Saturday, December 15, 2007

Mudaharaad laga horsameeyay Cisbitaalka London

London (Ogaal) - Albaabka hore ee isbitaalka Cromwell ee magaalada London oo lagu daweynayo Madaxweynaha Dawlada Mbeghati Cabdilaahi Yuusuf Axmed ayaa boqolaal dad ahi la hortageen mudaharaad ay kaga soo horjeedaan siyaasadiisa.

Dadweynahan ayaa sida ay ku dhawaaqayeen aad uga soo horjeeda daweynta Cabdilaahi Yuusuf ku qaadanayo Cromwell Hospital oo ku yaala Kensington, magaalada London- dhinaceeda koonfur-galbeed, kaasoo ah cusbitaal si gaar ah loo leeyahay.

Dadweynahan oo badidooda ay ka muuqatay sida lagu baahiyay shabakadaha wararka ee Soomaalida inta badan waxa ka muuqatay cadho iyo murugo ay ka qabaan waxa ka dhacay Muqdisho, waxana ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku muujinayaan sid ay uga soo horjeedaan in London lagu daweeyo C/laahi Yusuf, iyadoo bay yidhaahdeen ay ku dhimanayaan kumanaan qof oo aan waxba aan galabsan magaalada Muqdisho, kuwo kalena ay barakac ku jiraan. Dadkan ayaa qaar kood lulayeen calanka Somalia iyo sawiro argagax leh oo muujinanaya muuqaalo ka mid ah dad si fool xun wax uga soo gaadheen dagaalada Muqdisho, sawiro C/laahi Yusuf ah oo isku-talaab casaan ah la mariyey iyo erayo ay ku muujinayeen dareenkooda. ”Geeya The Hague (Maxkamda caalamiga ah), hana ku haynina Cromwell” sidaa waxa ku dhawaaqayey dadka halkaas isugu soo baxay oo ku erayadaas iyo kuwo kale oo afka Ingiriisiga ah codad dhaadheer isku dayey in ay ku gaadhsiiyaan qolka uu kaga jiro C/laahi Yususf cusbitaalkaas.

Maxamuud Axmed Nuur- Tarsan oo ka mid ahaa hogaanka qabanqaabada isku-soo-baxaas lagaga soo horjeeday madaxweynaha DKG ee bukaan jiifa cusbitaalka Cromwel ayaa codkiisa si weyn ugu dhawaaqayey erayo ay dadweynahaasi ka daba jiibinayeen.

Mudarahaadkan ayaa ahaa kii labaad ee laga hor dhigo cusubitaalka uu ku jiro C/laahi Yusuf. islamarkaana Police-ka London waxa uu hubiyey in aan loo soo dhawaan cusbitaalka, lana isticmaalin qalab dhawaaq dheer bixiya, sida cod-laliyeyaasha oo kale, sidaa waxa warbaahinta u sheegay Maxamuud A. Axmed Tarsan oo wareysi lagula yeeshay goobta mudaharaadka, isagoo la weydiiyey bal in uu madaxweyne C/laahi Yusuf maqalayo ama og yahay mudaharaadkooda iyo qayladooda, waxaanu ku jawaabayoo uu yidhi “...C/laahi Yusuf ugumaanaan talagalin in uu na maqlo qayladayada, waxaanu ugu talo galanay shacabka Ingiriiska in ay ogaadaan in ninka la soo darsay uu yahay nin gacan ku dhiigle ah, oo dilaa ah, oo umada baabiiyey uu yahay..”

Waxa la sheegay in dadka la deriska ah cusbitaalkaasi ay maamulka cusbitaalka ka dalbadeen in ninka lagu mudaharaadayo laga saaro cusbitaalka, taasoo ay sabab uga dhigeen dhibaato ay kala kulmeen buuqa mudaharaadayaasha.

Marka la isku soo duubo banaanbaxan lagaga soo horjeeday C/laahu Yusuf waxa uu ahaa mid dadka ka soo qaybgalay marka loo eego Soomaalida London degan aanay sidaas u badanayn, mudada uu socdayna ay ahayd ilaa laba saacadood, waxase uu ahaa mid si nabada ah u dhacay.

Wasiirada Kaluumaysiga iyo Macdanta oo kormeer ku maraya degmada Saylac

Saylac (Ogaal) -Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga Somaliland Cali Qoorseef iyo Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Qaasim Sh. Yuusuf ayaa kormeer hawleed ku tagay Degmada Saylac.

Waftigani oo ujeedada socdaalkooda lagu sheegay qiimaynta adeegyada arrimaha bulshadda iyo xaalada Badda Saylac ayaa waxa ay socdaalkood ka bilaabeen magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil ee Somaliland, iyagoo sii maray Degmada Lughaya waxaana waftigaasi Xukuumada ka socda ku soo dhaweeyey Degmada Saylac Gudoomiyeyaha Golaha degaanka degmadaasi Maxamed Cumar Cawad, Gudoomiye ku xigeenka Degaanka Degmada Saylac Cismaan Muumin Caare iyo xubno ka tirsan Golaha degaanka. Sida lagu baahiyay BNN.

Waftigan Wasiirada ah ayaa la sheegay inay kulamo iyo shirar la yeelan doonaan maamulka Degmada, shaqaalaha Laamaha dowlada ee degaankaasi ka howl gala iyo madaxdhaqmeedka in kasta oo aan la ogayn waxyaabaha ay kala hadli doonaan.

Waxaana safarka Wasiiradu uu ku beegmey Wakhti Xaalad caafimaad daro ay ka jirto Goobahaasi isla markaana ay shubano xoog lihi ka dilaaceen tuulooyinka Lowyacado iyo Ceelgaal oo maalmihii aynu soo dhaafnay laga soo wariyay in uu ka dilaacay Shuban biyood. Iyadoo arrintaasi si aad ah dadweynaha deegaankaasi uga cawdeen, Islamarkaana ay xukuumada iyo Golayaasha dawladaba loogu baaqay in deg-deg wax looga qabto.

No comments: