Friday, December 28, 2007

Caddaalad Darray Ka Dhiidhidee Ma Haddaa Dhurwaa Geedka Loogu Xidhay!















Waxaa xaqiiqa in dhibaatooyin badan oo is biirsaday oo ku habsatay shacabka Somaliland ay sabab u ahayd dagaalkii dhexmaray ciidamadii Max’ed Siyaad Barre iyo xoogaagii mujaahidiinta SNM oo ku guulaystay inay soo celiyaan xorriyaddii dalkani u oommanaa ee dhayacantay ‘60 kii markii Muqdisha lagu tuuray madaxbannaanidii Somaliland lahayd oon wali hanaqaadin ooy noqtay gaajada ka bax baan guntiga u furtee ma haddaan galay geerashkeedii. Israacii labadii gobol ee Somaliya waxaan dhibaato ahayn, colaad sokeeye iyo sii kala fogaansho mooyee faa’iido kale muusan keenin waxayna sii horseeday in dib loo xakamayn waayo qaranimadii Somaliya ee burburtay 1991 kii markii xoogagii hubaysnaa ee SNM, USC iyo SPM ay cagta mariyeen ciidamadii maamulkii dhexe ee Somaliya isku hayn jiray ilaa waqtigan xaadirkaana lama oga meesha ay ku danbayn doonto mustaqbalkii Ummada Somaliyeed siiba kuwa Kofureed oo la gumaysto maanta.

Haddaba markii dalka lagu soo noqday ee taliskii Siyaad Barre meesha ka baxay muxuu ahaa dareenka iyo himilada shacabka Somaliland oo ka qatanaa caddaaldda, horomarkii dalka, awood qaybsigii iyo rajadii ay ka qabeen in laga baxay wixii hore oo soo dilooday iyo waaga cusub oo lagalay. Maalintaasi waxay ahayd maalin qaaliya oo dadka intiisa badan siiba kuwa da’daa uga qiimo badnayd maalintii calan saarka ee Ilaah ha u naxariistee Cabdullaahi Suldaan Timacadde uu lahaa: In sidayda tihiin iyo in kalaanan saxaynine.. Soomaaloo calan taagta.. Saakay noogu horreysa ..oo saddex wiig iyo maalmo.. Haddaan soor cuni waayo.. Safrad laygama yaabo.. Sarina mayso naftayda e.. Saxirkii kala guurraye.. Sarreeyow ma nuqsaamow.. aan siduu yahay eegno e.. Kaana siib kanna saar! - Allaahu Akbar.

Maxaa gaagixiyey himiladii Somaliland u hanqataagaysay oo ilaa iyo waqtigii lagu dhawaaqay la soo noqodkii gooni isukutaaga, maxaa keenay inaan loo gudbin marxaladii qaran dhiska iyo maamul buuxa oo isku dheeli tirin oo wali aysan u jirin itijaah loo raaco dawladda raad keedna lama hayo wax aqoonsiya, waxayna ku shiiqday meel ka liidata meeshii laga bilaabay. Himiladii dadweynaha ee ahayd in helay dawlad lagana raysan doono maamulkii Muqdisha waxay noqotay leefoo halliqin iyo candhuuftaada dib u liq. Xukuumaddu waxay ka badin wayday waar nabadda ilaasha tiiyoo ay carro nabad tahay wax laga baqaana uusan jirin aan ahayn Rabbiga wayn, mar qudhana waxaa guray rajadii laga qabay in laga raysan doono nidaamkii kaligitaliska ahaa ee dhibtan Geeska Afrika ka taagan sababteeda lahaa.

17 sano Hadduu maamul ka jiray: Somaliland maxaa ku soo kordhay ama laga qabtay adeegyadii dawladda laga sugayay oo ahaa laf dhabarka horumarinta dalka iyo soo jiidashada beesha caalamka oo aynu ka sugaynay inay naga caawiyaan xagga dhaqaalaha, tababarka shaqaalaha, tacliinta, adeega caafimaadka, qalabaynta xaafiisyada dawladda etc. Runtii waxuun dawladdani iyo kuwii ka horreeyayba qabte oo marka hore suge nabadgelyadii loo baahnaa in mujtamacu ku noolaado laakin noloshu ma ahan oo kaliya nabad baanu haysanaa ee waxaa loo baahnyahay in wixii dawladi qaban jirtay laga arko ee aysan ku soo meermeerin nabadda halla ilaaliyo tiyoo aysan wax nabadda wax u dhimayaa uusan dalka gudihiisa ka jirin inta aynu ognahay laakin noqotay wax dadweynaha lagu khaakhiyo ama lagu cabsi galiyo sidii caruurtii lagu seexin jiray dhag dheer baa soo socota ama dad-qalataa timid.

Wasaaradaha dalka ka hawlgala: Waxaad eegtaan adeegga ay bulshadu ka sugayso oo aadan ku tilmaami karin meel dawladi leedahay iyo meeshani waa Wasaarad oo mar walba albaabadaa isugu dhufsan ama dad aan ahayn kuwii wax kuu qaban lahaa baa ku dhex qayilaya miisaska korkooda, dhulkoo dhanna waxaa daadsan sigaar iyo garaabo qaad oo markiiba sanboor baad ka qaadaysaa haddaad in yar sii joogto waaba inaad wax ka qabsatee. Ma jiro wax kormeera oo mas’uuliyiinta dawladdu ku sameeyaan shaqaalahooda maadaa iyaguba yihiin kuwa ugu horreeya sharci jabinta waxaana dhaba sida shicirkani sheegayo “ idaa kaana rabbul bayti liddafi daaribun fashiimatu ahlul bayti kullum raqisu” Somaliduna waxay tidhaahdaa meel hashii duqda ahayd ka durdurisay maxaad moodaa aarankiisii. Ta kale bal u kuuragala inta saacadood oo loo shaqeeyo dawladda! Waa wax ka yar dhawr saacadood deetana qof waliba wuu isaga rawaxaa iyadoon aysan jirin cid kormeerta shaqaalaha iyo waqtiga xafiisyada laga rawaxayo ( waa hebel meeyey iyo suuquu yara gaaray).

Soo qaado dawladaha hoose: Waxaa dhab ah inaysan shaqaaluhu ku fillayn mas’uuliyadda ballaadhan ee ah adeegga nadaafadda guud, dhul bixinta, canshuuraha dawladda ee daily basiska, bilicda magaalooyinka iyo arrimo kaloo badan, waxayna ka mas’uulyihiin inay dadka waddooyinka dagay ka raraan suuqna u sameeyaan ay ku ganacsadaan oo ciriiriga wayn ka dhigay isku socodkii gaadiidka waxaana is dhex mara dadwynaha iyo gawaarida mana jirto wax waddooyina oo intii calanka la qaatay laga dhisay magaalooyinka Somaliland, intii koobnayd ee Ingiriisku sameeyeyna way wada burbureen oo adaaba naftaaga uga baqaya inaad ku hantaaturrooto waaba maride.

Waxaad kaloo eegtaan: Qaybta sharciyaynta/diiwaan galinta dhulka oo dhibaato wayni ka taagan tahay waxaana la kala garan la’yahy kii dhulka xaqa u lahaa iyo kay ka tahay ku qabso ku qadi mayside oo ay noqotay moodeel nololeed ama shaqo lagu soo saaro maalin nololeedka maadaama uusan jirin wax shaqaa oo dadku qabtaan markaa waa naabi allow rasuul allow ninba afkiis kugu ammaan waxayna noqotay nin walbow xeeladdaada ku meel mar. Haddii inkaar qabe lagugu sallido oo uu kugu qabsado meel aad lahaan jirteen ilaa iyo nabi Aadan wax kaa furfuri karaa ma jiro ilaa aad isku furato dhulka qiimihiisa wax ku dhaw waana nooc ka mida xirfadaha ay ku wada shaqaystaan dawladaha hoose, booliiska, maxkamadda gobolka, laanta degmada ee dawladda hoose iyo odaydhaqmeedyo qaylada iyo is qabqabsiga ku qaraabta aan jeclaynna in meesha wax ka hagaagaan, qaarbaana ku ducaysta qalalaasuhuu quudku noogu jiraaye Qaadirow ha qaboojin!!!

Garsoorka iyo Maxkamadaha: Dimoqraadiyada iyoCaddaaladda ay Somaliland ku faanto waxaa kaaga filan hab dhaqankii ugu danbeeyey ama dhacdooyinkii sannadkan 2007 oo wada markhaati madoontaa, aad kuna qanci kartid meesha waxa ka socdaa inuu la mid yahay Xeer-ilaalintii Siyaad Barre iyo Cismaan Geelle oo aad uga fogaa caddaaladda iyo xukum dawlad xishootaa ku fuliso muwaadiniinteeda, dhibaatooyinkii Soomaaliya ka dhacayna waxaa abuuri jiray wixii la odhan jiray nabad sugidda ama NSS tii immikana aad ugu badan maamulka Somaliland. Waxaad eegtaan xadhigii suxufiyiinta Haatuf, kii Urur Siyaasadeedka Qaran, faragalintii shuuro.net iyo qawaaniinta ay ku xakamaynayaan Saxaafadda xortaa oo intuba yihiin wax ka hor imanaya Xeerarka dalka u degsan, abuurina kara isku dhac ay dawladdu ku doonayso ku cimri dheeraysi iyo xaalad abuur dadkaase noqday geed dhulka ka baxaye Allow maxay doontay dawladdu isku dhac siyaasadaysan.

Gabagabadii: Iima muuqato ceel lagu soo arooro iyo meel reerka loo raro toona, hadday sidan ku sii socotana waxaa la waayi doonaa dalkoo dhan. Waxaad moodaa inay kooxdan dalka hoggaamisaa heshiis la galeen kooxda Mbigaati kuna ballansanyihiin qorshooyin qarsoon oon dan u ahayn shacabka Somaliland. Xukuumadda waxaa ka go’an in loo tuso dadweynaha inaysan Somaliland isku fillayn kana maari karahayn Muqdisha waa hadday tahay xaggaa maamulka, dhaqaalaha, shaqa abuurka, ganacsiga iyo cududda millatari. Halkaa waxaa kaaga soo baxaya sida ay wax u socdaan iyo dawladdo ka caga jiidaysa oon raalli ka ahayn in la helo ICTIRAAF ama dhaqaalii wax lagu socodsiin lahaa, wixii la soo helene masoo dhaafto madaxtooyada iyo laaluush siyaasadeed oo lagu kala furfuro oday-dhaqmeedyo iyo ciddii cidhiidhi galisa siyaasaddeeda qaawan. Ciddii diidana waxaa loo taxaabaa Jeelka Mandheera waxaana loo adeegsanayaa qodobka ciqaabta ee 101 ee MUUSALIINI waqtgii faashiistaha ku xukumi jiray siyaasiyiintii ka soo horjeeday nidaamkii faashiga ahaa ee goormuu Talyaanigu gumaystay Somaliland!!! Mise waa adduunyo gaddoon!!!

Wa billaahi tawfiiq iyo Allaa mahadle

Qalinkii: Shueib A. Gabose

Canada, Toronto

Gabose55@hotmail.com

No comments: