Saturday, December 8, 2007

War Saxaafadeed Xisbiga Ucid kaga Hadleen Arrimo Dhawr ah









Written by QRN
Dec 08, 2007 at 03:04 PM

Hargeysa (Qaran)- Xisbiga UCID, ayaa maanta soo dhaweeyay mowqifka xukuumada maraykanku iska taagtay qadiyada Somaliland, waxaanay xukuumada ugu baaqeen inay la timaado dedaalo ay ku kasbanayso furfurnaanta dawlada Washington muujisay.



Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sidaas ku sheegay war-saxaafdeed uu ka soo saaray magaalada Hargeysa, oo uu kaga hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan doorashootyinka, sixir bararka iyo arrimo kale,war-murtiyeedkaasina isagoo dhamaystiran waxa uu u qornaa sidan:-

Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) waxaa u caado ah in Bishiiba mar uu ka soo saaro xaaladda guud ee dalka warsaxaafadeed waxaanu maanta ka hadlayaa arimaha hoos ku qoran:

(1) Sicir Bararka:

§ Tan iyo intii kadanbaysay joojintii dhoofka xoolaha waxa sii kordhaysay baahida iyo saboolnimada reer Somaliland . Taas oo ay waheliso shaqalaan baahday oo ay dawladuna ku guuldaraysatay in ay iska xilsaarto amaba kuwarwarto yareenta shaqala'ida iyo saboolnimadan sii kordhaysa.



* § Waxa bilihii u danbayey ee sanadkan dhacay sicirbarar ku yimi maceeshadii daruuriga ahayd iyo hoos u dhac ku yimi qiimihii Dollarka; halkaas oo dadkii badnaa ee debadda eheledoodu ka soo masruufijirtay ahaana dabaqadii ugu ladnayd dadka ee lama jeeran jiray oo iyaguna ku soo siibteen dabaqadii hoose.
* §

§ Xisbiga Cadaaladda iyo daryeelka (UCID) waxa uu walaac ka muujinayaa xaaladaa qalafsan ee shacbiga reer Somaliland galay. Gudida xuguumadu u magacawday in ay ka soo talabixiyaan sicirbararka maceeshada ku dhacay oo hadii aanay wax lataabankaro ka qabanin xalka dhibaatadaas in ay keeni karto kacdoon shacbi iyo nabadgelyo xumo.

(2) Amni darada magaalada Hargeysa iyo Fawaaxishka:

* Waxa degmooyinka magaalo madaxda Hargeysa ka abuurmay dhalinyaro budhcad ah iyo dhaqan xumo sida tuugada oo dadka waaweyn ka booba moobilada iyo waxa ay sitaan, furfurashada baabuurta iyo dumarka oo ay kala yaacaan buursooyink iyo isku dhacyo dhalinyarada xaafadaha oo isu adeegsada midiyo iyo budhadh taas oo khalkhal gelisa abniga magaalada.
* Isticmaalka maandooriyaasha iyo fawaaxish u baahan in lagu qabto gacan bir ah. Waxa kale oo qaybka ah amni darada ajanibi tira badan oo ku sugan dalka kuna kaca falal tuugo iyo budhcadnimo.
* Xisbiga Cadaaladda iyo daryeelka (UCID) waxa uu talooyin ku soo jeedinayaa: in kor loo qaado wacyi gelinta xaga amniga, in bulshada dhexdeeda laga abuuraa (degmo kasta iyo xaafad kasta) dad u tabaran sida boliska (community police) oo la shaqeeya boliska caadiga ah gacana ka siiya sugida nabad gelyada deegaankaas ay ka hawl geliyaan.
* Waa in tayada, tirada iyo tababarka boliska kor looqaadaa si ay u gutaan waa jibaadkooda. Waa in la abuuraa xaalad kalsooni oo dhexmarta dadweynaha iyo boliska u heeganka ah sugidda nabad gelyada isla markaa waa in uu bolisku isu arko in uu yahay saxiibka dadweynaha.



(3) Iswaafajinta Doorashada Golayaasha Deegaanka iyo Go'aankii Seddexda Xisbi Qaran iyo Komishinka:



v Sida lawada ogsoonyahay waxa wakhtigii hore ee loo qabtay doorashooyinka ka hadhsan maalmo fara ku tirisa ah waxayna seddexda xisbi iyo Komishanka qaranku ku heshiiyeen in la sameeyo diiwaagelin loona raro doorashadaa deegaanada Bisha June ee 2008. Ilaa hada ma jirto talaabo laga qaatay sidii loo waafajin lahaa sharciga wax heer ah oo qeexayaana majiro.

v Xisbiga Cadaaladda iyo daryeelka (UCID) waxa uu ka werwersan yahay arrintaas oo keeni karta muran distoori ah iyo is qabqabsi inta ay goori goor tahay haddaan wax laga qaban.



(4) Dareenka Xisbiga UCID ee Eriga Suxufiyeenta Koonfureed:

Xisbiga Cadaaladda iyo daryeelka (UCID) waxa uu ka xunyahay amarka uu soo saaray taliyaha ciidanka boliska Somaliland ee lagu mustaafurinayo 24 Suxufi oo reer Somalia ah nabad gelyo awgeedna u joogay dalka Somaliland kana soo qaxay Somaliyada dagaaladu aafeeyeen soona maciin biday nabad gelyada Somaliland . Hadaba iyada xukuumadu u xil saaran tahay amniga dalka, may ahayn wadar ciqaabeed in ay sameeyso (collective punishment) ee waxa ay ahayd marka ay xaqiijiso faldanbiyeedka in ay ku qaado cidii geeysatay mar siisana waxay mudanyihiin inta falka geeysatay.

Waxa aanu ka codsanaynaa haayadaha caalamiga sida UNHCR-ta in ay aqoonsadaan dadka qaxoontiga ah ee ka soo bara kacay Somaliyada dagaalku aafeeyey culayskan ay ka qaadaan dawlada Somaliland .

Arintaas waxay keeni kartaa sumcad xumo iyo magac dil Jamhuuriyada Somaliland oo ka timaada dhinaca xuquuqa insaanka waxa kaloo aan qabnaa in ay yihiin suxufiyintaasi dad qaxoontiya oo ay ahayd in la dhawro xuquuqda qaxoontinimo iyo ixtiraamkeeda.



(5) Fulin la'aanta 25% (boqolkiiba 25) diwaangelinta ee ay balanqaaday dawladu.

§ Xisbiga Cadaaladda iyo daryeelka (UCID) waxa aanu soo dhaweynanaa dadaalka madaxweynuhu la yimi ee ku saabsan boqolkiiba shan iyo labaatanka 25%) dawladu ku kabaysay doorashooyinka iyo diiwaan gelinta. Laakiin waxa aanu ka digaynaa in arrintaa fulinteedu dib u dhicin tiiyoo fulinteedu ay ku xidhan tahay boqolkiiba shan iyo totabaata kale (75%) ee caalamku bixinayo. Waxa kale aanu sheeganaa in shaqada laga sugayo in uu Komishanku bilaabo ay u fadhido boqolkii shan iyo labaatan (25%) ay bixinayso dawlada Somaliland .

§ Waxa kale aanu aad iyo aad ugu mahad naqaynaa magac iyo sucmada fiican ee kumishanku inoo soo jiideen ka dib markay u safreen Etoobiya iyo Kiiniya.



(6) Taageerida dhawaaqa Pentagon (Wasaarada Gaashaandhiga ee Mareykan, ictiraafka Somaliland ):

v Xisbiga Cadaaladda iyo daryeelka (UCID) waxa uu si xoogan u taageerayaa una soo dhaweeynayaa dhawaaqii ka soo baxay Pentagon ee ahaa in ay dawlada maraynkanku ictiraafto gooni isu taaga Somaliland .

v Waxaanu dawlada Somaliland ku boorinaynaa in ay ka faa'iidaysato niyad wanaaga dawlada Maraynka lana timaado dadaal iyo siyaasadii ay ku hanan lahayd kalsoonida bulshada caalamka.

v Waxa kale ee aanu ugu baaqanaa in ay dhisaan tayey'yaana xafiisyada debada oo aad u liida dhaqaalahaan, qalab ahaan iyo shaqaalahaanba, isla markaana ay ka faa'iidaysato dadka reer Somliland ee qoonta u leh dalalka ay teginyihiin kuwaas oo wax weyn ka tarilahaa in ay culays ku saraan dalalka ay deginyihiin in la ictiraafo Somaliland .

* v Waxa aanu ugu baaqanaa dawladaha reer galbeedka in ay raacaan dariiqaa dawlada Maraykan (Pentagon)".







Cumar Maxamed Faarax

Qarannews/Hargeysa

No comments: