Sunday, December 9, 2007

Dood cilmiyeed Arrimaha Dhallinyarada lagaga dooday Magaalada Hargaysa











Dood Cilmiyeed Lagu Qabtay Caasimada Jamhuuriyada Somaliland Ee Hargeysa

Written by Faysal Cabdilaahi
Saturday, 08 December 2007

ImageHargeysa(Hormoodnews)-Dood cilmiyeed balaadhan oo oo habeenkii sabtidu soo galaysay lagu qabtay Jaamacada International horn university taas oo ay ka soo qayb galeen martisharaf farabadan oo u badan dhalinyaro , kuwaas oo lagaga doodayey dhibta dhalinyarada haysata iyo sida looga bixi karo, waxaa doodaa ka soo qayb galay, abwaano, culimo iyo aqoon yahano, kuwaas oo ku falan qayey sida looga bixi karo dhibtaa.

Dood cilmiyeedkan oo lagu qabtay Hoolka jaamacada International horn University, madaxdii kasoo qayb gashay kulankaa oo kala ahaa Agaasimihii waxbarashada cabdi
cali oodawaa, Sh. Ismaaciil Cabdi Hure (Ismaciil Dheeg), Abwaan Yusuf Cabdulle (
Shaacir), Dadalada Sonyo oo uu ka socday gudoomiye Maxamed Yusuf Aw Cali ( Culumo). Dood oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Somaliland Research Center organization, oo ah urur wadaniya oo u ololeeya arimaha dhalinyarada Somaliland, ugu horayn waxaa halkaa ka hadlay gudoomiyaha ururka Mr: Barkhad-ladif Muxumed Cumar, waxaana hadaladiisii ka mid ahayd “ ururkan Somaliland Research center organization,
waxyaalaha loo aasasay waxaa ka mid ah in uu dhalinyarada hore mariyo in uu da’yarta
manta dhibaatada haysata wax kala qabto oo uu wadada ay marayaan u hagaajiyo si ay
noqdaan dad horumarsan, waxaa kale oo uu ururkan ka mid ah waxyaabaha loo aasaasay in uu ururiyo taariikhda wadanka si aynu u noqono umad taariikh leh, maxaa yeelay wadan bilaa taariikh ahi waa geed bilaa hadh ah, waxaa kale oo noo qabsoomay intii aanu hawshan bilaabnay waxaa noo qabsoomay waxaa ka mid ah in aanu sameenay film Documentary ah oo aanu ka samaynay culumo dhawaan wadankeena timid oo jaamacada geesku soo diyaarisay( intenational horn university), waxaa kale oo aanu hada wadnaa buuk ka hadlay waxbarashada Somaliland iyo heerka ay maanta marayso, taas oo aanu hada wadno ismarkaana ku samanay cilmi baadhis”.


Masuuliyiintii kulan ka qayb gashay waxay xalkii dhalinyarada haysatay ku soo
ururiyeen, in ilmuhu inta uu yar yahay la baro tarbiyada diinta, cilmibaadhis iyo
doodo laga sameeyo shaqo la’aanta, in la fududeeyo guurka oo ah dhibaatada ina
haysata. Dood waxay ku dhamaatay jawi wanaagsan waxaana halkaa layska waydiyey su’aalo haysatay da’yarta maanta iyo waxyaalaha ay tabanayaan, waxaana halkaa laysla qaatay in doodahanoo kale la qabto.



Faysal Cabdilaahi.

No comments: