Sunday, December 16, 2007

Dalabkii Xeer Ilaalinta Qaranka Ee Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee G. Wakiilada, Difaacii Shir-gudoonka Iyo Waraaqihii Jawaabaha ee la Is-weydaarsadey







Hadhwanaag 2007-12-15 Hargeysa(HWN):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xuseen Cabdi Qaalib ayaa mid waliba gaarkiisa u xaqiijiyey inay jirto Waraaq ka soo Baxday Xafiisyada Xeer ilaalinta iyo ka Shir-gudoonkaba, taas oo uu ku dalbaday inay Xeer ilaalintu Su’aalo ka weydiiso hadalo uu hore u sheegay Guddoomiye Kuxigeenka Kowaad ee Golaha Wakiilada Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa uu Cadeeyey inay jirto Waraaqdaasi “Waraaq nooga timi Xeer ilaalinta guud oo ku socota Guddoomiyaha Golaha Wakiillada inay jirto ayuunbaan idiin Xaqiijinayaa, waraaqada Jawaabteendiina waanu bixinay” ayuu yidhi

Mar uu Gudoomiyaha Golaha Wakiilladu ka hadlayey waxay ahayd Nuxurka warqadii Shir-gudoon ahaan loo soo gudbiyey waxa uu yidhi “Warqadaa Nuxurkeedu waxa uu ahaa Xeer ilaaliyaha Guud oo Codsaday inuu ka wareysto hadal uu yidhi Gudoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada [Cabdicasiis Samaale]”

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed [Cabdiraxmaan Cirro] Mar uu ka hadlayey waxay kaga jawaabeen warqadaasi ayuu yidhi“ Jawaabtii aanu ka bixinay waxay ahayd, kadib markii aanu wadatashi la sameeynay dhinaca Sharciga ah, inaanay noo muuqan sabab wax looga weydiiyo waxa uu sheegayay Gudoomiye Ku-xigeenka kowaad”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo u yidhi “Dastuurku waxa uu fasaxayaa oo kaliya Marka Xasaanad laga qaado Mudane ka tirsan Golayaasha Qaranka, ayey arrintaasi dhici kartaa”

“Dastuurka ayey ku qoran tahay si cad inaan rayiga iyo waxa uu dhiibto waxba laga weydiin Karin Mudanaha, qodobada 49 faqradiisa 1aad waxaanay sheegaysaa: Xubinta Golaha Wakiillada loo qabanmaayo waxna lagu qaadimaayo arrin uu ogaaday ama uu Golaha soo hordhigay, ama arrimo uu rayi ka dhiibtay, 3aad waxay tilmaamaysaa: Madaxbanaanta Xubinta Golaha Wakiillada talaabo baadhitaan ama Wareysi, ama qabasho, ama Xadhitaan ama talaabo kale oo ciqaaba iyada oo aan ogolaansho looga helin Golaha Wakiilada”ayuu yidhi Gudoomiyaha Golaha Wakiilladu isaga oo sheegay inaan mudanaha rayigiisaCabira aan waxba loo qabsan Karin

Dhinaca kale, Xeer ilaaliyaha .Guud ee Qaranka Somaliland, Xuseen Cabdi Qaalib [Xuseen Dheere] oo ay weriyaashu Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa ku booqdeen si ay wax uga weydiiyaan inay jirto Waraaqda la sheegay inuu u gudbiyey Golaha Wakiilada iyo waxa ku qornaa.

Xeer Ilaaliyuhu waxa uu sheegay inuu Shir-gudoonka Golaha Wakiillada u Gudbiyey Waraaq 12/12/2007, si uu wax uga weydiiyo hadalo uu hore u yidhi Gudoomiye Ku, xigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, kuwaas oo uu ku tilmaamay in Hogaamiyayaasha Urur Siyaasadeedka Qaran ee Xidhan la dilidoono iyaga iyo rag kale, si aanu wax ug weydiino hadalkaas, uu yidhi nin Xildhibaan ahi oo aan ahayn hadal fudud, ayuu yidhi

“Masuuliyadeedi waxay na fartay inaanu hadalkii ka wareysano waxa ka jira Xildhibaankii [Cabdicasiis Samaale], si looga hortago denbiga ah cida wax dilaysa” ayuu yidhi Xeer ilaaliyaha Qaranku

“Warqadaa aan u qorey may ahayn Xadhig, baadhisna maaha, xilka qaadisna maaha, waxay weeyan warkan Cida wax dilaysaa si looga hortago oo ay Masuuliyadii Cid u qaado” ayuu yidhi Xuseen

Xeer Ilaaliyaha Qaranka Xuseen Cabdi Qaalib mar uu ka hadlayey waxa ay u dalbadeen Shirgudoonka waxa uu yidhi “U jeedadayadu waxay ahayd inaanu xildhibaanka weydiino Cida wax dilaysaa ereyadani maaha kuwo fudud, oo waxa uu yidhi niman Siyaasiyiin ah ayaa la dilayaa kuwo kalena way ku xigaan”

Mar uu Xeer ilaaliyaha Qaranku ka hadlayey waxay Shir-gudoonku ugu soo jawaabeen waxa uu yidhi “Waxay ku soo jawaabeen iyaguna [Shirgudoonka] beri ayaad nadiiday oo aad Golaha Horimanweyday [Xeer ilaaliyaha], mawduuci kamay hadal oo may sheegin inuu Sharci yahay iyo inaanu ahayn”

Xuseen Cabdi Qaalib waxa uu ku dooday inay Dastuurka ku taalo in Xeer ilaaliyuhu weydiisan karo inuu Wareysan karo ama la baadhi karo ama la xidho oo Xasaanada laga qaado xildhibaanka haddii denbi lagu tuhmo. Ila markaana waxa uu Xusay inaanay Meeshaba denbi soo gelinin oo ay arrintu ahayd Wareysi si uu u iftiimiyo arrimahan.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xuseen Cabdi Qalib oo ka hadlayey talbaada la gudboon ee u furan inay ku dhaqaaqaan waxa uu yidhi “Anaga [Xeer Ilaalinta[ xilkayagu waxa weeyaan inaanu Goaha Weydiisano, inay diidaan iyo inay ogolaadan iyaga Goluhu Xaq u leh”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Haday Goluhu diidaan waanu ka hadhaynaa oo waxba nagagama jiraan”

Arrintan dalabka Xeer ilaalinta guud ee Qaran ee la xidhiidha u yeedhista Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada Md. Cabdicaasiis Maxamed ayaa ka danbeysay kadib markii hadal uu ka jeediyey xaflad lagu qabtay Hotel Maansoor oo loo sameeyey xuska maalinta Xuquuqul Insaanka Dunida ee 10ka December 2007, kaas oo uu ku sheegay inuu aaminsan yahay in siyaasiyiinta ururka Qaran ee xidhan la dili doono, dad kalena ay ku xigaan.

Mutafe Cabdi Maxamed [Mustafe-Janaale]
Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeya
E-mail, janaale94@yahoo.com

No comments: