Sunday, December 9, 2007

Kiisaskii ka Dhacay Burco Sannadkii 2007

Burco (Jam)- Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Gobolka Togdheer, ayaa faahfaahin ka bixiyay tirada kiisaska dacwadihii sannadka 2007 ka dhacay magaalada Burco ee laga diiwaangeliyay xafiiska xeer-ilaalinta gobolka.

Wariyaha Jamhuuriya ee Gobolka Togdheer Mr.Kayse Axmed Digaale ayaa ka waraystay Ku-xxigeenka Xeeri-laaliyaha Guud ee Gobolka Togdheer Mr.Jaamac Ducaale Siciid tirada dacwadaha ka dhacay gobolka iyo dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ay kala kulmaan dawcaddahaas, isaga oo arrintaa ka jawaabayeyna Xeer-ilaaliyahu waxa uu yidhi; “Tirada dacawadaha guud ee ka dhacay gobolka ee xafiiskayagu diwaangaliyay waa 354 kiis, kuwaasoo 140 kiis la xukumay, 176 kiis macaamilo ayay ku dhammaadeen, 6kiis waxba waa lagu waayay iyo 32 kiisna way taagan yihiin.”

Waxaannu Isagoo sii faahfaahinayeyna uu sheegay in kiisaska dilalka ee dhacay ay ahaayeen 17 kiis, siddeed kiis waa la xukumay, toddoba macaamilo (heshiis) ayey ku dhammaadeen, laba kiisna waa taagane, kiisaska iskudayga dilka ahina waa 20 kiis, kuwaasoo hal kiis la xukumay, 18 kiis macaamilo, halkiisna waa taagane. Waxaannu intaa ku daray in kiisaska tuugada ahna ay dhan yihiin 56 kiis, kuwaasoo 42kiis la xukumay, tododba kiis macaamilo, hal kiis siidayn ah iyo lix kiis oo taagane ah, waxa kale oo uu sheegay in 127 kiis oo dhaawacyo ahi soo galeen kuwaasoo 31kiis la xukumay 90 kiis macaamilo, lix kiisna ay taagane yihiin.

Mr.Jaamac Siciid oo ka jawaabayey dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ay kala kulmaan kiisaska dacwadahaa marka ay ku jiraan waxa uu yidhi; “Dhibaatooyinka ugu waaweyn waxa ka mida kiisaska kooxaha iska soo horjeeda, tuugadii oo ku hubaysan hub, baangado oo aan hore u jirin, kiisaska kufsiga, inkastoo ay hoos u sii dhacayaan.”

Waxa kale oo uu tilmaamay Mr.Jaamac in dhibaatada ay ka mid tahay xabaglayaasha oo ah da’da yar oo aan la xukumi Karin kana qaybqaataan faldambiyeedyada tuugada, dhaca iwm, isla markaana aanu jirin xabsi carruureed oo lagu xidhi karo.

Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud waxa uu ku soo gunaanadkii sheegay in kiisaskii dacwadaha ee sannadkan inay ka hoosayso kuwii sannadkii hore dhacay oo tiradoodu dhammaayeen 380 kiis.

No comments: