Tuesday, December 11, 2007

Hore ayaan u Sheegay Shacabka looma Shaqaynayo ee waa laga Shaqaynayaa















Hargeysa(Geeska)- Akhristayaal cadadkii wargeyska ee shalay, waxaanu idiinku soo gudbinay qaybtii koowaad ee waraysi khaas ah oo aanu la yeelanay Guddoomiyaha ururka SNM Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, oo u dhacay sidan:

Guddoomiye, sidaad la socoto Madaxweyne Rayaale, toddobaadkii la soo dhaafay waxa uu kormeer ku soo maray qaar ka mid ah xarumaha Wasaaradaha xukuumaddiisa. Waxa uu booqday siddeed wasaaradood, afar ka mid ah xarumahaas uu booqday waxa aan gebi ahaanba joogin wasiiradii uu u magacaabay oo aan u soo shaqo tegin. Kormeerkiisaas la odhan karo wuxuu ku arkay xaqiiqdii meesha taalay adigu sidee ayaad u aragtaa?
Waxaan u arkaa nasiib darro, waynu ka war haynaa oo xafiisyada dawladda waxa laga shaqeeyaa wakhti yar oo laga yaabo inaanu saacad gaadhin, waxaana la ii sheegay inaanay wasiirada qaar xafiisyadooda tegin laba toddobaad ama in ka badan oo xogogaal ayaa la isu wada yahay, waana nasiib darro in ilaa heerka ugu sareeya ilaa heerka ugu hooseeya in xukuumaddii la moodo inay hawlgab tahay waana wax laga yaxyaxo....

Arintani inaga oo keliya inama haysato ee dunida saddexaad ayay ku noqotay dhibaato. Dunida Carabta ayaa wakhti dhexdaas ah laga qaaday baadhitaan ku saabsan wakhtiga xafiisyada dawlada laga shaqeeyo, waxaana soo baxday in saacad wax ka yara laga shaqeeyo xafiisyada, laakiin taasi tan xukuumadeena marjac u noqon mayso, laakiin waa wax baahsan oo dunida soo koraya ka taagan.
Maaha dhibaato maanta oo keliya jirtay ee hore ayay u jirtay oo maamulkii kan ka horeeyayna way jirtay oo hore ayaan u idhi ummaddan loo shaqayn maayo ee waa laga shaqaysanayaa, xiitaa haddii ay ka shaqaysanayaan ayay intan ka dedaal badnaan lahaayeen, imikana dee wax lagu sifeeyo garan mayno oo Af Somaliba uma hayno arrimaha qaarkood.
Dhibaatooyin ayaa magaalada Hargeysa ka taagan. Tusaale ahaan biyaha magaalada Hargeysa waxay hore ugu jireen kaltan, haddana waxa ugu biirtay kaltan koronto. Taas iyana maxaad ka odhan doontaa?
Runtii labadaas hay’adood xogogaal uma ihi, ragga maamulaana xaq ayay u leeyihiin in wax la weydiiyo oo la waraysto. Haddii ay jiraan baahiyo xoog waaweyn oo aan u suurto gelinayn inay umadda siiyaan biyo iyo koronto ku filan waa inay sheegaan oo ay soo bandhigaan, haddii wax kale jiraana iyagaa eeddaas masuul ka ah.
Ugu dambayn, maxaad odhan lahayd bulshada Somaliland?
Shacbigu sida badanaa shucuubta umadaha, waa shacbi wanaagsan oo daacad ah oo dawlad u danaysa oo u war-warta oo u dhiddida xaq u leh. Waajibaadka shacabka saaran waxa ka mid ah inuu dawladiisa la xisaabtamo oo uu hubiyo oo uu albaab kasta garaaco yidhaahdana maxaa waxaas loo qaban waayay oo ay midnimadooda iyo madaxbanaanidooda ilaashadaan, waayo haddii aan la ilaalin danihii umaddu is ilaalin maayaan, siday ku ilaashanaysana waxa kow ka ah cidday u xilsaartay inay danahooda uga shaqeeyaan waa inay la xisaabtamaan, laakiin dawladii oo huruda haddii shacbigiina seexdo yaa u maqan? Dee waa cidna. Shacbigeena waan ku bogaadinaynaa siday ammaanka u ilaalinayaan.

Tusaale ahaan tallaabadii QARAN ee aanay xukuumaddu ka gelin albaabkeedii fowdo ayay ku dambayn karaysay oo dirqi ayaynu ku siganay inay xukuumaddu nabadgelyo darro inagu keento, Iyadoo albaabadii ugu fududaa ay u furnaayeen. Markaas shicibka waan ku bogaadinayaa siday nabadgelyadooda u ilaalinayaan ee ay ugu dhegenyihiin, laakiin waa inay shicibkii taas ku daraan xisaabtankii ay ku hubin lahaayeen inaanay nabadgelyadii ka lumen. Ma lihi halala xisaabtamo xukuumadda oo keliya ee halala xisaabtamo Mucaaradka qudhooda oo hala yidhaahdo maxaad dan noo wadaan. Haddii shicibku nabadgelyada Eebe siiyay ee aan uga mahadnaqayno caloosha ka jeclaado dee nabadgelyadii iyadu iswadi mayso ee waa inay jirtaa cid heegan u ah oo ilaalisaa.


Source: Wargeyska Geeska Afrika, o­nline Version...

No comments: