Thursday, December 13, 2007

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland oo ka Waramay Isbadalka Siyaasadeed ee Qadiyadda Somaliland














“Ma Jirto Maalin ay maanta Qaddiyadda Somaliland ka wanaagsantahay”
Sidaa waxa Yidhi, Wasiirka Arrimaha Dibada

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Ms. Alexandra M. Dias, oo ah haweenay u dhalatay dalka Boortiqiiska oo dhawaan safar ku timid Somaliland.
Ms. Aleandra, oo ah gabadh dhallinyaro ah, waa siyaasiyad takhsuskeedu yahay xidhiidhka caalamiga ah iyo dhaqaalaha, waxaanu safarkeedu salka ku hayaa sidii ay xogogaal ugu noqon lahayd qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland. Md. Cabdillaahi Ducaale, ayaa waxa uu Ms. Alexandra uga xog waramay qaddiyadda Somaliland, waxaanu aad ugu dheeraaday taariikhdii Somaliland soo martay sida taariikhdii gobanimo doonka, la midowgii dalka Somaliya, dhibaatadii dawladii Siyaad Barre u gaysatay shacbiga Somaliland iyo halgankii dheeraa ee dib loogu soo celiyay madaxbanaanida Somaliland, waxaanu sheegay in qaddiyada Somaliland hadda marayso meel wanaagsan, “ma jirto maalin ay maanta qaddiyadda Somaliland ka wanaagsantahay.” Ayuu yidhi Md. Ducaale, waxaanu tusaale u soo qaatay warbixintii u dambaysay ee dawladda Maraykanka iyo dhawaaqdii ka soo yeedhay xarunta Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon...

[size=16]Waxa uu Ducaale, ku dhiiri geliyay haweenaydaas inay kaalin ka qaadato sidii qaddiyadda Somalialnd loogu bandhigi lahaa dunida, waxaanu ku guubaabiyay inay diyaariso qoraalo ku saabsan Somaliland.
Alexandra oo ah haweenay aad u xiisaynaysa qaddiyadda Somaliland, waxa ay balan qaaday inay qoraalo isugu jira Afafka Ingiriisida iyo Boortiqiisa ka diyaarin doonto qaddiyadda Somaliland iyo sida bulshada Caalamku indhaha uga qarsatay. Waxaanay guud ahaan dadka Somaliland iyo masuuliyiinta dawladda ee ay la kulantay uga mahadnaqday sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Hargeysa oo ah markii u horaysay ee ay timaado.
Dhinaca kale waxa ay isla toddobaadkan la kulantay Shirguddoonka Golaha Wakiilada Somaliland, kuwaas oo iyaguna uga waramay taariikhda Baarlamaanka Somaliland, iyagoo u sheegay in saddexda xubnood ee shirguddoonka goluhu ka soo jeedaan xisbiyada Mucaaradka ah, taas oo aan inta badan ka dhicin wadamada Afrika.
Ms. Alexandra M. Dias, waxa ay dalka timid Sabtidii toddobaadkan iyadoo ka soo kicitintay magaalada Addis Ababa, Itoobiya, waxaana la filayaa inay dib u laabato Sabtida toddobaadkan.


Wargeyska Geeska Afrika

No comments: