Wednesday, December 12, 2007

Waxbarashada Dalka India iyo Jaamacadaha Ardayda Somaliland ka Gasho ee Hyderabad










Waxbarshada dalka India iyo sadexda jaamacadood ee ay ardayda Somaliland gasho Ee ku yaala Hyderaba
Written by Faisal Abdirahaman
Dec 11, 2007 at 10:24 PM

http://www.t2india.com


Hadaba Ardayga jecel in uu India waxbarasho usoo raadsado waxaan halkan ugu soo gudbinayaa talooyin ku saabsan qaabka uu ku imankaro Ardaygaasi,


Sadexda Jamcadood oo kale ah:

1)OSMANIA UNIVERSITY

2)MANIPAL UNIVERSITY

3)JNTU(JAWAHARLAL NEHRU TECHNOLOGICAL UNIVERSITY)


1) 1)OSMANIA UNIVERSITY

Jaamacadda wayn ee Osmania university waxa la aasaasay sannadkii 1918
waxaana dhigta ajaanib aad u tiro badan oo ka kala yimi dunida dacaladeeda
waxay jaamacadanu sumcad wayn ku leedahay gobolka ay ku taalo iyo
dhaman calamka oo dhan.

Osmania University waxay ajaanibka u furtay xafiis u gaara oo la yidhaahdo
(Foreign Relations Office, Osmania University) oo ay kala xidhiidhaan ajaanibku
sida soo qaadashada admissionka iyo waxyaalaha soo food saara ardayda ajaanibka ah
waxayna leedahay compus iyo dhismayaal waawayn oo ku yaala magaalada meel aan
sidaa uga sii durugsanayn.



Jamacadanu waxay bixisaa daraasado kala duwan
Bachelor Courses: -

1. BA (Bachelor of Arts).

2. B.Sc Comp (Bachelor of science).

3. B.Com (Bachelor of Commerce) Comp/Hons/Voc/Prof.

4. BCA (Bachelor of Computer Application).

5. B.Pharmacy

6. B.E (Bachelor of Engineering).

Master Courses: -

1. M.A.

2. M.SC.

3. M.Com

4. MCA

5. MBA

6. M.E



OSMANIA UNIVERSITY

2) SIKKIM MANIPAL UNIVERSITY

Sikkim Manipal university waxa la aas aasay sanadkii 1995

Waana jaamcad private ah oo gobolada India oo dhan laga aas aasay

Waxayna bixisaa feildyadan

Bachelor courses: -

1. Bsc(IT) (Bachelor of Science in Information Technology).

2. BBA (Bachelor of Business Administration).

3. BCA (Bachelor of Computer Application).

4. BCOMIS (Bachelor of Commerce Information System).

5. BAJM (Bachelor of Arts In Journalist & Mass Communication).

6. BSCMLT (Bachelor of Science in Medical Laboratory).

Master Courses:

1. MSCIT.

2. MBA.

3. MBAIT.

4. MCA.

5. MSCTT.



MANIPAL UNIVERSITY

3)JAWAHARLAL NEHRE TECHNOLOGICAL UNIVERISTY

Jamacadan JNTU waxa la aas aasay (Jawaharlal Nehru Technological University" was established on 2nd October, 1972,)

waxayna badanaa jamacadani bixisaa engineeringka iyo maadooyin

kale oo master ah, compuskeeda iduna waxa uu ku yaala meel

magaalada ka yara durugsan

fields ay bixiso waxa ka midaa

Bachelor courses: -

1. B.Tech (Information Technology).

2. B.Tech (Computer Science).

3. B.Tech (Electronics and Communication).

4. B.Tech (Electronics and Electrical Engineering).


JNT UNIVERSITY at Kukatpally

Qaabka nolosha

In kastoo uu dalka India dhaqaalihiisu noqday mid sare u kacay

Oo ah dal xawli u koraaya laakin maceeshada iyo noloshu waa mid

Kolba sii kordhaya oo aanu ardaydu ,sidii beri ay ahaan jiray ku tala gali Karin

Sababtoo ah dhaqaalaha india oo aad u horu maray , waxaan badana ardaya saamaysay xaga hoos u dhaca dollarka

waayo ardaydu waxay yihiin kuwo ay musruufaan waalidyadooda

Taasi maha mid India u gaara lakiin waa mid meelo badan saamaysay

Hadaba Ardayga jecel in uu India waxbarasho usoo raadsado waxaan halkan ugu soo gudbinayaa talooyin ku saabsan qaabka uu ku imankaro Ardaygaasi,

Ardayga waa in uu afartan shuruudood soo dhamaystiraa si ay u sahlanaato Imaatinkiisa India.

1. Basaboor
2. Admission ( ama ogolaansho jamacadeed).
3. Visa (ardaynimo).
4. shahaado dugsi sare.

1. Basaboor

Sida aan la wada socono basaboorka somaliga ah mudooyinkii ugu danbeeyey way adkaatay in lagu qaato visa ardaynimo ama visa kaleba, taas bedelkeedii waxay ardayda somaliland sameeyaan in ay tagaan Ethiopia (itoobiya ) oo ka soo qaataan basaboor itoobiyaan si ay ugu fududaato in ay ku qaadan karaan Visa ardaynimo.

Hadaan basaboorka somaliga ah dib ugu noqdo waxa jirta in Nairobi dad kaga soo qaatay taas oo ay dhib u mareen . waxaa basaboorka somaliga ah visa ardaynimo ku heli kara ardayda jo0ga wadama carabta taas oo ay u sahlayso in ay wadama ay degan yihiin ay kaga haystaan ciqaamado (deganaansho) iyo waliba iyaga oo waxbarshada ka dhamaystay wadamaadaas .

2. Admission (ama ogolaansho jamacadeed)

Admission ka waxaad ka helaysaa Jamacada aad rabto inaad wax ka barato. Admission macnehiisu waa inaad ogolaansho ka heshid jamacad in ay kuu ogolaatay madada aad rabo inaad ka bilawdo jamacaadaas. Markaas admissionka waxaa kuu soo saari kara qof jooga India ama meesha ay jamacadu ku taal.

Admissionka ujeedadiisu waxaa weeye in ardaygu uu ku helo visa ardaynimo.

3. Visa ardaynimo

Ardayga waxaa waajib ah inuu sito visa ardaynimo hadii uu rabo inuu galo waxbarasho jamacadeed. Hadaba madaama aysan ka jirin safaarado ay India ku leedahay somaliland waxaa ardaydu tagaan wadama deriska ah sida itoobiya oo markay basaboorka itoobiyaan ah qaataan waxay u tagaan safarada India ay ku leedahay Addis ababa si ay visada ardaynimada uga helaan iyaga oo wata admissionkii ay ka heleen jamacada ay rabaan in ay wax ka bartaan , markaas ayaa safarada India ay ku leedahay ay siisaa Visada ardaynimada.

4. Shahaadada dugsiga sare

Ardayga dalkii ku soo dhamaystay waxbarashada dugsiga sare waxaa wanaagsan inuu waydiiyo qofka u soo saaraya admissionka shahaadada looga baahan yahay waayo badana waxa muhiim ah in uu ardaygu jaamacad keeno

Shahaado dugsi sare oo isagu leeyahay si ay jaamacdu uga xarayso markuu dhameyana dib loo iiso jahaada iyo degreegiisaba

Waxa soo diyaariyay:

Fasial Abdirahman muhumed

Department of science and Information technology

OSMANIA UNIVERSITY

Hyderabad (India)


Faisal Abdirahaman

No comments: