Sunday, December 9, 2007

Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Furay Dugsigii Ugu Horeeyay Ee Xirfadda Beeraha











Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Furay Dugsigii Ugu
Horeeyay Ee Xirfada Beeraha Lagu Barto

Dec 09, 2007 at 09:08 PM

Wasiir BaBeeraha

Hargeysa (Qaran)- Wasiirka wasaarada Beeraha Somaliland, Md Aadan Axmed Cilmi [Dhoolayare] ayaa maanta tuulada Agabar oo 50 Km Dhinaca waqooyi ka xigta magaalada hargeysa, ka furay dugsigii u horeeyay ee lagu barto xirfada wax soo saarka beeraha


Dugsigan oo ay maalgelisay Haa'yada cuntada iyo beeraha ee FAO, waxa lagu bilaabay 30 xubnood oo ka mid ah beeralayda tuuladaas.

Wasiirka Beeraha Somaliland, Md Aadan Axmed Cilmi, oo ka hadlay xafladii loo sameeyay xadhig ka jarida dugsiga xirfada iyo culuumta beeraha, ayaa sheegay in mashruuca waxbarashada beerahu, uu wax weyn ka tarayo kor u qaadista aqoonta aasaasigas ee beeralayda dalka.

"Siyaasada xukuumada Somaliland ayaa ku dhisan in la soo dhaweeyo cid kasta oo wax u qabanaysa dadweynaha reer Somaliland, markaa waxaan Haa'yada FAO uga mahdnaqaynaa qorshahan ay kor ugu qaadayso xirfada beeraha, waana aanu ku garab taagan nahay" Ayuu Yidhi Wasiirka beeraha JSL.

Md Aadan Axmed Cilmi, waxa uu ka waramay faa'iidada qaranka ugu jirta wax soo saarka tacabka beeraha wadanka, oo uu xusay in loo baahan yahay in ay Somaliland noqoto qaran cunto ahaan isku filan.

Wasiirka Beerahu, waxa uu beeralayda deegaanka Agabar ku adkeeyay inay ka faa'iidaystaan aqoonta loo furay, oo ah mid la xidhiidha xirfadooda iyo Hawl-maalmeedkooda shaqo.

Sidoo kale waxa xaflada ka hadlay Gudoomiyaha rugta Ganacsiga Somaliland, Md Cabdiraxmaan Faarax Sugaal, oo ka hadlay duruufaha haysta tuulada agabar, waxaanu yidhi "Waxa tuulada Agabar haysta duruuufo wado la'aan ah, Hargeysa waxay u jirtaa 50 Km, hase yeeshee khudrada ka baxda tuuladu way khaa'istaa inta aan magaalooyinka loo iib keenin, waxase aan rajaynayaa inay wado la'aanta ka baxdo".

Gudoomiyuhu waxa uu amaan u soo jeediyay Wasiirka beeraha oo uu ku sifeeyay masuul wax weyn ka qabtay wasaaradiisa mudadii uu joogay.

Waxa kale, oo xaflada ka hadlay Maxamed Warsame Faarax, oo ka mid ah masuuliyiinta Haayada FAO, oo sheegay inuu ku faraxsan yahay hirgelinta dugsigan, waxana uu faahfaahin ka bixiyay xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya wasaarada Beeraha iyo Haa'yada.





Cumar Maxamed Faarax

Qarannews/Hargeysa

No comments: