Tuesday, December 4, 2007

Kormeerayaasha Waxbarashada Gobolka Togdheer oo Tababar loo Furay











PDF E-mail





Written by QRN
Dec 04, 2007 at 08:02 PM
Burco (Qaran)-Kormeerayaasha waxbarshada gobolka togdheer ayaa maanta tababar ku saabsan kor u qaadida aqoontooda uga furmay magaalada burco,tababarkan ayaa ujeedadiisu salka ku hayaa sidii kormeerayaashani u noqon lahaayeen tababarayaal(TOT),kuwaasoo tababaro siindoona macalimiinta iyo maamulayaasha degaanka togdheer.

Gudoomiyaha wasaarada waxbarshada togdheer Cabdi Axmed Siciid oo furitaankii
tababarkaa hadalo kooban ka jeediyay ayaa soo dhoweeyay tababarkan loo furay
kormeerayaasha waxbarshada gobolka isagoo tilmaamay inuu ku kalsoonyahay in
xubnahani aqoonta ay ka korodhaadaan halkan ay ugu faaiidayndoonaan bahda
waxbarshada,maadaama ay yihiin tiirkii waxbarshada gobolka.

Waxa gudoomiyuhu u mahad naqay hayada SCF/uk,oo iyagu tababarkan fulinaya isagoo ku tilmaamay inay tahay hooyadii waxbarshada togdheer “Scf/uk.kaalinta ay ka qaadatay horumarka waxbarshada togdheer maaha mid la ilaawi karo”.

Mr.Prakash Dutt,oo ah sarkaalka dhinaca waxbarshada ee hayada SCF/UK,oo ka
hadlay munaasibadii furitaanka tababarka ayaa sheegay in aqoontu tahay horumarka
bulshada,idinkuna(kormeerayaasha) aad tihiin lafdhabarta waxbarshada
gobolka,sidaas darteed aad ku fikirtaan sidii waxbarshada aad u gaadhsiin
lahaydeen dadka reer guuraaga ah maadaama bulshadiinu u badan yahay xoolo
dhaqato.Waxa kaloo intaa ku daray, Mr,Prakash in marka aad tababarkan
dhamaysataan laydinka rajaynayo in aqoontii aad ka korodhsateen ku dabaqdaan
tababarada aad siindoontaan macalimiinta iyo maamulayaasha dugsiyada waxbarshada gobolka oo ay ka muuqato “Waxaan rajaynayaa in aqoontaad barataan ay ka muuqandoonto maclimiintaad tababaridoontaan”.

Sidoo kale Cabdi Ducaale iyo Aadan geeljire oo ka mid Saraakiisha Hayada SCF/uk
ayaa iyaguna goobta ka cadeeyaya in kormeerayaashan loo tababarayo inay noqdaan kuwo iyagu tababaridoona macalimiinta waxbarshada gobolka,waxay kaloo xuseen saraakiishani in tababarkani socondoono mudo sideed cisho ah,islamrkaana dabagal iyo kormeer lagu samayndoono sida hawluhu u fuleen.

Hayada SCF/UK oo wada shaqayni ka dhaxeyso Wasarada waxbarshada togdheer ayaa tababaro siisa macalimiinta iyo maamulayaasha dugsiyada waxbarshada gobolka kuwaasoo kor loogu qaadayo tayada iyo aqoontooda waxbarsho,SCF/UK,oo ilaa sanadkii 2001 ka hawlgalaysay dhinaca waxbarshada ee togdheer ayaa dibudhis iyo qalabeyn ku samaysay goobaha waxbarshada ee degaanka togdheer.

Kayse Ahmed Digaale

Burco

No comments: