Sunday, December 30, 2007

Siyaasiyiin Miisaan leh oo isu soo Taagi doona Musharaxnimada Madaxwayne ee UDUB







December 30, 2007
(Hadhwanaagnews) Toddobaadyadii u dambeeyay waxa soo if baxayay warar ishaaraya siyaasiyiin magac iyo miisaan leh oo ka tirsan xisbiga xukuumiga ah ee UDUB, oo doonaya inay noqdaan murashaxa xisbiga UDUB ugu tartamaya doorashada Madaxtooyada oo la filayo inay qabsoonto bisha August ee sannadka 2008....



Sida ay tibaaxeen wararkaas oo uu Wargeyska Geeska Afrika ka helay ilo xogogaala, siyaasiyiintaas ayaa la sheegay inay wadaan dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan kasbashada xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga UDUB si ay u taageeraan murashaxnimadooda marka la qabto shirweynaha labaad ee xisbiga UDUB oo muddo dhaafay xilligii loo qoondeeyay oo ku beegnayd bishii Julay ee sannadkan. Xubnahan siyaasiyiinta ah oo aan tiradooda si rasmi ah loo ogayn, ayaa la sheegay in mid waliba si gaar ah u wato damaciisa siyaasadeed ee uu ku doonayo inuu ka qayb galo tartanka madaxtinimada Somaliland.

Xubnahan oo ay qaarkood isu dhawaayeen Madaxweyne Rayaale, waxa la sheegay inay go’aanadan qaateen ka dib markii ay saluugeen siyaasadda hoggaamineed ee Madaxweyne Rayaale ee ku waajahan dalka iyo xisbiga UDUB.

Wararkan oo aan ilaa hadda si rasmi ah u soo shaac bixin, waxa la filayaa haddii ay xaqiiqoobaan inay saamayn ku yeelan karto Madaxweyne Rayaale oo la aaminsanyahay inuu yahay murashaxa keliya ee xisbiga UDUB u taagan si uu ugu loolamo jagada Madaxweyenimada Somaliland, iyadoo la sheegay in raggan ay ku jireen ashkhaas saamayn weyn ku leh guud ahaan siyaasadda Somaliland iyo xisbiga UDUB dhexdiisa.

Wararkani waxa ay intaas ku darayaan in Madaxweyne Rayaale laftiisu dareemay dhaqdhaqaaqa siyaasiyiintaas, islamarkaana uu bilaabay qorshe uu ku doonayo inuu kaga hortago oo uu ku wiiqo cududooda siyaasadeed, iyadoo maalmahan u dambeeyay lagu ag arkay Madaxweyne Rayaale rag uu hore xil uga qaaday oo tiir weyn u ahaa doorashadiisii hore ee madaxtinimada dalka.

Si kastaba ha ahaate, waxa xaqiiqada warkani soo if bixi doonaa wakhtiyada soo socda ee la dareemo qaban qaabada shirweynaha xisbiga UDUB.

Wargeyska Geeska Afrika...

No comments: