Monday, December 17, 2007

Siyaasiyiintii Xisbiga Qaran oo la soo Daayey Xalay











Somalilandpage.blogspot.com
Toronto, 18-12-2007

Waxaa Xalayto laga soo daayey Xabsiga Mandheera siyaasiyiintii Xisbiga Qaran
Dr. Maxamed Cabdi Gabose, Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid oo ku xidhnaa halkaas Afar bilood iyo Maalmo waaxay u dhigantaa 144 maalmood kuwaas oo loo haystay inay ku kaceen abaabul iyo kala Kaxayn Bulshada Somaliland waa sida ay dawladdu ku doodaysee.

Haddaba halka aragtida Bulshadu iyo Caalamkuna u arkayeen in dimuqraadiyadii iyo hannaan socodkii siyaasadeed ay wax ka badashay arrintani iyo sidii loo maamulay, waxay waji gabax aad u wayn ku noqotay Dawladda iyo habka ay u adeegsanayso sharciga iyo garsoorka kaasoo ka baxsan qawaaniinta iyo dastuurka dalka u yaala labadaba marka la isku soo wada duubo.

Dawladaha deeq bixiyayaasha Caalamka oo aad uga xumaaday ficilka ay dawladdu ku kacday waxaa si lama huraan ah loogu qoray waraaqo madaxwaynaha Somaliland looguna Salaaddiin iyo waxgaradba inuu sii daayo oo aan meel lagaga dhicin habkii ay ku-caan baxday Somaliland 16 kii sano ee u danbeeyey. Waxaa iyaguna aad uga hadlay qurba joogta Somaliland Mucaarid iyo Muxaafadba kuu doono ha ahaadee inaan maanta Somaliland Siyaasiyiin aragtidooda ku cabiray si dimuqraadi ah inaysan mutaysan xadhig iyo maxkamad jeelka dhexdiisa lagu xukumo iyagoo aan loo siin xorriyad inay maxkamad gobol iyo Mid sare aan la horkeenin iyagoo dacwadda loo qabo lagu soo oogayo isla markaana ay xaq muwaadinimo u leeyihiin inay qareeno qabsadaan oo dawladda eedaynta ay ku soo rogayso iska difaacaan waa sida dastuurku inoo sheegayo dawladnimona aan ku doonayno inaa ictiraaf ugu helno.


Taasi waxay maanta marag maddoon u tahay in kali talis iyo talo xumaan dalku ku jiro maanta kuna waayi doono deeq iyo ictiraafba haddii aan si degdeg ah looga hadlin oo aan meel la isula dhigin go'aano xaaraantimaynaya inaan mar kale khalad kan oo kale ahi u dhicin kaa soo inaga luminaya danaha iyo himilooyinka ay tiigsanayaan Shacbiga Somaliland Gudaha iyo dibadaba.

Halka ay indha dheerta caalamka arrimaha Siyaasadaha iyo Dhaqaalaha iyo Ururada u dooda Xuquuqal insaanku inna siiyeen muddo aynu isku soo daba qabano inta aan inalagu wareejin ololayn ah inay Somaliland ku soo biirtay meelaha Afrika dadka xuquuqdiisa lagu duudsiyo iyo inay saf inala galin doonaan maamulka Cabdillahi Yusuf(Empaghati) haddaynaan sidan wax ka badalin oo mar dhow si toos ah maxkamad looga dalban doono Ku tacadiga iyo ku xad-gudubka Xaqa iyo Xuquuqal insaanka.


Waxaa looga fadhiyaa Golaha barlamaanku inuu arrintani xasaasiga ah shacabkii soo doortay matalaan oo si xaq ah uga doodaan iyo inuu noqdo Goluhu mid ku weheliya Maamulka Daahir Rayaale xaq darro oo aann dan iyo muraad ka lahayn dalka iyo dadka
oo danihii guud ku dhaafsada awood iyo karti la'aan.

Gabo gabo waxaan ku soo xidhayaa Somaliland Inaan maamul iyo shacab ahaan meel lagaga dhicin xuquuqda aadahama gabi ahaan ee haddii xil kaa saaran yahay ummad aad maamulayso aad iska fogaysaa Godobta iyo Khaladkaba oo aan la kala kaxayn Shacbiga iyo Maamulka. Halka maanta siyaasiyiin Adduunka Hore u maray talooyin ka soo siinayaan madaxdeena iyagoo inna tusaya waxaad u dagaalanteen baa miiska idiin saaran ee ha iska kala tuurina iyaguna in badan qoraal hiil iyo hooba leh inala garab taagan.

Somaliland ha Guulaysato
Allaa mahad leh.


Waxa Qoray A/Nasir Maxamed Cabdille "Six"
Toronto, Kanada.
Email: nasirsix@gmail.com

No comments: