Monday, December 24, 2007

Qaybtii 1-aad: Muxuu Dr. Axmed Xuseen Ciise Kaga Duwanyahay Axmed Siilaanyo








Written by Mohamed Abdi Hassan (Diridhaba)
Monday, 24 December 2007
ImageAkhriste codeeya kasta ama aan idhaahdo eh muwaadin kasta oo reer Somaliland ahi wuxuu ku fekera tallow maxay siyaasiyiinta somaliland midba ka kale kaga duwanyahiin, dad badan ayaa isku khalda garaadka siyaasadda iyo jihada aqoonta, daacadnimada iyo hugunka siyaasadda.

Dr. Axmed Xuseen Ciise dabcan sidaan qoraalkaygii hore kaga warbixiyey waa
aqoonyahan heerka ugu saraysa ka gaadhay aqoonta wuxuuna xanbaarsanyahay darajada (Philosophy of Higher Doctorate) "PHD".

Isbar bar dhigga siyaasiyiinta iyo siyaasaddu waa mid si taam ah daaha uga rogta
dabcan tilmaanta qarsoon ee muwaadin kasta ka gurxamaysa kalkisa iyo laabtiisa,
waxaana qurux badan oo qiimo leh in aynu ifafaalo guud iyo gees ahaaneed ka bixino
isna bar bar dhigno waxay taariikhdu kaga warantay Dr. Axmed Xuseen Ciise oo u
taagan jagada Musharaxa Madaxtinimada ee xisbiga Kulmiye iyo Guddoomiyaha haatan
Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Falsafadda siyaasadda ayaa waxay tidhaahda waayo aragnimada siyaasadeed wakhtigeeda iyo waayaheeda ayey leedahay, sallad kastana wakhtigeeda la tukaada waayaha wakhtigan iyo siyaasadda casriga ah ayaa waxay la jaan-qaadaysa siyaasiyiin da'yar oo la jaanqadaysa dunida casriga ah.

Haddaba aan usoo gundo dego mawduuca qoraalkayga eh Maxay Ku Kala Duwanyahiin Dr. Axmed xuseen ciise iyo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.?

Maadama oo aad ka dheregsantahiin mawduucii hore iyo Dr. Axmed Xuseen Ciise aan ku horaysiiyo Shakhsiyadda Axmed Siilaanyo

Waa Kuma Axmed Siilaanyo

Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waa siyaasi muddo ka badan 40 sannadood ku soo dhex jiray siyaasadda Soomaalida iyo tan Somalilandba, wuxuu xilal kala duwan ka
qabtay dawladdii keligii taliyahii hore ee Maxamed Siyad Barre oo uu ka ahaa
Wasiiradda Maaliyadda iyo ganacsiga, Axmed Siilaanyo waxaa lagu tirin jiray shakhsi
caadi ah oo aan siyaasadda wax mansab caan ah ku lahayn sannadahii kacaanka, wallow xisaab xidhka maaliyadda ee xukuumaddii kacaanka uu gacanta ku hayey, waxaa si ba'an loogu dhaliila inuu wax ku lahaa qorshahii dhaqaalaha dhexe ee qarrankii bur-buray ee Soomaaliya loogu sad burinaayey goboladii koonfurta ee Soomaaliya.

Axmed Siilaanyo wuxuu sannadahii 80-maadkii uu degay dalka boqortooyada ingiriiska,
halkaasi oo sannadkii 1984-kii ay u yeedheen aas-aasayaashii ururkii SNM, waxaana
gacanta loo geliyey hogaankii siyaasadda ee ururka SNM, si loogu yareeyo khilaafad
ba'an oo wakhtigaasi dhex yaallay labadii garab ee siyaasadda iyo militeryga ee
ururkii SNM.

Axmed Siilaanyo wuxuu hogaanka SNM hayey Muddo ku dhaw 7 sannadood, waxaana lagu tiriya inuu ahaa hogaamiyahii ugu muddada dheera ururkii SNM, dhaliilaha ugu badan ee kaga imanaayey ururka SNM ayaa waxay ahaayeen inuu ahaa Hogaamiye go'aan qaadasho jilicsan, waxaana lagu tilmaama midda sababtay in maamulkiisii ururka SNM ee ugu muddada dheera ay ku guulaysan waayaan jihadii ururka ee ahayd dibu xoraynta Somaliland, waxaana hogaanka uga danbeeyey Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) oo ahaa hogaamiyahii ugu muddada gaabna haddana wakhti kooban ku guulaysta inuu hanto hadafkii dibu xoraynta somaliland.

Wakhtiyadii ururkii SNM ku guulaysteen inay hantiyaan dibu xoraynta Somaliland Axmed
Siilaanyo waxyaabaha sida ba'an loogu dhaliilo waxaa ka mid ah inuu u qoray waraaq
ururkii USC ee Janaral Maxamed Faarax Caydiid isla markaana uu kaga dalbanaayey
sidii aayaha ummad soomaaliyeed markale la iskugu soo celin lahaa.

Guddoomiyaha wakhtigani ee Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo oo dood kaga qayb
galaayey laanta afka soomaaliga ee B.B.C-da sannadkii 2006-da ee kal hore ayaa isla
su'aashaasi waxaa weydiiyey muwaadin Somalilander ah oo jooga dalka maraykanka Axmed Siilaanyo ma dafirin jiritaanka qoraalkaasi, weriyaha doodda uu ka qayb galaayey
hagaayey ayaa wuxuu weydiiyey Axmed siilaanyo wuxuu isagu ka qabo in laga tashado
aayaha Ummadda Soomaaliyeed markale iyo rajo uu ka qabo balse guddoomiye Axmed Siilaanyo wuu ka war wareegay inuu jawaab lagu qanco ka bixiyo.

Sannadkii 1997-kii doorashadii dib loogu doortay hogaanka Somaliland Madaxweyne
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Axmed siilaanyo wuxuu ka qabtay golahii wasiiradda ee xukuumaddii Cigaal wasiiradda maaliyadda iyo qorshaynta qarranka, wuxuuna Guddoomiye Axmed Siilaanyo ka dhexlay xukuumadaasi guriga uu haatan ka degenyahay caasimadda Hargeysa oo ka mid ahaa guryahii wakhtigaasi loogu yaboohaayey xubnahii xukuumaddii Cigaal.

Siyaasi Somalilander ah oo aan si dadban u weydiiyey inuu sharaxaad rasmi ah ka
bixiyo shakhsyadda Axmed Siilaanyo ayaa iigu macneeyey "Nin aan musuq maasuqa aqoon balse ceebtiisu tahay go'aan qaadasho la'aan iyo nin aan mawqifkisa siyaasadeed caddayn".

Waa Nin Sidee Ah Dr. Axmed Xuseen Ciise

Dr. Axmed Xuseen Ciise marnaba lama soo shaqayn Xukuumaddii kacaanka ahayd ee siyaad barre iyo xukuumadahii ka danbeeyey ee somaliland midnaba, sannadahii 1998-kii ayaa madaxweyne cigaal wuxuu Dr. Axmed Xuseen Ciise ugu yaboohay inuu noqdo wasiirkiisa arrimaha dibadda balse Dr. Axmed Xuseen ciise wuu ku gacmo saydhay isagoo saluugsana qaabka ay xukuumaddii cigaal ee wakhtigaasi u shaqanaysay.

Dr. Axmed Xuseen Ciise oo ka hadlaaya golaha Congresska
dalka maraykanka bandhig uu ka sameeyey

Dr. Axmed Xuseen Ciise wuxuu laf dhabar u ahaa olole balaadhan oo haayadaha qaramada midoobay iyo deeq bixiyayaasha caalamiga ah indhaha loogu soo jeedinaayey Somaliland, wuxuuna Dawladda maraykanka kala taliyey inaanay hawlgalkii sannadkii 1993-kii ee UNISOM aanay faraha la gelin Somaliland.

Dr. Axmed Xuseen Ciise wuxuu sannadahii 1991-kii ilaa 1998-kii iyadoon cidi dirin
iskii dedaal ugu jiray inuu qaddiyadda Somaliland ka dhaadhiciyo haayado badan oo
caalami ah sida waaxaha gar gaarka ee dalka maraykanka iyo haayadaha caalamiga ah
sida IMF iyo World Bank

Dr. Axmed Xuseen Ciise wuxuu ahaa maskaxdii ka danbaysay in khariiradda Somaliland la dhigo waaxaha maamulka ee dalka maraykanka sida waaxda arrimaha dibadda (State Department) iyo waaxda gaashandhiga (Pentagon), wakhtigii maamulkii Madaxweyne Clinton, waxaana maabkii uu Dr. Axmed Xuseen Ciise dhigay waaxaha dalka maraykanka la tusay Madaxweyne Cigaal alla ha u naxariistee sannadkii 1998-kii mar uu booqasho ku yimid xarunta dalka maraykanka ee Washington DC.

Dr. Axmed Xuseen Ciise wuxuu ka qayb gallay dhawr jeer shirar caalami ah oo ururka
midawga yurub ay kaga hadlayeen arrinta ammaanka geeska afrika, wuxuuna Dr. Axmed Xuseen Ciise ka dhex sameeyey bandhig caalami ah xarunta midawga yurub ee Brussels taasi oo indhaha usoo jiiday xubno badan oo ka tirsan golaha baarlamaanka midawga yurub oo markii danbana booqasho ku yimid Somaliland.

Dr. Axmed Xuseen Ciise waa maskaxdii ka danbaysay in la qoro buug ku qoran luuqado
kala duwan oo ka hadlaaya barashada somaliland, iyadoo buugaasi lagu qaybiyey golaha baarlamaanka midawga yurub, isla markaana uu Mac-hadkiisa IPRT u qaybiyey safiiro badan oo ka hawl galla dalal badan.

Dr. Axmed Xuseen ciise waa nin dhaqaale ahaan iyo mabda'a ahaan iyo aqoon ahaanba dhisan waana nin saaxiibo badan ku leh saaxadda cusub iyo siyaasadda casriga ah ee dunida, Dr. Axmed xuseen Ciise isagoon aan wax jago ah u haynin Somaliland ayuu la kulmay saraakiil ka darajo saraysa kuwa uu Axmed Siilaanyo iyo Madaxweyne Rayaale labaduba la kulmeen.

Labada Axmed waxaa guntii iyo gebo-gebadii eh waxaa la odhan karaa waa laba nin oo
taariikhda iyo tilmaantu kala fogaysay, Guddoomiye Axmed siilaanyo waxaa la odhan
karaa waa nin halgankii baray saaxiibo badan oo uu ku leeyahay gudaha, axmed Xuseen Ciisa-na waa nin halgankiisa dibaddu baray saaxiibo badan oo caalami ah, balse siyaasadda Somaliland maanta higsanayso waa mid u heelan in ay hesho hogaamiye yaqaan afka beesha caalamka lagula hadlo.

Qormadani waa tii koobaad ee aan isku bar bar dhigaayey labada Musharax ee la
bidaayo inay iskugu soo hadhaan hirdanka hogaanka Xisbiga Kulmiye, qoramada xigta
waxaan ku lafa guri doona taageerada labada nin ka heli karaan bulshada dhexdeeda
macnahu waa midkee ku taageero badnaan kara gobolada iyo beelaha Somaliland la soco.

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Bristol, UK.
diridhaba@gmail.com

No comments: