Friday, December 28, 2007

Somaliland: Dal U Baahan Maamul Wanaagsan





Mid ka mid ah tifatirayaasha Djbioutination ayaa warbixintan ka diyaariyay safar muddo qaatay oo uu ku tegay Somaliland sannadka 2007.

Muddo lix toddobaad ah ku dhaw ayaan joogay Somaliland. Waxan safar ku soo maray inta badan magaalooyinka waaweyn sida Hargeysa, Burco, Boorame, Berbera, Laas Caanood iyo Ceerigaabo. Iyadoo habka loogu nool yahay kala horreeyo ayaa waxan xoogga saaray inaan wax ka ogaado sida maamulku u shaqeeyo gaar ahaan caasimadda. Waxad arkaysaa dal burburay oo xididdadii maamul u siibteen. Dedaal badan oo ay muujisay dawladdu ayaa waxa hortaagan saddex arrimood:

- Aqoon xumo oo aanay shaqaalaha dawladdu badankoodu lahayn xirfaddii lagu dejin lahaa qaab maamul oo habaysan.

- Dhaqaale xumo aan si hufan loo qoondayn miisaaniyadda ku bixi lahayd saldhigga maamulka ama waxa afka qalaad lagu yidhaahdo bureaucracy.
- Iyo madaxda oo dhayalsata muhiimadda ay maamul hagaagsani u leeyahay horukaca dalka
Haddaad is tidhaahdo qaado liisanka baabuurta lagu wado ma jiro hab miisaaman oo dadku ka siman yihiin. Waxana ay inta badan ku xidhan tahay kolba qofka aad la kulanto iyadoo aan la eegin in aad baabuur wadi karto iyo in kale. Waxana jira in dad liisanka guryaha loogu keeno iyagoon marin imtixaan. Sidoo kale cashuurta waddo marista baabuurta ayaa ah mid aanay haba yaraatee aan dakhli badani dawladda soo gelin. Waxa jidadka maraya baabuur uu waraaqihii ay ka dhaceen oo marka bilyasku joojiyo waxa uu ka qaadayaa shaxadkii ama qadadii oo wuu sii daynayaa. Tani maaha mid ku kooban baabuurta oo keliya, hase yeeshee guud ahaan dalka waxa aad u liita habka cashuur qaadista iyo soo xeraynta hantida guud oo keenta in malaayiin shilin oo waxtar u yeelan lahaa horumarka dalku ay ku lumaan.

Cashuur qaadista ayaa ah ta keliya ee waraaqo (juwan) la isu jaro oo tixraac lambar leh, hase yeeshee kala badh ayaa dhexda ku luma waayo khasnadda dhexe iyo hanti dhawrka dalku ma laha awood ballaadhan oo ay ku gutaan waajibaadooda.

Xafiis kasta oo dawladeed oo leh hab waraaq kayd ah (Archives) ma jiro inta aan arkay Waxana inta badan la dhigaa xafiiska ninka kolba meesha haysta. Waxa mararka qaarkood dhacda in la waayo tixraac warqad hore loo qoray. Waxana faylalka mararka qaarkood guriga u qaata shakhsiga meesha madaxda ka ah. Taasoo keenta in marka uu soo shaqo tegi waayo laga doono guriga. Waxanay ku tusysaa in aanay jirin awood kala reebta shaqada iyo macluumaadka dawladda. Mar aan weydiiyaya nin dhallin yaro ah oo xafiis ka shaqeeya sababta ay madaxdu u qaadato faylasha qaarkood wuxuu iigu jawaabay, “Waxay qaataan marka ay ogyihiin inuu faylku mihiim yahay oo dhaqaale qof haystaa dani kaga xidhan tahay.”

Waa xaqiiq in dalka dhaqaale xumo hayso oo hanti badan aanu lahayn, waxase jirta in la kordhin karo dakhliga dawladda haddii la hagaajiyo nidaamka maamulka hay’adaha dawladda. Waa hubaal inay dadkii mameen oo uu qof waliba doonayao inuu mushaharka kabo oo jaadkii iyo qadadii ka sameeyo xafiiska uu joogo. Waxase jira inyar oo la aamini karo oo aqoontooda kor loo qaadi karo aragti dheer oo maanta waxa taagan ka fogna leh. Iyagoo kaashanaya wanaagga shacabka reer Somaliland oo u soo jeeda inay dhisaan dal iyo dawlad qiimo leh oo ay u aayaan.

Makxamadaha dalka oo ah laf dhabarta caddaaladda ayaad ku arkaysaa waraaqo badan oo la is dhaafsanayo. Waxa ka maqan saldhig kayd oo dhexe oo si fiican loo nidaamiyay lana ilaaliyay. Waxana dhammaan dawladdu leedahay tixraac wasaarad waliba isticmaasho si loo kaydiyo wixii macluumaad ah ama war isdhaafsi ah ee dhex mara hayadaha dawladda, kuwa shicibka iyo muwaadiniinta. Tixraacaasi ma aha mid qumman oo la fahmi karo. Waxana aad mooddaa mid hore looga dhaxlay tasliskii burburay oo aan ahayn mid si fiican loo maarayn karo.

Markaad la sheekaysato shaqaalaha dawladda qaarkood uma bilaabna muhiimadda warqadaha la isdhaafsado. Waxana arrintan keenay aqoon darro iyo tababar la’aan. Iyo iyadoo qofka shaqada lagu qoro cidduu yahay ama yaqaan ee xirfaddiisa aanay cidina eegin.

Sidoo kale inkastoo aanu waddanku lahayn boosta waraaqaha dibadda loogu diro, haddana waxay kari kartaa inay dawladdu dalka gudihiisa u samayso shirkad warqadaha la isku dhaafsado oo la aamini karo tayona leh.
Waxa kaloo aan haba yaraatee si hufan u muuqan isgaadhsiinta hayadaha dawladda oo haddii ay wasaaradi dirayso warqad ay tahay in qof loo dhiibo. Waxana dhacda in haddii ay dani kaa gasho laba xafiis lagu odhanayo adigu warqaddan qaad oo xafiiska kale u gee.

Somaliland waxay ka socon wayday maamul xumo. Maaha in siyaasadda keliya lagu boodo marka laga hadlayao maamul xumo ee waa agaasimayaasha guud, shaqaalaha mareeya mashaariicda dalka iyo kuwa xafiisyada jooga oo u baahan in hoos loo eego iyadoo maal gelin qalab iyo tababar la isku darayo.

Dalkani waa mid dhibaato ka muuqato waxana uu sameeyey dedaal aan yarayn marka la barbar dhigo dalalka kale. Xaqna maaha in lagu miisaamo dal sida Djibouti oo kale ah oo hab maamulka iyo kaydku yahay mid ka mid ah kuwa Afrika ugu haboon oo sidii loo dejiyay tobonnaan sannadood ka hor weli u habaysan. Waxase uu noqon karaa mid ay reer Somaliland ku daydaan (khaladna ha u fahmina in Djibouti ammaan aanay lahayn loo jeedinayo) oo ay dawladuhu ka wada shaqeeyaan sidii la isaga kaashan lahaa dhismaha habka Buruacracy ama qaabka dhismaha shaqada hayadaha dawladda iyo isdhaafsiga culuunta.

Shaki kuma jiro in ay dad aqoon leh oo hawlahan wax ka beddeli kara ay dalka joogaan amaba ay iman karaan. Waxase meesha ka maqan fikirka toosan ee arrintan lagu socodsiin lahaa. Waxaanad mooddaa inay dhammaan madaxda dalku mucaarid iyo muxaafidba ay ka hadlaan siyaasad iyo sidii kursi loo dooni lahaa. Oo danta kale ee dalku ay noqotay mid aan miisaanba ku fadhiyin.

Fiicnaan lahaydaa in madaxda Somaliland ay arrimahan xoogga saarto si dalku u higsado kuwa la jaarka ah.

Toddobaadka dambe waxanu soo daabici qormo kale oo ku saabsan sida ay wasaaradaha dawladda iyo hay’adaha dibadaha ka yimaadda u wada shaqeeyaan. Iyo weliba habka dhul bixinta caasimadda oo ah mid aad u liita.
Djiboutination

No comments: