Tuesday, December 18, 2007

Deegaanka Go'da weyn oo dhistay Saldhig Boolis

Written by Qarannews
Dec 17, 2007 at 11:36 AM

G'o (Qaran)-Waxa safarka weftiga ka qayb ahayd inaanu deegaanada ku soo wacyi-galiyno u diyaargaroobida samaynta waddada isku xidha Go’daweyn iyo Burco, iyo Xarun Agoomeed” Suldaan Maxamed Xasan
Suldaan Maxamed Xasan Ibraahin iyo wefti uu hogaaminayo, ayaa shalay kormeer hawleed ku tagay degaanka Gacanlinaax, gaar ahaan Go’da-weyn oo hoos timaada Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil.

Xubnaha Suldaanka ku wehelinayay kormeerka waxa ka mid ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro), Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Axmed Aadan Ismaaciil, Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan, oo ka mid ah Mudanayaasha Wakiillada, Eng Rashiid Ibraahin X. Maxamed (Rashiid Buufalo), oo ka tirsan Hay’da DRC, qaar ka mid ah Cuqaasha iyo Waxgaradka beesha Muuse Cabdale.

Sababta waftigan Suldaanku hogaaminayaa ay ku tageen deegaanka buurta Gacanlibaax, ayaa lagu sheegay in ay ku soo indho indhaynayeen, dhismayaal laga waday deegaanka Go’da weyn, isla markaana ay ku soo qiimeynayeen baahiyaha deegaanka ee arrimaha bulshada

. Ugu horeyn Suldaan Maxamed oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Socdaalkayagu waxa uu la xidhiidhsanaa inaanu soo indha indheyno wax qabadka hawlo ka socday Go’da weyn, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Saldhig boolis oo loo dhisay deegaankan iyo hagaajinta waddada u dhaxaysa Godaweyn iyo Tuulada Dirimara, oo aanu dooonaynay inaanu qiimayn ku soo sameeyno iyo sidii aanu mustaq-balka meelo kale wax uga qaban lahaayn, iyo sidoo kale xogogaal u noqoshada nolasha dadka deegaanka ku dhaqan guud ahaan.”Suldaanku waxa uu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii watana uu yidhi“Waxa kale oo safarka weftigan ka qayb ahayd inaanu deegaanada ku soo wacyi-galiyno u diyaargaroobida sidii ay wax u qabsan lahaayeen deegaan ahaan, sida samaynta waddada isku xidha Go’daweyn iyo Burco oo imika deegaanka u qorshaysnayd inay u hawlgalaan sidii ay u samayn lahaayeen, sidoo kalana loogu dhisi lahaa Xarun Agoomeed (Boodhan Iskuul) deegaanka mustaq-balka dhaw, taas oo aanu dadka ku wacyi-galinayno deegaan ahaan, inay isku tashadaan waxqabadkooda, iyaga oo aan ku tashanaynin gacan kale, kuna tashanaya muruqooda, maalkooda iyo maskaxdooda”

Waxa kale oo isaguna kormeerkaa hawleed ee uu weftiga Suldaanku ku tagay Gacanlibaax, ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Axmed Aadan Ismaaciil, oo sheegay in Wasaarad arrimo gudo ahaan in socdaalkan ay ka khusaysay Saldhiga Boliska ee loo dhisay deegaanka Go’daweyn, oo dadka ku dhaqan deegaanku ay dhisteen, isla markaana waxa uu u mahad-naqay dadka deegaanka, isaga oo uga mahadnaqay sida hagar la’aanta ah ee ay wax u qabsadeen. “Inaanu soo eegno markaanu ku qanacno dhismaha in wixii qoshe ah ee Wasaarad ahaan naga khuseeya wax ka qabano, waxa imika loo ogolaaday oo aanu miisaaniyada ugu daray in 25 Askari aanu geyno Saldhiga, 25 kaa Askari ay ka hawlgalaan deegaanka oo dhan, Xaruntooduna noqon doonto Go’daweyn iyo Gaadhi Xaajiyad ah oo u fududeeya habsami u socodka hawlaha deegaanka, waana dad nabadgalyada jecel oo ilaashanaya, waddada lafteeda dadka deegaanka ayaa samaysanaya oo wixii lagu samayn lahaa iska ururinaya.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Axmed Aadan Ismaaciil.

Sidoo kale waxa isna halkaa hadal kooban ka jeediyay Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada , waxana uu sheegay inay soo kormeereen addeegyada deegaanka laga hirgaliyay, kuwo hada la bilaabay iyo kuwo labilaabi doona, sida wadda isku xidhaysa Hargeysa ilaa Burco, oo imika la bilaabay. Isla markaa waxa uu xusay inay ka mid ahayd ujeeda socdaalkooda sidii ay u dardar-galin lahaayeen dadka deegaanku in aanay hawsha wadadaasi kala go’in. xildhibaanku waxa uu carabka ku dhuftay in si weyn ay ugu diyaar-garoobeen dadka Miyiga, Magaalada iyo kuwa dibaduba sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen dhismaha wadadan oo ah mid hawlbawle ah, isla markaana baahi wayn loo qabay.

Eng Rashiid Ibraahim X. Maxamed (Rashiid Buufalo), oo ka mid ahaa xubnihii weftigaas ayaa sharaxaad ka bixiyay waddada iyo qaab-dhismeekeeda, sida biyaha looga duwayo, loogana banaynayo dhirta. Isaga oo sheegay hadii labadaa arrimood la samayeeyo inuu wakhi kooban ku soo gabagaboobi doono dhismaha wadadu. Waxana uu tilmaamay Eng-ku inay jiraan moolo badan oo biyo mareeno ah, isla markaana u baahan in lagu sameeyo dhisme. “Hay’ada aan u shaqeeyo ee DRC, imika wax qorshe ah oo ugu jira hawsha dhismaha wadadan ma jirto, laakiin waxa jira Hay’ado kale oo aanu ku balanay inaan u soo eego waddada. Dabadeedna aan u gudbiyo warbixinta aan ka soo qoro wadada iyo macluumaadkeeda.”



Sources Ogaalnews.

No comments: