii ka qaaday shahaadadii saxaafadda ee aad qaadatay.”
Ismaaciil Muumin
Waxa uu sheegay in ummaddu isbadel u baahan tahay oo xukuumaddii la doortay ay ka gaabisay wixii loo igmaday ee ahayd hoggaaminta dalka, isla markaana haddii KULMIYE aqoon iyo fikir wannaagansan ku salayn waayaan ay iyaguna la mid noqon doonaan xukuumadda maanta jirta.
Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa:
“Xafiiska waxa hoos imanaya shanta degmo ee caasimaddu ka kooban tahay iyo saddexda dibadda ugu baxsan, xafiiska gobolku waxa uu yeelan doonaa xeer hoosaad u gaar ah, kaas oo kala haga laamaha kala duwan ee gobolka, isla markaana leh xil-qeexis dhamaystiran. Xafiiska gobolka waxa uu kaalin muhiim ah siin doonaa oo uu dhiirigelin doonaa dhallinyarada oo ah halbawlaha bulshada, waxaanan qayb ka siin doonaa dhismaha gobolka. Xafiisku waxa kale oo uu kaalin muhiin ah siin doonaa garabka haweenka oo ka mid ah tiirarka lama huraanka ah ee bulshada. Xafiisku waxa uu ku dhaqmi doonaa hab dimuqraadi ah iyo ku salaysan dastuurka xisbiga u yaal ee heer qaran.”
Aamina Maxamuud oo ka tirsan guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE
“Maanta waxaynu jaar la soo noqonay dawladdii oo ay ugu horreyso Faadumo Suudi, Cawil iyo Ina Sulub-na ku xigaan, waxaynu ku jirnaa maalmo khayr badan, jaarkana waa la xaq dhawraa ayaa la yidhi ee inay ina xaq dhawraan iyo inay meesha inooga guuraan labadaa mid uun bay noqon.”
Cali Geenyo
“Ismaan lahayn noloshay kugu soo mari jeelkaad uga soo dirtay ciidanka Gaashaamo, ayaa adoo Hargeysa jooga oo Afweyne ka adkaaday in maantana la yidhaa Maxamed Xaashi iyo Gaboose soo eegi maysid oo arki kari maysid, maantase way joogtaa. Haddii Daahir Rayaale dhaqankaa badalin anigu afka siyaasiga ah ee lagu hadlo ma aqaanee cago-caddaan ayuu kaga lugayn Hargeysa.”
Waxa kale oo munaasibaddaa ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan KULMIYE.



TogdheerNews
Hargaysa.

No comments: