Thursday, December 6, 2007

Kulankii Maanta ee Ardayda iyo Maamulka Jaamacadda Burco














Hadhwanaag 2007-12-06 (Hadhwanaagnews) Burco(HWN) Shir balaadhan oo laga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa, ee loo horumarin lahaa Jaamacada Burco ayaa maanta lagu qabtay Hoolka shirarka ee Jaamacada .

Kulankaas oo ay soo agaasimeen Guddida Jaamacada Burco, waxa ka soo qaybgalay Maamulka Jaamacada, Ardayda, iyo marti sharaf kale, .

Guddoomiyaha Jaamacada Burco Prof. Cabdisalaam Yaasiin oo isagu dhawaan la wareegay guddoomiyenimada Jaamacada oo ugu horayn halkaas ka hadlay ayaa waxa uu faah-faahin ka bixiyey xaalada Jaamacada Burco Wakhtigan ku sugan tahay, isaga oo tilmaamay inay Jaamacadu hada meel wanaagsan marayso, balse loo bahanyahay in laga sii horumariyo.

“Waxaynu halkan isugu nimi si aynu hore u talabsano taas-na waa mid lagu gadhi karo horumar oo gacmaha la isqabsado la iskana ilaaliyo tafaraaruqa loona guntado danta Guud” ayuu yidhi Cabdisalaan Yaasiin..

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waxaanu samaynaynaa nidaam isku xidhan, Jaamacaduna waxa ay leedahay qawaanin ay ku socoto, markii hore jaamacadan [Burco University] waxa Aasaasay Odayaal reer Burco ah oo is xil qaamay.”

“Waxa ugu muhiimsan ee loo bahan yahay sidii loo tayeysiin lahaa tacliinta Jaamacada oo ayu gaadhsiino halka ugu wacan, sida aynu ognahay dalkeenuna waxa uu soo maray duurufo adag oo Bur-bura, waxaana lumay nidaamkii wax Barasho, balse annaggu jaamacad ahaan qofku marka uu noola yimaado Shahadada u sito ayaanu imtixaankeeda ka qadnaa” ayuu yidhi Guddoomiyaha Cusub ee Jaamacada Burco Cabdisalaan Yaasiin, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu xusay inay sidaas ugu ogolaadan inuu jaamacada Galo

Cabdisalaan oo sharxaad ka bixinayey kuliyadaha iyo qeybaha kala duwan ee ay Jaamacadu ka kooban tahay ayaa waxa uu sheegay inay Jaamacadu ka kooban tahay 4 Kuliyadood oo qaybta sharcigu tahay ta ay ugu badan yihin Dumarku, arrintaasina waa mid ahmiyad gaara noo leh oo soo jiidanaysa indhaha Caalamka.

Guddoomiye Cabdisalaan Mar uu ka hadlayey Dhalinyarada ka soo Jeeda Gobolka Togdheeer ee waayadan danbe tahriibta waxa uu yidhi “Mushkilada ina haysata waxa weeyaan in ay dhalinyaradu isha la raacayaan dhal-dhalaalka Europe”. isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu ku taliyey in loo baahan yahay in la diyaariyo wixii lagaga gudbi lahaa.

Dr Ciise Nuur Liibaan oo isaguna halka ka hadlay ayaa sheegay inay Aqoontu tahay ta qofka hagta, isla markaana loo baahan yahay in la horumariyo qofka lehina [Aqoonta] u noqda mid gudbin kara haddii kale waxa ay noqonaysaa Roob meel helay waxbana aan soo sarin, waxana uu inta ku daray in meel looga wada jeesto si hore loogu talaabsado.

Waxa uu ku taliyey Dr. Nuur Liiban oo uu yidhi “Dalkana waa in lagu dhiso iskaa wax u qabso sidii Jaamacadan [Burco] lagu bilaabay oo aan laga daalin”.

Axmed Maxamuud Aadan oo ah Guddoomiyaha Ururka Ardayda jaamacada Burco ka waramay heerka ay aqoontoodu gaadhsiinan tahay ardeyda iyo weliba sidii ay dhiacooda dedaal dheeraada u muujin lahaayeen.

Ugu danbayntiina waxay Guddida jaamacadu dadka u soo bandhigeen Su’alo loo bahan yahay in laga soo jawaabo, kuwaas oo ku saabsan duruufaha Jaamacada iyo weliba meelaha u baahan in wax laga qabto, ee khaladaadkeedu muuqda iyo sidii wax looga qaban lahaa, arrintan oo ay dadku soo dhaweeyeen ayaa ah mid loogu talo-galay in wixii ka soo baxa lagu xisaabtamo si loo helo Daraasaad lagu hawlgalo, iyada oo anay ka madhanayn in jaamacada oo xalkeedu wali qabyo yahay in ay wali waxa badani dhiman qof kastana looga baahan yahay in u wado halka hawsha kaga aadantahay ama ay kaga soo hagaagto

C/salaam Maxamuud Ducaale(ilkacase)
Hadhwanaagnews.com/ Burco
Ilkacase1@hotmail.com

No comments: