Sunday, December 9, 2007

shir lagaga Hadlaayay Dhibaatooyinka Haysta dhalinyarada Reer Togdheer.
















Hadhwanaag 2007-12-09 (Hadhwanaagnews) Burco(HWN) Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere ayaa maanta furay shir lagaga Hadlaayay Dhibaatooyinka Haysta dhalinyarada Reer Togdheer.

Shirkan oo uu soo qaban qabanqaabiyay Uurka dhalinayrada ee SYS Burco ayna Maalgalisay Haayada Unicef waxaa ujeedadiisu ahayd sidii Looga doodi lahaa waxna looga qaban lahaa dhibaatooyinka haysata Dhalinyarada Reer Burco.

Hadaba waxa shirkaas ka hadlay Masuuuliyiin tira badan oo dhamaantood ka sheekeeyay caqabadaha hortaagan dhalinta Reer Togdheer.

Gudoomiyaha ururka Dhalinyarada ee SYS Mr C/fataax Cali Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay ujeedadda ay shirkan u qabteen waxaanu yidhi “ Shirkan aanu maanta iskugu kiin yeedhnay waxaanu u qabanayn bal in mar uun la arko cid ka hadasha ama ka munaaqishoota dhibaatada haysta dhalinyarada Reer Burco , dhibaatadaas oo ay ka mid tahay Tahriibta oo ah gobolka kaliya ee Somaliland ay dadkoodu Tahriibaan taganaa wadamada Reer galbeedka sidii ay halkaasi uga heli lahaayeen nolol ka fiicana tan ay hada ku jiraan.

Hadaba ujeedadayda aanu maanta shirkan u qabanayn waxa weeeye in halkan ay ka wada doodaan dhalinyarada imika halkan aanu iskugu keenay ee ay ka mid ka yihiin Ururada dhalinyarada Kooxaha kubada iyo Martida kal e ee halkan nala fadhida

Waxa kale oo iyana Halkaas ka hadashay Mrs Hinda Maxamed Jaamac oo ka tirsan Masuuliinta Jaamacada Burco oo ka sheekeesay dhibaatooyinka uu qurbaha leeyahay iyado sheegtay in ay mudo Badan qurbnaha ku noolayd oo ay tidhi iyadu qofka soo arkay dal shisheeye ayaa garan kara sharafta iyo karaamada Dalkeena Hooyo ,

Xildhibaan Maxamed Daahir oo ka midahaa Golaha Degaanka Burco ayaa dhalinyadii halkaasi iskugu timi kula dardaarmay in ay Midobaan oo iska ilaaliyaan Qabyaalada oo dadkeen ragaadisay,.

Ugu danabayntii Dood dheer ka dib waxa soo xidhay shirkii Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere oo sheegay in ka Maamul ahaan in ay dhiirigalinayaa cidkasta oo wax u qabanaysa dhalinyarada Reer Burco .

Gudoomiyahau waxa uu dhalinyarada kula dardaarmay in ay ka fogadaan waxyaabah xunxun ee ay ka mid ka yihin Balwadaha xunxun waxa kale oo uu sheegay in dhalinayradu ay guursadaa si ay xumaanta uga Badbaadaan.

Ugu danbayntii shir cilmiyeedkan Maanta ka dhacay Burco waxa uu ahaa kulankii ugu horeeyay ee Nocaas oo kale ahaa ee lagu qabto Burco Mudooyinkii udanbeeyay iyado ay xawli ubaxaan dhalinyarada Reer Burco dhawaanahan iyagoo tahriibaaya

C/salan Maxamuud Ducaale(ilkacase)
Hadhwanaagnews/Burco
Ilkacase1@hotmail.com


(Cabdi Xuseen Dheere
Gudoomiyaha Gobolka Togdheer)

No comments: