Wednesday, December 5, 2007

Gaadiidka iyo Jidadka

December 5, 2007

Gaadiidka iyo Jidadka

By Dr. Suleiman Walhad






Weli waa geediga wadaay-Gedbaxa waa u diyaargaroobaay-Gadaal u dhaca waa ka gilgishaay - Gaadada waa gayaankeen la qqadaay-Giddigeen waa gacmaha isqabsadaay-Guntiga waa dhiisha iskaga dhigaay.

Gabanadii hore sidoodii waa u guntadaay.
Gelin hore, gelin dhexe, galab carrow;
Gelin dambe waa gama’a diidaay.
Guubaabadu waa gargaaree;
Guusha waa ku geeraaraay.
Googaada anana waa halkii ka sii wadaay.
Guutada guud waa sidii u waaniyaay.
Gorfunhuna waa wacdi iyo waanadii
Gaadiidka iyo jidadka ayaynu waagan ku kala guri.

Sidii kuwii hore ayaynu godadlayniyoo;

Godka Kowaadina waxa uu leeyahay:

1. Gaadiidku waa noocyo- badan.
2. Waa udubka iyo dhigaha dhaqaalaha.
3. Waa xubnaha degmooyinka isku xidha.
4. Waa xubnaha gobollada isku xidha.
5. Waa xubnaha dalka oo dhan isku xidha.
6. Waa xubnaha dalka iyoi debedda isku xidha.
7. Waa jidad iyo shawaariic.
8. Waa fududeeyaha ganacsiga iyo socdaalada.
9. Hadana waa qurux iyo tilmaan.
10. Runtii waxa laga gartaa horumar inuu jiro iyo in kale.

Godka Labaadina waxa uu leeyahay:

1. Gobollo badan, sida Awdal oo kale
ayaa gaadiidka ka curyaansan.
2. Jidadku waa carro, dhoobo iyo dhagax.
3. Waa qorfo iyo qarar nafta u halisa.
4. Waa dooxyo iyo buuro iyo bannaano siigo badan.
5. Runtii waa jid-xumo sal ay u tahay farsamo xumo.

Godka Saddexaadina waxa uu leeyahay:

1. Gaadiidku waa cir mareen ama bad mareen ama dhul mareen.
2. Waxa ku jira dekedo iyo garoomo diyaaradeed.
3. Intuba door weyn ayay ku leeyihiin horumarka.
4. Dalxiiska iyo socdaalka ayay lagama maarmaan ay u yihiin.
5. Caafimaadka ayay lagama maarmaan ay u yihiin.
6. Ganacsiga ayay lagama maarmaan ay u yihiin.
7. Koboca dhaqaalaha ayay lagama maarmaan ay u yihiin.

Godka Afraadina waxa uu leeyahay:

1. Dekedo, sida Awdal, gobollo badan ayaa iyagu kaba arradan.
2. Garoonada diyaaradunhuna, sida ka Borame, waa dani ku badday.
3. Sida jidadka iyo shawaaricda aya iyana
halkaa daaqad weyni ka furan tahay.

Godka Shanaadina waxa uu leeyahay:

1. Gaadiidka waxa innooga dhimani ma hawl yara.
2. Maxaynu ka yeellaa, waa su’aale?
3. Ma gacmaha ayaynu, hadaba, aan laabanna,
sidii shalal innagu dhacay?
4. Ma sidii hore, ayaynu shisheeye kalkaalsanna?
5. Innaguse maxaynu qaban karraa?

Godka Lixaadina waxa uu leeyahay:

1. In kasta oo ay hawluhu badan yihiin, hadana,
siyaasad guud iyo aragti ayaynu u baahannahay.
2. Qorshe iyo talagal ayaynu u baahannnahy.
3. In lagudhaqaaqo wixii aynu kari karo ayaynu u baahannahay.
4. In la isticmaali hanti, saabaan iyo qalab ayaynu u baahannahay.
5. Inaynu gargaarsanno dalalka innagu wareegsan
ayaynu u baahannahay.
6. Waxa aynu u baahannahay Dawlada jabuuti ama
ta Itoobiya amam Yementan innaga foheyn.
7. Wall taloyin ama arrimo laga fekeri karo

Godka Todobaadina waxa uu leeyahay:

1. Bal aynu soo qaadanno dariiqyada iyo shawaaricda Borame,
tusaale ahaan.
2. Waxa ay nala tahay in sida ay yihiin wax laga beddeli karo.
3. Waliba waa la beddeli karaa kuwa faras magaalaha.
4. Waa haddii ayni runtii aan doonayno in wax la qabsado.
5. Borame waxa ay leedahay sakado toostoosan, nasiib wanaageeda.

Godka Sideedaadina waxa uu leeyahay:

1. Sida ay nala tahay farsamo keliya ayay u baahan tahay.
2. Waxa la isticmaali karaa awood dalka wixii yaalla.
3. Ciid iyo bataax ayaynu leenahay.
4. Dhagax iyo jagina waynu leenahay.
5. Iska rogooyin waa ay ka buuxaan.
6. Dad iyo shaqaalena waynu leenahay.
7. Bir iyo dubbana waynu leenahay.
8. Haddii intaa la isla hayo, shaqo ayuunbaa ka dhiman.

Godka Sagaalaadina waxa uu leeyahay:

1. Dadka guryaha leh iyo dawlada hoose waa in ay wada shaqeeyaan.
2. Iraadada qofka iyo bulshadu waa inay midoobaan.
3. Dadka guryaha lihi waa inay rasiif sibidhaysan
soo dhisaan ilaa mitir guriga ku wareegsan.
4. Kharashkooga iyo jeebkooga waa in ay ku dhisaan.
5. Horumarinta magaaladooda weeyee, waa in ay sidaa ay u gartaan.
6. Dawlada hoosena dhiskaa waa in ay sharci uga dhigaan.
7. Dadka kalena waa in ay sidaa u la gartaan.
8. Maamulka waa in ay sidaa ay ku gargaaraan.

Godka Tobnaadina waxa uu leeyahay:

1. Dawlada hoose waa in rasiifyada la soo dhisay
ay ciid ama bataax ay ku shubaan.
2. Ciidaa ama bataaxaa waa in ay simaan.
3. Kuuli waa in ay u qortaan. Hadda eega, shaqo ayaa laga heliye.
4. Dhagax la qori karo waa in ay deeto keenaan.
5. Dhagaxa kuuligu waa in ay qoraan.
6. Sidii guri la dhisaayo, dhagaxa qoran waa
in ciida dhusheeda ay isgarab safaan.
7. Dhagaxa la safyo, waa in uu rasiifka qabsadaa ama ay gaadhaan.
8. Shaarica oo dhan waa in sidaa loogu
hagaajiyo dhagax safan oo siman.
9. Laami inuusan ka dhicin, idinba waydin arkiye,
bal u fiirsada oo u hawl gala.
10. Kolba shaaric ayaa sidaa loo dhisi karaa.
11. Magaalo dadkeegu u soo jeedo ayaa sidaa lagu garan karaa.
12. Farsama xumo ayaa taallee, bal dadyohow u fiirsada

Godka Kow iyo tobnaadina waxa uu leeyahay:

1. Dawlada hoose kharash iyo dhakhli ayay u baahan.
2. Kuuliga mishahar in la siiyo ayay u baahan.
3. Shidaal iyo saabaan kale ayay u baahan.
4. Dhawr siyaabood ayay dhakhli ay ku heli kartaa.
5. Kow, marka hore cashuurta jidadka ayay dadka ka qaadi kartaa.
6. Laba, kuuliga ayay odhan kartaa la yimaada saabaankiina.
7. Saddex dayn ayay tujaarta ama dawlada dhexe kolba kii
u fudud ka qaadan kartaa, ay cashuuraha si quman oo
dalaadalaa ah ugu bixiso.

Godka Laba iyo tobnaadina waxa uu leeyahay:

1. Ogaadoo shaqo abuuris ayaa ka dhalan.
2. Ogaadoo lacag wareegaysa ayaa ka dhalan.
3. Ogaadoo dib u soo noolaansho dhaqaale ayaa ka dhalan.
4. Ogaadoo dhiirani in hawlo kale lagu dhaqaaqo ayaa ka dhalan.
5. Ogaadoo waxaydun garan in aad wax badan qabsan kartaan.
6. Farsamada dayn-qaadashada Dawlada hoose,
qayb kale ayaynu kaga hadli doonaa.

Godka Saddex iyo tobnaadina waxa uu leeyahay:

1. Shawaariicdu nadaafad joogta ah ayay u baahan yihiin.
2. Marka dadku waa inay gidaafadooda si hufan uga takhalusaan.
3. Dawlada hoose ayaa iyana door weyn ku leh nadaafada.
4. Foostooyin iyo saxarado gidaafada lagu guro waa in keenaan,
soo iibsadaa ama loo samaayeeyaaba.
5. Kuwa kaaryoonayaasha sameeya ayaa u samayn kara.
6. Iyana sidaa ayay shaqo u heli iyo dhaqaale.
7. Foostooyinka iyo saxaradaha waa in la dhigo meelo
gaara oo aan guryaha iyo dukaanada amam maqaaxiyaha
ama rugaha ganacsi u dhaw.
8. Kuuli ka ururiya waa in loo sameeyaa.
9. Halkaa iyana shaqo ayaa laga heliye, bal ogaada.
10. Kola ad gaadhi awr ama gaadhi dameer ama gaadid
kale aad ku gurtaan, iyana, la guraa gidaafada oo
meelo fog lagu soo ridaa ama lagu gubaa.

Godka Afar iyo tob naadina waxa uu leeyahay:

1. Dadyohow, sidaan u soo sheegnay dad waa jiraa.
2. Dgaxna waa jiraa.
3. Bataax iyio ciidina waa jiraan.
4. Saabaanna waa jiraa.
5. Waxa idinka maqan keliya shaqiyo ficil.
6. Bal dib isugu noqdoo, dadyohow, talo keena iyo shaqo.
7. Haddaad arrinkan abaabushaan, gargaar kalena waydin heli.

Godka Shan iyo tobnaadina waxa uu leeyahay:

1. Jidadka wanaagsani dhaqaalaha ayay gargaaraan.
2. Dariiqyada wanaagsani ganacsigay hagaajiyaan.
3. Dekedaha iyo garoonada diyaaraduhu socdka alaabta
iyo dadka ayay fudaydiyaan.
4. Cid kale innoo qaban mayso, haddaynaan innagu samaysan.
5. dadyohow, arrimiyoo, bal taliyoo, waxqabad ha la ogaado.

Gaadiidka iyo jidadkana intaa maanta aan ku soo gooyo.
Geedigu ma yaree, gobollo kale ayaa imani.
Goolibaadhkana halkaa ayaan ka sii guri.
Gal ballaadhan weeyo idlaan maayo.
Gugumin iyo kol ay noqoto guulaamo;
Gocayga, waynu ka raadgoobi galaxa talooyin kale.
Waa inno gooshoor kaliyo gaaddo kale.

Dr. Suleiman A. Walhad

Email: walhad@taicobu.com

No comments: