Friday, December 14, 2007

Xukun iyo xoolo cirdoon ayaa rogaya Afrika

Naasir Xaaji Ciise
Published Dec 14, 2007

Wadamada Afrika waxaa hogaanka u jaray xukun jacayl iyo musuq maasuq xoolo la iska qaato laaluushku wadamada AFrika dhib weyn ayuu ku hayaa horumarkana wuu kala dagaalama waxaana ka raali ah nimanka madaxda ka ah mar haddii aan iyaga lagu soo doonaneyn kursigooda waxba kama qabaan ,waxaana laluushka ugu badan qaata nimanka lashaqeeya dawladaha talada haya ama axsaabta markaas talada haysa, waxaa la soo cadeeyay in lacag kabadan $150 bn loo kala qaato laalush sannad walba adduunka,
lacag taasna waxaa laga qaada dadka masaakiinta ee dan yarta ah, qanuun ahaan xoolo cirdoonimadu ama laalushku waa mamnuuc qaanuun ahaan wadamada Afrika oo dhan laakin la `aantii waxba ma socdaan waxaana sabab u ah dawladaha maamulka haysta. Dalalkaas dadkiina caado ayeyba ka higteen oo qofkii isagoo wixiisi xaqku helaya ayuu laalush la soo cararayaa qofka wanaagsan ee meel haysta ee aan qaadan xaraanta laaluushka waxaa loo yaqaana doqon marka qof meel loo dhiibo dadka ugu jecel ee asxaabtiisa iyo qaraabadiisu waxay dardaaran ku bixinayaan inuu meelahaas ka fara qabsado iyagana ogaado....

Musulkii oo sidaa ulaba rogaya ayey dawladiina daawanaysa kii la xisaab tami lahaa ee shacabka ahaana waa kan soo diraya, hadaba arintu ayey ku dhacaysaa miyayna ogeyn dadku in xoolahan ay lee yihiin booba masuulinta inay tahay xoolihii dalka wax loogu qaban lahaa hanaqoto cashuur lasoo ururiyey ama dawarsi layna siiyay marka la isku dhiibo ee afka la isku buuxiyo ina kuun bay ina danbarsanaysaa oo isxadeyna shacab isxadaaya ayaa utag helaya, arintan waa arin xun markaas aduunkii oo dhami wuu ka xun yahay imikana midawga Afrika shaqo adag ayey ka qabanayaan xataa waxaa lasoo sarayaa masuul kaste markuu jagada qabsado in xooluhu haysto la xisaabiyo markuu ka tagayana la xisaabiyo bal inaka imisaa nin xayraan ahaa maruu wasiir noqday dalkiiba qayb yeelshay xageebay ka keenen lacagtan mushaharkooda iyo kharshka ku baxaba waynu ognahee marka hore xoolahasi waa kuwii Somaliland wax loogu qaban lahaa waxaana karali ah madax weynaha Somaliland haduu ahaa madax weynihii hore Ilahey ha u naxariiste Ciqaal ama madax weynaha imaka talada haya Riyaale

Maxay uga raali roqdeen waa jawaab fudud waxay uga raali noqdeen xukun jaceyl oo hadii tuugta sharciyaysan la xukumo dad ka fiicana yimaadan kursiga joogi maayan waa arin badanka madaxda AFRIKA ay ka walalo tahay oy iskula dar darmaan waxaase layidhi geel ow soco oo malinta aad ciin daaq do ayey kuugu daran tahay maanta ayey udaran tahay oo inamadii yar- yaraa ee cad –cadaa ayaa daba galay xisaabihii ay dibada wada dhiganayeena waa laga wada xidhay bari dhawna maxkamdo ayaa lasoo taga yaa ninkii dalkiisa waxaa ku dhaqa bal hadaba madaxda Afrika ma wax ayaa udhiman waxa la baryaya waar dadkiina unaxa xataa kii xukunka sifiican uga daga lacag ayaa lasiinayaa aad ufara badan $500 milion hadaba anigu shacabkeena waxaan kula talinayaa waar meelsha dawlad iyo dad midna kuma hayne aynuu iska dayno la luushka umad Islaam ah ayeynu sheeganaynaaye waxaad ogataan dawladu dadka ayey ka timaada inkastoo dawladu dadka ka masuul tahay ninkaad ku aragtaan ee masuul ahna mudaharaad ku dhiga oo waa in la xisaabiyaa ninkaste marka jagada loo dhiibayo barlamaanka iyo gurtida iyo maxkamdahana lasiiyo awooda lana siiyo mushahar fiican masuulintaas iyo kuwa dawladaba xataa boliska si loola dagaalamo musuq maasuqa oo xoolahan xaaranta ay ku qaadan lahaayen loo xalaleyo si ay wadanka wax ugu qabtaan dawladu waa inay arintan wax ka badashaa Somaliland waxay ubahan tahay in maanta wax loo huro si bari loo malo markaas ragan usoo shaqatagaya waa in waxay haystaan laqoraa markay jagada ka tagayaana si fiican loo xisaabiyaa

Ishana lagu hayaa ninka wax lagu xantana aan jaga danbe loo dhiibin barlamaanka iyo maxkamaduhuna awood yeel shaan gurtiduna wadanka hogaanka u qabato si daacad ah dhamaan dadku gurtida waa shacabkoodi siyaasadana waa in ayna galin oy dhex ka noqdaan wadankana iyagaa dhisee sii dhisaan waa laf dhabarta soomaliland gurtida odayaalshu xaq bayna ulee yihiin mushahar fiican iyo guriyo ,iyo gawaadhi hadii ay dawladu siin kari waydo hawla hadasho shacabka soomaliland tijaartooda iyo qurbajoota oo haloo sameeyo sanduuq waxaan sidaa ulee yahay waan ina ogahay inaynu nahay dawlad dhaqaaleheedu yar yahay laakin xoolaha kusoo gala mahee waa sida aad u maamulsho waxaad arki saa reer biil badan qaata oo ladan hadana bisha badhtankeeda gabadhii amaah day dayeyso odeygiina uu ka maqan yahay iyo mid wax yar qaadata oo si fiican isku gaadhsiisa amaahna doonan ninkeedana dhibin hadaba Somaliland xoolo way haysataa ee waxay ubaahan tahay maamul fiican maamul fiicana iman maayo hadii aan dadkii iyo odayaalshii shaqada hayey xaqoodii lasiin waxaa dhicikarta qofkii waa masuul marka caruurtisi iyo naftiisi wax u waayo oo mushahar beena lasiiyo inuu qofkii waxba qaban kari waayo awoodana laga qaado oo qof isagu uu xukumi lahaa uu xukumo( Cigaal wuxuu yidhi sabool qawl maleh ) hadaba ragii dawladaba utalinaayey hadii ay noqdaan sabool miyaa lala xisaabtamidoona kuwa laluushka guranaya ee usoo shaqatagey dalka ,nasiib daro waxay tahay qof miskiina oo dani ugeysay inuu wax yar xado in dadkoo dhami qanta saraan iyagoo aan is weydiin muxuu wax u xadayaa oo layidhaahdo tuga dila tuugta sharciyeysna loogu yeedho mudanayaal kuwa masakiinta ahi tuugmahee wixii tuga RABI kama qarsoona markad qof siiso lalush lamid ayaad tahay,markaad ku dhiiri galiso lamid baad tahay markaas tuugte badan makuwa duruuftu ugeysey mise kuwa kale is weydiiya?

(haddad xoolo doon tahay waa la xoog sadaayoo xirfad lala yimaadaa)

Nassir xaaji ciise(ina geeljire)
Cardiff uk...
Cardiff uk...

No comments: